SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
Khariidada Hoose inta midabka casaanka waa dhulka Oromada

Ma ogtahay in dhulka Qowmiyadda Oromada ay baaxadiisu yahay 353,632 km2 , dhulkaas oo hadda ka tirsan Ethiopia balse ay qowmiyadda Oromiya u halgamayaan in ay ka xoroobaan Ethiopia, tirada Oromada ee ku dhaqan khariida Inta ka calamadsan waxaa sannadkii 2002 lagu qiyasay 24 million oo qof, Laakiin guud ahan Oromada ku dhaqan Ethiopia waxaa lagu qiyaasaa 26.6 Million.
Akhri: http://www.oromoliberationfront.org/

Wararkii: Jan 10, 2007

Wararkii ugu dambeeyay xalaadda Agagaarka KM4 ee Magaalada Muqdisho oo kacsan 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

Waxaa aad u kacsan xalaadda agagaarka KM4 ee Magaalada Muqdisho, waxaana halkaas ka jira dhaqdhaqaayo ciidan oo ay wadaan ciidammada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa caawinaya ee Ethiopia.  

Ciidammada ayaa waxay baaritaanno ku sameynayaan deegaannada ku dhow dhow KM4 iyo Zoppe halkaasoo xalay uu ka dhacay weerar gaadmo ah oo la isku dayay in lagu waxyeelleeyo ciidammada Ethiopia iyo kuwa Dowladda, waxaana sidoo kale baaritaanno ay ku sameynayaan gaadiidka halkaas maraya.

Goobaha ganacsiga oo dhan ayaa xiran, sidoo kale waxaa yar dhaqdhaqaaqa dadweynaha lugeynaya, iyadoo ay xaafadaha deegaanka mararka qaarkood rasaas ka ridayaan ciidammada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyagu baaritaanka wada.  

Arrintaan ayaa waxay keentay in dadka deegaannadaas ay guryahooda ku jiraan, oo aysan dibadda u soo bixin, waxaana ay dadku baqdin weyn ka qabaan inay dhibaato ka dhacdo halkaas, isla markaana ay saameyso iyaga. 

Dhanka kale, ma jirto cid kale oo rasaas ridaysa marka laga reebo Ciidammada dowladda oo baqdin ku gelinayo kooxo ay dhici karto inay soo weeraraan goobaha ay ku sugan yihiin ee ay ammaanka ka sugayaan.

Ma jiraan wax tafaasiil ah oo ay dowladdu ka soo saartay dhaqdhaaqaan ka socda KM4 iyo Zoppe, waxaase dowladdu ay ku gaabsatay in tani ay tahay baaritaanno ay ciidammada dowladda iyo kuwa welinaya ay ku sameynayaan goobo la tuhunsan yahay inay ku sugan yihiin kooxaha habeenkii weerarrada halkaas ka geysta.

Warar dheeraad ah oo ku saabsan weerarkii xalay lagu qaaday ciidammada dowladda iyo kuwa Ethiopia.

Weerar xalay lagu qaaday saldhig ay ciidammada Dowladda iyo kuwa Ethipoian-ka ku leeyihiin Magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka KM4 ayaa geystay dhimasho iyo dhaawac kala duwan.

Weerarkaan oo ahaa mid gaadmo ah oo ay fuliyeen kooxo aan la garanayn ayaa waxay la beegsadeen qoriga Baasuukaha xaruntii hore ee Wakaaladdii hargaha iyo saamaha ee Magaalada Muqdisho iyadoo uusan waxyeello geysan baasuukahaas.

Rasaas xoog badan oo ay fureen ciidammada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ayaa waxaa la sheegay inay sababtay geerida mid ka mid ah kuwii fuliyay weerarka, kaasoo dadka deegaankaas ay sheegeen inuu yaallay waddada weyn ee isku xirta KM4 iyo Zoppe.

Ciidammada ayaa waxay billaabeen saakay inay baaritaanno ku sameeyaan deegaannada ku dhow saldhigga ay daggan yihiin oo ah Wakaaladdii hore ee Hargaha iyo Saamaha, waxaana goobahaas oo dhan saakay ay ahaayeen kuwo uusan shaqeynayn ganacsigooda, dadkana ay guryahooda galaan.

Baaritaankaas ayaa la sheegay inuu salka ku hayo kooxo ay ku sheegeen ciidammada dowladda inay yihiin kuwo weerarro u geysta habeen walba saldhiggooda, waxaana lagu wadaa in baaritaankaan ay soo gabagabeeyaan dhawaan.

Dowladda Federaalka ayaa waxay sheegtay inay ku dhaqaaqayso inay sugto ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana lagu wadaa inay dhawaan ka billowdo gudaha Magaalada Muqdisho si loo sugo amaanka Muqdisho oo ay ku sugan yihiin Madaxda Dowladda ugu sarreysa.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

Walaac soo foodsaaray dadka Muqdisho ka dib Weerarkii labaad saddex habeen gudahood xalay lagu qaaday fariisinka ciidamada Itoobiya ee KM 4 iyo Rasaas weli dhaceysa.

yaasiin maxamed cali (faytin)

Kooxo maleeshiyooyin hubeysan ah ayaa xalay weerar gaadmo ah ku qaaday fariisinka ciidamada Itoobiya ee isgoyska KM 4, gaar ahaana wasaaradii hore ee Harkaha iyo Saamaha oo ay degan yihiin iyadoo lagu weeraray madaafiicda cul culus, gaar ahaana Rasaasta ka dhacda qoreyga 37-ka ama BTM-ka.

Weerarkan ayaa waxaa ku geeriyooday 1 ruux, halka khasaaraha dhimashada ee ciidamada Itoobiyaankana aan la helin, iyadoo sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo dad rayid ah oo farabadan kuwaasoo ay ka mid yihiin ciidamo dowladda ah oo Soomaali ah, iyadoo ninkii ku geeriyooday Rasaastii ciidamadu is dhaafsadeena illaa saaka meydkiisu yiilay wadada laamiga ah dhexdiisa, taasoo ay dadku awoodi waayeen inay ka qaadaan, maadaama ay xalay illaa saaka rasaasta la maqlayo.

Xaaladda isgoyska KM 4 illaa KM 5 ayaa saaka si aad ah u kacsan, mana jiraan wax gaadiidkii BL-ka ah oo isaga kala gooshaya wadada, waxaana daqiiqad kasta la maqlayaa Rasaas ay ridayaan ciidamada Itoobiya oo iyagu aad uga baqaya in mar kale weeraro lala beegsado, iyadoo sidoo kalena ay jiraan dad rayid ah oo guryahooda dib ugu noqon waayay tan iyo xalay markii dagaaladu dhaceen oo ay ka soo carareen.

Waa markii labaad 3 habeen gudahood oo ay kooxo aan heyntooda la garaneyn weerar ku qaadaan fariisinka Itoobiyaanka, taasoo ay ka dhalaneyso dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah, waxayna arrintani ku soo beegmeysaa xilli maalintii shalay uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf sheegay inay talaabo ka qaadi doonaan maleeshiyaadka weerarada gaadmada ah geysnaya.


Ciidammada Dowladda iyo kuwa Ethiopia oo beegsaday goobo ka tirsan gobolka Gedo oo ay ku sugan yihin xubno ka tirsan Maxkamadaha

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

Ciidammo xooggan oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa la sheegay inay ka gudbeen Degmada Baardheere iyagoo ku sii jeeda qaybo ka tirsan Gobolka Gedo oo la sheegay inay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Maxkamadaha Midoobay.

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo gaar ahaan Degmada Baardheere ayaa waxay sheegayaan in ciidammadaan oo xalay gudbay ay ku sii jeedaan xuduudda ay wada wadaagaan Soomaaliya, Kenya & Ethiopia oo la sheegay inay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Maxkamadaha oo dhankaas u soo baxsaday.

Xubnahaan oo la sheegay inay yihiin kuwo sarsare oo ka tirsanaa Maxkamadaha ayaa waxay halkaas ku haystaan ciidammo aad u xoog badan oo ka soo raacay Gobollada Jubbooyinka markii ay u baxsanayeen dhanka Gobolka Gedo.

Ciidammadaan ayaa la sheegay inay wajahi doonaan xunahaas ka haray Maxkamadaha ee ku sugan Gobolka Gedo, iyadoo lagu wado inay dagaallo xoog badan ku dhex maraan goobaha ay ku sugan yihiin oo la sheegay inay ka mid tahay deegaanka Buurdhuubo.

Saraakiishii Maxkamadaha ayaa markii ay isaga baxayeen Gobolka Jubbooyinka waxay u kala firxadeen gobollada dalka qaarkood iyadoo kooxdaan u baxsatay dhanka Gobolka Gedo lagu sheegay inay ka mid yihiin Xasan Daahir Aweys iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, balse warkaan ma ahan mid si dhab ah loo xaqiijin karo jiritaankiisa.

Wafdi ka socda Jaamacadda Caraba oo maanta ku soo fool leh Magaalada Muqdisho

Waxaa lagu wadaa inay maanta soo gaaraan Magaalada Muqdisho wafdi ka socda jaamacadda carabta oo uu horkacayo ergayga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Samiir Xusni.

Wafdigaan ayaa lagu wadaa inay kulammo la qaataan marka ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho xubnaha dowladda federaalka ugu sarreeya, iyagoo kala hadli doona sidii mar kale loo furi lahaa wadahadalladii nabadda ee u dhexeeyay Dowladda iyo Maxkamadaha ee ay garwadeenka ka ahayd Jaamacadda Carabta.

Sidoo kale xubahaan ayaa lagu wadaa inay u kuuragalaan xaaladda isbadal ee ka dhacday magaalada Muqdisho, kaddib markii ay Dolwadda la wareegtay gacan ku haynta Magaalada Muqdisho oo ah caasimadda Soomaaliya.

Wafdigaan ayaa wuxuu socdaalkooda waanwaan raadinta ah ku soo beegmayaa xilli Madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay inaysan jirin wax wadahadallo ah oo la qaadanayaan Madaxdii Maxkamadaha isagoo sheegay Madaxweynuhu in madaxdii ay kala direen ururkoodii sidaa daraadeedna aysan wax wadahadallo ah la qaadanayn.

Markii ugu horreysay ayay noqonaysaa oo wafdi ka socda jaamacadda carabta uu yimaado Magaalada Muqdisho kaddib markii ay dowladdu la wareegtay gacan ku haynta Magalaada Caasimadda ah ee Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ayaa waxay dhowr jeer oo hore ku eedeysay inay maxkamadaha la socdaan oo aysan dhexdhexaad ka ahayn arrimaha Soomaaliya, waxaana eedeynta Dowladdu ay gaartay xafiiska Jaamacadda Carabta ee Qaahira.

Qarammada Midoobay oo ka walaacsan xaaladda bani'aadamnimo ee ka taagan koonfurta Somalia oo uu Mareykanku duqeeyay

Afhayeen u hadlay Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay oo isagu lagu wado inuu la wareego bishaan xafiiska Qarammada Midoobay Ban Ki Moon ayaa sheegay in xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay uu aad uga walaacsan yahay duqeynta Mareykanka uu ka wado goobo ku yaalla koonfurta Soomaaliya.

Ban Ki Moon ayaa sheegay in uu aad uga walaacsan yahay xaaladaha bani'aadamnimo ee ka dhalan kara weerarrada ay diyaaradaha diyaaradaha Mareykanka ka wadaan goobaha ku yaalla koonfurta Soomaaliya oo la sheegay inay ku sugan yihiin kooxo argagaxiso ah.

Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki Moon ayaa sheegay in qarammada midoobay ay waddo qorshe lagu geynayo Soomaaliya ciidammo nabad ilaalin ah oo ka shaqeeya nabadda Soomaaliya, waxaana uu sheegay in dhawaan la geynayo Soomaaliya ciidammo ka socda Afrika oo ay ku xigi doonaan kuwo caalami ah.

Sidoo kale Ban Ki Moon ayaa afhayeenkiisu sheegay in dhawaan ay qorsheynayaan in Qarammada Midoobay ay u dirto goobaha ay diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka duqeeyeen ergo ka socda Qarammada Midoobay si loo hubiyo xaaladda bani'aadamnimo ee ka jirta goobaha ay duqeeyeen Diyaaradaha Mareykanka.

Ma jirto wax ku saabsan kaalmooyin Bani'aadamnimo oo ay geeynayaan goobahaas oo uu sheegay Afhayeenka Ban Ki Moon oo saxaafadda kula hadlayay Magaalada New York ee dalka Mareyakanka oo ay ku taallo Xarunta guud ee Qarammada Midoobay.


Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)


Kulan Albaabadu U xirnaayeen oo ay Maanta wada yeesheen C/qaasim salaad xasan iyo c/laahi yuusuf....

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com

kulankan ay wada qaateen labadan masuul ee madaxweyne c/laahi yuusuf iyo cabdi qaasim oo madaxweyne ka ahaa dowladii lagu soo dhisay carta oo ahaa mid aan la shaacin ayaa u muuqday mid talo bixin ah ,islamarkaana ahaa mid alabaabadu u xirnaayeen ayaa warar laga helayo ilo wareedyo xog ogaal ah sheegayaan inay kawada hadleen sidii magaalada muqdisho oo amaankeedu dhowaanahanba kasii darayey sidii dib loogu soo celin lahaa .

wada tashigan ay yeesheen labadan masuul ayaa sida la sheegay waxaa ay kulanku ka dhacay xarunta madaxtooyada ee villa soomaali oo hada fariisin u ah c/laahi yuusuf ,islamarkaana ma jiraan warar dheeraad ah oo faahfaahin ka bixinaya waxa ay isku afgarteen labadan masuul iyadoo sida ay dad ku sugnaa goobta kulanku ka dhacayey ay noo xaqiijiyeen in uu c/qaasim salaad xasan uu isagu xarunta villa somali ugu yimid madaxweyne yuusuf oo loo malaynayo inuu khadka isgaarsiinta telefonka ugu yeeray c/lahi yuusuf .

sidoo kale kulankan ayaa kusoo beegmaya xili ay magaalada muqdisho ka dheceen qararxyo isadaba jooga oo looga soo horjeedo ciidamada itoobiyaanka ah ee ku sugan gudaha wadanka iyo magaalada muqdishoba .


UN, Midowga Yurub, iyo Jabuuti oo dhamantood ka soo hojeestay Duqeynta Mareykanku uu ka bilaabay Soomaliya Xiligan .

Duqeynta Ay ka wadaan Diyaara Mareykan waaweyn ee Wax Bamgareeya koofurta Soomaliy ee xadk Kenya dhinaca Bada Ayaa si’aad caalamku ugu horyimaadeen ayakoo fasiraado kala duwna ka Muujiyey xili ay ciidamo Ethiopia iyo Luwo Kale dagaalo kula jiraan Wixii ka Haray Maxakamadihii Islaamka.

Afhayeenka xoghaya Guud ee qaramada midoobay aya waxaa uu si rasmiya u shaaciyey in ysan habooneyn in xiligan weerar cirkaa lagu qaado Soonaaliya oo ay ka jiraan Dhibaatooyin dhinaca Bami’aadanimadaa ayna habiintahay in xal loo helo ee aan dhibta lgu soo kordhin.

Bruseles Ayaa kulan ay ku qaateen ururka Midowga yurub waxaa uu sheegay in Arinha Soomaiya looga Baahanyahay in la Xasiyo, isla markaana aan hal dhinaca kaligi wax kasta Xoog ku xalin balse Siyaasada dib u heshiisiinta Soomaliya loo soo maro UN-ka.

Dhnaka kale wasiirka arimaha gudaha jabuuti ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin duqeynta loo geysatay Soomaaliya isla markaa aysan Mareykanku ka soo duulin diyaaradahoodu Dalkiisa Heshiiskoodii hore ee ay wada galena ku jirin duulaan looga qaado Dalalka Derskaa sida Soomaaliya, hadii ay cadaatana ay Dowlad Ahaan kaga hadlayaan.

Dad gaaraya 7000 oo ka cararay dagaalada koofurta Soomaliya oo ku xayirna maalinii 10aad xaduuda Soomaaliya iyo Kenay.

Xaduuda u dhaxeysa Kenya iyo Somaliya Wararka ka imaanaya ayaa waxaa ay sheegayaan in xanimaad ku timid dad ka caray dagaalada ee 10 maalmood waxa ka badan ay korkooda ku dhexmarayeen ciidamada Ethiopia iyo Maxaakimta.

Dad 7000 gaaraya ayaa waxaa ay wararkii ugu danbeeyey ee ka imaanaya Dhoobley sheegayaan in ay ku xayiranyihiin Xaduudaha kuwaas oo quus ka istaagay sidii ay uga gudbilahaayeen dhanka Soomaliya uguna gudbilahaayeen xerooyinka Kenya ee qaxootiga.

Arintan ayaa waxaa ka danbeeyey Dowlada Kenya oo xiratay xaduudkeeda ka dib markii ay sidaas ka codsatay Dowald FKS in ay xiraan xaduudooda si aysan u baxsan maxaakimtu .

Dhibaatada hada heysata dadkan aya waxaa u sii wehliya Duqeynta ay hada bilaabeen Diyaaradaha mareykanka iyo kuwa Ethiopia oo hoosta ay kala shaqeynayaan taangiyada Ciidamada ee iskugu jira Soomali iyo Ethiopian.

Falkan ayaa waxaa uu ka soo horjeedaa Shaciga caalamigaa ee qaxootinmida iyo Dagalada Dadka ay saameeyeen ee rayidkaa kaas oo mamnuuc ka ah in lagu celiyo xaduudaha Dalalka Caalamka oo dhan.

Daahir Riyaale oo ugu hambalyeeyay Meles Zenawi maquunintii golihii maxkamadaha islaamka iyo gelitaankii Soomaaliya

Madaxweynaha maamulka gooni u goosed doonka ee la baxay Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo haatan ku sugan magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa ugu hambalyeeyey ra’iisal wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi dagaalkii ay la galeen golihii maxkamadaha islaamka Soomaaliyeed ee ay awoodooda ku wiiqeen ciidamada Itooyaanka iyo farogelintii Milateri ee ay Itoobiya ku gashay Soomaaliya xilli ay qasneyd, wuxuuna si gaar ah ugu hambalyeeyey sidii ay uga itaal roonaadeen maxkamadihii khal khalka geliyay jiritaanka Somaliland.

Daahir Riyaale oo kulan saacado qaatay la yeeshay ra’iisal wasaare Meles ayaa la tilmaamay inuu kala hadlay arrimo ku aadan xiriirka ganacsiga ee kala dhaxeeya Itoobiya maamlkiisa iyo weliba dhinaca sugida amniga, wuxuuna madaxweynaha balan qaaday inuu dhinaciisa kala dagaalami doono waxa loogu yeero argagixisada, isagoo ka codsaday in dowladda Itoobiya ay sii laban laabto howlaha nabada lagu sugayo oo ay ka wado Soomaaliya.

Safarka madaxweyne Riyaale ayaa ku beegmay xilli madaxweynaha dalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed uu isaguna maalmo yar ka hor ka soo tegay dalkaasi Itoobiya halkaasoo uu kula soo kulmay ra’iisal wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi kaasoo ay kaga wada hadleen arrimo badan oo ku aadan arrimaha Soomaaliya iyo Itoobiya gaar ahaana waxa ay ugu yeeraan argagixiso la dirirka.

Duqeyno cusub oo ay ciidamada Mareykanku ka geysteen degaano looga shakisan yahay inay ku jiraan..

Sida ay xaqiijinayaan dad ku sugan magaalooyinka Kismaayo iyo dhinaca magaalooyinka xiga xuduuda Kenya, duqeyntii labaad ayaa waxay shalay illaa xalay ka wadeen diyaaradaha Helicoptarka ah ee Mareykanku leeyahay degaanada Buurgaabo oo ah Jaziirad ku dhow xadka Kenya, iyadoo saraakiil Mareykan ah oo warbaahinta ka hadlayna ay sheegeen inay duqeymahan cusub ku dileen nin lagu magacaabo Cabdalla Faazul oo ay si weyn u doon doonayeen isla markaana ahaa maskaxdii ka dambeysay kooxihii qarxiyay safaaradihii Mareykanka ee Tanzaniya iyo Kenya, sida ay hadalka u dhigeen saraakiishaasi.

Sidoo kale, dad ku sugan magaalada la duqeeyey ayaa sheegaya in duqeyntan cusub ay ku geeriyoodeen dad rayid ah oo u badan xoolo dhaqato kuwaasoo magaalada banaankeeda xoolo ku ilaashanayay xilliga duqeyntu dhaceysay, iyagoo sidoo kalena dadku ay tilmaameen in diyaaradaha wax duqeeyey ay ka mid yihiin kuwa ay leeyihiin Itoobiyaanka.

Horey ayay diyaaradaha Mareykanku duqeyn xoogan uga geysteen degaanada Banka jiiro, Raaskamooni iyo Badda madow oo dhamaantood ka tirsan J/hoose dhinaca xuduuda Kenya, iyadoo duqeymahaasi horeyna ku dhinteen illaa 31 ruux oo dad rayid ah, waxayna saraakiisha Mareykanku ku andacoonayaan inay halkaasi ku dhuumaaleysanayaan kooxihii qarxiyay safaaradihii Mareykanka ee la Bambeeyey sanadii 1998-dii iyagoo Maraakiibta diyaaradaha xambaartana geeyey xeebaha Kenya iyo Soomaaliya.

Duqeymahan ayaa waxaa cambaareeyey golaha ammaanka ee Q/midoobay, ururka midowga Yuru iyo weliba dowladda Talyaaniga iyagoo ugu baaqay dowladda Mareykanku inay joojiyo leynta dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed kuwaasoo aan iyagoo waxba galabsan la leynayo.

Dowaldda federaalka oo wareegto ay soo saartay ku sheegtay in maleeshiyooyinka hubeysan ay xaroodaan

Wareegto xalay ka soo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha dowladda federaalka Prof. Cali Max’ed Geeddi ayaa loogu baaqay dhamaamba maleeshiyaadka hubeysan meel kasta oo ay joogaan inay hubka dhigaan isla markaana ay ku xaroodaan xero kasta oo ciidan una dhow.

Wareegtadan ayaa lagu sheegay in dhaqaalaha ay maleeshiyaadkaasi ku tegayaan xeryaha ay bixin doonto xukuumadda dowladda balse la marsiin doono baaritaan caafimaad sidoo kalena la hubinayo inuu aaminsanyahay mabaadii’da dowladda KMG Soomaaliya iyo minimada ummadda Soomaaliyeed.

Afhayeenka dowladda federaalka C/raxmaan Nuur Max’ed Diinaari ayaa sheegay in xeryaha ay ku xeroon doonaan maleeshiyaadka ku sugan gobolada Banaadir, Sh/hoose iyo Sh/dhexe ay kala yihiin Hiilweyne iyo Laanta-buuro, sidoo kale gobolada J/hoose iyo J/dhexe ay ku xeroon doonaan xeryaha ku yaala magaalada Kismaayo, gobolada Bay, Bakool iyo Gedo, waxay ku xeroon doonaan magaalada Baydhabo gaar ahaana xeryaha Daynuunay iyo Manaas, gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, waxay ku xeroon doonaan magaalada B/weyne, Puntland tirada ciidamada loo qoondeeyey waxay ku xeroonayaan magaalada Gaalkacyo, kadibna waxaa loo soo qaadi doonaa xerooyinka dowladda kuwooda Koonfurta iyo gobolada dhexe.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com


Wareegto xalay ka soo baxday Xafiiska Ra'iisul wasaaraha DFKMG Soomaaliya

Wareegto xalay ka soo baxday xafiiska Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa waxaa lagu amray dhallinyarada hubeysan inay iyaga iyo hubkooda tagaan goobo gaar ah oo ay dowladdu u cayintay.

Wareegtadaan oo lagu koobay dhammaan Gobollada dalka Soomaaliya ayaa lagu amray in dhallinyarada hubeysan ee ku sugan Gobollada Banaadir, Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe ay tagaan Saldhigyada Hiilweyne iyo Garoonka diyaaradaha ee Ballidoogle, halkaasoo tababarro lagu siinayo.

Sidoo kale dadka ku dhaqan Gobollada Hiiraan iyo Galguduud ay geeyaan hubkooda xero milateri oo ku taalla gobolka Hiiraan, waxaana sidoo kale lagu amray in Gobollada Puntland la geeyo kooxaha hubeysan ee ku sugan Saldhigga Degmada Gaalkacyo.

Sidoo kale Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa iyagana lagu amray inay geeyaana hubkooda saldhig ku yaalla Gobolka Jubbada Hoose si halkaas loogu siiyo tababar ciidan.

Wareegtada ayaa lagu xusay in dhallinyarada goobahaas taga la siinayo tababaro ciidan isla markaana lagu biirinayo ciidammada dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana wareegtadaan lagu sheegay inay maanta billaabanayso, inkastoo aanay ku xusnayn xilli ay dhammaanayso.

Dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Magaalada Muqdisho ayaa aad u soo dhaweeyay wareegtadaan ka soo baxday xafiiska Ra'iisul wasaaraha, waxayna tani baajinaysaa in badan in hubka dadka xoog looga qaado.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)


Qaraxyo isdaba jooga oo gilgiley Xaafada km4 Iyo israsaasayn ka dhacday Halkaasi.

Sadex Qarax oo waaweyn ayaa Gilgiley deegaanka Km4 qaraxyadan ayaa lala beegsaday meel fadhiisin u ahayd ciidamada itoobiyaanka iyo kuwa dfkmg ah ,qaraxyadan ayaa waxaa gaystay kooxo hubaysan oo aan cidna ka amar qaadan .

Sidoo kale israsaasayn ayaa ku dhex martay kooxaha qaraxyada gaystay iyo ciidamada itoobiyaanka ee ku sugan saldhigyada lala beegsaday qararxyada ,lama oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxyadan isdaba jooga ah .

Goob joogayaal ku sugnaa goobta uu qaraxyadu ka dhaceen ayaa xaqiijiyey inay qaraxyada gaysteen koox hubaysan oo kadibna rasaas ooda kaga qaaday xarunta saldhiga u ahayd ciidamada itoobiyaanka ee kuwa dfkmg ah .

Maaha markii ugu horaysay ee sidan oo kale ciidamada itoobiyaanka ah ee ku sugan magaalada muqdisho lala beegsado qarax kan oo kale ah ,qaraxyada lala beegsaday ciidamada itoobiya ayaa ilaa iyo hada lagu sheegay ilaa iyo 4 qarax .

Qaraxan ayaa kusoo beegmaya xili uu Magaalada muqdisho ku sugan yahay madaxweynaha dfkmg ah c/laahi yuusuf iyo weliba masuuliytiinta kale ee dowlada .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com 
 


 Jan 9, 2006

Ciidammada Kenya oo xiray xuduudaha ay la leeyihiin Soomaaliya oo dhan

Ciidammada Kenya ayaa waxay xireen xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya dhanka Buulo-xaawo waxayna ciidammada Kenya ay sheegeen inay ka baqo qabaan inay u soo gudbaan dhanka Kenya xubno ka tirsanaa Maxkamadaha oo ku dhuumaaleysanaya Gobolka Gedo.

Sarkaal u hadlay ciidammada Booliiska Kenya ayaa sheegay in amarka ay ku xireen xududda uu ka yimid dowladda Kenya iyo Dowladda Federaalka, waxaana uu sheegay inaysan u ogolaanayn shacabkii u gudbi jiray dhanka Kenya oo isugu jiray arday, shaqaale iyo ganacsato.

Ardaydii wax ka baranayay dhanka Kenya iyo sidoo kale shaqaalihii ka shaqeyn jiray dhanka dalka Kenya ayaa dhammaantood saakay dhoobnaa xuduudda u dhexeysa Kenya iyo Somalia, waxaana xuduuddaan xiriddeeda ay ku soo beegmaysaa iyadoo shalay ay duqeyn xoog badan u geysteen diyaaradaha dagaalka ee Dowladaha Mareykanka iyo Ethiopia.

Dowladda Kenya ayaa xiliyadii ugu dambeeyay wadday ololayaan ay ku hor istaagayso dadka u gudbaya dhanka dalka Kenya, waxayna sheegtay in dalkeeda aysan u ogolaanayn inay u soo gudbaan xitaa qoxooti ka soo cararaya dagaallada ka socda gudaha Soomaaliya.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

CIIDAMMADA ILAALADA KA AH MADAXTOOYADA MUQDISHO OO XIRXIRAY WADAADO TABLIIQ AH

Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho oo uu haatan ku sugan Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa xabsiga u taxaabay rag Pakistani-yiin iyo Soomaali isugu jira oo la sheegay inay faafinayeen diinta Islaamka.

Raggaan oo 6 ka mid ah ay ahaayeen Pakistani-yiin, iyadoo sidoo kalena lala xiray 3-ruux oo Soomaali ah oo la socday, waxaana soo qaqabtay Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya iyadoo lagu xiray xarunta Madaxtooyada.

Dadkaan la xirxiray ayaa waxay ahaayeen kuwo fidinayay Diinta Islaamka kuna yimid dalka qaabka tabliiqa ah, waxaase la sheegay inay Ilaalada Madaxtooyada uga shakiyeen inay yihiin xubno ka tirsanaan jiray Maxkamadihii Midoobay ee laga eryay Magaalada Muqdisho.

Ilaalada ayaa markii ay raggaan soo qabteen waxay aad u garaaceen haweeney waydiisay sababta raggaan loo qabqabtay, waxaana haweeneyda oo aad u qaylinaysay ay hortaagnayd xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo shir jaraa'id uu ku qabanayo Madaxweynaha Soomaaliya xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia.

Xarigga loo geystay raggaan fidinayay Diinta Islaamka ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo lagu xiro xarunta Madaxtooyada, waxaana haatan lagu hayaan gudaha Madaxtooyada, iyadoo aan la sheegin illaa iyo hadda sababta dhabta ah ee loo haysto.

Wararka qaarkood ayaa waxay sheegayaan in raggaan intii aan la qaban ay soo gaartay Ilaalada Madaxtooyada fariimo ku saabsan in rag Pakistan u dhashay iyo kuwo Soomaali ah oo isla la socday ay ku sugan yihiin goob ku dhow Madaxtooyada, iyadoo uu sheegay mid ka mid ah ilaalada madaxtooyada oo aan magaciisa sheegin in raggaas ay ahaayeen kuwo falal argagaxiso ah ka sameyn rabay goobta ku dhow Madaxtooyada.

Goobjoogayaal ku sugan goobta raggaas lagu qabtay ayaa waxay sheegeen inay raggaas ugu yeerayeen dadka Diinta Islaamka isla markaana ay ku wacyigelinayeen in dhalliyaradu ay isugu yimaadaan Masjidka AL-HIDDAYA oo saldhigga culummada loo yaqaan Tabliiqa si looga hadli diinta Islaamka iyo sidii dadka loogu baraarujin lahaa inay diinta Islaamka ku dhaganaadaan.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)


Madaxweyne C/llaahi Yuusuf: "Ma jirto sabab aan xilligaan ula yeelanno wadahadallo Madaxdii Maxkamadaha maadamaa ay sheegeen inay ururkoodii kala direen..." SHIR JARAA'ID 

Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta shir jaraa'id ku qabtay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia, waxaana uu kaga hadlay shirkiisaas jaraa'id qodobbo dhowr ah. 

Madaxweyne Yuusuf oo ka hadlayay cafis loo fidiyay Madaxdii Maxkamadaha ee laga awoodda roonaaday ayuu sheegay in aanay jirin wax cafis ah oo loo fidiyay wuxuuna yiri: "Ma jirto wax cafis ah oo loo fidiyay madaxdii Maxkamadaha, waayo waa dambiilayaal aan mudnayn in cafis loo fidiyo, waxaanse cafis u fidinnay malleeshiyooyinkii la siray ee u dagaallamayay Maxkamadaha haddii ay hubka dhigaan". 

Sidoo kale C/llaahi Yuusuf  Axmed wuxuu sheegay in aanay jirin wax wadahadallo ah oo ay la yeelanayaan Maxkamadaha maadamaa ay iyagu sheegeen inay kala direen ururkoodii, oo ay kala firxadeen iyagiina. 

"Ma jirto sabab aan xilligaan ula yeelanno wadahadallo Madaxdii Maxkamadaha maadamaa ay sheegeen inay ururkoodii kala direen, mana jiraan goob ay hadda ku sugan yihiin, iyo mucaarad dowladda ka soo horjeeda oo ay la hadlaan" ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo shirkiisa jaraa'id ee uu ku qabtay Madaxtooyada ay ka fadhiyeen dhinacyada Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Geeddi iyo Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle. 

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya oo ayaa ka hadlay Qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in kuwa qaraxyada sameynaya loo dulqaadanayo in yar, balse haddii ay sii wadaan qaraxyada ay dowladdu tahay mid shacabkeeda ka mas'uul ah isla markaana ay la dagalaamayso kooxahaas. 

"Kooxaha qaraxyada sameynaya waa kuwo ka soo horjeeda nabadda iyo kala dambeynta, balse dowladdu waxay ku wargelinaysaa inay la dagaalamayso, aysanna carqaladaha sii wadi doonin" ayuu yiri C/llaahi Yuusuf. 

Mar uu ka hadlay hoggaamiyeyaashii dagaalka Muqdisho oo dhawaan dib ugu soo laabtay Muqdisho ayuu sheegay inaysan dowladdu ka aqbalayn inay dib ugu celiyaan shacabka Muqdisho dhibaatooyinkii ay ku hayn jireen iyo kala qoqobnaantii, waxaana uu sheegay inay jiraan qorshayaal ay dowladdu u dajisay hoggaamiyeyaashii dagaalka. 

"Dowladdu waxay u sameysay qorshey aan u ogolaanayn hoggaamiyeyaashii dagaalka inay dib ugu celiyaan shacabka Soomaaliyeed dhibaatooyin iyo kala qoqobnaan, isla markaana awooddoodii la xadiday, waxaana jira in dowladdu ay qorsheynayso inay la shaqeeyaan dowaldda oo ay xasilinta dalka ka shaqeeyaan" ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo sheegay inay dowladdu doonayso inay nabadda ku soo dabbaasho Muqdisho. 

"Anigu Saxaafadda ayaan ka maqlay in diyaarado dagaal oo uu Mareykanku leeyahay duqeeyeen goobo ay ku jiraan haraadigii Maxkamadaha, waxaana uu xaq u leeyahay Mareykanku inuu duqeeyo goob kasta oo ka tirsan Somalia oo uu ku tuhmayo inay ku sugan yihiin kooxo dambi ka galay" ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo intaas ku daray: "Mareykanka waxay xaq u leeyihiin inay duqeeyaan goob kasta oo ay ku jiraan kuwii duqeeyay safaaradahooda Kenya iyo Tanzania, waana xaq inay sidaa sameeyo Mareykanka".  

Wuxuu sheegay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo shalay uun soo gaaray Magaalada Muqdisho inuu u yimid Magaalada Muqdisho sidii uu uga qaybqaadan lahaa dhismaha maamul uu yeesho gobolka banaadir iyo howlaha nabad ku soo dabbaalidda magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, mase sheegin inuu dib u laabanayo iyo in kale. 

"Waxaan u imid Muqdisho inaan ku caawiyo Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi howsha maamul u sameynta gobolka Banaadir, iyadoo lagala tashanayo dadka gobolka u dhashay" ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo intaas ku daray: "Maamulka gobolka Banaadir waxaa loo dhisi doonaa sida ugu dhaqsiyaha badan, sidoo kalena waxay dowladdu ku dadaalaysaa inay nabad ku soo dabbaasho caasimadda ".  

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

Madaxweyne C/laahi yuusuf oo shir jaraa,id ku qabtay xaruntii Hore ee Madaxtooyada Muqdisho...

Madaxweynaha soomaaliya c/laahi yuusuf Axmed ayaa maanta shir jaraa,id ku Qabtay xaruntii Madaxtooyada ee magaalada muqdisho ayaa ka hadalay amaanka magaalada muqdisho sidii loo gaari lahaa xasilooni islamarkaana ka codsaday shacabka ,siyaasiyiinta aqoonyahanka iyo dhamaan qaybaha bulshada ee kala duwan inay kala qayb qaataan sidii loo xasilin lahaa wadanka gaar ahaan magaalada muqdisho .



''Waxaa dhibaato ah hadii aysan jirin maamulkii Gobolka oo uusan weliba shaqaynayn ,oo maxakmadihii Gobolku aysan shaqaynayn ,markaa Hadee xasiloonidii gobolku way yaraanaysaa marka si loo helo intaas oo dhan mudo yar ayaanu kusoo dhisaynaa maamulkii ,ciidamadii iyo maamul min degmo ilaa gobolda oodhan dadweynahana waxaanu ka codsanaynaa inay gacan nagu siiyaan ,waayo iyaga ayaanu anagu wax u dhisaynaa oo howsha ugu jirnaa sidii loo heli lahaa xasilooni ayna usoo noqon lahayd nabadii iyo kala dambayntii ''

Madaxweyne yuusuf ayaa intaas raaciyey '' dadweynaha soomaaliyeed waxay soo mareen dagaalo sokeeye iyo dhibaatooyin kala duwan hadaba si looga bogsado waxaas oo dhan oo Qaranimadii usoo noqoto waxaa loo baahan yahay inay gacan nagu siiyaan oo weliba dadka reer banaadir ay gacan buuxda nagu siiyaan dowlada ,sidoo kale waxaa kaloo kacodsanayaa shacabka dee hadii ay dadku hubaysan yihiin oo qoys weliba uu hub haysto waxay ila tahay inay nabadi ka dheer tahay marka waxaa haboon in hubka gacanta loosoo geliyo dowlada shacabku waa inuu u hogaan samaa dowlada awaamiirteeda ,anagana waxaa nalooga baahan yahay inaan shacabka naftiisa, maalkiisa ,iyo sharaftiisa ilaalino ,hadaba dadweynaha waxaan ku celcelinayaa oo ka codsanayaa kuwa soomaaliyeed iyo weliba kuwa magaaladan deganba ka codsanayaa inay dowlada iyo dadweynuhu u wada shaqayn lahaayeen oo loo heli lahaa amaan buuxa oo kama dambays ah ''

Sidoo kale madaxweyne c/laahi yuusuf ayaa sheegay inay dowladaani tahay dowlad kmg ah islamarkaana ay u harsan tahay wax ka yar 3sano islamarkaana looga baahan yahay in inta yar ee u hadhay lagu xasiliyo dalka iyo dadka laysuna cafiyo ''waxay ila tahay dowladani waa dowlad kmg islamrkaana loo baahan yahay in lagu wada dadaalo oo nabada iyo xasilinta dalka iyo dadka marka hadee taasina ay kusii xigto in lay cafiyo oo weliba waxaa jira dad ka shidada iyo dhibka ka shaqeeya anigu cidna magacaabi maayee looga baahan yahay dadkaas way is og yihiine inay shidada iska daayaan oo ay isa saxaan hadii ay shidada ay sii wadaana dadweynuhuna raali ka noqon maayaan waayo dadku waxay rabaan nabad iyo kala dambayntii inay soo noqdaan ''.

Madaxwenaha ayaa sidoo kale xusay in dhalin yaradii milayshiyaadka ahayd ay xerayn doonaan oo ay ciidan qaran ka dhigi doonaan oo aysan marnaba ka suurtoobi karin inay cidla ku tuuraan islamarkaana cadeeyey in loo baahan yahay in la tababari doono oo laga dhigi doono ciidan qaran iyo waxii kaloo la awoodo .

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa saxaafadu waydiisay dhowr su,aalood oo ay ugu horaysay sidee laga yeeli doonaan hogaamiye kooxeedyadan kusoo qulqulaya magaalada muqdisho waxuuna kaga jawaabay su,aashan ''waan lasoconaa inay hogaamiye kooxedyadu joogaan muqdisho oo maamulkoodii cajiibka ahaa ay doonayaan inay dib usoo celiyaan marnaba dowladu yeeli mayso wax hogaamiye kooxeed la yiraahdo ,waxii ahaan jirayna waxaanu u sheegaynaa inay dowlada ku daba faylaan ama kamid noqdaan ''.

Sidoo kale su,aasha labaad ee saxaafadu waydiisay ayaa waxay ahayd ,Mudane madaxweyne waxaa jirta in diyaaradaha dagaalka ee maraykanku ay duqeeyeen meelo kamaida gudaha dalka soomaaliya oo kamida jubada hoose sidee u aragtaan arintaas ,waxuuna kaga jawaabay ''waxay noola muuqataa inay gar u leeyihiin oo ay raadinayaan raga ay iyagu ay u yaqaanaan argagixisada islamarkaana qarxiyey tansania ,kenya meelo kamida oo Hotel baradais iyo meelo kale marka nimankaa safaaradahoodii burburisay oo iyaga la dagaalamay oo weliba ilaa newyork dhibaatada ku waday waxay ila tahay inay xaq u leeyihiin inay iska difaacaan''.

Waxaa kale oo madaxweyne yuusuf la waydiiyey Maxaad ka qabtaan ka qabtaan wada hadal aad yeelataan masuulyiintii maxaakiimta mase jiraa wax cafis oo aad u fidinaysaan hadaad tihiin dowalada waxuuna kaga jawaabay ''waxay ila tahay ila tahay wax cafis ah oo jira ama meel lagu cafiyey ma ogin waayo nimaankaasi iyagaa dadka dhibay islamrkaana niman iyagu dhibka wada dee iyagaanba cidna cafisba ka rabin ,tan kale wax wada hadal ah oo aan la yeelanayno ma jiro waxaanu wada hadalka la yeelanaynaa dadweynaha soomaaliyeed ''.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
002521-5580916

Qarax xoog badan oo xalay Muqdisho ka dhacay

Waxaa xalay magaalada Muqdisho gil gilay qarax xoogan oo ka dhacay agagaarka Suuqii hore ee Ceel-Gaab, mana aha qaraxii ugu horeeyay ee Muqdisho ka dhaca tan iyo markii dalka laga saaray maamulkii maxkamadaha.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa Baasuuke la ridey, iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan inuu ahaa bam, waxaase soo baxaya dad ay dowlada federaalka qaraxaasi u qab-qabatay goor dambe oo caawa ah.

dhinaca kale lama sheegin wax dhimasho ama dhaawac ah oo uu geystay qaraxahan, iyaga oo qaraxanina uu noqonaya kii sedexaad oo ka dhaca magaalada Muqdisho, intii maxaakiimta ay magaalada ka baxeen.

Qaraxan ayaa ku soo beegmaya iyada oo magaalada Muqdisho uu xalay ku hoyday Madaxweynaha dowladda federaalka KMG-ka Soomaaliyeed xaruntii hore ee madaxtooyada Soomaliya Villa Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliaya ayaa looga fadhiyaa inay nabad ku soo dabaasho guud ahaan dalka gaar ahaan magaalda Muqdisho oo maalmahan ay ka soo if baxeen arrimo nabadgelyo xumo

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

Diyaarad AC-130 ee Maraykanka oo Duqeysey Koonfurta Soomaaliya

Jan 9, 2007: Sida ay werisey shabakada Telefishnaaka CBS, diyaarad kuwa dagaalka ee ah nooca AC-130 ee Maraykanka ayaa duqeeysay goobo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya, halkaas oo sida warku sheegay maadaama diyaaradani tahay nooca halmar tuura rasaasta aadka u farabadan in goobtii lagu arkayey meyd farabadan duqaynta kaddib. Waxa warku intaas ku daray in diyaaradda Maraykanka oo ka soo kacday Jabuuti ay yool ka dhiganaysey "xubno lagu tuhmey in ay ka tirsan yihiin Al-Qaeda", waa sida warku u dhigay'e.  Khasaarada ugu weyn waxaa lagu soo waramay in ay gartey tuulada Hayo oo u dhexeysa Afmadow iyo  Dhoobley halkaas oo la sheegay in dad badani ku dhinteen.

Waxaana warku intaas ku daray in aagga Raas Kambooni ay ciidanka, taangiyada iyo diyaaradaha Ethiopia ay ka qayb qaateen weerarkii labada-maalmood, sida uu AP u sheegay sarkaal militari, halkaasna uu ka dhacay dagaal xoog weyn oo labada dhinacba ay dad badani kaga dhinteen. Waxaa warku intaas ku daray in dadka deggan Kismaayo ay arkayeen askar badan oo dhaawac ah oo Itoobiyaan ah oo lagu daabulayo diyaarado. "Waxaan arkay 50 Itoobiyaan ah oo dhaawac ah oo la saarayo hal diyaarad Helikobtar Militari oo Itoobiyaan ah", ayey tiri Farxiya Yuusuf, waa sida warku u dhigay'e, waxayna intaas ku dartay in garoonka diyaaradaha Kismaayo lagu diyaariyey 12 diyaaradood oo helikobtaro ah (si loogu daabulo dhaawaca Itoobiya). [Isha warka: Eeg halkan.....].

Dhanka kale Bereket Simon oo hadalaya Ethiopia ayaa shalay waxa uu sheegay in ay Ethiopia gacanta ku dhigtay dhammaan dhulka Soomaaliya oo ay hadda hubka ka dhigis ku samaynayaan Soomaaliya. Hadalkaas oo aad uga duwan hadaladii hore ay u sheegtay DFKMG ee ahayd in ay caawino ka helayaan Ethiopia , laakiin hadda ay Ethiopia sheeganeyso in ay ayadu gacanta ku dhigtay Soomaaliya sida uu u sheegay Radiye Sawa. Horraantii toddobaadkan ayey ahayd markii xildhibaan ka tirsan DFKMG uu sheegay in dawladdu aysan hadli karin oo ay la hayste u tahay ciidanka Ethiopia - Ilaa hadda ma jiro war kasoo baxay DFKMG oo ka hadlaya erayada ka soo yeeray Bereket Simon.

Dhanka kale habeenimadii Isniintu soo geleysey ayey ahayd markii dabley hubaysan ay weerar ku qaadey gaari militari oo sidey ugu yaraan 70 askari oo Itoobiyaan ah, waxaana wararku sheegeen in la arkayey ugu yaraan 7 askari oo meyd ah oo ka tirsanaa ciidankaas lagu soo weeraray aagga Km4 ee magaalada Muqdisho, dableydii weerarka geystayna ay meeshii ka carareen. [Warbixin dheeraad ah halkan ka akhri.]

 


RaabehYABOOH (APPEAL) KU WAAJAHAN UMMADDA SOOMAALIYEED 
Anigoo ah Xaafid-ed-Diin Cumar Axmad Malow, loo yaqaanno Cumar Cusmaan Raabe.
Anigoo wax badan uga digay ummadda Soomaaliyeed mu'aamaradaha cadowga Xabashida inta  (Dowladaha) had iyo jeer hiil iyo hoo la garabjooga. Waxaan ugu yaboohaya Shacbiga Soomaaliyeed meel u joogaba iyo Qaranka Soomaaliyeed gebi   ahantii:... Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 10, 2007


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...


Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka  Soomaaliya
Jariidada Washingtonpost oo qoraal dheer ka qortay aragtida reer Addis Ababa ee dagaalka Soomaaliya & Itoobiya... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH