SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

MMI, Halyaydii Qarnigan! 

Ahmed-shil Mohamed
Sweden
ahmedshil@yahoo.com  

Alle ayey mahad usugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisna Nabi Muxamed korkiisa ha’ahaato. 

Horudhac

Iyadoo umadda soomaaliyeed meel kasta oy joogto mugdi kujirto, iyadoo mustaqbal wanaagsan laga rajo dhigay, iyadoo mararka qaar ay gaadho dadka qaarkood inay xitaa kaxishoodaan inay soomaalinimo sheegtaan, iyadoo adduunyadoo dhan laga aaminay in jinsiga soomaaligu aanu lahayn mabda’ uu rumaysan yahay wuxuu doonaba ha’ahaadee, marka laga reebo inuu raadiyo wuxuu cuno, wuxuu cabbo iyo wuxuu xidho (waxyaabaha daruuriga) ayey muqdisho halmar kasoo baxeen odoyaal culimo ah iyo wiilal iyo gabdho fara badan oo dhallinyaro ah. Waxay noqotay mucjiso aananba lasugayn, sugid lasugayo iskadhaafee la’isma lahayn muqdisho ayey kasuurtowdaa inay soo saarto dadkaas oo kale oo ay waliba kusoo saarto wakhti saa uyar ayagoo wata aaminsanna mabaadi’ uu qof aamino kuwo ugu qiimaha badan. Waxay noqotay mucjiso ay aniga shakhsiyan illaa hadda ay igu adagtahay inaan si dhibyar kuliqo. 

MMI, maxay ahayeen?

Waxay ahaayeen ilaahbaa og laakiin waxaan xukminaynaa waxaan ka’argnay oo ah inay qalbiga unuuriyeen muslimiinta kunool geeska afrika oo dhan siiba dadka afka soomaaliga kuhadla oo muddo kabadan qarni kujiray mugdi iyo isdabawreeg aan billow iyo dhamaad midna lahayn. Waxay soomaalida tuseen inuusan wanaaggu meel dheer ka jirin ee ay ayaga gacanta kuhaystaan oo haddaad rabtana aad kudhaqmi haddaadan rabinna aad dayici ood adna ladayacmi, taasoo ay tusaale kuugu filantahay siday muqdisho ahayd iyaga hortood iyo siday kadhigeen intii yarayd ee ay ayaga gacanta kuhayeen. Rag, Dumar, odayo, habro, wiilal, gabadho, macallimiin, arday, mashaa’ikh, ganacsato iyo xammaalato waxay kakoobnaayeen nooc walba oo ay bulsho kasta kakoobantahay. Ma’ahayn askar dagaalammi jirtay walow ay kujireen dad soo dagaallamay waa hore laakiin intooda badan dagaal waxba kama aqoonin, ma’ahayn intooda badan siyaasiyiin soo dhax dabaashay siyaasadihii foosha xumaa ee soomaaliya kajiri jirey. Waxay layimmaadeen calool adayg iyo geesinimo oo aan la’aantood mabda dhidibada loogu aasi karin. Ayagoo og inay ubadan tahay in lajabiyo, laxaaqo ama inlaburburiyo oo meel walba handadaad lugu hayo saasooy tahay ayna saaxiib rasmi ah lahayn soomaaliya dibaddeeda ayeyna dhag jalaq usiin. Dad badan ayaa u arko ceeb iyo foolxumo inay udabci waayeen shuruudaha ay wateen Itoobiya iyo Maraykanka iyo dawlad kusheegga lasoo dhoodhoobay maadaama ayna hubin inay iska caabin karaan si ay ubadbaadaan. Taas waxaa jaawab kaaga filan mar haddaad mabda wadato dadka kaasoo horjeedana ay lid kuyihiin 100% waxaad aaminsantahay ood rabto inaad hirgaliso ma’umalayn inaad laheshiin kari. Jawaabtu way fududahay waana maya. Kawarran haddii ladhaho Mabaadi’dii Naziyiin, Shuuciyiinta iyo Dimoqraadiyada haheshiiyeen oo hal xero halla isugu keeno. Waa arrin aan hirgalayn maxaa yeelay ismaba qaadan karaan waana inuu mid guulaysto oo soo hadho midna uu suulaa sida haddaba taagan. Sidaa awged ayey MMI isu fahmi waayeen Itobiya, Maraykanka iyo dawlad kusheegga lasoo dhoodhoobay. Meesha ay ayaga doonayaan inay dib usoo taagaan oo ay boodhka kajafaan soomaaliya oo ay kudhisan caqiidada dadkeedu aaminsan yihiin sidoo kale kaceliyaan dugaagga gudaha iyo kadibadda ee diirtay dadkii iyo dalkiiba, Itoobiya iyo Maraykankaba way kasoo horjeedeen arrintaa 100%, sidoo kale way kasoo horjeedeen qolyahan iskusheegay DFKMG oo ayaga ah dugaaggii gudaha ee laga difaacayey dalka iyo dadka. See marka loola heshiin, macnaha wuxuu u egyahay katanaazul waxaad aaminsantahay aan kudaayee. Haddaad katanaazusho waxaad aaminsanahay markaa ma’adaaba macna saas ah yeelani, waxaad uun lamid noqon kuwaad kasifaynaysay bulshada. 

Ruuxda bulshaad Soomaalida:

Sida uu qof kasta xaq ugu leeyahay wuxuu ilaahay siiyey ayaan xaq ugu leennahay inaan sheeganno xaqannaga, sida inaan kudhaqanno sharciga aan aaminsannahay, sidoo kale inaan sheegannno dhulkannaga nalaga dhacay iyo dadkannaga gaalada hoosta laga galiyey, suurtogalna noqon mayso in layidhaahdo waa lagaa xoog badanyahay ee iska illow waxyaabahaas oo haku hadaaqin iyo Ummadaha Midoobay ayaa saas goysay ee kuqanac. Waxa aan leennahay waa wax aan leennahay oo aanan inta aan noollahay aanan ka tanaasulaynin, sidoo kale wixii aan aaminsannahayna cidna su’aal inay saarto laga yeeli maayo. Iyadoo ay sii dhimmanayso ruuxdii iyo caqiidadii bulshada soomaaliyeed ayey MMI halmar soo baxeen, waxayna ahayd runtii naxariiis ilaahay usoo direy dadka soomaaliyeed asagoo tusayo inay halaag iyo jabab badan oo qabsaday awgood ayna uquusan oo ilaahay mucjiso meel walba kakeeni karo xitaa xilli aan lafilayn iyo meel aan laga filayn sida uu quraanka horeba usheegay. Muqdishana ma’ahayn meel laga filayey mucjiso, xilliga lugu jirona la’isma lahayn dad aan saa ubuurrayn oon cidina kadanbayn ayaa masuuliyad saa uballaaran isa saari oo naftooda uhuri culays iyo dhibaato badanna wajiga siini. 

Kuwii naftooda kuwaayey iyo kuwo wali diyaarka u ah:

Waa inaad ogaataan inaad gasheen taariikhda ama sii wada halganka ama halla idinka xoog badiyo, waxaad noqoteen Halyaydii qarnigan waxaadna taabateen quluubta muslimiinta caalamka. Waxaad caalamka tusteen xaqa ilaahay soo dajiyey kahor 1400 sano siduu aduunka u islaaxin karo oo meelo ay cid kale waxkaqaban wayday oo xoog iyo xeelad iyo maalba lagaga quustay inay kufilantahay xaqa oo latuso loona sheego laguna dhaqo. Waxaad caalamka gaal iyo muslinba aad tusteen waxa kamaqan muslimiinta oo ay la’aantiis udhutinayaan hadday helaanna ay kunafisi lahaayeen. Haniyad jabina hana murugoonina waajibkiinnii inta badan gudate waxaadna noqoteen miithaal usoo baxay muslimiinta. Waxaad noqoteen jiilkii ugu taariikhda wanaagsanaa inta jiil soomaali kasoo baxday waayo mugdi ayaad wakhti yar gudahiis iftiin ubadesheen, murugo iyo niyad jab ayaad rayrayn iyo yididiillo kadhigteen, ummad qalbiga kadhimmatay ayaad qalbiga unuuriseen ood tusteen waddada cad. Waddada aad jeexdeen waa say ujeexantay waana waddada kaliya ee ufuran dadka af-soomaliga kuhadlo. Waagii hore Soomalida waxay ahaayeen dad aaminsan in diinta lugu ekeeyo cibaada oo qudha ma’ayna aqoon kudhaqanka sharciga islaamka iyo faa’iidada uu leeyahay, waxaa diinta fahamsanayd oo qudha inta yaree baratay, maantase wuxuu ilaahay xukmiyey in macaankeeda xitaa reer baadiyihii aan diin aqoon ulahayn uu uriyaaqay uuna gacmo furan kusoo dhawyn maalinkii loo yimmaado meesha hadda kahor ay suurtogal ahayd inuu dagaal kala horyimmaado, kama aha inuu diinta nacayb uqabo laakiin ay ka’ahayd jahli.  

Waxay soomaalida arki jireen laga soo billaabo xoriyaddii nin madaxnimo sheegto oo magaca bulshada uu kumatalayo kubililiqaysto oo waliba kusoo tuugsado kadibna caydhiin kuliqo wixii uu magacooda kusoo tuugsaday. Waxaad muujiseen arrintaa caksigeeda oo xitaa dadka diinta islaamka aan aminsanayn laakiin yaqaanno lana socdo xaalladda soomaaliya ay aad ugu riyaaqeen natiijada iyo hufnaanta aad sammayseen iyo sidaad boodhka uga jafteen ruuxda daxalaysatay ee ummadda soomaaliyeed. 

Waxaad ahayeed tihiinna muslimiin dhaba oo soomaali dhaba kasii ah. 

Gabogabodii:

Waxaa dhici karta in MMI laga xoog badiyey, waxaa sidoo kale dhici karta in nabarkii gaadhay ayna kasoo waaqsan ooy intaa ugu ekaato hawlgalkoodii. Waxaase loo baahanyahay inuu qof kasta fahmo inayna arrintu ahayn dad tiro leh oo qudha ee ay ahayd mabda’ kusalaysan diinta islaamka iyo ruuxdii bulshada muslinka ah ee soomaaliyeed, sidaa awgeed dabkay shideen ama ayaga hasii huriyeen ama cid kale ha uga danbaysee waa wax lahubo inuusan damayn ilaa laga gaadho hadafkiisa.

Dadka soomaaliyeed waxay kala barteen wakhti yar farqiga udhaxeeyo qofka mabda’ aaminsan oo ay jiraan sharciyo iyo nidaam utixgalinayo kuna salaynayo ficilkiisa iyo qowlkiisa iyo qof aan mabda’ aamisnanayn oo iska nool oo qofkuu rabona dili qofkuu rabona dayni, qof uu ficilkiisu kuxidhan yahay hadba suu dareemmi maxanaaqsanyahay mise wuu faraxsanyahay. Wax badan ayey afduub ugu jirtay hogaanka bulshada soomaaliyeed waxmagarato sidii gaadhi shidaal lugu shubay guuxi laakiin hadda dad ilaahay khayr siiyey ayaa toosh dheer daaray oo iftiimiyey dadkiina tusay inuusan wanaaggu meel kale jirin ee uu dadka ficilkooda kujiro, marabtaa inuu wanaag dhaco waa inaad adigoo umarayo wadada loogu talogalay aad uhalganto una horto naftaada iyo maalkaada. MMI albaabkii wanaagga ayey iftiimiyeen oy fureen, waxay far waawayn dhabarka uga qoreen wixii xilka lahaa ee qayrkayo naga reebay, waxay dhaqeen wasakhdoodii waxayna fujiyeen mabaad’idii beenta iyo baadilka kudhisnayd ee ay dadka khasabka ku bareen. Waxaa soo baxay jiilal cusub oo ah midhihii ay dhaleen MMI wayna tarmi ilaahna wuu barakayn inshaa allaah akhiiranna inta usoo duushay inay nagumaysato oy nadulaysato oo naga saarto diinta aan aaminsanayn oy naga qaaddo xoriyaddayada aan jecellahay nuguna khasabto inaan kujirno qaad ruugid iyo wax lamida kayeeli mayno. Waa cusub ayaa noo baryey waxaanan hellay wadadii wanaagga loo marayey laguna gaadhi lahaa horumar iyo caddaalad. 

Soomaliya way soo noolaatay, soomaalina way soo baraarugtay. 

Ahmed-shil Mohamed
Sweden
ahmedshil@yahoo.com  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 21, 2007

YAA GAAGIXIYAY MAXKAMADAHA?
Qore: Mustaf Haji Ali yanyo| Jan 18, 2007
Sida aan kawar qabno dalka soomaliya waxay soomartay maraaxil aad ufarabadan laga [Akhri...]

AKHRI: ARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH