SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Dood cilmiyeed ka dhacday Minneapolis: Dhibaatadda Somalia, Ethiopia & Geeska Afrika

Somali Institute for Peace and Justice Minneapolis, MN
somipj@gmail.com

"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2006... Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...

gaari
Jan 30, 07: Xabashida iyo magaalooyinka: Galkacyo (66), Baydhabo (45), Beledweyne (37), Muqdisho (34), Kismaayo (30)..

Sarbeebtii Diinaari


Minneapolis: Shir cilmiyeed balaaran oo lagu gorfeeynayay raad-reebka eey keeni karto duulaanka gardarradda ah ee ciidamadda Itoobiya ku soo qadeen gudaha Soomaaliya iyo saameeynta duulankani ku yeelan karo xiriirka labada dal ayaa galabnimadii Sabtida ee taariiqdu ku beegneeyd Janaayo 27, 2004 lagu qabtay Magaaladda Minneapolis ee Gobolka Minnesota.



Shirka waxaa soo qabanqaabiyay Machadka Soomaaliyeed ee Nabadda iyo Cadaaladda ee ka dhisan isla magaaladda Minneapolis.

Dood Cilmiyeedkan waxuu dhaxmarayay aqoonyahanno iyo indheergarad u kala dhashay Soomaali iyo itoobiyaan Dhinaca Soomaalidda waxaa matalayay Dr. Cali Khaliif Galayr oo mar ahaan jiray Wasiirkii kowaad ee Soomaaliya (Carta), iminkana wax ka dhiga Jaamacadda Minnesota, Imaam Xasan Jaamici oo isna barre ka ah Kuliyadda sharciga ee William Mitchell iyo Saynab Xasan oo ah aqoon-yahanad Soomaliyeed marna ahaan jirtay Gudoomiyahii ururka Israac.



Dhanka Itoobiyaanka waxaa matalayay Dr. Solomon Gashaw oo cilmiga xagga bulshadda ka dhiga Jaamacadda Minnesota iyo Dr. Selameab Wold-Tsadik oo mar qaramadda midoobay ka ahaan jiray la taliya xagga horumarka.Dadweyne ku u dhaafaya ilaa iyo 300 ayaa soo buuxiyay madashii dood-cilmiyeedka lagu qabtay. Aqoonyahanadda ayaa midba markiisa ka hadlay shirka iyadoo aqoon yahan kastaba mowduuc gooni ah balse la xiriira xasaradda geeska Afrika ka aloosan halkaas ku lafa guray.

Mowduucyadii halkaa looga xaajooday waxaa ka mid ahaa hababka dib-u-hishiinta, doorka Islaamka ee geeska Afrika, xiriirka taariiqi ee labadda dal, loolan qabyaaladda iyo qowmiyadda ee dhinaca awooda, xuquuqda aadamiga iyo weliba danaha itoobiyaanka eek u aadan Soomaaliya.

Waxaa aqoonyahannada halkaas isku dhaafsadeen aragtiyadooda waxeeyna isla qireen in xad-gudubka itoobiya uu yahay gardaro cad kana soo horjeedda xeerarka caalimiga ah. Waxeeyna ugu baaqeeyn Itoobiya ineey si dhaqso leh ciidankeeda ugala baxdo gudaha Soomaaliya.Hadaaneey taasi dhicin oo uu Meles Zenawi iyo dawladda Itoobiya ciidankooda duulaanka ah dib ula laaban Soomaalidda waxaa u furan dagaal iyo kacdoon lagu xoreeynayo dalka ayuu sheegay Dr. Cali Khaliif Galayr.


Dr. Galaydh

Islaamku kuma ahan Qatar Itoobiya waayo in ka badan kala bar dadka Itoobiyaanka ah ayaaba Muslim ah ayuu isna sheegay Imam Xasan Jaamici Machadka Soomaaliyeed ee Nabadda iyo Cadaaladda oo lahaa qabanqaabadda shirkan ayaa waxuu wadaa barnaamijyo taxane ah oo ku saabsan arimaha Soomaaliya. Waxaana dood-cilmiyeedkan xigi doono shir-weyne lagu martiqaaday Mudanayaal ka tirsan aqalladda congress-ka iyo senate-ka mareeykanka oo dhawaan la filayo inuu dhaco.

Somali Institute for Peace and Justice Minneapolis, MN
somipj@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 30, 2007


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...


Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka  Soomaaliya
Jariidada Washingtonpost oo qoraal dheer ka qortay aragtida reer Addis Ababa ee dagaalka Soomaaliya & Itoobiya... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH