"Caddaaladdu iyada ayaa hadasha "..!
WQ:
Muxyaddiin M.Kaalmoy
Email:
kalmoi@hotmail.com
Nin Beeralay Soomaaliyeed ah ayaa badanaaba
Galleey, Sisin iyo Khudaar kala nooc ah ka soo qaadi jiray beertiisa oo ku
taalla mid ka mid ah tuulooyinka ku dhereran Webiga "Shabeelle", agagaarka
Jannaale.
Suuqa weyn ee magaalada Marka ayuu
toddobaadkiiba mar keeni jiray, oo ku beecin jiray wixii dalag ah ee uu haysto
ama uga soo go'a beertiisa. Si xalaal-quudatanimo iyo muruq maalnimo ah ayuu
reerkiisa u biilan jiray, oo u noolayn jiray Caruurtiisa, Xaaskiisa iyo
Waalidkiisaba.
Maalin maalmaha ka mid ah, goor barqa ah,
isaga oo galleey iyo Sisin la fadhiya, beegaya oo ku beecinaya suuqa Marka, ayaa
waxaa soo dul istaagay nin Mooryaan ah oo qori ‘AK’ ah ku hubaysan; kaas oo
hubkii uu haystay iyo heybtiisa qabiil un isku halleynayay, illowsanaana Awoodda
Alle iyo Ammarrada Eebbe ee ah "In aan la isdulmin !!”.
Sicirkee ayaad iiga iibineysaa iyo imisa ayaan
kaa siiyaa badarka maba uusan dhihine, inta uu Jawaanno maran oo uu watay ka
buuxsaday galleeyda iyo Sisinta ayuu cagta waddada saaray, oo iska sii socday,
isaga oo weliba Gafuurka taagaya.
Ninkii Beeraleyda ahaa ee badarkana
beecinayay, ayaa inta uu ka daba-tegay Mooryaankii, weydiistay bixinta lacagta
Galleyda iyo Sisinta, isaga oo yiri: "Ma iska baxaysaa adiga oo aan bixin
beesada badarka.?!"
Mooryaankii ayaa diiday inuu bixiyo wax
lacag ah, oo weliba ku yiri ninkii: “Haddaad mar dambe lacag (beeso) i
weyddiiso, meydkaaga ayaa meeshan laga qaadayaa". Ninkii Beeralayda ahaa ayaa
dacalka ku soo dhegay jawaannada midkood, isaga oo leh: "Ma Badarkii Beerteyda
iiga soo baxay ayaad iga baadaysaa, oo weliba ila dhacaysaa Buntuq..?!!". Hase
yeeshee, isla markiiba Mooryaankii ayaa qoriga cabbaystay, ka dibna dhowr
xabbadood beerka iyo wadnaha ku kala jeexay Beeraaleygii badarka lahaa..!!!
Dadkii Suuqa joogay, ee isugu jiray
Beeraley, Warato, Geddisley, Dallaal, Abakaar, Beec-mushtar iyo socoto/gadato,
ayaa wada ashahaatay oo ka naxay, kana argaggaxay fal-dembiyeedka foosha xun iyo
isu awood sheegashada xadkeedii dhaaftey.
Eheladii iyo Saaxiibbadii Marxuumka
‘Looma-ooye’ ayaa Meydkoodii iska qaatay, iyaga oo ku soo gaabsaday Erayo ay ka
mid ahaayeen: "Ilaah baa jooga, Adigana Allaa kaa weyn oo kaa aari doona,"
Ibtilo iyo Inkaar ha ku asiibeen..."iwm. dabadeedna iyaga oo ilmaynaya, kuna
luuqeynaya "Laa Ilaaha Illa-llaah" ayay Meydkoodii ula dhaqaaqeen dhankii
Tuuladooda.
Tobaneeyo Kintaal oo Galleey, Sisin,
Masago, Digir, Salbuko iyo Lows isugu jira oo kulligood, sida muuqata, dhac
iyo qori caaraddii uu ku keenay ayuu isku leexsaday Mooryaankii. Markii ay
Maqribyadii ahayd ayuu ku soo rartay Baabuur xamuul ah (Siteey/Xaajiyo ) oo
dhanka Muqdisho iyo Suuqa Bakaaraha u soo socday. Kintaalladii ayuu soo
dul-fariistay, isagoo qorigiisa ku hubaysan... Baabuurka shirkiisa hore waxaa
ku jiray wadaha iyo laba nin oo kale oo Sheeko iyo qayilaad ku mashquulsanaa.
Markii uu Gaarigu Magaalada Shalambood ka
soo leexday oo waddada toosan isla soo dhigayba, wuxuu Mooryaankii "Alle" ku
salliday Lulo (Gamaanyo) waalan iyo hurdo uu "Malakul-Mowd" ku hoos jiro. Wuxuu
ka dhacay Baabuurkii, laakin, labadii Lugood ee Mooryaanka ayaa ku calliqmay oo
qabsaday Albaabkii dambe ee baabuurka; madaxiisii iyo qaarkiisii horana Waddada
Laamiga ah, burbursan ee godadka leh ayay ku jiidmayeen; laamigaas oo marba cad
hilibka Mooryaanka ah la harayay, fuqsanayay oo goosanayay..!!!
Wixii Qeylo, Cabaad iyo Oohin ka baxayay
Mooryaanka cid maqlaysay ma aaney jirin. Mugdi bay ahayd waddadu, nabadgelyo
xumo awgeed baana loo faaruqiyay. Baabuurku duug ayuu ahaa oo cod dheer ayuu
gadaal ka bixiyay, kaas oo diidayay in la maqlo shanqar iyo dhawaaq kale
midnaba. Marnaba ma aaney maqal ragga hore saarani waxa gaariga gadaal ka
yeeraya, dhulkuuna ku jiidmayay Mooryaanka ilaa uu ka dhintay, isaga oo qaybo
hilibkiisa ahina uu laamigu la soo haray, dhiig baxayna. Murti Caalami ah ayaa
tiraahda:"Caddaaladdu iyada ayaa hadasha".
Markii la soo gaaray Jid-gooyo ku tiil
agagaarka Nambar 50, la hakiyay Baabuurka, Tooshna lagu qabtay Albaabkiisa
dambe, ayaa lala kulmay Yaab, Naxdin, Argaggax iyo Ammakaak.
Waxaa isku hal habeen iilka aakhiro u wada
hoyday Ninkii gardarrada lagu dilay iyo Mooryaankii Gacan ku dhiiglaha ahaa ee
dilay. Xisaabtan iyo Xukun Aakhirana waa meeshood. Soomaaliduna waxay tiraahdaa:
a) Ruux gardarani ma guuleysto (b) Ruux aan
naxariisan looma naxariisto (c) Ninkaan cabsan waa loo cabsadaa (d) Waa lagu
kala jabaa Kibirka (e) Safar Alle ninkii siray iyo nin saqiirro gowracay, sidii
ay lahaayeen, wax baa lala sugaayaa…!!!
WQ: Muxyaddiin M.Kaalmoy
Email:
kalmoi@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
"Isku Af-Soomaali ma nihin.."
"War Adigu Af-Soomaali ma taqaannid.."!!!. Akhri
Faafin: SomaliTalk.com | June 19, 2007


|