SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Danwadaag State " Riyada Jibril Ali Salad"
Guure Alaw

Bahda Somalitalk.com waad salaaman tihiin idinka iyo akhistayaashiinu

 
Jibriil Ali Salad yaanu idin majara habaabin. Wareysigii halakan ka dhegeyso
 
Waxan halka ku soo bandhigayaa qorma aan doonayo inaan ku falanqeeyo Jibriil Ali Salad iyo riyadiisa 2007.
 
Jibriil Ali Salad wuxuu ku leeyahay ummada dhaxdeeda saariikh madaw. Waxaa arintaa u daliil ah isaga ka mid noqday ragii u daaqsin cararay maamulka Hargaysa. Ragii galbeed u cararay waxay meel kaga dhaceen sharaftii ummada iyagoo ka horaysiiyay baahi maalmoodkooda wixii dadka ka dhaxeeyey.
 
Raga Jibriil ka mid yahay waxay iibsadeen sharaftoodii iyo tii reerkoodaba.  Damiir xumo halkay ka gaadheen wax kasta oo inan gumeednimo ah way qaateen.  Waxa daliil kuu ah markii nin ka mid ah ragaas gabadh uu Abti u yahay oo lagu magacaabo Samsam ninkii garanayaa,garanayee lagu kufsaday Xabsiga Hargaysa wuu dafiray inuu gabadha Abti u yahay.  Hadaba Jibril Ali Salaad oo ku sugnaa Hargaysa markii arinta gabadhu dhacaysay wuxuu kala mid ahaa Abtigeedii dafiray. Ragaasi waxay ku joogeen Hargaysa dulinimo,damiir xumo,bahdalaad,iyo sharaf dhac.
 
Intaasi waxay ahayd arar aan ku qeexayo raga daaqsin cararay iyo masiirka aya ku sugnaayeen Hargaysa iyo Galbeed.  Hadaba waxaan hoos ugu dhaadhacayaa dulucda qormadan oo xambaarsan digniin iyo feejignaan aan u soo jeedinayo Beesha Warsangeli ee sharafta mudan.
 
Jibril Ali Salad iyo kooxdiis waagii ayaa ku beryey oo shaqadii laga lahaa ayaa laga dhamaystay.  Nimankani waxay is lahaayeen tuubada dhiiga ah ee aad jaqaysaan sidaa ayay idiinku soconaysaa.  Nasiib daro waa laga jaray tuubadii Jibril sababtoo ah wejigiisii ayaa ku batay nimankaas oo way ogaadeen inaanu waxba ku soo kordhinayn himiladooda sidaa daraadeed xagee waddankaagaa kaa xigaa ayaa lagu yidhi.
 
Jibriil arintaasi waxay ku noqotay dhurwaagii Hargaysa dhexseexday ee barqadii soo ka kacay markuu dhinacyada eegayna arkay dadka ku hareeraysan ka dibna orod isku dayey ilayn wuu dayaysnaaye iska laliyey Biriigkii Hargaysa ee ay ku soo baxday "ilaahay balantii barqaan kacay".
 
Waxa kale oo arintiisu ku soo arooraysaa tix kale oo ay tucucyadeedu ka mi ahaayeen "anaa dilayoo dalkii ka kacshay xagee Daroodka doonaa?. Hadaba waxaan odhan lahaa Jibril siyaasadu waa sida shaxdoo kale hadii aanad godad wanaagsan degin saxda waa lagaa badiyaa.  Adiguna waad ilduuftay waxaa kuu ekayd hadii lagu eryay inaad tolkaa iska soo dhex gashid oo sheekada siyaasada aad shaqo gab ka noqotid oo aad masaajidka ku ekaatid.
 
Somalidu waxay ku maahmaadaa "Buur ahaw ama buur ku tiir ku tiirsanaw".  Somaliya markii dawladii dalka ka jirtay dhacday reer waliba meeshii geeloodu ka cabi jirey ayuu u hayaamay oo dani baday.  Waxaa lumay is aaminkii oo ruux waliba is yidhi waxaad ku badbaadaysaa halkii reerkiinu degi jirey.  ummadihii gobol walba ka qaxay waxay salka dhigeen halkii haybtoodu degi jirtey. 
 
Ummadahaasi waxay u kala qaybsameen kuwo khasaaray iyo kuwo horumar gaadhay.  Lama xaqiro horumarka dadka gaadhaan, waa jiraan reero mid noqday reeraha aan ku khasaarin burburkii marka loo barbar dhigo reeraha kale ee Soomaliyeed. Harti waxa dhex yaala nabad caam ah oo aad degaanka kasta nabad ku tegi kartid kagana soo noqon kartid.  Ummadaha kale ee degaanka Harti safarka ku imanaya iyo kuwa deganiba si sharaf leh ayay ku nool yihiin.
 
Somalidu dhibaatada ay ku kala qoqobantay waa qabyaalada taas ayaynu ku waynay dawladeenii.  Taas ayaa keentay gobolaysiga iyo is aamin la'aanta.  Arintaa dawadeedu way dheertay waxase loo baahan yahay in la helo sidii loo kala badbaadi lahaa.  arintan ayaa keentay in reer waliba ku ekaado xuduudkiisii qabaliga ahaa.  Markay taasi dhacday reer waliba waxay ku tashadeen war sidee inaguna u kala badbaadnaa dadka kalena inooka badbaadaa.
 
Beesha uu ka soo jeedo intii jiritaankiisa doonaysay ma aha kuwa Hargaysa u daaqsin cararay.  Waxay ahaayeen kuwii ka qayb galay Shirkii Garoowe ee lagu Aasaasay Dawlad goboleedka Puntland.  Hadii arintaa Warsangeli ku khasaaray taariikhda ayaa qori doonta.  Aniguse waxaan u arkaa inay mareen waddadii ugu wanaagsanayd ee la mari lahaa wakhtigan lagu jiro.
 
Hadii Beeshu doonayso inay wax qabsato iyagoo ka mid ah Puntland State cidina kama horjoogto.  Waxay noqon karaan Madaxweynaha Puntland haday la yimaadaan kartideedii oo kasbadaan codka walaalahooda Puntland.  Ganacsiga meel walba way ka gaadhi karaan.  Waxbarashada iskuulo. kuliyado, jaamacado ayay furan karaan.  arimahani waa kuwo ku xidhan karti iyo xirfad lala yimaado.  "inkii dadaalaa Aw Cabaas waa gaadhi karaa".
 
Tusaale hadaan idiinku soo qaado mashruuca qaaliga ah ee Dekada Laasqoray wuxuu ka mid yahay mashaariicda qiimaha ku fadhya ee loo baahan yahay in waddankeena laga fuliyo.  Waxaan aad ugu farxay markaan arkay xoola dhaqatada oo bilawday siday gacan uga gaysan lahaayeen dhisitaanka Dekada Laasqoray.
 
Digniinta ugu dambaysaa waxay tahay "Mar i dage Alle hadago. Mar labaad i dagase Alle hay dago". Jibril ma garanayno weli inuu daahir ka yahay wuxuu sanadaha badan walaaqanayey.  waxa laga yaabaa inuu burburiyo nabada iyo xasiloonaanta maanta wadankeenii ka jirta.  Shaadh tolnimo ayuu doonayaa inuu xidho kaas oo uu beri hore sii jarjarayey ilaa uu Hargaysa feedhaqaawanaan ku tegey kagana soo noqday hada.  
 
Qalwadii masbaa galay. Jibril Ali Salad candhuufadaada dib u laq filimkan cidina kaa geli mayso.
 
Qalinkii:
 
Guure Alaw

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 22, 2007


USA: Duqa Magaalada Macon ee Gobolka Georgia oo Islaamka soo galay...
Duqa magaalada MACON, ee gobolka Georgia ee dalka Maraykanka ayaa soo Islaamay, waxana uu dadaal ugu jiraa sidii uu magaciisa si sharci ah ugu bedeli lahaa Hakim Mansour Ellis.

Hakim Mansour oo da'diisu tahay 61-jir, oo ku dhashay magaalada Macon waxa lagu soo koriyey diinta Kirishtaanka, waxana uu sheegay in uu yahay Sunni Muslim, waxana intaas ku daray in uu diinta Islaamka soo galay bishii December 2006 mar uu booqday dalka Senegal ee qaarada Afrika, halkaasna xaflad loogu dhigay.
Warkan oo dhan ka akhri halkan...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH