SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Wararkii: Feb 21, 2007
  • Baaq Nabadeed oo ku wajahan Dagaalka Daroor
  •  Dowladda Federaalka oo amartay in Ciidamada Itoobiya ay ka jawaabaan Madaafiicda..
  • Salaad Cali Jeele “Ciidamada Itoobiya Bulshada Madaafiic kuma ridaan…
  • Xasan Farey “Muxyadiin Darbaweyne wuxuu Xorriyada iga qaadey muddo dhowr saacadood ah …
  • Qoraal ku socda Wakiilka Qaramada Midoobey ee soomaaliya..
  • Guddiga Fulinta ee Xisbiga Ramaas oo ku Baaqay in Masuuliyiinta Siyaasadeed ee Puntland ay is casilaan...
  • Deeq Lacageed La soo Gaarsiiyey Xabiibo Xasan..
  • Muraayo Nuur Cali oo Gaartey Minnesota, Halkaas oo lagu Daaweyn doono..
  • Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo u soo jeedisey Dowladda Federaalka in ay .
  • Banaanbixii ugu balaarnaa oo looga soo horjeeda Ciidamada Itoobiya oo …
  • Khasaarahii Ka Dhashay Madaafiicdii Lays Waydaarsanayey Habeenimadii Talaadadu soo geleysey Oo Soo kordhaya..

Warbixin: Ardeyda Jaamacadda Kismaayo oo soo Gabagabeysay Semestrerka (1) ee wax barashada.. Akhri..
Qaxa Iyo Barakaca Magaalada Muqdisho Oo Maalinba Maalinta Ka Dambaysa Sii Kordhaya

Boqolaal qoys ayaa kusii qul-qulaya gobolada dalka iyo deeganada ku dhow-dhow ee magaalada muqdisho. Waxaad boosteejooyinka baabuurta aada gobolada ku arkaysaa boqolaal qoys oo ka barakacay magaalada muqdisho oo caruurtoodii gacamaha ku wata .

Dadka qaarkood oo u badnaa dad garab rarato ah oo ku noolaa waxay maalinta soo shaqaystaan ayaa hadana u askaysan waayey dhibaatada madaafiicda iyo hoobiyayaasha laysku dhaafsanayo magaalada muqdisho.

Waxaa soo kordhaya walaaca laga qabo deegaan-shaha magaalada muqdisho iyadoo arintan ay sii xoojisay amar kasoo baxay masuuliyiinta sar-sare ee dowlada kmg ah oo oranaya waa in ciidamada ethiopia iyo kuwa dowladaba ka jawaabaan meesha xabadi kaga soo dhacdo arintan ayaa dhalisay walaac ku abuurma shacabka soomaaliyeed ee ku nool casimada muqdisho islamarkaana keenay inay ka barakaan boqolaal qoys oo weli kasii qul-qulaya magaalada muqdisho iyagoo kusii jeeda gobolada dalka iyo deegaanada ku xeeraan caasimada muqdisho .

Dhanka kale Boosteejada Baabuurta aada magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa saaka waxaa buux dhaafiyey dad fara badan oo ka cararaya madaafiicda xilliyada habeenkii ay ciidamada Ethiopia iyo kooxo ka soo horjeeda ay isku weydaarsadaan, kuwaasi oo waxyeelo ba'an soo gaarsiiya dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Dadkan barakacaya oo u badan haween iyo caruur oo u weheliso agabkii ay wax ku cuni lahayeen kuna seexan lahaayeen ayaa waxa ay ku cabanayaan in ay ka dhamaatay dulqaad iyo rajo ay kusii joogaan magaalada muqdisho iyagoo farta wadnaha kaga haya inay naftooda iyo caruurtooda ku wayaan weerarada madaafiicda ah ee ka jira caasimadda xiliyada habeenkii waqtiga hurdada lays dhaafsanayo .

Hooyo xabiibo oo dhashay 8-caruura oo isuma qaddo ah oo aabahoodna ku dhintay dagaaladii hore ee muqdisho ka dhici jiray ayaa ku calaa cashay anigaa awalba bariiskooda u xoojin jiray hadana ma haysto waxaan ku qaxiyo oo kaga saaro magaalada ma garanayo waxaan sameeyo .

Xabiibo oo ah hooyo kamida dadka garab raratada ah ee ku nool magaalada muqdisho oo raadiya nolol maalmeedka ayaa intaas ku dartay inaysan garanayn waxay samayso mana haysto shilin aan wax ugu qabto oo baabuur saaris iska daayee waxaan dirqi ku heli jirnay nolol maalmeedkooda ayay iyadoo murugo ka muuqato ku catoowday.

Si kastaba ha ahaatee magaalada muqdisho ayaa qaxa iyo barakacu isa soo tarayaa xiliba xiliga ay ka dambaysa ,iyadoo xaafadaha qaarkood ee ay saamaynta ku yeesheen madaafiicdii la is dhaafsanayey ay ku joogaan oo keliya dadka aan waxba haysan oo waxay ku guuraan aan awoodin .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

 
MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside
Shan ciidamada Itoobiya oo kufsaday Gabar Soomaaliyeed Akhri...

Baaq Nabadeed oo ku wajahan Dagaalka Daroor

Baaq Nabadeed “Dagaal Wiilba ku dhintee Wiil kuma dhasho”

Hadaanu nahay Aqoonyahanadda iyo Waxgaradka Baaqan ku saxeexan waxaanu baaq Nabadeed u soo jeedinayna beelaha walaalaha ah ee ku diriray Deeganka Daroor
Waxaanu ka codsanynaa labadda beeloodba inay si shuruud la’aan ah u joojiyaan dagaalka.

Waxaanu ku talinaynaa in dadka nool loo taliyo wixii dhintayna ilaahay ha u naxariisto dagaalna wax faa’ido ah lagama gaadho.
 
Waxaanu mar labaad kula dardaarmayna inay Alle ka baqaan iyadoo qof waliba garanaayo Dagaalka Sokeeye dhibaatada uu leeyahay iyo cawaaqibkiisa aakhiro

Waxanu baaqayaga ku soo gabogabaynayna “Dagaal Wiilba ku dhintee Wiil kuma dhasho”

Magacyada Baaqa Saxeexay: Halkan ka eeg. La xiriir: libaan202@hotmail.com


Dowladda Federaalka oo amartay in Ciidamada Itoobiya ay ka jawaabaan Madaafiicda..

Iyadoo marba marka ka dambeysa ay sii kordhayaan khasaaraha isugu jira dhimashada iyo dhaawaca ee soo gaaraya dadka rayidka ah ee ku nool Magaalada Muqdisho ayna u gaysanayaan Madaafiicda ay is weydaarsanayaan Ciidamada Itoobiya oo gacan siinaya Dowladda Federaalka iyo kooxo maleeshiyooyin ah ayaa haddana bulshada ku nool Magaalada Muqdisho waxay si weyn uga walwalsan yihiin dhibaatada ka soo gaareysa madaafiicdaasi.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan agagaarka xaruntii hore ee Gaashaandhiga ayaa mar loo tegay lagana dalbaday in aysan wax madaafiic ah ku ridin bulshada dhexdeeda ayaa Sarkaal ugu sareeyey waxa uu ku jawaabay “waxaan amar ka haysanaa Dowladda Federaalka haddii nalagu soo rido wax rasaas ah in aan ka jawaabno, balse ma dooneyno in aan dhibaato gaarsiino bulshada”.

Dowladda Federaalka ayaa iyadu la sheegay inay ciidamada Itoobiya ku dhiiragelineyso in ay ka jawaabaan haddii rasaas ama madaafiic lagu soo rido, iyadoo dhawaan Wasiirka Arimaha gudaha ee Dowladda Federaalka Max’ed Sheekh Maxamuud (Gacma-Dheere) oo laga dalbaday in ciidamada Itoobiya madaafiicda ka joojiyaan Bulshada ayaa waxa uu ku jawaabay “Ciidamada Itoobiya ma oran karno haka jawaabina rasaas haddii rasaas la idinku soo rido, waayo xaq ayey u leeyihiin haddii la rasaaseeyo in ay jawaabaan”.

Goobaha ay degan yihiin Ciidamada Itoobiya sida Digfeer iyo Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa waxaa ku amray soo degidooda Dowladda Federaalka si kooxaha rasaasta la beegsanaya fariisamaha Ciidamada Itoobiya loogu cadaadiyo in ay rasaasta joojiyaan, hase yeeshee waxaa maalin walba sii kordhaya weerarada iyo qaraxyada lagu hayo Ciidamada Itoobiya iyo kuwo Dowladda Federaalka.

Salaad Cali Jeele oo ah wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga ayaa isna beeniyey in Ciidamada Itoobiya ay madaafiic ku rideen bulshada, isagoo sheegay in ciidamada Itoobiya ay isticmaaleen oo keliya rasaasta fudud, waxaase arrintaasi beeniyey markii goobihii ay ku dhaceen madaafiicdu la ogaaday inay ku jiraan Qoriga BM61 iyo BM83.



Salaad Cali Jeele “Ciidamada Itoobiya Bulshada Madaafiic kuma ridaan…

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga ee Dowladda Federaalka Salaad Cali Jeele oo shalay wax laga weydiiyey sababaha ay Ciidamada Itoobiya jawaab uga dhigaan madaafiic marka la weeraro, ayaa Salaad waxa uu warkaasi ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona laheyn.

“Ciidamada Itoobiya bulshada kuma ridaan madaafiic, waxay mararka qaarkood adeegsadaan Qoryaha yar yar, ee waxa madaafiicda bulshada ku rida waa kooxaha Argagixisada” ayuu yiri Salaad Cali Jeele oo u soo jeediyey Bulshada in ay iska qabtaan kooxaha hubka dhexdooda ka ridaya.

Salaad Cali Jeele waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay gacan ka gaysan doonto sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Muqdisho, isagoo sheegay in la sameeyey ciidanka Gurmadka Deg-Degga ah, kuwaas oo ka hortagi doona kooxaha tuuraya.

Xasan Farey “Muxyadiin Darbaweyne wuxuu Xorriyada iga qaadey muddo dhowr saacadood ah …

Xasan Max’ed Maxamuud (Xasan Farey) oo mar noqday Garoosre Caalami ah ee Kubadda Cagta ee soomaaliya haatanna ka mid ah howlwadeenada Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta ayaa shalay shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, waxa uuna kaga hadlay xadgudub lagula kacay kaddib markii sida uu sheegay Guddoomiyaha Xiirirka Soomaaliyeed ee K/cagta Muxiyadiin Darba-Weyne uu kula dhaqaaqay xadgudubkaasi.

“Darba-Weyne waxa uu igu yiri, waxaad gudbisay qoraalo uu leeyahay Xiriirka Soomaliyeed ee K/cagta, waxaanse u sheegay in arrintaasi aysan waxba ku jirin, balse hadalkii aniga oo sii wata ayuu dharbaaxo igu qaaday oo wajiga igu dhiftay” ayuu yiri Xasan Farey oo intaa raaciyey “wuxuu ilaalada xarunta ku amray in aanan ka bixi Karin xarunta ilaa iyo amar dambe, waxaana la iga qaatay Taleefankeygii gacanta oo cid kasta oo I soo wacda la dhageysanay, waxaana weydiistay in la I siiyo taleefankeyga, balse waa la ii diiday, mudo saacado ah markii aan halkaasi ku xabisnaa ayaa mar dambe la I sii daayey”. Xasan farey ayaa sheegay in uusan dib dambe ugu laaban doonin xaruntaasi tan iyo inta hogaan cusub looga helayo xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta

Qoraal ku socda Wakiilka Qaramada Midoobey ee soomaaliya..

Warsaxafaadeed ka soo baxay ururka Midnimada iyo Xirfadleyda Soomaaliyeed ayaa waxa uu u qornaa sidatan.

Waxaan nahay Ururka keliya ee siyaasadeed ee dalka ka jira oo taageerayaashiisu ka kooban yihiin xirfaleyda kala duwan ee aan hubeysneyn ee ku abtirsada beelaha dhaqan ahaan lagu heyb sooco xirfadooda shaqo iyo dhinaca Guurka oo deegaan ahaan u badan Koonfurta Soomaaliya ee Max’ed Gorgaarte, ma lihin garabyo Siyaasadeed lamana casuumin Shirkii Dib u heshiisiinta ee lagu dhisay Dowladda Federaalka, mana jirto haba yaraatee cid naga wakiil ah oo ka tirsan Baarlamaaanka iyo Xukuumadda, sababta ugu weyn waa takoor soo jireen ah iyo maamul xumo siyasadeed, marar badan ayaa xafiiska UN-ka ee Nayroobi gaarsiiney cabashadeeda iyo waliba wakiilada kala duwan ee beesha Calaamka, ee u xilsaaran arimaha Soomaliya wayna inkireen doorka siyaasadeed, waxayna la datashadaan siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah ee ku abtirsata Beelaha Hubeysan.

Dhanka kale Dastuurka Federaalka waxa uu u hiilinayaa rabitaanka beelaha hubeysan ee danbiyadda kala duwan ka galay danyarta Soomaaliyeed iyo Beesha caalamka waxa uuna beri soo kordhinayaa qaab gumeysi cusub oo lagu caburinayo xaquuqda beelaha aan hubeysneyn, sidaa daraadeed, waxaana soo dhaweyneynaa baaqa caalamka ee ku saabsan in la qabto shirweyne dib heshiisiineed, sidoo kale waxaana ka codsaneynaa Qaramada Midoobey, Dowladaha Caalamka ee deeqda bixiya in aan qarash lagu bixin qaab qaloocan oo aan nabad dhallin karin, waxaana ku saxiixnaa Warsaxaafaddeedkaasi Guddoomiyaha Ururka Midnimada Xirfadleyda Soomaaliyeed ahna Beelaha dulman Ibraahim Geedi Jimcaale (Shookaale)

Guddiga Fulinta ee Xisbiga Ramaas oo ku Baaqay in Masuuliyiinta Siyaasadeed ee Puntland ay is casilaan...

Shir ay isugu yimaadeen guddiga fulinta ee xisbiga ramaas dood dheer iyo falanqayn kaddib waxay ku baaqayaan qodobada hoos ku qoran.

1) in golaha wakiiladu ay bad baadiyaal dalka iyo dadka waayo waxaa faraha ka baxay dhaqaalihii dalka, waxaa lumay amaankii, waxaa lumay siyaasaddii ,waxaa gacata lagu qaatay sharcigii ,waxaana gacanta ku qaatay madaxwaynaha iyo golahiisa xukuumadda iyada oo dalkii uu soo wajahay bur bur.... Warkan oo dhan...

Deeq Lacageed La soo Gaarsiiyey Xabiibo Xasan..

Gabar lagu magacaabo Xabiiba Xasan Axmed oo da'deedu tahay shan jir degan magaalada Muqdisho ayaa xaaladeeda caafimaad aad u liida kadib markii ay isha bidix kaga soo baxday buro aad weyn, tiiyoo saddexdii habeen ee ugu dambeysay ay gabadhaasi dareemeysay xanuun hor leh oo ka soo wajahay isha kale ee midig.Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Holland ayaa soo gaarsiiyay markii ugu horeysay deeq lacageed oo gaareysa 150-Doollar. Sidoo kale Gabar lagu magacaabo Aamina Maxamed oo degan dalka Mareykanka ayaa Xabiibo Xasan soo gaarsiisay deeq lacageed oo gaareysa $50 oo doolar... Akhri warkan oo dhan..


Muraayo Nuur Cali oo Gaartey Minnesota, Halkaas oo lagu Daaweyn doono..

Soomaali tiro badan oo Sita Caleemo qoyan iyo boodhan ay ku xardhan yihiin erayo Xanbaarsan Dareen soo dhaweyn ayaa Isu Habar wacday si ay u soo dhaweeyaan Muraayo Nuur Cali.

Afar Sano kohor ayeey aheed markii Koox Waxma garata ah oo Hubeesan ay afduub teen Muraayo Nuur Cali oo Xiligaa jirtay 6sano Kadib mar kii ay ka soo baxday gurigeeda oo ku yaalay Xaafada Waabari ee magaalada Muqdisho.Iyada oo markaa Qoys keeda u doon tay in ay Sonkor uga Soo gado tukaan ku yaalay Xaafadooda. Akhri Warkan oo dhan...

Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo u soo jeedisey Dowladda Federaalka in ay .

Xarunta Ismaaciil Jimcaale ee xaquuqda aadanaha ayaa walwal iyo walaac ka muujisay xalaadda ammaana daro iyo Qaraxyada madaafiicda joogta ah ee ka dhacay Magaalada Muqdisho kuna dhacay deegaano ay degan yihiin dad rayid ah, waxayna xaruntu ka codsaneysaa kooxaha ka soo horjeeda Dowladda, Ciidamada Dowladda Federaalka ah iyo kuwo Itoobiya in ay si shuruud la’aan ku joojiyaan Madaafiicda ay ku tuurayaan gudaha Magaalada Muqdisho, sidoo kale Dowladda Federaalka waxa uu waajib ka saaran yahay nabadgelyada iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed ee naf iyo maalba leh, waxaana muhiim ah inay Dowladdu la timaado qorshe qaran oo dhinaca amniga ah, waxaana ku saxiixnaa Maryan Xuseen Awreeye oo ah Guddoomiya Xarunta.

Banaanbixii ugu balaarnaa oo looga soo horjeeda Ciidamada Itoobiya oo …

9-ka Bisha Maarso ee fooda nagu soo haysa ayaa Qaaradda Yurub iyo Woqooyiga Ameerika, waxaa ka dhici doona banaanbixii ugu balaarnaa oo looga soo horjeedo Ciidamada Itoobiya ee qabsaday dalka Soomaaliya, waxaana banaanbaxaasi kuwooda ugu waaweyn ka dhici doonaan dalka USA, England, Sweden iyo Switzerland iyo waliba gobo kale, waxaana la filayaa inay ka qayb-galaan kumanaan Soomaali ah, waxaa la magacaabay guddiyo isku dubarida banaanbaxyadaasi, iyadoo wadamada uu ka dhacayo banaanbaxyadaasi ay dhawaan booqashooyin ku soo kala bixin doonaan qaar ka mid ah guddiyadaasi si ay u soo eegaan halka ay mareyso qabanqaabada banaanbaxyadaasi.

Banaanbaxaan ayaa waxaa kaloo ku lamaansan in Bulshada Caalamka laga codso in ay gacan ka gaystaan sidii loo qaban lahaa shir-weyne dib u heshiisiin ah oo ay isugu yimaadeen dhamaan Ummadda Soomaaliyeed si loogu dhiso dowlad sal balaaran, sidoo kale waxaa banaanbaxaani looga soo horjeesan doonaan imaansha Madaxweyne C/llahi Yuusuf Axmed ee Qaaradda Yurub, madaama ay sheegeen in uu yahay ninkii ka dambeeyey soo gelitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Khasaarahii Ka Dhashay Madaafiicdii Lays Waydaarsanayey Habeenimadii Talaadadu soo geleysey Oo Soo kordhaya..

Feb 20, 2007: 42 qof oo rayid ah ayaa la xaqiijiyey inay ku dhaawacmeen dagaalkii madaafiicda ee xalay ay ciidamada Ethiopia iyo kooxaha ka soo horjeeda ay isku weydaarsadeen muqdisho , 3-qof oo kalena waxay ku geeriyoodeen Isbitalka Madiina oo dhaawac ahaan loo geeyey.

Sida uu saxaafada u sheegay Agaasimaha Isbitalka Madiina Sheekh Doon Salaad Cilmi, 24 kii saac ee la soo dhaafay ayaa waxaa isbitalka Madiina la geeyay dad rayid ah oo aad u fara badan oo dhaawacyo ay ka soo gaareen madaafiic xalay fiidkii iyo saq-badhkii xalay la isku weydaarsaday magaalada Muqdisho.

Dadka dhaawac yadu soo gaareen oo u badan dad rayid ah oo weliba dan-yara ah oo aan waxba haysan ayaa qaarkood aad u liitaan xaladooda caafimaad, iyadoo 3 ka mid ah oo dhaawacyo halis ah qabaye ay ku geeriyoodeen Isbitalka, taasoo ka dhigeysa tirada dhimashada dadkii ku nafwaayay madaafiicdii xalay ilaa 15 qof oo rayid ah .

Qoryaha BM-ka ayaa dadka ku dhaawacmay xalay waxa ay u badan yihiin haween iyo caruur oo ciidamada Ethiopianka ay ka soo ridayeen xarunta Madaxtooyada, wasaaradii hore G/dhigga, Isbitalkii Digfeer oo ay jawaab ugu celinayeen kooxaha hooboyeyaasha ku weeraray fariisimada ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowlada kmg ah .

Dhinaca kale dr. sheekh doon Salaad Cilmi Agaasimaha Isbitaalka Madiina ayaa carabaabay in 90 qof oo rayid ah ay yaalaan isbitaalka madiino oo sadex cisho gudahood ku soo dhaawacmay weeraro kala duwan oo ka dhacaya magaalada muqdisho .

Isagoo ku baaqay dr-ku in la joojiyo madaafiicda dadka rayid ah ay ku baaba'aan ee la isku dhaafsanayo magaalada Muqdisho oo dhimashada iyo dhaawaca keenaya.

Dr-sheekh doon ayaa intaas ku daray in dowladda KMG ah iyo ciidamada Ethiopia u ogolaadaan ama ay u fududeeyaan dadka qaba dhaawacyada in ay soo aadi karaan Isbitalka oo aan loo geysan wax xanibaadyo ah.

Xiisadda iyo xaalada dhimasho dhaawac ee habeenkii dhacda magaalada muqdisho ayaa kasoo daraysa iyadoo madaafiicda lagu garaacayo magaalada ay yihiin madaafiic halkii marba waxyeelanaysa ilaa 2 ilaa 3 qoys oo isu dhow -dhow taasoo dhibaatada ugu weyni ay soo gaarayso dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com


Muqdisho Oo Madaafiicda Habeenkii Laysku Mirro Waxyeelo Ba,an Ku Hayaan Dadka Rayidka ah..

Feb 20, 2007: Habeen habeen ka darane habeenkii xalay ahaa ayaa noqday habeen ay guud ahaan dadka ku nool muqdisho ay wada saameeyeen dagaalka madaafiicda laysu adeegsanayo oo diryanka madaafiicda soo toosiyeen kumanaan qoys oo araragax ay ku reebeen islamarkaana dhimasho iyo dhaawacyo gaystay iyadoo ay u dheer yihiin naxdinta iyo arga-gaxa madfaca xiliga hurdada ay dhibaatooyin caafimaad darro ku hayaan caruurta iyo haweenka .

shan (5)qof ayaa ku geeriyooday inta laga war helay 20 kalena waa ku dhaawacmeen madaafiicdii iyo hoobiyayaashii xalay lays waydaarsanayey iyadoo ay soo bixi karaan tiro kale oo dhimasho iyo dhaawac ah .

Sidoo kale Madaafiicda oo aan meel gaara ku koobnayn ayaa saameeyey daafaha magaalada muqdisho iyadoo ay jiraan dhaawacyo iyo dhimasho laga soo sheegayo meelo ay kamid yihiin suuqa Qudaarta ee Bakaaraha iyo waliba Xaafadda Kaasa Balbalaare ee magaalada Muqdisho.

Dagaalkan madaafiicda ayaa keenay ka dib markii kooxo hubeysan oo aan la garaneyn ay weerar ku qaadeen xalay fiidkii xaruntii hore ee wasaaradda G/dhigga iyo Isbitalka Digfeer oo fariisin u ah ciidamada Ethiopia oo iyaguna ku soo jawaabay hoobiyeyaal aan loo meel dayin oo dad rayid ah ku laayay agagaarka Suuqa Bakaaraha.

Ilaa 4 Madfac ayaa ku soo dhacay agagaarka Masjidka Cowska oo ku yaala Suuqa Qudaarta ee Bakaaraha iyo xaafadda Kaasapalpalaare ee degmada Hodon, iyadoo madaafiicdaasina ay ku nafwaayeen 4 ruux halka 19 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka geeriyooday ayaa waxaa ku jira labo haween ah, iyadoo dadka dhaawac uu soo gaarayna ay ku jiraan caruur yar-yar oo qaarkood saakay la geeyay Isbitaalada ka dib markii xalay ay ku adkaatay in la geeyo sababo la xiriira amaanka oo ay jiraan dablay hubaysan oo dhac u gaysanaya dadka rayidka ah iyo wadooyinka qaarkood oo ay gooyeen ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowlada .

Dhinaca kale Qoysas badan ayaa la arkayay oo saaka, ka qaxaya magaalada muqdisho, kuwaasi oo gacmaha ku sitey caruurtooda islamarkaana ka cararaya hoobiyaha iyo madaafiicda laysa beegsado habeenkii xiliyada dambe .

Si kastaba ha ahaatee xaalada caasimada muqdishow ayaa maraysa meel halis ah oo ay dadka rayidka ah ka barakacayaan deegaanada u dhow-dhow iyo weliba gobolada dalka islamrkaana aysan jirin wax waan waan ah oo kasoo kordhaya dhinacyada isku haya magaalada oo marba marka kasii dambaysa kasoo daraya madadaafiicda iyo hoobiyayaasha ay is waydaarsanayaan .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com


MUDAAHARAAD LAGU DHIGAYO CUSBITALKA C/LAAHI YUUSUF LAGU DAWAYNAYO

Jaaliyadda soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Ingiriiska waxaa lagu wargelinayaa in mudaaharaad balaaran lagu dhigayo cusbitalka uu jiifo C/laahi Yuusuf maalinta Arbacada ah ee bishu tahay 21 Febraayo. Mudaaharaadk ayaa bilaabmay 10:00 am tobanka subaxnimo, iyadoo halkaa lagu soo bandhigayo sawiro iyo warbixino looga hadlayo khiyaanadda qaran ee uu C/laahi Yuusuf iyo kooxda uu hogaamiye ee tacbanayaasha Tigreega ay qaranka Soomaaliyeed ka galeen. Hadaba waxaa jaaliyada Soomaaliyeed lagu wargelinayaa in ay soo camiraan goobta mudaaharaadka muujiyaana sida ay uga caraysanyihiin ninkan dalkooda khiyaanada qaran ka galay.

Goobta mudaaharaadka lagu qabanayo waa Cromwell Hospital, Cromwell Road, London, SW5 0TUCromwell Road is served by bus route number 74 and the A1 bus(VictoriaStation to Heathrow).



Wixii faahfaahin ah kala soo xariir M. Nur. 07951171449/07903868451. M. Suldan 07931686749. A Warsame. 07951414019Sidoo kale ayaa maalinta jimcaha waxaa mudaaharaad lagu qabanayaa iridka hore ee xaafiiska Tony Blair, taasoo looga soo horjeedo gumaysiga Tigreega iyo joogitaanka C/laahi Yuusuf ee wadanka Ingiriiska.Friday 23/02/07, Saacadda 2:00pm ilaa 5:00pm , Goobtuna waa10 Downing Street, London, SW1A 2AA.

Qoraalkan kala xiriir: somali@somaliconcern.org


Tartankii Xiddigaha Kubadda Koleyga oo la soo gabgabeeyay

Ciyaar aad u xiiso badnayd oo ay isaga horyimaadeen Kooxaha Kubadda Koleyga ee FERO iyo OLYMPIC FITNESS CENTER ayaa ka dhacday garoonka kubadda koleyga ee Lugino degmada C/casiis ee Magaalada Muqdisho.

Ciyaartaan oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa waxaa daawashadeedii ka qaybgalay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa, Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali (Cadde Gaaboow), Guddoomiyaha xiriirka Kubadda Koleyga Aadan Xaaji Yabaroow (Wiish), Guddoomiyaha Olympic-kada Soomaliyeed ee (GOS) Mudane C/qaadir Ibraahim Gacal (Abkoow), Agaasimaha Hay’adda FERO ee Muqdisho Faadumo Olol iyo xubno ka tirsan Isboortiga Soomaaliyeed. Warka oo dhan...

Khilaaf xooggan oo soo kala dhexgalay xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed

Khilaaf xooggan ayaa soo dhexgalay xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta, waxaana taasi ay sababtay inuu dhex maro is qabqabsi aad u xoog badan Madaxda Xiriirkaas.

Muxyadiin Xasan Cali (Darbo weyne) oo ah Guddoomiyaha Xiriirka Soomaailyeed ee Kubadda Cagta ayaa shaqooyinkoodii ka eryay mas'uuliyiin ka tirsan Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta sida; C/qani Saciid Carab iyo Saciid Maxamed Nuur (Siciid Muganbo).

Darbo-weyne ayaa sheegay in Saciid Mugaambo looga qaaday xilka uu ka hayay Xiriirka uu ku yimid kaddib markii dishibiliin xumo uu la yimid , balse ma caddeyn sababta dhabta ah ee xilka uu ku waayay C/qani Saciid Carab oo ahaa xoghayaha xiriirka Kubadda cagta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta oo dhawaan dalka ku soo laabtay ayaa sheegay in intii uu maqnaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta uusan shaqeyn, wuxuuna dusha ka saaray eedeyntaan mas'uuliyiinta uu ka eryay howlahooda.

Dhinaca kale, khilaafkaan ayaa ku soo beegmay xilli uu xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ay soo gaartay lacago kaga yimid dhanka Xiriirka FIFA, waxaana tani ay dhabaha u xaaraysaa mark kale inuu cusboonaado khilaafyo waaweyn oo sababa in xiriirka uu dhowr qaybood u kala jabo, iyadoo mas'uul walba laga yaabo inuu cad ka tirsan maamulka xiriirkaas dhinac iskula buuso.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Puntland oo ka Tanaasuley is casilaaddiisii.

Feb 20, 2007: Madaxwane Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Maxamud Musse Xirsi,(Cadde) ayaa maanta kulan khaas ah la yeeshay Wasiirka Waxbarashada puntland, Mudane Axmed Siciid Ow Nuur, ka dib markii xafiiska madaxwaynaha ay soo gaartay codsi uu wasiirku doonayo inuu iskagatanaasulo xilka wasiirnimo khliaafaad dhinaca wadashaqaynta ah oo soo kala dhex galey W/waxbarashada iyo tan Maaliyada.

Kadib kulankii khaaska ahaa ayaa madaxwaynuhu sheegay in uusan marna diyaar u ahayn inuu aqbalao codsiga wasiirka oo ahaa katanaasulid xilka wasiirnimo, maadaama uu yahay xubin aad muhiim ugu ah dowladiisa. Madaxwaynhu wuxuu ku tilmaamay, Wasiir shaqadiisa ku fiican, horumarna wasaarada waxbarashada guulo waa weyna kasoo hoyay ayuu yiri madaxweynuhu.

Waa markii ugu horeysey ee ay kulan khaas ah yeeshaan wasiirka waxbarashada iyo madaxweynaha dowlad goboleedka puntland, waxayna isku afgarteen in uu ka noqdo kana tunaasulo iscasilaadiisii wasiirka waxbarashada puntland Axmed Siciiid Ow nuur.

Waxaa uu madaxweynuhu wasiirka u balan qaadey waxyaabihii uu ka cabanayay oo dhan iyo in laga raali galiyo amar diidmo uu kala kulmey wasiirka wasaarada maaliyada ee dowlad goboleedka puntland Mr Gaagaab oo ahaa dhinaca mushaar loo balan qaadey 200 oo macalin oo ay bixin lahayd wasaarada maaliyada dowlad goboleedka puntland.

Yusuf Maxamed Ismail (Gaduudow)
E-mail yusufgaduudow@hotmail.com

Rajo u soo Noqotey Puntland

Feb 20, 207: Soomaalida degan Gobalka Minnesota ayaa waxa ay aad uga naxeen is casilidii uu is casiley Wasiirka Waxbarashada ee Puntland, kadib markii ay ku arkeen qoraal shabakadaha interneetka. Is casilidaas oo runtii dhaawac weyn u keeni lahayed Puntland xaga waxbarashada.

Wasiirka waxabarashada ayaa waxa lagu tilmaamaa wasiirka kaliya ee ugu firfircoon wasiirada Puntland siyaabo badan awgeed:



1. Wasiirka waxbarashada waa wasiirka kaliya ee booqdey goobaha waxbarashada ee gobalada Puntland oo dhan.

2. Wasiirka waxbarashada waa wasiirka kaliya ee la taaban karo waxa uu u qabtey waxbarashada Puntland.

3. Wasiirka waxbarashada waa wasiirka kaliya ee isku dayey in uu mideeyo dhamaan waxbarashda Puntland oo dhan, hadey noqon lahayed mida iskuulada ama jaamacadaha.

4. Wasiirka waxbarashada waa wasiirka kaliya ee si toos ah ugu xidhan qurba joogta Puntland kuna dhiira geliya in ay wax ka qabtaan dhinaca waxbarashada.

5. Wasiirka waxbarashada waa wasiirka kaliya ee ku shaqeeyo schedule xiliga shaqada ee aan macno daro ku dhumin waqtiga.

6. Wasiirka waxbarashada waa wasiirka kaliya ee aad xafiiskiisa ku tegi kartid appointment lana kulmi kartid waqtiga kuugu qoran balanta.

7. Wasiirka waxbarashda waxa uu ka mid yahay wasiirada aan laheyn balwad.

8. Wasiirka waxbarashada waxa uu ka mid yahay wasiirada ugu afka gaaban wasiirada Puintland.

Haddaanu nahay qurba joogta dibada waxa aanu ku faraxney qoraalkii dambe ee aanu ku aragney shabakadaha internetka ee ahaa in uu wasiirku ku soo noqdey shaqadiisii. Waxa aanu kula talineynaa dadka degan Puntland in ay la shaqeeyaan wasiirka, qurba joogtana ay sii kordhiyaan xiriirka wasiirka iyo wasaarada.

Qore, Abdimalik Askar
aabdimalik@hotmail.com

GaagaabQormadii Musuqmaasuq La Dirir:
Qormada toddobaadkan waxay ku saabsan tahay wasiirka wasaaradda maaliyadda Puntland...
Akhri...


Gen. Cadde Muuse oo Ammanay Hay'adaha Samafalka...

Madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse, ayaa Isniin Feb 19, 2007 magaalada Garoowe kulan kula yeeshay hay'adaha samafalka ee fadhigoodu yahay magaaladaas, waxana uu sheegay in hay'adaha samafalka ee jooga Garoowe inay hawl wanaagsan qabteen. Isagoo arrintaas ka hadlaya Gen. Cadde Muuse waxa uu yiri: "Qolooyinkii United Nation-ka IYAGOO DHAN waa noo yimaadeen kulligood wax fiican bay noo qabteen iyagana si aad iyo aad ah ayaan ugu mahad naqayaa iyo waxyaalahay qabteen." Dhegeyso Hadalkii Gen. Cadde.

Mar sii horeysey ayey ahayd markii Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee DGPL, Maxamed C. Y. Gaagaab uu dhaliil u jeediyey hay'adaha Samafalka ee jooga Soomaaliya. Xilligaas oo uu Wasiirku la hadlayey dad Soomaaliyeed oo jooga magaalada Minneapolis ee dalka maraykanka waxa hadaladdiisii ka mid ahaa "Ha'adaha dalka Soomaaliya jooga waxay isu haystaan in ay yihiin madaxweynihii dalka." Dhegeyso Hadalkii Gaagaab...


Xabiibo: waa Gabar yar oo Isha uga soo baxday Buro oo u baahan Gargaar deg deg ah..
Xabiibo Xasan Max’ed Xaydar oo ah gabar shan jir ah kuna dhalatay Deegaanka Buur-Hakaba ee Gobalka Baay, aabbaheedna caafimaad ahaan u keenay Magaalada Muqdisho ayaa Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in gabadhan aan waxba looga qaban Karin Soomaaliya oo ay u baahan tahay qaliin dibadeed. Akhri....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH