SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxaa loola Jeedaa Qunyar socod?

"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2006... Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Tan iyo markii uu dhamaaday dagaalkii qaboobaa ee Dunida, kaas oo ahaa mid u dhexeeyey awoodo isku dheeli tiran oo ay Dowlado fara badan ka faa’iideen kaddib markii labadii dhinac oo uu dagaalkaa Qaboobi ka dhaxeeyey mid waliba ay dooneysay inay hesho taageero fara badan, balse markii ay meesha ka baxday mid ka mid ah quwadihii loolanku ka dhexeeyey ayaa waxaa soo baxay Siyaasad la yiraahdo Qunyaru-socod oo ah ergey marka aad fiirisid aad u wanaagsan balse ay ka dambeyso arrimo fara badan.

Dagaalkii u dhexeeyey Ciraaq iyo Iiraan ee sanadihii Sideetameeyadii waxaa Aayatullaahi lagu yiri, Waa Xag-jir, halka Saadaamna lagu yiri waa qunyaro socod, halkaasna waxaa ka dhacay dagaal dhaliyey khasaaro naf iyo maalba leh markii uu dhintay Ayaatullaah ayaa Saadaam lagu tilmaamay in uu yahay nin Xag-jir ah, waana la ogaa halkii uu ku dambeeyey Saadaam Xuseen.

Waxaa maalmahan la hadal hayaa in Maxamuud AxmedNajaad uu yahay nin Xag-jir ah oo madax adag, waxaana laga yaabaa in Mareykanka iyo xulafadiisa ay weeraro kaga yimaadaan, Dowladaha loo isticmaalo ereyga Qunyaru-Socod iyo Xag-jir aad ayay u fara badan yihiin oo ninkii markaasi dalka Mareykanka danihiisa ka hor yimaada, waxa uuna noqonayaa Xagjir ah, kii aan ka hor imaanna waa lagu oronayaa Qunyaru-Socod oo aad moodaba in labadaasi erey ay yihiin Miisaan uu Mareykanku sameystay.

Maalmihii Mareykanku uu galay Dalka Ciraaq uuna ka saaray Saadaam Xuseen ayaa waxa uu Mareykanku sheegay in Mukhtada Sadar uu yahay Wadaad Qunyaru-Socod ah, maanta Mareykanku waxa uu ku tilmaamaa Sadar in uu yahay nin Xagjir ah, qof waliba waa uu fahmi karaa ujeedada uu Mareykanku ka leeyahay arrintaasi oo ah in uu ku baneysto dagaal uu ku qaado wadadaasi.

Haddii aan u soo laabanayo arrimaha Soomaaliya, markii Dowladdii Max’ed Siyaad laga saaray dalka, waxaa la isla lahaa waxay shacabku heli doonaan dowlad ka wanaagsan tii hore, Mareykanka iyo Reer Galbeedku waxay bilaabeen in labadii Ruux ee isaga soo horjeeday Siyaasadda ee ka kala ahaa Cali Mahdi iyo Caydiid, isla markaana Caydiid lagu tilmaamay nin Madax-Adag oo xagjir ah, halka Cali Mahdi lagu tilmaamay in uu yahay nin Qunyaru-Socod ah, waa la ogaa halkii ay ku dambeeyeen labadaasi nin iyo wixii kala qabsaday ee Khasaaro naf iyo maalba leh.

Markii ay yimaadeen Ciidamadii Mareykank uu horkacayay sanadkii 92-dii, waxa uu Mareykanku markii hore ku soo galay siyaasad ah in ay gacan siinayaan dadkii Abaaraha, hase yeeshee waxa uu waayey cid uu ka hor keeno mid ka mid ah hogaamiyaashii Siyaasadda ee xiligaasi oo ahaa Gen. Caydiid, waxa uuna markiiba bilaabay aniga ayaa Gen. Caydiid soo qabanaya, markii Caydiid la qaban-waayey oo dad fara badan oo isugu jira Soomaali iyo Mareykan ku dhinteen ayaa Mareykanku isaga baxay dalka Soomaaliya.

Markii uu istaagay dagaalkaasi ayaa Si hoose waxaa loola hadlay Cusmaan Caato oo lagu yiri waxaa tahay nin Qunyaru-Socod ah, waana ku garab-taaganahay, waa in aad ninka madaxa adag ee caydiid meesha ka saartaa, halkaasna waxaa ka dagaal ay ku naf waayeen Kumanaan qofood, ilaa iyo haatanna ma jirto cid dib u raacday khasaarihii dagaalkaasi uu gaystay.

Qabqablayaashii dagaalka ee kala qoqobay Gudaha dalka Soomaaliya dhibaatana ku yahay shacabka Soomaaliyeed ayaa markii ay la dagaalameen Maxaakiimta waxaa Maxaakiimta lagu tilmaamay in ay yihiin kooxo Qunyaru-Socod, halka Hogaamiyaasha kooxahana lagu tilmaamay niman madax adag oo uu dalku ka degi waayey, waxa uuna Mareykanku sheegay in loo baahnaa in qab-qablayaasha meesha laga saaro.

Markii Maxaakiimtu ka guuleystay Qabqablayaashii dagaalka oo ay nabad ku soo dabaaleen Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa bilaabatay in la furfuro Maxaakiimtii Islaamiga ahayd lagana qaybgeliyo shirarar fara badan, waxaa dabadeed dhacday in Maxaakiimtii oo markii hore Qunyaru-Socodka lagu tilmaamay in loo soo adeegsado burburintooda Itoobiya, markii ay ka baxeen Maxaakiimtu Muqdisho, aynsa soo galeen qabqablayaashii horey looga awood roonaaday, ayaa Mareykanku waxa uu bilaabay in uu yiraahdo “Waa in qabqablayaashu la shaqeeyaan Dowladda Federaalka hubkoodana ku wareejiyaan, taasina waxay farxad gelisay bulshada Soomaaliyeed, maadaama ay qabqablayaashu horey dhibaato ugu gaysteen”.

Haddaba waxaa maalmahan dib u soo laabtay ereygii Qunyaru-Socod, isagoo u adeegsanaya qaar ka mid ah Mas’uuliyiintii Maxaakiimta Islaamiga ah, oo uu ugu horeeyo Sheekh Shariif, waxa uuna sheegay in loo baahan yahay in xukunka laga qaybgeliyo raggii qunyaru-Socodka ahaa ee Maxaakiimta.

Isku soo wada, Qof kasta oo caqli u saaxiibaa waa uu garan karaa ujeedada uu Mareykanku ka leeyahay ereyga Qunyaru-Socod, oo marka la soo duuduubo loola jeedo in Caalamul-Islaami qalalaase uusa kabixin, gaar ahaan Soomaaliya, ereyga Qunyaru Socodna waa Mindi labo af leh, oo uu Mareykanku dhinaca uu doono wax ugu goosto.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro.
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 24, 2007


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...


Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka  Soomaaliya
Jariidada Washingtonpost oo qoraal dheer ka qortay aragtida reer Addis Ababa ee dagaalka Soomaaliya & Itoobiya... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH