" Ma Qaxootinimadii baad Qayilaad ku
darsatay..?!!"
WQ:
Muxyaddiin M.Kaalmoy
Email:
kalmoi@hotmail.com
(Qaybta 2aad)
Taariikhda Jaadtu siday doonto ha ahaato,
waqti iyo qaab kastase ha ku soo galo Soomaaliya e, waxaa is-weydiin leh; Waa
maxay Waxyeellada uu jaadku(qaadku) dal iyo dad-ahaan inoo leeyahay ?
Cilmi-baaris laga sameeyay isbaddallada ku
yimaada ruuxa Aadamiga ah marka uu qayilayo, dhiiggiisana uu gaaro Jaadku, waxaa
ku caddaatay Cilmi-baaristaas ; in dadka qayilayaasha ahi; %95.76 ay ku dhalato
maskaxdooda fikrado been ah, mala-awaallo iyo riyooyinka soo-jeedka. %66
hadal-badni bay ku waashaan iyo carrabkooda oo uu kontoroolku ka dhumo.. %45.63
xishood-darri aan caadi ahayn baa lagu arkaa. %64.57 dhaqdhaqaaq badan iyo
firfircooni baa ku soo siyaadda, oo aad mooddo in ruuxaba la weheliyo. %16.54
Caloosha ayaa fariisata oo saxaradaa ku dhegta. %64.57 gaajo badan ayay isku
arkaan. %34.37 dhismaha, awoodda jirkooda iyo maskaxdooda ayaa hoos-u-dhac ku
yimaada. %51.35 hurdo la'aan iyo soo-jeed badan bay ka qaadaan qayilaadda.
%95.28 Qayilayaashu waxay isku arkaan madax-xanuun aan caadi ahayn oo ka imanaya
daroogada jaadka. %60 Ragga qayila rabitaan xoog leh oo ah; in ay haween u
tagaan(galmoodaan) bay dareemaan, hase yeeshee, markii ay haween u tagaan %61
raggaasu way ku guul-darraystaan in ay arrinkaas si fiican uga soo dhalaalaan,
oo fashilaad xagga galmoodka ah baa ku dhacda iyo haweenkii oo ay qancin-kari
waayaan.
Cilmi-baarisyo kale oo meelo iyo waqtiyo
kala duwan laga sameeyay waxyeellada Jaadku, waxaa lagu soo ururiyay, sidan:- b)
Baabi'inta dhaqaalaha qofka, qoyska iyo qarankaba. t) Duminta iyo hoos u
dhigidda anshaxa qoyska iyo kan bulshada guud ahaanteed. j) Dayacaadda Shaqada,
Waxbarashada iyo Cibaadaysigaba. X) Hoos-u-dhigidda caafimaadka qofka qayilaya
iyo kan guud ee bulshadaba. Wuxuuna kaalin wayn ka qaataa Qaadku fidinta
cudurrada la is-qaadsiiyo. Xubnaha jirka ee uu sida gaarka ah u waxyeelleeyo
waxaa ka mid ah; Afka, indhaha, caloosha, dheef-shiidka, sambabbada, wadnaha
iwm. Kh) Wuxuu wax u dhimaa caqliga iyo dhimirka. D) Wuxuu faafiyaa
anshax-xumida iyo dembiyada, sida; tuuganimada, shaxaatanka, gogol-dhaafka,
dhillaysiga iwm.
Daraasad ay samaysay Kulliyaddii
Caafimaadka ee Jaamacaddii Ummadda Soomaliyeed, taas oo uu Guddigii Sare ee
Dabar-goynta Qaadka ee Soomaaliya uu nuqul ka helay 80-meeyadii, waxay caddaysay
daraasaddaasu; In da'dii ugu badnayd xagga qayilaadda Soomaalida waqtiyadaas ay
ahayd da'da u dhaxaysa 20 ilaa 40 jir. Xagga deegaannada Soomaaliya %39.17 ayay
ahaayeen dadkii reer Muqdisho ee qayili jiray, halka ay reer Hargaysa qayili
jireen %84.22 oo da'da aan soo sheegay ka mid ah, halkaasna waxaa si cad uga
muuqata inay reer Hargaysa ka qayilaad badnaayeen reer Muqdisho, inkastoo
deegaannada qaarkood aad laysugu dhex-yaacay marka arrimahaas laga hadlayo..
Marar iyo meelo kala duwan, waxaan isku
mashquuliyay in aan ogaado ; haddii uu Qaadku waxtar u leeyahay kuwa caadaystay
qayilaadda iyo in- kale; Jawaabta kaliya ee aan dadkaas ka helay waxay ahayd; "
Haddii uu Mashaakil ku haysto, wuu ku illowsiinayaa, caajiskana wuu kaa
baabi'inayaa...". Xagga waxyeellada wey qireen inta-badan saaxiibbadu
dhibaatooyinka dhaqan, dhaqaale,bulsho iyo caafimaad-darro oo uu qaadku wato.
Nin macallin ah oo ku-dhowaad 20 sano si xad-dhaaf ah u qayili jiray, baan la
kulmay isagoo aan saddexdii sano ee ugu dambaysay anan qayilin, joojiyay, kana
fogaaday qaadka iyo meelaha lagu qayilaba. Waxaan macallinkaas kala sheekaystay
wixii isbaddal ah ee uu isku arkay tan iyo maalintii uu sida dhiirranaanta ah u
joojiyay qayilaadda, wuxuuna igu yiri macallinku;" Isbaddalka igu dhacay
dhiiggayga iyo muuqaalkayga ayaad ka garan kartaa, haddiise aan kuu sii
caddeeyo; waan naaxay, cuntadaa ii furantay, caafimaadkayga ayaa wanaagsanaaday,
gurigii baa degganaansho xagga qoyska ah ka dhacday, xanaaqii badnaa baa iga
baaba'ay, dhaqaale-ahaan 430$ oo igaga bixi jiray sannad kasta xagga qayilaadda
ayaa ii baqday.." .Wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay ;" Sow shax-shax ma ahi
saaxiib ..?".
Iyadoo ay waxyeellada jaadku sidaa tahay,
la og-yahay, la arkayo, la aqrisanayo, lana maqlayo, ayaa haddana waxaa
yaabka-yaabkii ah, inuu si xawli ah ugu sii fidayo meel kastoo ay Soomaalidu
joogto. Ma-dawlad la'aantaa noogu wacan ? ma damiirkii dadnimaa dhintay ?...Si
kastoo ay tahayba, waxay qayilaaddu ku baahday dhammaan Gobollada, degmooyinka
iyo tuulooyinka dalka. Xagga dibadaha meel kastoo ay Somaalidu u qaxday in badan
oo ka mid ah, si toos ah iyo si dadbanba wey u helaan qaadka, waana ay qayilaan;
Afrika, Yurub iyo xataa Ameerika.
Haddaba, waxaa is-weydiin leh; Waa maxay
waxyeellada dheeraadka ah ee uu qaadku u yeelan karo ruuxa Qaxootiga ah, ? Sidee
bayse xaaladdiisu noqonaysaa; haddii uu Qaxootinimadii ku darsado Qayilaad
...?!!
Waa socotaa......
WQ/Muxyaddiin M.Kaalmoy
kalmoi@hotmail.com
"Caddaaladdu iyada
ayaa hadasha": Nin Beeralay Soomaaliyeed ah ayaa badanaaba Sisin..
Akhri
Afeef: Qoraalkan waxaa aragtidiisa leh qoraaga
ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | July 4, 2007

