SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


"Isku Af-Soomaali ma nihin.."

kaalmoyWQ: Muxyaddiin M.Kaalmoy

Email:
kalmoi@hotmail.com


     Sheekaba Sheeko ayay keentaaye, dabayaaqadii sannadkii 1977-kii, ayaynu meel ku wada sugnayn, annaga oo isugu jirnay rag koox ah; kala da', waaya-aragnimo iyo heer aqooneedba kala duwanayn, deegaanno kala geddisanna ka soo kala jeednay. Doodo xagga Siyaasadda, Bulshada iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ah ayaa badanaaba na dhex-mari jiray, goortii aannu firaaqo isu helnaba.

     Maalin  maalmaha ka mid ah, ayaa iyadoo aannu dooddii ku dhex-jirno, ayuu ruux saaxiibbada ka mid ahaa -si ay wax ka noqdeen ma ogiye- wuxuu la soo booday oo igu yiri:" War Adigu Af-Soomaali ma taqaannid.."!!!. Waxaa laga yaabaa in ereyadii aan ku hadlayay qaarkood, uu  isaguna si u qaatay, aniguna aan si kale ula jeeday, ama aan ku dhawaaqay kalmado aan laga isticmaalin gobolkii iyo deegaannadii uu ka yimid.

     Ninkaas isaga ah, inkastoo uusan markaas ahayn ruux da' yar, haddana heerka aqoontiisa iyo waxbarashadiisuba, ma ayan dhaafsiisnayn "Shahaaddada Dugsiga Dhexe ee Waxbarashada dadka waaweyn". Shakhsi-ahaan wuxuu ahaa ruux aad u fudud, aanna ka fiirsan erayada uu ku hadlayo. Wuxuu badanaa ka mid ahaa dadka ka qoomameeya wixii ay ku hadleen, ee yiraahda:-    " Sidaas ulama jeedin", " Carrabkaa iga soo boobay erayga",        " Sidaas kama wadin" iwm. Hadalna wuxuu ammaan yahay inta aadan oran, Afka hadduu ka soo baxo, adigu ma arrimisid. Waxaa kaloo la yiraahdaa:" Inta aadan falin ka fiirso". Murti kale ayaa iyaduna ahayd:" Carrabka ruuxa garashada yari, caqligiisuu ka soo horreeyaa"...!!!.

     Intii aanan xaggiisa u soo jeesan, oo u jawaabin ninkaas fududaaday, ayaa waxaa ay kaga dhegtay, oo dhibsaday erayadiisaas aan laga fiirsan, nin kale oo isagana saxiibbaday ka mid ahaa, dooddana ka qayb-qaadanayay.  Waa nin aqoon, waaya-aragnimo iyo masuuliyad ahaanba aad uga sarreeyay saaxiibkaas hore. Wuxuu ninkani ka soo shaqeeyay oo Macallin iyo Maamule-dugsiba ka soo noqday inta badan Gobollada dalka, isaga oo markiisii horana wax ku soo bartay gudaha iyo dibaddaba, bulshooyin badanna la soo dhaqmay.

     Wuxuu  u jawaabay oo ku yiri Saaxiibkii simbiririxday:-"  "Hebelow, ha dhihin dadka Af-Soomaali ma taqaannid" ee waxaad tiraahdaa:" Isku Af-Soomaali ma nihin"( ahin ); waayo, waxaa kala geddisan deegaannada aad ka soo kala jeeddaan iyo dhaqan-bulshadeedkiinna. Wuxuu Saaxiibkay intaas raaciyay oo yiri:-  " Isagu wuxuu ka dhashay, ka soo jeedaa, aanna filayaa inuu ku soo dhex-ababay Agagaarka Webiyada Jubba iyo Shabeelle iyo bulsho Beeralay ah oo Soomaaliyeed dhexdood, kuwaas oo leh erayadooda gaarka ah, hab-dhaqankooda iyo deegaan-bulsheedkooda u goonnida ah".

     " Adigu  waxaad ka soo jeeddaa, kuna soo dhex-barbaartay -sida ay ila tahay-  deegaan iyo bulsho Xoolalay ah, oo weliba reer-guuraa ah dhexdood; sidaas darteed, erayada meelihiinnaas laga isticmaalo ayaanan agagaarka webiyada laga aqoon, sida erayo deegaannadan looga adeegto aanan miyigaas looga baran, ama micna kale ku leh".

     Kulligeen  Soomaali ayaynu wada nahay, Carriga aannu degganahay, Ciidda iyo Calanka ayaa naga dhexeeya. Mar haddii aannu ku wada dhalannay, barbaarnay, wada deggannnahay, dhaqaale-ahaanna isku xiran-nahay oo aaynaan kala maarmayn Waddanka ayaa isku-keen xiraya, laakin xoogaa dhaqanno kala geddisan oo Xoolalaynimo, Beeralaynimo, Kalluumaysatanimo, Reer-magaalnimo, Reer-miyinimo iwm. ayaannu kala leennahay; lahjado faracyo ah oo ku wada aroora "Af-Soomaali"( Maay iyo Maxaa-tiri ) ama "Waaye iyo Weeye" ayaannu ku kala hadalnaa. Sidaas darteed, ma aha in aynu is-niraah:- " Af-Soomaali ma taqaannid", sida ay qaarkeen la soo boodaan, waxaanse is-dhihi karnaa:"  Isku Af-Soomaali ma nihin", oo loola jeedo "isku-si uguma dhawaaqno erayada qaarkood", deegaannada  iyo hab-dhaqanka bulsho  ee  kala geddisanna  waxay keeni karaan shakhsiyaad feker iyo Seykoloji ahaanba kala goonni ah.

     Waa  in deegaan kasta oo Soomaaliyeed dadka ku nool ee ku abtirsada lagu qaddariyaa deegaankooda, hab-dhaqankooda, qaabka-dhaqaalahooda, lahjaddooda iyo guud ahaanba sida uu Alla u dhigay.

     Deegaannada Soomaaliyeed qaarkood dadka ku dhaqan ayaa waxay aaminsan yihiin inay iyagu Soomaalida kale ka hadal wanaagsan yihiin, ka-asalsan yihiin oo weliba ka dhaqan iyo dhogor wacan yihiin, taas oo ah aragti marin-habowsan . Diinteennu waxay na baysaa :- " Sida loo kala karaama badan yahay, waa sida loo kala Alla-cabsi badan yahay, loona cibaadaysto"." Dadka waxaa ugu khayr badan, kan ugu wax-tar badan ee u adeega dadka kale"." Ilaahey ma eego dadka suuraddooda iyo jirkooda, laakin wuxuu eegaa quluubtooda iyo camalkooda".  "Dadku waxay asal-ahaan u siman yihiin sida ilkaha Shanlada".iwm.

     Isla-weynida ku jirta Soomaalida qaarkeed, waxay ka mid tahay sababaha aynu la saldhigan la'-nahay muddada intaas la eg. Xikmad ayaa waxay tiraahdaa:" Ruuxa isla-weyni, waa sida ruux buur dheer dusheeda saaran oo kale; kaas oo isaga ay ugu muuqdaan dadka dhulka hoose jooga inay yar-yar yihiin, iyaguna waxay isagaas buurta dul-saaran u arkaan inuu iyaga ka yar yahay". Soomaalida ayaa iyaguna yiraahda:" Sida aad isu-taqaan ma ahee, waa sida laguu yaqaan"." Faanaa Fallar buu dhiman yahay" iwm.

     Sidaas darteed, dadka Soomaaliyeed ee walaalaha ahi waa inayan hoos isu eegin oo is-quursan, dhan kastoo ay noqotaba( Siyaasad, Dhaqaale, Bulsho, Dhaqan, Ciidan, Lahjad, dadnimo iwm.). Waa in loo wada hoggaansamaa "Sinnaanta Ijtimaaciga ah" iyo inuu qof kastaa ku dhashay sagaal bilood. Kala geddisnaanta xagga hadalka, qaabka iyo midabkaba waa xikmad Allah. Aynu isku-qaddarinno Alla-ka-cabsiga, Aqoonta, Akhlaaqda ,Waddaniyadda, Wax-soo-saarka, U-adeegidda dalka iyo dadka iwm. sida Ummadaha horumaray.

 Wq/Muxyaddiin M.Kaalmoy
Email: kalmoi@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jun 3, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com