SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii:: Jan 25, 2007

  • C/llaahi Yuusuf oo booqday Qabuurihii Xasuuqii Ruwanda..
  • Garowe: kulan sadex geedoos ah oo looga arinsanayo barnaamijka GNA oo ka socda puntland...
  • Sheekh Shariif oo kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Mareykanka..
  • Duqeyntii Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo laga yaabo in uu dib u dhac..

  • Bleak outlook for AU force in Somalia

Askari Itoobiyaan ah oo lagu diley Bartamaha Kismaayo

Jan 25, 2007: Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayaa maanta lagu diley askari Itoobiyaan ah, mid kalena xabbadka dhaawac laga gaarsiiyey.

Warku waxa uu intaas ku daray in dadka weerarkaas geystey ay ku hubaysnaayeen bastoolado, askarta Itoobiyaanka oo ku hubaysnaa qoryo AK-47 la qaatay qoryihii, waxayna weerarkasi ka dhacay suuqa magaalada Kismaayo oo ciidamada Itoobiya ay ku sugan yihiin 25 maalmood. [ Akhri: Gunmen attack Ethiopian soldiers in Somalia, killing 1].

Garowe: kulan sadex geedoos ah oo looga arinsanayo barnaamijka GNA oo ka socda puntland....

Muran ka taagan tirada dadka Puntland oo hay'ado ku sheegeen 1.1 million, Halka ay DGPL dadka reer Puntland ku sheegtay 2.5 million....

Haayadda deeqaha, dawladaha deeqaha bixiya iyo DGPL ayaa ka arinsanaya sidii barnaamijyo horumarineed oo cad cad looga hirgalinlahaa puntland sanadaha soosocda.

Kulanka oo socon doona muddo laba maal mood ah ayaa waxaa looga wada xaajoondoonaa sidii la iskula meel dhigilahaa mashaariic horumarineed ay iskula lafa guri lahaayeen puntland, Haayaddaha iyo dawladaha deeqaha bixiya.

Madaxwayne kuxigeenka puntland Xasan daahir afqurac ayaa ka dooday isagu war ay sheegtay GNA kaasi oo sheegaya in tirada dadka reer puntland ay tahay oo kaliya 1,100,000 balse sida uu dhabta ahna ay tahay buuyiri tirada shacabka reer puntland ay ay ka badanyihiin 2,500,000 ayna tahay tiradaasi mid khaldan oo aan loo dulqaadan karin, sidoo kale waxaa iyana laga dooday qaar ka mid ah gobalada puntland oo lagu daray somaliland sida gobalada Sool, Sanaag, iyo Cayn halkasi oo isna uu muran wayn ka yimid.

Hay'addaha ayaa iyagu sheegay in aysan ahayn siyaasiyiin meeshan aysan u imaan arimo siyaasadeed ayna u taalo arimahani dadka somaliyeed sidii laga yeeli lahaa balse ay iyaku yihiin kuwo ka wakiil ah Haayaddaha ayna uga wakiil yihiin arrimaha mashaariicda balse wixii siyaasad ah ay u taalo siyaasiyiinta waa sida ay hadalka u dhigeene.

Maamulka puntland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in la yareeyo tirada dadka puntland isla markaana la xaqiro xuduuda dhulka puntland oo la raacsho deegaano kale oo soomaaliyeed taasi oo ay shegen in ay tahay arin aan suurta gal ahayn lana qaadan karin waasida ay hadalka u dhigeene.

A/rizak koronto
Garowe puntland

Garowe: Xubno ka socoda shirkadda Shidaalka ka baaraysa Puntland oo Booqday Garoonka Conoco...
Shirkadda Canmex waxay Lacag caddaan ka haysatey 3.5 million oo doolarka Canada oo keliya.....
Qoraal ay Janaayo 24, 2007 qortay Jariidada Sydney Morning Herald ee Australia oo ka warbixineysey in heshiis dhex maray Puntland, Range iyo Canmex, heshiiskaas oo dhigaya in Canmex ay $50 million oo doolar ku kharash-garayso baaritaanka shidaalka laga baarayo Puntland muddo saddex sano ah, taasna Canmex loogu bedelayo 80% in ay yeelato baaritaanka laba aag oo ah Dooxada Nugaal iyo Dooxada Dharoor ee Puntland. Laakiin ayey tiri jariidadu Canmex khasnadeeda bangiga ee ugu dambeysey waxay muujisay in shirkaaasi ay bishii September 2006 ay lacag caddaan ah ka haysatey $C3.5 million (3.5 million oo ah doolarka Canada). Waxaa warku intaas ku daray in aan si rasmi ah loo shaacin meesha ay shirkaddu ka keeneyso $US50 million oo ay u bahan tahay in ay ku kharashgarayso baaritanka shidaalka Puntland. Sayladda Canmex ma degana; ilaa bishii October 2006 waxaa jirey maalmo aan wax dhaqshaqaaq ah oo kala gadasho ah ka socon saamiyadeeda. Sidoo kale ma muuqato in shirkaddaasi ay leedahay website. Sidaas waxaa qortay Sydney Morning Herald... Halkan ka Akhri warka oo dhan....


C/llaahi Yuusuf oo booqday Qabuurihii Xasuuqii Ruwanda..

Cabdulaahi Yuusuf ah Madaxweynaha DFKMG ee soomaaliya ayaa gaarey wadanka Ruwanda wuxuu kulan gaar ah la yeeshey Madaxweynha wadanka Ruwadanda waxay isla soo qaadeeen sidii Dalka Ruwanda uga qaybqaadan laahaa ciidamada nabad Ilaalinta ee soomaaliya iyo sidii dalka ruwanda wax ugu kordhin lahaa waya aragnimada Dagaal sokeeye sida wax looga qaban lahaa.

Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf wuxuu kaloo ka codsadey sidii Dowladda Ruwanda u tababari lahayd Ciidanka Booliiska soomaaliyeed tababaradaas ay ku qaadan lahaayeen wadanka Ruwanda Gudihiisa.

Cabdulaahi Yusuf waxa uu shaley soo booqdey Qabuuihii dadkii lagu Xasuuqey wadankaas iyadoo laisgu geeyey Hal goob si dadka ugu xasuustaan, madaweynuha DFKMG waxaa la filayey in uu gudbi doono wadanka Liibiya iyo dalka Uganda oo isagu horey u cadeeyey in uu soomaaliya u soo diri doono Ciidamo Nabad Ilaalin ah madaama uu arrintaas horey u fasaxay Baarlamaanka wadanka Uganda.

Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf Axmed oo ka yimid Dalka Itoobiya caasimaddiisa Addis-Ababa ayaa intii uu joogay halkaasi, waxa uu kulan la yeeshay Ra’isul Wasaaradaha dalka Itoobiya, waxaana kulakaasi la iskula soo qaaday sidii labada wadan ay dadaal ugu geli lahaayeen in Soomaaliya la keeno ciidamo nabad ilaalin ah oo bedela kuwa Itoobiya, waxaana madaxweynaha DFKM loo sheegay in uu taageero ka raadiyo wadamada Midowga Afrika, waana midda keentay shalay uu Madaxweynuhu gaaro dalka Rwanda, waxaana la filayaa in uu booqdo wadamo fara badan oo ku yaala Qaaradda Afrika, iyadoo ilaa iyo haatan wadamada Soomaaliya ciidamada ugu yaboohay ay yihiin Uganda iyo Malawi, inkastoo Malawi aysan si rasmi ah u caddeyn in ay Soomaaliya keeneyso ciidamo nabad ilaalin ah, basle waxay ku koobtay in arrintaani ay ka fiirsaneyso.

Sheekh Shariif oo kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Mareykanka..

Gudoomiyaha golaha fulinta ee maxaakiimta islaamiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay kulan la yeeshay safiirka wadanka Maraykanka u fadhiya wadanka Kenya, wuxuuna kulankaas ahaa mid loo diiday saxaafada, ilaa iyo hadda lama oga waxa ka soo baxay hase yeeshee warar ayaa waxay sheegayaa in kulankaas looga hadlay sidii Sheekh Shariif uga qeyb qaadan lahaa Dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay iyo sidii uu uga qeyb qaadan lahaa dejinta xaalada nabad gelyo ee Soomaaliya.

Sheekh Shariif oo todobaadkii hore soo galay wadanka Kenya ayaa ilaa haatan aan la ogeyn sabababihii uu ku soo galay wadanka keenya balse wararbaa sheegaya in sheeq shariif uu ku soo galay marti qaad uu ka helay Dowlada Maraykanka iyadoo la ogyahay in dowlada Maraykanka ay aad u daneyneyso in Sheekh Shariif uu ka dhex muuqdo siyaasada Soomaaliya

Sheekh Shariif ayaa la sheegay in uu dalbaday in uu gaaro Wadanka Yemen si uu ugu biiro rag ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga oo ku sugan wadankaasi.

Duqeyntii Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo laga yaabo in uu dib u dhac..

Markii shalay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho duqeyn loo gaystay ayaa Saxaafadda Caalamka waxay baahiyeen warar lala xiriira garoonkaasi, qaarkood waxay ku sheegeen in halbowle muhiim ah laga duqeeyey Dowladda Federalka, halka kuwo kalana ay sheegeen in duqeyntaani ay dib u dhac u keeni karto imaansha Ciidamada nabad ilaalinta ah ee Midowga Afrika.

Kuwo kale ayaa waxay sheegeen in duqeyntaani ay ka tarjumeyso in ay weli ay jiraan kooxo weli taageersan Maxaakiimta Islaamiga ah oo ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dlaka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka oo dhawaan laga duqeeyey Villa Somalia ayaa duqeynta garoonka waxay keeni kartaa in Diyaaradaha ay ku adkaato in ay isku soo haleeyaan garoonkaasi.

Dhowr qofood ayaa loo xiray duqeyntaasi, hase yeeshee ragga duqeeyey ayaa iyagu meelo fog fog ka soo riday Hoobiyaha, iyadoo Ciidamada Dowladda ay shalay bilaabeen in ay baaraan guryaha ku dhow dhow garoonka Diyaarada Muqdisho.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Puntland:Suxufiyiinta puntland oo ka hadashay dalada guud ee saxaafada somalia oo looga dhawaaqay muqdisho.

Inta badan masuuliyiinta idaacadaha ka hawlgala puntland ayaa siyaabo kala duwan uga hadashay dalada suxufiyiinta somaliyeed oo looga dhawaaqy muqdihso iyaga oo ku tilmaamay daladaasi mid aan kuwa puntladn oo ku kooban kuwa koonfurta somalia ee muqdisho waa sida ay hadalka u dhigeene suxufiyiintu.

Suxufiyiinta puntland oo kulamo gooni goni ah ka yeeshay arintaan oo ay iskula lafa gureen sida ay u arkaan ayay ku tilmaameen mid aan u cubtami karin ayna marin habaabiyeen sidii wax loo waday iyaga oo sheegay in uu qorshuhu ahaa mid ay lagu midaynayo saxaafada somaliya si ay u yeelato dalad islamarkaana awooda dalaasi ay ahaan lahayd mid gobal gobal loo dhisay hase ahaatee ay noqotay mid awoodeedii hal meela laga dhisay markii bay yiraahdeen gudoomiyiihii dalada iyo kuxigeenkiisuba ay hal gobal ka soo wada jeensadeen taasina ay noqotay mid marin habaabini ku timid oo aan ba laqaadan karin waa sida ay hadalka u dhigeene.

Sidoo kale suxufiyiintu waxay ka hadleen sidii bal ay suurta gal u noqonlahayd in ay dalad guud dhistaan suxufiyiinta puntland oo qura taasina ay markasi u suurta galin karto saxaafada puntland in ay helaan dalad midaysa islamrkaana u raadisa xuquuqda kamaqan waa sida ay hadalka u dhigeene.

A/rizak koronto
Garowe puntland

Wararkii Shalay...


Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo lagu weeraray Hoobiyeyaal

Jan 24, 2007: Garoonka caalamiga ah diyaaradaha Muqdisho ayaa Maanta, Arbaca, lagu weeraray hoobiyahaal iyadoo aan la garanayn goob laga soo tuuray hoobiyeyaasha iyo cidda ka dambeysan midna.

Goobjoogayaal ku sugan goob ku dhow garoonka ayaa sheegay inay arkeen dad dhawacyo qaba oo la saarayo gaariyo, waxaana ay sheegeen in dhowr hoobiye ay ku dhaceen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho.

Agaasimaha garoonka diyaaradaha ee Garoonka Muqdisho ayaa sheegay in dhowr ruux ay ku dhaawacmee hoobiyeyaasha lagu garaacay garoonka, waxaase uu ka gaabsaday inuu warar dheeraad ah ka bixiyo weerar lagu soo qaaday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Waa markii ugu horreysay oo la weeraro Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho tan iyo intii ay la wareegtay gacan ku hayntiisa muddo bil ka hor ah garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo haatan u shaqeeya si caadi ah.

Shalay ayaa waxaa ka baxay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ciidammo ka tirsan kuwa Ethiopia oo halkaas ku sugnaa, waxaana ay ahaayeen dufcaddii ugu horreysay oo ka tirsan Ciidammada Ethiopia oo isaga baxa gudaha Soomaaliya.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321


Weerar Qoryaha Hoobiyeyaasha Iyo Madaafiicda Kasoo Dhacayey Oo Lagu Soo Weeraray Garoonka Diyaaradaha Ee Muqdisho.

Jan 24, 2007: Madaafiicda ka dhacda qoryaha waaweyn ayaa maanta oo Arbaca ah lagu soo weeraray garoonka weyn ee diyaaradaha magaalada muqdisho islamrakaana waxaa ku dhaawacmay in ka badan 4 Qof inta la ogyahay , xilli halkaasi ay ka soo dageen diyaarado siday dad iyo wafuudo caalami ah.

Ilaa iyo 4 madfac ayaa lagu soo tuuray garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, iyadoo madaafiicdaasi ay ahaayeen hoobiyeyaal sida uu sheegay Agaasimaha Airaporka Max'ed Axmed Siyaad oo saxaafada u waramay xiligii ay madaafiicdu dhacaday kadib.

Madaafiicdan ayaa mid kamid ahi waxa uu ku dhacay iridda weyn ee laga soo galo garoonka isagoo waxyeelo u geeystay 4 qofood oo la sheegay in ay ku jiraan caruur iyo dad waaweyn oo sida la sheegay sagootinayay dad ka duulayay garoonkaasi, halka mid kalena uu ku dhacay gudaha Garoonka, iyadoo midka labo madfacna ay u gudbeen dhinaca badda oo uu ku qarxay biyaha dhexdooda .

Dadkii ku dhaawacmay madaafiicdaasi ayaa waxaa loola cararay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, Lama Oga wax dhimasho ah oo Halkaasi ka dhacay.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
002521-5580916

Cali Maxamed Geeddi oo Kenya Weydiistey in ay Kusoo Wareejiso Sheikh Shariif
Warsaxaafadeed u ku qabtay magaalada Nairobi ayuu. Akhri..
somaliGeeddi: Ciidamada Itoobiya Qaar ka mid ah ayaa sii Joogaya Soomaaliya
Cali Max’ed Geeddi ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ay qaar ka mid sii joogi doonaan dalka Soomaaliya ilaa iyo inta ay........ Akhri... 24/1

Kulan Lagu Taageerayo DFKMG oo ka dhacay Hotel Global iyo dalka Yemen oo Safaarad ka furtay Muqdisho.. Akhri 23/1

Midowga Yurub oo Shuruud Ku Xiray Taageerada Soomaaliya: shuruurdaas oo ah in DFKMG ay wadahadal la furto Maxkamadaha iyo Akhri.... 23/1

Canada oo aad uga Carootay Kenya oo Nin Somali-Canadian ah u Dhoofisey Soomaaliya:  Warkaas iyo Garoonka Diyaaradaha oo laga dhoofiyey 22 qof Akhri..... 23/1

Bannaanbax Ballaaran oo Looga Soo Horjeedo Itoobiya oo ka Dhacay Canada... Akhri...

Suudaan oo Diidey in ay Ciidamo Nabad Ilaalin ah u Dirto Soomaaliya: "ciidan kasta oo shisheeye oo loo diro Soomaaliya waxaa weerar kaga iman doono Akhri... 22/1


Isbahaysiga Qaran ee Daafacaadda Jamhuuriyadda Soomaaliyeed : Baaq Culus #2
Raabehunugga horseedka u ah abaabulka iyo mideynta xoogagga wadaniyiinta Soomaaliyeed ayaa magaalada Ottawa, Canada waxa uu Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH