SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007.. Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...


Wararkii: Jan 11, 2007

Dowlado fara badan oo Cambaareeyey Duqeynta..

Iyadoo Taleefishinada Caalamka lagu soo bandhigay carruur, Haween iyo Xoolo uu Mareykanku ku duqeeyey tuulooyin ku yaala Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Gobalka Jubbadda Hoose, ayaa waxaan arrintaani aad uga carooday wadamo iyo Hay’ado u dooda xaquuqda aadanaha oo Mareykanka ku tilmaamay in uu baneystay ama uu ku tuntay xaquuqdii Bulshada, waxayna qaarkood dalbadeen in Mareykanku uu joojiyo duqeynta uu ku hayo tuulooyinkaasi.

Dowladaha Jaamacadda Carabta ayaa waxa ay Duqeyntaasi ku tilmaameen mid arxan daro ah oo la doonayo in lagu dhameystiro wixii ka haray bulshada, waxayna ka dalbadeen Mareykanka in sida dhaqsiyaha badan loo joojiyo duqeyntaasi iyo weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah, sidoo kale Midowga Yurub ayaa duqeyntaasi ku tilmaamay mid ka baxsan Xaquuqda Aadanaha, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan Soomaaliya uga baxaan quwadaha shisheeye oo ay ugu horeyso Dowladda Itoobiya. Dowladda Talyaaniga ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn uga carooday duqeynta ay Ciidamada Mareykanku ka wadaan Soomaaliya, iyagoo sheegay in ay keeni karto qalalaase ku baaha wadamada Geeska Afrika, sidoo kale Dowladda Norway ayaa iyana walwal ka muujisay duqeynta iyo barakaca lagu hayo bulshada Soomaaliyeed oo ay ku jireen mudo 16 sano ah, waxayna Mareykanka ka dalbadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan uu ku joojiyo duqeyntaasi. Xoghayaha cusub ee Qaramada Midoobey ayaa isna Duqeyntaani ku tilmaamay mid uga sii dareysa xaaladda murugsan ee Soomaaliya, wuxuun ku baaqay in wada hadal loo furo kooxaha isku haya Soomaaliya.

Meles Zenawi oo sheegay in maalmaha soo socda ciidamadooda.

Ra’isul Wasaaraha Dalka Itoobiya Meles Zenawi ayaa waxa u sheegay in Ciidamadeedu ay maalmaha soo socda kala bixi doonto gudaha dalka Soomaaliya, kaddib markii hawlihii ay u tageen Soomaaliya sida uu sheegay ay soo afjarmeen.

Meles Zenawi waxa uu sheegay in haatan loo baahan yahay ciidamo nabad ilaalina oo bedela kuwa Itoobiya, wuxuu kaloo sheegay in Itoobiya ay tixgelineyso go’aankii Qaramada Midoobey ee ahaa in Soomaaliya aan loo dirin ciidamo ka socda wadamada Safka hore, waxa uuna Meles Zenawi soo dhaweeyay ciidamada ay ku yabooheen wadamad Nayjeeriya, Koonfur Afrika, iyo Yugaandha. Hadalka ka soo yeeray Meles Zenawi ayaa u muuqda in ciidamadiisu sii galayaan khataro fara badan kaddib markii maalamiii la soo dhaafay ciidamada Itoobiya ee ku sugan dalka ay weeraro kaga yimaadeen kooxo dabley ah oo aad uga careysan joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee garabka siinaya kuwa Dowladda Federaalka kuna sugan Muqdisho.

Qaraxyo iyo iska hor imaadyo weli ka jira Magaalada Muqdisho..

Maalintii shalay ahayd ayaa gaari ay saarnaayeen ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwo Soomaali ah lagu weeraray agagaarka Isbitaalka carafaad kaddib markii ay jidka u galeen kooxo maleeshiyo ah.

Qaraxa lala damacsanaa gawaaridaasi, ayaa lala seegay, waxaase halkaasi ka dhacay rasaas ay is weydaarsadeen labada dhinac oo ay ku dhaawacmeen dhowr qofood.

Ciidamada Itoobiya ayaa haatan u muuqda kuwo ku sii xaroonaya xeryooyin ku yaala Duleedka Muqdisho, iyadoo habeenadii la soo dhaafay qaraxyo lala beegsaday goobo ay deggan yihiin ciidamada Dowladda Federaalka iyo Itoobiyaanka ah, gaar ahaan agagaarka Isgooska Lambar Afar, iyadoo shalay isgooskaasi u xirnaa, gaawirada mareysana lagu hayey baaritaan.

Kooxaha dableyda ah ayaan la garaneyn cid ay ka amarqaataan, hase yeeshee waxay u muuqdaan kuwo si aad ah uga soo horjeeda joogitaanka Ciidamda Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya, waxayna Dowladda Federaalka shalay ku baaqday in maleeshiyooyinka iyo hubkoodaba ay tagaan xerooyin ku yaala duleedka Magaalada Muqdisho..

Shacabka Suudaan oo aad uga carooday hadalkii ka soo yeeray..

Shacabka ku nool dalka Suudaan ayaa aad uga xumaaday madaxweynaha ku xigeenka koowaad ee dalkaasi Salpha Kiir kaddib markii uu taageeray duqeynta ay ciidamda Mareykanku ka wadaan koonfurta Soomaaliya oo uu ku tilmaamay in tahay duqeyn loo baahnaa, madaxweynuhu ku xigeenku waxaa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay in dagaalka ay ka qayb-qaataan ciidamda xagga lugta ah si halkaasi looga saaro wax uu ugu yeeray kooxo argagixiso ah.

Shacabka Suudaan ayaa hadalkaan ka soo yeeray madaxweyne ku xigeenka Suudaan ku tilmaamay mid ka tarjumaya cadaawadda ay Kirishitanku u hayaan Islaamka, iyagoo sheegay in tani keeni karto caro ku baahda wadamada Muslimka ah.

Shacabka ayaa hadalkaan waxa uu ku noqday la yaab, waxayna qaarkood ku tilmaameen in hadalkaani uu yahay fakir gaar ah u ah madaxwene ku xigeenka oo aan ka tarjumeyn dhamaan dalka Suudaan oo shacabkiisu aad uga soo horjeedaan dhibaatada lagu hayo Shacabka Soomaaliyeed.

Beelaha Banaadiriga iyo Jareerweyne oo ka dalbadey Cabdulaahi Yuusuf..

Kulan ay isugu yimaadeen waxgaradka, Odoyaasha dhaqanka, Culima’udiinka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada iyoi Dhallinyarada qowmiyadaha Banaadiriga iyo Jareerweyne ayaa waxaa shirkaasi looga hadlay arimo fara badan oo ku saabsan hawlaha siyaasadeed ee ku soo kordhay dalka iyo maamul u sameynta gobalka Banaadir.

Labada dhinac waxay soo saareen qodobo ay ka mid yihiin in ay taageersan yihiin maamul u sameynta Gobalka Banaadir, in la siiyo xubnaha ay Xaqa u leeyihiin oo aan ka leex leexaad lahayn, in Dowladdu raacdo dastuurka u degsan Dowladda ee ku aadan kuwa Gobalada, waxayna ka codsadeen mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda in la tixgeliyo codsigooda, waxaana ka mid ah xubnihii ka qaybgalay shirkaasi Malaaq Mahdi Xaaji Nuunow, Ugaas Aweys Sheekh Xuseen, Malaaq Xaaji Abuukar Aweys, Ugaas Xaaji Xuseen, Malaaq C/llaahi Sayid Cali, Dr. Caaqil Sheekh Axmed, Nabadoon Cusmaan Wajeer, Nabadoon Sheekh Xasan Ibraahim, Ugaas Xaaji Max’ed Ciise, Nabadoon Jaylaani Max’ed Maye, Nabadoon Axmed Iigar C/llaahi, Malaaq Max’ed Shire, Nabadoon C/qaadir Max’ed Shiino, Ugaas SHeekh Xasan Yare, Nabadoon Xasan Bilaal, Nabadoon Max’ed Sheekh Cali, Dr. C/qaadir Siid Sheekh, Siciid Max’ed Faqeey, Sheekh Guudle Cumar Max’ed, Cali Cumar Abati, Malaaq Suufi Buuwe Muude iyo Nabadoon Abuukar Xaaji Aweys (Abba Sokor) iyo Xubno kale oo Fara badan

C/llaahi Yuusuf iyo C/qaasim oo kulan gaar ah yeeshey

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo maalmahan ku sugnaa Magaalada Muqdisho kulamana la yeelanayey qaybaha kala duwan ee Bulshada, ayaa maalintii shalay ahayd waxa uu kulan la yeeshey madaxweynihii hore ee Dowladdii Carta C/qaasim Salaad Xasan.

Kulankaan oo ay albaabadu u xirnaayeen ayaa loo diiday in Saxaafaddu wax ka ogaadaan, hase yeeshee markii ay ka soo baxeen kulankaasi ayaa war aan sidaasi u weyneyn waxa ay siiyeen Saxaafadda, waxa uuna Madaxweyne C/llaahi Yuusuf sheegay in kulanka uu la yeeshay C/qaasim ay si weyn iskula garteen in dalka la keeno ciidamo nabad ilaalin ah.

C/qaasim oo isna ka hadlay kulankaasi waxa uu sheegay in shacabka ku nool Gobalka Banaadir looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan Dowladda Federaalka, sidoo kalana waxa uu sheegay in waqtigaan loo baahan yahay in la keeno dalka Ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda Adduunka qaybihiisa kala duwan laguna bedelo kuwa oo haatan ku sugan dalka gudihiisa. Sidoo kale C/llaahi Yuusuf waxa uu kulan la yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Max’ed, waxayna kulankaasi la iskula soo qaaday xaaladda dalka, gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo ay isku afgarteen in gacan laga gaysto nabadgelyada.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


RaabehYABOOH (APPEAL) KU WAAJAHAN UMMADDA SOOMAALIYEED 
Anigoo ah Xaafid-ed-Diin Cumar Axmad Malow, loo yaqaanno Cumar Cusmaan Raabe.
Anigoo wax badan uga digay ummadda Soomaaliyeed mu'aamaradaha cadowga Xabashida inta  (Dowladaha) had iyo jeer hiil iyo hoo la garabjooga. Waxaan ugu yaboohaya Shacbiga Soomaaliyeed meel u joogaba iyo Qaranka Soomaaliyeed gebi   ahantii:... Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 10, 2007


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...


Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka  Soomaaliya
Jariidada Washingtonpost oo qoraal dheer ka qortay aragtida reer Addis Ababa ee dagaalka Soomaaliya & Itoobiya... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH