SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii:: Jan 26, 2007


"Koonfur Afrika Ciidan Nabad Ilaalin ah uma diri doonto Soomaaliya" - Lekota

Wasiirka Gaashaan dhigga dalka Koonfur Afrika, Mosiuoa Lekota, ayaa Khamiistii shaaca ka qaaday in dalka K/Afrika uusan ciidamo nadab ilaalin ah u diri doonin dalka Soomaaliya.

Wasiirku waxa uu warkaas sheegay ka dib markii uu kulan dhex maray asaga iyo madaxweynaha K/Afrika Thabo Mbeki.

Kulankaas oo ka dhacay magalda Pretoria waxay madaxweynaha iyo wasiirka difaacu ka wada hadleen ciidamo nadab ilalin ah oo loo diro dalka Soomaaliya in ay wiiqeyso hawlaha kale ee ay hadda fuliyaan ciidamada Koonfur Afrika oo xilligan nabad ilaalin u joogaan dalalka Burundi, Congo, Ivory Coast, Sudan iyo weliba Ethiopia/Eritrea.

Wasiirku waxa uu ku celiyey ciidamo nabad ilaalin ah oo Koonfur Afrika u dirto Soomaaliya waxay wiiqayaan kartida ay K/Afrika ku fulineyso hawlaha ay mar hor ballan qaaday, sidaas daraadeedna aan Koonfur Afrika ciidamo nabad ilaalin ah ugu dirayn Soomaaliya.

Isha: IOL


oilKenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya... Akhri... Jan 26


WARARKII SHALAY: JAN 25, 2007

Askar Ethiopian ah Oo Lagu Dilay Bartamaha Magaalada Kismaanyo

Wararka naga soo gaaraya magaalada kismaanyo ayaa sheegaya in Bartamaha Magaaladaasi lagu Toogtay maanta Nin ethiopian ah mid kalena lagu dhaawacay, islamarkaana laga Qaatay qorayahay wateen ee ay ku hubaysnaayeen ka dib markii kooxo hubeysan ay weerar ku soo qaadeen askartaasi .

Weerarkan oo ka dhacay suuq yaraha magaalada Kismaayo ayaan wali la ogeyn kooxahii falkaasi gaystay, inkastoo dadka qaar ay sheegayaan in Labo nin oo hubeysani ay si bareer ah toogasho ugu dileen askartaasi Ethiopianka ah islamarkaana ay ka qaateen qoryahii ay wateen.

Goobihii ganacsiga iyo xafiisyadii shirkadaha ganacsiga ayaa la wada xiray ka dib markii uu dhacay dilkani waxaana kadib isku gadaamay Goobta uu dilku ka dhacay ciidamada dowlada kmg iyo kuwo Ethiopian ah kuwaasoo Halkaasi xoog iyo Jujuub kaga kaxaystay dad Rayid ah oo aan waxba galabsan islamrkaana ku Ritay baabuurta Gaashaaman ee ay wataan ciidamada Ethiopia lamana oga meesha ay la aadeen dadkaas rayidka ah oo aan tiradooda la sheegin.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
002521-5580916

Askari Itoobiyaan ah oo lagu diley Bartamaha Kismaayo

Jan 25, 2007: Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayaa maanta lagu diley askari Itoobiyaan ah, mid kalena xabbadka dhaawac laga gaarsiiyey.

Warku waxa uu intaas ku daray in dadka weerarkaas geystey ay ku hubaysnaayeen bastoolado, askarta Itoobiyaanka oo ku hubaysnaa qoryo AK-47 la qaatay qoryihii, waxayna weerarkasi ka dhacay suuqa magaalada Kismaayo oo ciidamada Itoobiya ay ku sugan yihiin 25 maalmood. [ Akhri: Gunmen attack Ethiopian soldiers in Somalia, killing 1].

Sheikh Shariif Sheikh Axmed Oo La Kulamay Safiirka Mareykanka U Fadhiya Kenya .

Gudoomiyahii Golaha Fulinta maxaakiimta islaamka soomaaliyeed sheikh shariif sheikh axmed ayaa kulan la qaatay safiirka maraykanka u fadhiya dalkaasi kenya Michael Ranneberger,magaalada nairobi, kulankan oo ahaa mid albaabadu xirnaayeen ayaan la shaacin waxa ay ku wada hadleen labadan masuul . .
Michael Ranneburger, Danjiraha Mareykanka u fadhiya Kenya iyo hogaamiyaha golaha maxaakiimta islaamka ayaan kulankooda wax Faahfaahin ahi kasoo bixin , iyadoo mar sii horeysay ayaa Haweenayda afhayeenada u ah safaarada Mareykanka ee nairobi Jennifer Barnes ay sheegtay in danjiraha Mareykanka uu ku boorinayo Sheekh Sharif Sheekh Axmed inuu ka codsado taageerayaashiisa inay ka fogaadaan rabshadaha oo ay taageeraan horumarka la doonayo in la helo dowlad loo dhan yahay oo sal balaaran .

Sheekh Sharif sheikh axmed oo ahaa gudoomiyahii fulinta ee maxaakiimta Islaamka Soomaaliya oo looga adkaaday dagaalo laba todobaad socday oo lagu wiiqay awooda militari ee ay golaha maxaakiimtu lahaayeen ayaa Diblomaasiyiinta shisheeye ee caalamku waxay u arkaan inuu yahay mid aan looga maarmi karin soo celinta nabada iyo taageerada shacabka oo aad u taageersanaa golaha maxaakiimta islaamka islamarkaana loo baahan yahay oo ay muhiim tahay in loo bilaabo wada xaajood isaga iyo kuwa kamidka ah dowlada kmg ah si hanaanka nabada Soomaaliya xal loogu helo.

Mareykanka ayaa aaaminsan in Sheekh Sharif u yahay wadaad qunyar socod ah oo leh taageero balaaran, ku leh shacabka soomaaliyeed dhexdiisa isla markaana ay haboon tahay in uu qayb ka helo siyaasada soomaaliya oo iminka jaahwareerka ku jirta .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Garowe: kulan sadex geedoos ah oo looga arinsanayo barnaamijka GNA oo ka socda puntland....

Muran ka taagan tirada dadka Puntland oo hay'ado ku sheegeen 1.1 million, Halka ay DGPL dadka reer Puntland ku sheegtay 2.5 million....

Haayadda deeqaha, dawladaha deeqaha bixiya iyo DGPL ayaa ka arinsanaya sidii barnaamijyo horumarineed oo cad cad looga hirgalinlahaa puntland sanadaha soosocda.

Kulanka oo socon doona muddo laba maal mood ah ayaa waxaa looga wada xaajoondoonaa sidii la iskula meel dhigilahaa mashaariic horumarineed ay iskula lafa guri lahaayeen puntland, Haayaddaha iyo dawladaha deeqaha bixiya.

Madaxwayne kuxigeenka puntland Xasan daahir afqurac ayaa ka dooday isagu war ay sheegtay GNA kaasi oo sheegaya in tirada dadka reer puntland ay tahay oo kaliya 1,100,000 balse sida uu dhabta ahna ay tahay buuyiri tirada shacabka reer puntland ay ay ka badanyihiin 2,500,000 ayna tahay tiradaasi mid khaldan oo aan loo dulqaadan karin, sidoo kale waxaa iyana laga dooday qaar ka mid ah gobalada puntland oo lagu daray somaliland sida gobalada Sool, Sanaag, iyo Cayn halkasi oo isna uu muran wayn ka yimid.

Hay'addaha ayaa iyagu sheegay in aysan ahayn siyaasiyiin meeshan aysan u imaan arimo siyaasadeed ayna u taalo arimahani dadka somaliyeed sidii laga yeeli lahaa balse ay iyaku yihiin kuwo ka wakiil ah Haayaddaha ayna uga wakiil yihiin arrimaha mashaariicda balse wixii siyaasad ah ay u taalo siyaasiyiinta waa sida ay hadalka u dhigeene.

Maamulka puntland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in la yareeyo tirada dadka puntland isla markaana la xaqiro xuduuda dhulka puntland oo la raacsho deegaano kale oo soomaaliyeed taasi oo ay shegen in ay tahay arin aan suurta gal ahayn lana qaadan karin waasida ay hadalka u dhigeene.

A/rizak koronto
Garowe puntland

Garowe: Xubno ka socoda shirkadda Shidaalka ka baaraysa Puntland oo Booqday Garoonka Conoco...
Shirkadda Canmex waxay Lacag caddaan ka haysatey 3.5 million oo doolarka Canada oo keliya.....
Qoraal ay Janaayo 24, 2007 qortay Jariidada Sydney Morning Herald ee Australia oo ka warbixineysey in heshiis dhex maray Puntland, Range iyo Canmex, heshiiskaas oo dhigaya in Canmex ay $50 million oo doolar ku kharash-garayso baaritaanka shidaalka laga baarayo Puntland muddo saddex sano ah, taasna Canmex loogu bedelayo 80% in ay yeelato baaritaanka laba aag oo ah Dooxada Nugaal iyo Dooxada Dharoor ee Puntland. Laakiin ayey tiri jariidadu Canmex khasnadeeda bangiga ee ugu dambeysey waxay muujisay in shirkaaasi ay bishii September 2006 ay lacag caddaan ah ka haysatey $C3.5 million (3.5 million oo ah doolarka Canada). Waxaa warku intaas ku daray in aan si rasmi ah loo shaacin meesha ay shirkaddu ka keeneyso $US50 million oo ay u bahan tahay in ay ku kharashgarayso baaritanka shidaalka Puntland. Sayladda Canmex ma degana; ilaa bishii October 2006 waxaa jirey maalmo aan wax dhaqshaqaaq ah oo kala gadasho ah ka socon saamiyadeeda. Sidoo kale ma muuqato in shirkaddaasi ay leedahay website. Sidaas waxaa qortay Sydney Morning Herald... Halkan ka Akhri warka oo dhan....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH