SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Wararkii:: Jan 31, 2007
  • Golaha Muslimiinta Kenya oo codsaday in ay la kulmaan Sheekh Shariif.
    Xaaji Abuukar Caddaani oo maanta lagu filayo in la soo taago maxkamad..
  • Midowga Afrika oo soo dhaweeyey qorshaha uu Talyaanigu ku doonayo in uu Soomaalida..
  • Shirkii Midowga Afrika oo ay ka soo baxeen go’aano ay ka mid yihiin…
  • C/llaahi Yuusuf oo sheegay in uu soo dhaweynayo qorshaha beesha..

Weeraro xooggan oo xalay lala beegsaday Fariisimada Ciidamada Itoobiya ee Ceel-Cirfiid

Weeraro xoogan ayaa xalay laga maqlayay deegaanka Ceel-cirfiid ee Magaalada Muqdisho iyo Suuqa Darmoole ee Duleedka Magalada waxaana baraha ciidamada lala beegsday qoryaha Madaafiicda ka dhacada, waxaana xooga ay leedahay rasaastaas darted laga maqlaayay magaalada oo dhan.

Ma aha markii ugu horeysay ee la weeraro baraha ciidamada Itoobiyaanka ee dhinaca Ceel-Cirfiid, iyadoo qasaaraha uu dhaliyay weerarkaas aan la ogeyn ayaa hadana dadka deegaankaas ka ag dhow xalay soo foodsaartay cabsi aad u xoogan.

Weerarkaan ugu dambeeyay ayaa xalay lagu qaaday fariisimada ciidamada Itoobiyaanka ayaa la sheegay inay ka qeyb qaateen 3-gaari oo ay saran yihiin qoryaha Tiknikada loo yaqaan sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
 


Golaha Muslimiinta Kenya oo codsaday in ay la kulmaan Sheekh Shariif.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Iyadoo dhawaan uu gaaray Magaalada Nayroobi guddoomiyihii Gudiga Fulinta Sheekh Shariif Axmed, isla markaana kulamo la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladaha Mareykanka iyo Talyaaniga ayaa wararka ka imaanaya magaalada Nayroobi waxay sheegayaan in Golaha Muslimiinta Dalka Kenya ay dowladda Kenya ka dalbadeen in ay kulan la yeeshaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed, si ay wax uga ogaadaan Sheekh Shariif, maadaama aysan weli warbaahinta ka arkin iyo waliba kulamadii uu la yeeshay mas’uuliyiintaasi.

Tacsi Naxdin Leh
Haddaanu nahay Beesha Siciid Harti ee degan gobalka Minnesota waxa aanu tacsi wada jir ah u direynaa qoysaskii ay ka geeriyoodeen Maxamud Xaji Xashi iyo Professor, Ismaaciil Ducaale Qambi.
Waxa aanu Alle uga baryeynaa in uu janada ka waraabiyo eheladii ay ka tageena samir iyo iimaana ka siiyo, AMIIN, AAMIIN, AAMIIN.

Abdimalik Askar
651-428-6963
Abdimalik.Akar@hennepintech.edu
 

Golaha Muslimiinta Kenya oo si aad ah u taageeray waxyaabihii ay Maxaakiimtu ka qabteen nabadgelyada Muqdisho, ayaa waxay horey uga qaybgaleen kulamo bada oo ka dhacay dalka Kenya gudihiisa iyo waliba dibaddiisa, kuwaas oo looga hadlayey sidii loo adkeyn lahaa ammaanka dalka Soomaaliya.

Golaha muslimiinta ayaa waxay horey uga caroodeen falalkii ay Dowladda Kenya kula kacday Maxaabiis Soomaaliyeed oo ay u gacan gelisay Dowladda Itoobiya, waxayna horey u sheegeen in wixii dhibaato ah ee soo gaara dadkaasi ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto Dowladda Kenya, waxay kaloo sheegeen Dowladda Kenya ay burburisay sharciyada u yaala maxaabiista iyo waliba dadka soo galootiga ah, waxayna ka codsadeen in aysan maxaabiis dambe u gacan gelin Dowladda Itoobiya, waxay kaloo sheegeen in Dowladda Kenya aysan dhex dhexaad ka aheyn arrimaha Soomaaliya oo ay la safatay Mareykan iyo Itoobiya. Sheekh Shariif oo haatan ku sugan Hotel ku yaala dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nayroobi, ilaa iyo haatanna wax war ah lagama hayo wixii ka dambeeyey kulankii uu la yeeshay safiirka Mareykanka iyo wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee dalka Talyaaniga.

Xaaji Abuukar Caddaani oo maanta lagu filayo in la soo taago maxkamad..

Iyadoo maalintii isniinta ahayd Xaaji Abuukar Cumar Caddaani la soo taagay maxkamad ku taala dalka Kenya ayaa maanta la filayaa in mar kale maxkamadda dib loogu soo celsho, kaddib markii Dowladda Kenya ay sheegtay in Xaaji Abuukar Cumar Caddaani uu dalka Kenya ku soo galay sharci daro.

Wiilkiisa C/qaadir oo la wareystay ayaa waxa uu sheegay in aabihiis uusan sharci daro ku soo gelin dalka Kenya, balse uu ku soo galay fiisaha dal ku galka Kena, waxa uuse sheegay in aabbihiisa lagu haysto sharci daro, waxa uuna ka codsaday Dowladda Kenya in ay xoriyaddiisa dib ugu soo celiso Aabbihiis.

Shacabka Kenya iyo golaha Muslimiinta Kenya ayaa dadaal ugu jira sidii Xaaji Abuukar Cumar Caddaani dib loogu soo celin lahaa xoriyaddiisa, waxayna sheegeen in Xaaji Abuukar lagu haysto cadaalad daro, waxayna codsadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan loo sii daayo, Dowladda Kenyana ay siiso magangelyo.

Xaajigu waxa uu ka mid ahaa taageerayaashii Golaha Maxaakiimta, isagoo ka taageeri jiray dhinaca maaliyadda iyo waxyaabo kale.

Midowga Afrika oo soo dhaweeyey qorshaha uu Talyaanigu ku doonayo in uu Soomaalida..

Midowga Afrika oo kulan madaxeed ugu dhamaaday magaalada Adisb-Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxa uu si aad ah u soo dhaweeyey hadalkii ka soo yeeray Ra’isul Wasaaraha dalka Talyaaniga oo ahaa in dalkiisa uu ku martigelinayo shirweyne oo ay isugu yimaadaan dhamaan kooxaha Soomaalida.

“Intaan la geyn dalka Soomaaliya ciidamada nabad ilaalina, waxaa haboon in la qabto shirweyne qaran, waayo dal aan heshiis ahayn ciidan lama geyn karo” ayuu yiri Midowga Afrika oo sheegay in keenista Ciidamo shisheeye ee Soomaalia ay ka horeyso in marka hore shir la isugu keeno dhamaan kooxaha Soomaaliyeed oo ay ku jiraan Maxaakiimta Islaamiga ah.

Midowga Afrika waxa uu soo dhaweeyey deeqdii ka soo yeertay Dowladda Talyaaniga ee ahayd in 14 Milyan oo Doolar uu Talyaanigu ugu deeqayo hawgalka nabad ilaalinta ee Soomaaliya, waxa uuna ku tilmaamay midowga Afrika deeqdaasi mid soo dedejineysa in Soomaaliya loo diro ciidamo nabad ilaalin ah oo soo celiya nabaddii iyo karaamadii ummadda Soomaaliyeed, maadaama dalku ku jiray 17 sano dagaalo Sokeeye

Shirkii Midowga Afrika oo ay ka soo baxeen go’aano ay ka mid yihiin…

Waxaa magaalada Adis-Ababa ee Dalka itoobiya xalay lagu soo gaba-gabyey kulan Maddaxeedkii Ururka Midowga Afrika waxaana looga hadalay arrimaha Soomaaliya waxayna sheegeen Madaxdii ka qaybgashay in waqtigaan ay haboon tahay in Soomaaliya loo diro Ciidmo Nabd ilaalin ah oo badala kuwa itoobiya oo iyagu gacan siiyey Dowladda fedaraalka ah meesha ka saaray Maxakamadahii islaamiga ahaa/

Midowga Afrika waxa uu isku raacay in dhamaan Kooxaha Soomaaliyeed loo qabto kulan Dib u hashiisiin ah waxaana arrintaan aqbalay Madaxwaynaha Dowladda fedaraalka C/laahi Yuusuf Axmed oo sheegay in Dowlada ay dadaal u gali doonto sidii ay isugu keeni la hayd Bulashada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Midowga Afrika waxa uu soo jeediyey in Soomaaliya loo diro Ciidamo Gaaraya 8-kun oo Askari hase yeeshee Midowga Afrka waxa uu codsi ka hayaa Waddamada Ugand, Neyjeeriya oo sheegay inay hayaan ilaa 2-kun oo Ciidamo ah balse waxa ay Shruud kaga dhigeen in Ciidamadaasi loo helo dhaqaale ay ku howl galaan.

Isku soo duuboo kulan Madaxeedkii Afrika waxaa laga dhadhansan karay in loo baahan yahay in Soomaaliya loo qabto Shirwayne dib u hashiisiin ah oo lagu dhiso Dowlad Sal-Balaaran.

Dhinaca kale Dowladaha Maraykanka iyo Midowga Yurub ayaa waxa ay wadaan Qurshe ah in Soomaaliya loo dhiso Dowlad ay kawada muuqdaan dhamaan Kooxaha Soomaaliyeed.

Maanta oo la filayo in la doorto ninkii lagu bedeli lahaa Guddoomiyihii Baarlamaanka..

Maanta ayaa la filayaa in kulan ay isugu yimaadaaan Golaha Baarlamaan kaasoo noqon doona mid lagu doorto Gudoomiyaha Baarlamaanka ka dib markii Gudoomiyihii Baarlamaanka Shariif Shikh Aadan laga qaaday xilkii ka dib markii lagu Eedeeyey inuu ku takri falay xilkii loo dhiibay isla markaana uu ku xadgudbay Axdiga ku meel gaarka ah.

Ragga u tar-tamaya Gudoomiyenimada Golaha Baarlamaanka ayaa waxaa ugu cad-Cad Shiikh Aadan Max’ed Nuur (Madoobe), Saalim Caliyow ibrow,Max’ed Aadan Madeer iyo Ibraahim Kiish Buur, waxayna shalay Baaralamaanka u soo gudbiyeed wax qabadkoodii iyo Taariikh Nololeedkoodi waxa uu mid walba sheegay in uu xilkiisa u gudan doono si cadaalad ah isla markaana Baarlamaanka uu ku hogaamin doono sida Axdiga ku meel gaarka ah uu qabo.

Masuuliyiinta ugu sareesa Dowladda ayaa waxa ay wadaan dadaal ah sidii xilkaasi uu ugu guulaysan lahaa Shiikh Aadan Madoobe oo si aad ah isugu dhow yihiin halka warar qaar ay sheegayeen in qaar ka mid ah Xildhibaanada ay aad u doonayaan in uu xilkaasi ku guulaysto Saalim Caliyow Ibrow oo sheegeen in uu yahay Nin aqoon u leh arimahaasi isla markaasi muddo ku soo jiray Siyaasadda Soomaaliya.

C/llaahi Yuusuf oo sheegay in uu soo dhaweynayo qorshaha beesha..

Madaxwayne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa aqbalay in Soomaaliya loo qabto Shirwayne dib u hashiisiin ah oo ka soo qaybgalaan dhamaan Kooxaha Soomaaliyed hase yeeshee Madaxwayne waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Shirkaasi lagu qabto gudaha Waddanka Soomaailya maadaama Shirarkii hore lagu qaban jiray Dalka dibadiisa.

Madaxwaynaha waxa uu hadalkaani ka sheegay mar uu kulamo la yeeshay Wakiilka Midowga Yurub oo u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha Wadanaka itoobiya, kaaliyaha Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka iyo Masuuliyiin kale oo ka socotay Qaarada Afrika iyo jaamacadda Carabta waxayna dhamaatood isku raaceen in waqtigaan loo baahan yahay in Soomaaliya loo qabto Shirwayne dib u hashiisiin ah oo ay ka qaybgalaan Maxkamadaha islaamiga ah si Soomaaliya u hesho Nabad galyo Buuxda, Madaxwaynaha waxa uu sheegay in uu u hugaansamayo Baaqyada ka soo yeeraya Beesha Caalamaka ee ah in Soomaaliya ay mar kale ay isugu timaado Shirwayne Qaran.

Idaacadda VOA oo furaysa idaacad af-ka soomaaliga ku hadasha

12 Feberaayo 2007 ayaa lagu wadaa in Idaacadda VOA (Voice of America) ay bilowdo idaacad joogto ah oo ku hadasha afka soomaaliga kuna wajahan Geeska Afrika.Koox weriyeyaal Soomaaliyeed ah oo u shaqeeya Idaacadda VOA xarunteeda Washington oo kaashanaya weriyeyaal ka soo hadlaya afrika iyo meel kasta oo dunida ka mida ayaa diyaar u ah inay malaayiin Soomaali ah u soo gudbiyaa warar sugan oo daray ah (mar kasta cusub). “Waxaan rabnaa inaan ku biirno bahda warbaahinta Soomaalida” ayuu yiri Madaxa Idaacadda VOA, isagoo intaa raaciyay waxaan doonaynaa inaan dadweynaha Soomaaliyeed gaarsiino warar sugan, waqiga la socda, nuxur leh waqtigan xasaasiga ah ee taariikhda gobolka soo martay”

Idaacadaas waxay hawada ku jiraysaa nus saac maalin walba todobada cisho, waxayna soo tabin doontaa wararka Caalamka oo ay ku jiraan Kuwa Soomaalid. iyo weliba Geeska Afrika. Sidoo kale waxay baahin doontaa Musik, dodo iyo waraysiyo iyadoo fursad loo siin doono dhagaystayasha mararka qaar in dhagaystayaasha ay wararka qaar ay ra’yigooda ka dhiibtaan.
Idaacada VOA laanteeda Afka Soomaaliga Waxaa maalgeliyay dowladda Maraykanka, iyadoo Geeska Afrika ay ka baahisa luqadaha Amxaariga, Cafarta, Oromada iyo Tigreega, iyadoo laanta Afka Soomaaliga ee VOA ay horay u shaqayn jirtay sannadihii 1992-94 Laanta Afka Soomaalga ee VOA waxaa laga baahin doonaa Mowjadaha AM, FM iyo mowladaha gaagaaban iyadoo ay soo geli doonto saacadaha 1600 UTC oo u dhiganta (7:00 p.m ) xilliga Soomaaliya, waxaana lagu soo celin doonaa 1700 UTC (8:00 p.m).

Waxaa idaacaddas laga dagaysan karaa 88.8 FM Capital Voice ee magaalad Muqdisho, waxaad kaloo ka dhagysan kartaa websiteka

Frequencies-ka aad ka dhagaysan karto waxay kala yihiin

Frequencies: 1600-1630 UTC: 13580 Khz, 15620 Khz, 1431 Khz
1700-1730 UTC: 13580 Khz, 15620 Khz Idaacadda VOA waxaa markii ugu horeysay ay hawada gashay 1942-kii, waxay baahisaa 1000 saacadood oo ah warar, warbixino, barnaamijyo waxbarasho iyo kuwo dhaqanka ah todobaad kasta, waxaana dhagaysta dad gaaraya 115 milyan, waxaana ka baxa 44 luqadood.Wixii faahfaahin dheeraada la xiriir

VOA's Office of Public Affairs at (202) 203-4959 or via e-mail at publicaffairs@voa.gov.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Xafiisyadii Maamulkii Hore Ee Jowhar Oo La Biliqaystay Iyadoo Aysan Soo Gaarin Maamulka cusub
Wararka naga soo gaaraya xarunta gobolka sh/dhexe ee jowhar ayaa sheegaya in magaaladaasi ay gashay xaalad kala guur ah iyo fowdo ah iyadoo maalintii shalay ahayd Bililiqo loo gaystay xafiisyadii maamulkii Max’ed cumar xabeeb (maxamed dheere) oo halkaasi ka talin jiray ,iyadoo gaar ahaana Gurigii Maxamed dheere uu ka deganaa Jowhar iyo weliba xaruntii ra’iisal wasaare Cali maxamed Geeddi uu ka deganaa halkaasi xiligii ay dowladdu fariisinka ka dhigatay Jowhar, kuwaasoo laga qaatay qalabkii xafiisyada iyo waxii agab ahaa ee halkaas yaalay... AKHRI WARKA OO DHAN...

Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaal adag oo ka dhacay Gudhis, oo ka tirsan degmada Fiiq, kaasoo khasaare aad u wayn loogu gaystay ciidammada caga-jiidka ah ee gumaysatada Itoobiya.
Cutubyo ka tirsan ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee xoreynta Ogaadeenya ayaa markii ay taariikhdu ahayd 26/01/07 waxay weerar ku qaadeen ciidammo ka socda gumaysatada Itoobiya oo hawlgallo millatari u yimid nawaaxiga Gudhis, waxayna weerarkaas si wayn ugu jabiyeen ciidammadii gumaysatada Itoobiya ee halkaas loo soo diray. AKHRI HALKAN...

Dood cilmiyeed ka dhacday Minneapolis: Dhibaatadda Somalia, Ethiopia & Geeska Afrika
Minneapolis: Shir cilmiyeed balaaran oo lagu gorfeeynayay raad-reebka eey keeni karto duulaanka gardarradda ah ee ciidamadda Itoobiya ku soo qadeen gudaha Soomaaliya iyo saameeynta duulankani ku yeelan karo xiriirka labada dal ayaa galabnimadii Sabtida ee taariiqdu ku beegneeyd Janaayo 27, 2004 lagu qabtay Magaaladda Minneapolis ee Gobolka Minnesota... AKHRI...

"Xiriirka ay reer Yurub iyo Reer Galbeedku la leeyihiin Afrika waa xiriirkii gumeysiga"
Sidaas waxaa yiri safiirka Itoobiya u fadhiya China
, warkaas iyo madaxweynha Shiinaha oo booqasho ku maraya 8 dal oo Afrika ah.. ka akhri halkan... Jan 30

Beelaha Tigreega iyo Beesha Cayr oo kulan dhawaan ku yeelan doona  Addis-Ababa
iyo Dowladda Talyaaniga oo sheegtay in dalkeeda ay ku qabaneyso shir dib u heshiisiin Soomaaliyeed.. Akhri.. Jan 30

Lacag dhan $3 million ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia... Akhri....

Guddoomiyeyaasha Degmooyinka G/Banaadir oo cabasho ka muujiyay in xilalka laga qaadayo
iyo Prof. Dalxa oo xarunta Madaxtooyada kula kulmay qaar ka tirsan Fannaaniinta...
 Akhri...

Horn Relief oo Markii ugu Horreysey ka Hirgelinaysa Ceel Riig ah Magaalada Badhan... Akhri...

oilKenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya... Akhri...

DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay in... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH