SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Jan 16, 2007

  • Dowladda Federaalka oo howlahooda u fasaxday Idaacadaha Shabeelle, Hornafrik iyo IQK

  • Maamulka Cusub ee Muqdisho oo soo jeediyay in magaalada Muqdisho laga saaro Ciidammada Ethiopian-ka

  • Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka oo maalmaha soo socda la hordhigay xildhibaannada

  • Wadamadii laga codsaday inay Soomaaliya u soo diraan oo u muuqda Cagajiid...

  • Gudoomiyaha Baar-lamaan oo qoraalo u kala direy ururo

  • Diinaari oo ka Hadley xarigii loo geystey Dhowr Idaacadood oo ku yaal..

  • Maxay tahay U jeedooyinka loo xiray Idaacadaha Shabeele, Hornafrik, Quaanka kariimka  iyo…

  • Ra’iisul wasaare Geedi oo digay Kooxaha shaqaaqooyinka ka wada….

  • Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan iska horimadkii ka dhacay…


    “The Ayr clan is part of the problem,” Mr. Dinari said. (Abdirahman Dinari, spokesman for the transitional government)... Read... Somalia’s Transitional Government Shuts 3 Radio Stations New York times

    The United Nations envoy to Somalia, Francois Lonseny Fall, said he would discuss the media closures with President Abdullahi Yusuf and Prime Minister Ali ... Read Media crackdown in Somalia draws protests


Muddo 24 Saacadood Kadib Waxaa Hawada Dib Ugu Soo Laabtay Idaacadaha Hornafrik, Shabelle, Qur'aanka Kariimka & xafiiska Al-Jazeera

muqdishoDowladda KMG oo shalay xayriraad kusoo rogtay in ay hawlahooda warbaahineed gabi ahaanba joojiyaan ayaa maanta si toos ah xayriraadii uga qaaday dhamaan idaacadihii iyo xafiiska tv ga caalamiga ah ee al-jaziira

Ka dib kulan ka dhacay xarunta Nabad-Sugidda (NSS) ee waqooyiga Magaalada Muqdisho, ayaa si weyn loogu falanqeeyey qaabka wada shaqayneed ee Dowladda KMG iyo warbaahinada xorta ah.

Mas'uuliyiinta Idaacadaha ee kullanka ka qeybgalay ayaa xaqiijiyey in Hay'adda Nabad Sugidda Qaranka oo wareegtadii lagu xiray Idaacahada shalay soo saaray, ayaa sheegay in culeys fara badan oo Caalamka daafihiisa ka kala yimid ka dib, oo looga dalbanayey in ay dib u furaan Idaacadaha, ay go'aansadeen in ay dib u hawlgalaan xarumaha warbaahintu.

Waxyaabaha kullanka sida weyn looga dooday, ayaa waxaa ka mid ahaa In Dowladdu ay qaadanayso Mas'uuliyadda Hadii war laga waayo mas'uuliyiinteeda ay Idaacadaha wixii jira baahin karaan, sidaana loogu soo kala dareeray kullankan.

Lama sheegin wax shuruudo ah oo lagu xiray furitaanka Idaacadaha, marka laga reebo in kullanka la iskula gorfeeyey qaabka wadashaqeynta warbaahinta xorta ah iyo Dowladda KMG ah sidii ay u taageeri lahayd saxaafadu .

Yaasiin maxamed cali (faytin)
Yaasiin2006@hotmail.com

Dowladda Federaalka oo howlahooda u fasaxday Idaacadaha Shabeelle, Hornafrik iyo IQK

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u ogolaatay idaacadaha Hornafrik, IQK iyo Shabeelle inay dib howlahooda dib u billaabaan, waxaana kulankaan la sheegay inay isku afgarteen Madaxda Nabadsugidda iyo madaxda Hay'adahaas.

Ma jiraan wax tafaasiillo ah oo laga baxshay dib u howlgelinta idaacadahaas oo ka soo baxay danka Dowladda iyo dhanka Mas'uuliyiinta Dowladda ayaa dhanka kale waxaa jira warar hoose oo sheegay inay is afgarteen madaxda Dowladda iyo kuwa Hay'adahaas warbaahineed.

Madaxda Idaacadaha qaarkood ayaa sheegay in howlahooda ay dib u billaabeen inkastoo aysan sheegin lagu xiray wax shuruudo ah, waxaase qaarkood ay sheegeen inaysan jirin wax shuruuddo ah oo lagu xiray idaacadahooda.

Ma jiraan warar ka soo baxay dhanka dowladda oo sheegaya dib u howlgalinta idaacadihii shalay ay xireen qaybta nabadsugidda ee Gobolka Banaadir, sidoo kale xubno ka tirsan dowladda waxay ka gaabsadeen inay ka hadlaan dib u howlgelinta idaacadihii la xiray.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com


Maamulka Cusub ee Muqdisho oo soo jeediyay in magaalada Muqdisho laga saaro Ciidammada Ethiopian-ka

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com

Sida ay sheegayaan xubno ku dhowdhow maamulka cusub ee Magaalada Muqdisho waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho laga saaro dhammaan ciidammada Ethiopia, isla markaana la geeyo duleedka Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in maamulka cusub ee Magalaada Muqdisho qaybtiisa nabadgalyada iyo ammaanka uu wado qorshayaal uu kulammo kula qaadanayo odayaasha iyo cuqaasha Soomaaliyeed isagoo ka dhaadhicinaya inay hubka iska dhiibaan, ayna beelahooda ka dhaadhiciyaan inay hubka wareejiyaan.

Maamulka cusub ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inay kulammada ay la qaadanayaan cuqaasha iyo ugaasyada beelaha Muqdisho ku dhaqan ay billowdaan maanta oo tallaado ah, isla markaana lama sheegin xilliga ay ku wadaan in hubka ay soo wareejiyaan beelaha Muqdisho ku dhaqan.

Sidoo kale ayaa la sheegay in maamulka cusub ee Magaalada Muqdisho uu qorsheynayo inuu kulammo la qaato kuwa lagu tuhmayo inay ka dambeeyaan falalka qaraxyada ah ee habeenkii lala beegsado Ciidammada Dowladda iyo kuwa Ethiopia, iyagoo ka dhaadhicinaya inay joojiyaan falalkaas, isla markaana ay hubkooda soo wareejiyaan lana shaqeeyaan maamulka.

Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka oo maalmaha soo socda la hordhigayo xildhibaannada

Fariisinka Baarlamaanka Soomaaliya iyo xukuumadda ayaa waxaa ka socda dhaqdhaaqyo lagu doonayo in lagu mooshin lagu hordhigo baarlamaanka, kaasoo xilka looga tuurayo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Mooshinkaan ayaa waxaa wada inta badan xidlhibaannada baarlamaanka, waxaana ka socda Baydhabo hadal hayn ku saabsan mooshinta iyadoo xildhibaannada qaarkoodna ay ku sii raacayaan xildhibaannada mooshinkaan wada fikirkooda.

Wararka ka imaanaya Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in lagu wado in maalinta berri oo Arbaco ku beegan la hordhigo baarlamaanka mooshinka lagu doonayo in xilka looga qaado guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo haatan booqasho ku jooga dalka Belgium.

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha Baarlamaanka Cismaan Cilmi boqorre oo haatan ku sugan Magaalada Baydhabo oo ay saxaafadda wax ka weydiisay mooshinka la doonayo in lagu rido baarlamaanka ayaa sheegay in baarlamaanku uu xaq u leeyahay inuu ka doodo qodob kasta oo la soo hordhigo.

Mar uu Boqorre ka hadlay Mooshinkaan iyo sida uu shaqsiyan ula muuqdo ayaa yiri: “Waxaan qiraynaa dhammaanteen in ruux dambi galay uu sharciga la xisaabtamayo, tanina waxay ka mid tahay xisaabtanka sharciga, maadaama Guddoomiyaha Baarlamaanka uu hadal ka maqli waayay xildhibaannadiisa isla markaana uu go’aannada isaga uun iska gaaro”.

Shariif Xasan iyo xubno la socday oo kulan la qaatay mas’uuliyiinta Midowga Yurub

Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo laba xubnood oo ka tirsan Baarlamaanka ayaa waxay kulan kula qaateen xarunta Midowga Yurub ee Brussels Madaxa Arrimaha Horumarinta iyo gargaarka Bani’aadamka ee Midowga Yurub Luis Michel.

Guddoomiye Shariif Xasan oo ay safarkiisa ku wehliyaan labada xubnood ee kala ah Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi iyo Xildhibaan C/raxmaan Ibbi ayaa waxaa kulankii ay la yeesheen Luis Michel uu ahaa mid ay ku sheegeen in xaaladda ammaanka ee gudaha Soomaaliya uu yahay mid aan la isku halleyn Karin.

Luis Michel ayaa sheegay in fikirkiisa ku aaddan arrimaha Soomaaliya uusan ahayn in xoog wax lagu xalliyo balse loo baahan yahay in lagu xalliyo wax walba is faham iyo wadatashi.

Sidoo kale Michel ayaa sheegay in loo baahan yahay in Soomaalidu ay iyaga danahooda ka tashadaan loona baahan yahay inay wadahadallo yeeshaan xubnihii ka haray Maxakamdaha iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Anigu waxaan qabaa in aan wax walba lagu xallin Karin qoriga caaraddiisa, waxaana aaminsanahay in dhinaca kale lagu daro in wadahadallo la yeesho si xal waara looga gaarro arrimaha Soomaaliya” ayuu yiri shir jaraa’id oo uu qabtay Luis Michel.

Dhanka kale Shariif Xasan iyo wadiga la socda ayaa waxay kulammo la qaateen Agaasimaha Guud ee Waxaada Horumarinta u qaabilsan Gudiga Midoowga Yurub Mr. Stefano Manserfisi, iyagoo uga warbixiyay xalaadda Dalka Soomaaliya uu haatan marayo, balse aanu wax war ah ka siin guddoomiyaha baarlamaanka iyo wafdigiisa fikika Midowga Yurub ay ka qabto xaaladda Soomaaliya.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com

Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG ah iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo maanta kulan la qaatay Madaxa Arrimaha Horumarinta iyo Gargaarka Aadmiga u qaabilsan Midoowga Yurub Mr. Louis Michel

15/1/2007: Gudoomiyaha baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo shalay maalinimadii Axadda soo gaaray magaalada Brussels ee xarunta u ah Midoowga Yurub iyagoo casumaad ka helay Madaxa Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Horumarinta iyo Gargaarka Aadmiga Mr. Louis Michel.

Wafdigaan oo ka koobnaa Gudoomiyaha baarlamaanka iyo laba xubin Baarlamaan oo kala ah Cabdi Raxmaan Ibbi iyo Caasho xaaji ayaa isla shalay kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Waxaada Horumarinta u qaabilsan Gudiga Midoowga Yurub Mr. Stefano Manserfisi. Waxayna halkaasi kaga hadleen xaalada uu iminka dalka ku sugan yahay.


Prof. Ibbi, Sharif Xassan, Stefano iyo Caasho X.

Maanta ayay wafdiga kulan gaar ah oo saacado qaatay la yeesheen Madaxa Gudiga Yurub ee Arrimaha Horumarinta iyo Gargaarka Aadmiga Mudane Louis Michel, iyagoo kulaka kaddib wada qabtay shir jaraa’id ay saxaafada ugq warrameen waxa uu kulankoodaasi ku saabsanaa.


Ibbi, Shariif Xassan iyo Michel oo shir jaraa’d ku qabtay xarunta guddiga M. Yurub.




Louis Michel oo isagu ah masulka furey shirka jaraa’id ayaa hadalkisi ku bilaabay waxay ii tahay farxad aad u wayn in aan halkaan kusoo dhoweeyo Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shariif Xassan iyo wafdigiisa sharafta leh

Waxaana jeclahay in aan halkaan ka cadeeyo moowqifkayga siyaasadeed ee ku aadan dalka Soomaaliya ; Waxaan qabaa in Soomaaliya lagu xalin karo wada hadal iyo dib u hishiisiin heer Qaran ah waxaana dhamaan kula talinayaa in ay wada hadlaan. Mar uu ka hadlaayay sharciga dhowaan uu baarlamaanka u codeeyay ee Xaalada deg dega ah ayuu tibaaxay Michel in Midoowga Yurub moowqifkiisa arrinkaas ku aadan uu cad yahay kaasoo ah in haddii uu ka hor imaanayo Axdiga Qaranka taas macnaheedu uu yahay in ay Midowga Yurub si deg deg ah u joojin doonaan taageerada dhaqaale eey ku bixiyaan baarlamaanka Ku meel gaarka ah, sidoo kale mar wax laga waydiiyay Duqaynta uu Maraykanku ku haayo Soomaaliya ayuu ku jawaabay; Xal maaha mar kasta xabada ee xalka wuxuu ku jiraa in gacan laga gaysto dib u hishiisiinta qaranka. Michel wuxuu kalo ka jawaabay hadii xilka laga qaado Gudoomiyaha baarlamaanka wuxuuna sheegay in ay taasi tahay mid kala fogaan hor leh dhalinaysa oo abuuraysa marxalad kale oo cusub cawaaqibka ay keentana waxa ka mas’uul noqon doona cidii ka danbaysay hadalkaasoo ka yaabiyay saxafiyiinta goobtaasi ku sugnaa iyagoo ku tilmaamay mid xoog badan oo muujinaya mowqif cad oo Midoowga Yurub uu taagan yahay iyo in ay ka go’an tahay in la hirgaliyo wada hadal kaasoo ay u arkaan xalka kaliya sido kale Michel ayaa intaas ku daray in taageero badan la gaarsiin doono baarlamaanka haddii ay mujiyaan is af garad dhamaan dhinacyada waa siduu hadalka u dhigayee haddise buu yiri aan la hishiin oo ay mar bilaabo is eryid iyo motion la isku bursanaayo anagu dib bana uga laabanaynayaa malaayiinta ana ugu talo galnay baarlmaanka.

Waxaa ku xigsaday gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sharif Xassan oo ka warbixiey xaalada guud ee uu dalka ku sugan yahay iyo moowqifyadisa siyaasadeed halka uu Midowga Yurub uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ay siiyaan mar kasta Soomaaliya. Sidoo kale ayuu sheegay in Soomaaliya xalkedu uu jiro wada hadal iyadoo xornimadeeda leh.

Saida Sheikh Ahmed VIP
EU Press Section
Brussels belgium
saidavip1@yahoo.com

Sawiarada Saida VIP
 

Shariif Xasan Sheekh Aadan “Maanta maalin ka xun ma soo marin Soomaaliya"

Guddoomiyaha Baarlamaanka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Axaddii booqasho gaaban ku yimid magaalada Brussels ee dalka Belgium, si uu ula kulmo madaxda Midowga Yurub. Waxaa wafdiga ka mid ahaa Dr Caasha Xaaji Cilmi Aamin iyo Prof Cabdiraxmaan Ibbi. Kaddib markii ay kulamadaasi u dhammaadeen ayaa Maxamed Xaaji (Ingiriis) waxa uu Guddoomiyaha Baarlamaanka la yeeshay wareysigan. [Halkan ka akhri waraysiga oo dhan....].

Maxay tahay U jeedooyinka loo xiray Idaacadaha Shabeele, Hornafrik, Quaanka kariimka  iyo…

Waxaa maalintii shalay ahayd albaabda loo laabay dhowr idaacadood oo ku yaala Magaalada Muqdisho ka dib markii sidaasi uu ku amray waaxda Nabad sugidda ee Dowladda Fedaraalka ee Gobolka Banaadir.Idaacadaha la xiray waxaa ka mid ah Idaacadda Shabeele,Idaacadaha Horn-Afrik, idaacadda Quraanka Kariimka ah iyo Xafiiska Telefishanka Al-Jaziira ee Magaalada Muqdisho, waxaana xirintaankan aad wal-wal uga muujiyey qaybaha kala duwan ee Bulshada kuna tilmaamay mid ka horimaanaysa Xoriyadda Saxaafadda ee Axdiga Ku meel Gaarka ahi oo isaga ugalaanaya in Dalka laga furo Warbaahin Madaxbanaan.

            Xiritaanka Idaacadahan waxay ku soo beegantay xilli uu Golaha Baarlamaanka uu Darraad ansixiyey in Dalka lagu soo rogo xaaladd deg-deg ah waana Sayftii ugu horreysay C/llaahi Yuusuf Axmed uu kula duldhacay Idaacadahaasi.

            Illaa hadda lama garanayo sababaha loo xiray Idaacadahaasi hase yeeshee waxaa loo badiyay in howgallada Dowladda aan waxba laga sheegin iyo iska horimaadyada ka dhacaya Muqdisho, waxaana xirtaankan Idaacadaha cambaareeyey Ururada Saxaafada ee ka jira Caalmka iyo Soomaaliya.

Axm’ed Cabdi Salaan oo ah Agaasimaha Idaacadda Hornafrika ayaa waxa uu xariga Idaacadaha ku tilmaamay mid ay ku jirto caadifad taasna laguma noqon karo Dowlad.waxa uuna sheegay in loo baahan yahay in Dowladdu ay noqonto Dowlad ku shaqaysa Axdiga.

Diinaari oo ka Hadley xarigii loo geystey Dhowr Idaacadood oo ku yaal..

Afhayeenka Dowladda C/raxmaan Nuur Max’ed (Diinaari) ayaa ka waramay xiritaankii lagu sameeyey Idaacaha ay ka mid yihiin Shabeele, Hornafrik, Idaacaha Quraank Kariimka iyo Xafiiskii Teleefishinka Al-Jazeera ee Muqdisho waxa uuna sheegay Afhayeenku in Idaacahaasi ay ka dhaga adeygeen digniino horay loogu soo jeediyey asagoo sheegay in ay faafinayeen warar lidi ku ah Nabadda iyo xasiloonida Magaalada Muqdisho.

            C/raxmaan Diinaari waxa uu sheegay in Idaacahaasi ay ahaayeen kuwa ay ka shaqayni  wanaaga iyo isu soo dhawaansha Bulshadda Soomaaliya waxa uuna meesha ka saaray in xarigooda lala xiriinayo Arrimo Caadifadeed

Wadamadii laga codsaday inay Soomaaliya u soo diraan oo u muuqda Cagajiid...

somaliaQaar ka mid Wadamda Midowga Afrika  lagana dalbaday inay Soomaailya keenaan Ciidamo Nabad ilaalin ah ayaa haatan waxay u muuqdaan Wadamadaasi kuwa ka cagajiidaya inay Soomaaliya keenaan Ciidamo Nabad ilaalin ah ka dib markii ay sii kordheen qalalaasaha iyo iska horimaadyada ka jira Dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho, ayadoo ugu dambeeyay iska horimaadkii habeen hore dhexmaray Kooxo Hubaysan iyo Ciidamada Dowladda fedaraalka ah iyo oo kaashanaya Ciidamada Itoobiya hase yeeshee Dowladda Itoobiya ayaa haatan wada dadaal ay ku doonayso sidii Wadamada qaar uga dhaadhidhicin la hayd sidii Soomaaliya loo keeni lahaa Ciidamo Nabad ilaalin ah oo badela kuwa Itoobiya oo haatan Soomaaliya ku sugan.

Wadamada Ciidamada laga doonayo waxaa ka mid ah Uganda,Ruwanda, Tansaaniya, Koonfur- Afrika Tuuniisiya, Al-Jeeriya, iyo Dowlada kale, hase yeeshee Dowladda Koonfur Afrika ayaa ayadu sheegtay in Ciidamadeedu aysan u diri doonin Soomaaliya tan inta xaaladu ka degeyso Shacabkana uu ogalaanayo in Soomaaliya la keeno Ciidamo Nabad ilaalin ah sidoo kale waxay sheegtay Dowladda In loo baahan yahay in Ciidamada loo diyaariyo kharashkii ay ku howlgali la haayeen lana caddeeyo Cidda bixinaysa kharashkaasi, Beesha Caalamka ayaa ayada taageersan in Ciidamada itoobiya lagu badelo kuwa ka socda Midowga Afrika weeraradii lagu qaaday Soomaaliya iyo soo gali taankii Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya sidoo kale Jaamacadda Carabta ayaa ayana si aad ah uga soo horjeesatay Ciidamada itoobiya ee galay Soomaaliya kuna tilmaamay mid xadgudub ku ah  Midnimada Soomaaliya iyo xeerarka Caalamiga ahwaxaana si aad ah u taageersan Midowga Yurub oo ayaga horay u cambaareeyey.

riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya
Warkaas iyo Shiinaha iyo Tartanka Batroolka Qaaradda Afrika.
Markabka lagu magacaabo MV Chyuku oo ah riigga batroolka ka qodayada meel ka durugsan xeebta magaalada Lamu ee Badweynta Hindiya waxa uu ka badbaadey in ay soo gaaraan rabshadaha dalka deriska ah ee Soomaaliya..
Akhri... 16/1

Gudoomiyaha Baar-lamaan oo qoraalo u kala direy ururo

Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan uu ku sugan Dalka Jabuuti ayaa quraalo u kala diray Qaramada Midowbay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub waxa uuna quraaladaasi uu kaga dalabday in xaalada Soomaaliya si dhaqsi leh wax loogu qabto inta aysan faraha ka bixin.

            Gudoomiyaha Baarlamanka waxa uu sheegay in haddii aan sida dhqasiyaha badan wax looga qaban Soomaaliya uu Gobolka dhan uu noqon doono mid ay ka dhalato dhibaatooyin iyo foodo waxa uuna u soo jeediyey Ururadaasi in la dadjiyo Ciidamada Nabad ilaalinta ee Midowga Afrika si meesha looga saaro Ciidamada Itoobiyaanka ah oo uu ku tilmaamay kuwa Sharci darro ku soo galay Dalka isla markaan jibiyey Xeerarka Caalimiga ahaa gaar ahaan midkii Qaramada Midowbay.

            Shariif Xasan waxa uu sheegay in uusan Soomaaliya ku laaban doonin tan iyo Ciidamada Itoobiya ay ku jiraan Gudaha Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Geedi oo digay Kooxaha shaqaaqooyinka ka wada….

Ra’iisul Wasaare Cali Max’med Gaadi ayaa sida ugu dhaqsiyaha badan ugu laabtay Magaalada Baydhabo oo xarun ku meel gaar ah u ah Dowladda fedaraalka, hase yeeshee markuu ka degay Magaalada Baydhabo waxa uu Shir Jaraa’id uu ku qabtay halkaasi waxa uuna faahfaahin ka bixiyey tagitaankii Magaalada Muqdisho ee tagtay Dowladda, waxa uuna sheegay in Dowladda markiiba ay sameysay Maamul sidoo kale waxa uu sheegay in ay la kulmeen Qab-qablayaashii Dagaalka iyo Odayaasha Dhaqanka isagoo sheegay inay isku afkarteen in Hubka lagu soo wareejiyo Gacanta Dowladda.

            Ra’iisul Wasaaraha waxa uu sheegay in Dowladda Fedaraalk ah ay ka degtay Dhowr Goobood Magaalada Muqdisho, waxa uu sheegay in lagu sUgayo Amaanka Ra’iisul Wasaaraha waxa uu uga digay Kooxaha Amaan darrada ka wada Gobolka Banaadir, oo uu sheegay in Dowladda ay ku qaban doonto Gacan Bir ah .

            Warar ayaa waxa ay sheegay in Ra’iisul Wasaraha in uu maanta u ambabxi doono Dalka Itoobiya si uu halkaasi wadahadal uga soo yeesho Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya,  uuna uga war bixin doono xaalada Soomaaliya ayadoo Dowladda itoobiya la sheegay in ay daneynayso in Soomaaliya la keeno Ciidamo shisheeye oo kala wareega howlahooda.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan iska horimadkii ka dhacay…

Iyadoo habeen hore ay iska horimaadyo dhexmareen Ciidamo ka socda Dwoladda Fedaraalka, iyo Ciidamada Itoobiya oo dhinac ah iyo Kooxo Dablay ah oo aan la garaneyn waxa uuna iska horimaadkaas ka dhacay Jidka Warshadaha gaar ahaan agagaarka Caymiska, waxaana iska horimaadkaasi lagu gubay labo Gaari oo ay mid ka mid ah la hayd Dowladda fedaraalka halka midka kalane ee la haayeen Ciidamada Itoobiya.

            Dowladda fedaraalka ah ilaa iyo hadda kama hadlin Khasaaraha gaaray dhinacooda balse warar ayaa waxa ay sheegayaan in Dagaalkaasi ay ku dhinteen 4-Qof oo labo ka mid ah ay ahaayeen Rayid.

Halka uu ka dhacay iska horimaadka ayaa waxa shalay la keenay Ciidamo aad u xoogan oo watay Dabaabaad hase yeeshee Dadwaynaha Deegaanka ayaa Ciidamadaasi ku sameeyey  Dhagax tuur iyo banaan baxyo yar-yar oo goos-goos ah ayadoo Dadka ay ka cabanayeen Hubkaasi faraha badan oo la soo duldhigay waxayna ka codsadeen Dowladda in sida ugu dhaqsiyaha badan dib loogu celiyo Ciidamadaasi oo ayagu joojiyey isu socodkii Gaadiidka Dadwaynaha iyo waliba Ganacsigii. 

Iska horimaad ka dhacay Magaaladda Muqdisho ..

Waxaa shalay Galbnimadii agagaarka Warshadda Caafi ee Jidka Warashadaha ka dhacay israsaaseen ka dib markii Ciidmo Itoobiyaan ah oo maryey Wadadaasi uu rasaaseeyey Wiil dhallinyro ah ka dibna Ciidmada Itoobiya iyo kuwa Dowladda fedaraalka ayaa rasaas ku furay waxaana halkaasi ku dhintay Gabar 11-jir ahayd waxaana Rasaastaasi dhaawacday 6-Qofood oo ahaa Dadkii maryey Wadada.

            Dadka ayaa marka ay kor ka arkaan Gawaarida itoobiyaan iyo kuwa Dowladda fedraalka way cararaan waxayna taasi shaki galinaysaa Ciidamadaaso oo ayaga moodaya in Wadada loogu jiro.

            Habeen hore ayey markii Gawaari Kulanyo ah oo isdaba socotay lagu Rasaaseeyey agagaarka Jidka Warshadaha agagaar ahaan Caymiska, waxaana israsaasayntaasi waxyeelo ka soo gaartay Dad aan waxba galbsan oo Guryahoodii iska joogay.

            Lama karanayo Kooxaha weeraraya Ciidama hase yeeshee waa Kooxo diidan Joogitaanka Ciidamada Itoobiya, waxaana shalay la arkayey dhalinyaro yar-yar oo dhagxaan ku tuuraya Ciidmadaasi oo ayagu aad u Hubaysan., ciidamada Dowladda Fedraalka ayaa shaley Howlgalgal ka sameeyey goobihii ay ka dheceen Iska horimaadyada waxaana lagu waramey  in ay halka ka heleen qoryo fud fudud

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: Jan 16, 2007

Wararakii Jan 15, 2007

  • Dowlada KMG Soomaaliya oo Albaabada u laabtay idaacado ka howl gala magaalada muqdisho iyo xafiis TV ga caan ah ee Aljazeera...

  • WEERAR LALA BEEGSADAy SALDHIGA HURIWAA OO LAGU EEDEEYEY K/XIGEENKA DUQA MAGAALADA.

  • Cali Daacuun: Ma sii socon doonto dowlad dowlad dul saaran .

  • WIIL DHALINYARO AH OO CEEJIN LAGU DILAY.

  • Weerar xalay lagu qaaday kolonyo ciidammo Ethiopia ah oo marayay waddada warshadaha

  • Madaxweynaha DFKMG oo xalay wareegto ku magacaabay Maamulka cusub ee Magaalada Muqdisho

  • Waraaqo lagu daadshay Magaalada Muqdisho..

  • Mareykanka iyo Midowga Yurub oo ka wada hadlaya Arrimaha soomaaliya..

  • Ururka Midowga Afrika oo dadaal ugu jira sidii ciidamo lookeeni lahaa..

  • Somaliland oo ka walwalsan xaaladda deg deg ah ee lagu soo rogey...

  • Akhri: http://www.somalitalk.com/2007/jan/15jan017.html

Shan Ka Tirsan Ciidamada Itoobiya oo Kufsaday Qof Dumar ah oo Soomaaliyeed
Kufsigaas oo ka dhacay koonfurta Soomaaliya, warkaas iyo Itoobiya oo Cadayn u weydey in ay dagaalkii Soomaaliya ku Qabatay dad haysta baasaboorka.. akhri halkan... Jan 14

Jan 14, 07: Wararkii oo GooGoos ah ka akhri halkan....

Jan 13, 07: Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji

  • Kismaayo: Baaq ku aadan DFKMG oo ay soo sareen Urrurka  Akhri.. 13/1

  • BuuloXuubey, Xamar: Ciidamada Itoobiya & DF ayaa baaritaan... Akhri 13/1

  • Muqdisho: Hotelka Lafweyn oo lala beegsaday bam geystay... Akhri 13/1

  • Qardho: Suuqyada Xoolaha ayaa gabi ahaan wax shaqo ah ka socon Akhri.. 13/1

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH