SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

"Dadka kama yaraateene waad is-daba-jareysaane"..!

WQ: Muxyaddiin M.Kaalmoy

Email:
kalmoi@hotmail.com


     Allow muxuu Aragti dheeraa, waaya-aragnimo badnaa, Soomaali u fiirsaday, yaqaannay oo runna ka sheegay: Cabdullaahi Suldaan "Tima-cadde", goortii uu tiriyay Gabaygiisii  taariikhiga ahaa , ee ay beydadkiisu ka midka ahaayeen (a) Dugsi ma leh qabyaaladi, waxay dumiso mooyaane..!!(b) Dadka kama yaraateene, waad is-daba-jareysaane..!!.  Ma mooddaan inuu la hadlayo Soomaalida maanta joogta, iyadoo ay sii horreysay markii uu gabaygaas ka tiriyay Soomaalida...!!

     Inkastoo aan beri-samaadkii marar badan gabaygaas ka maqli jiray "Radio Mogadisho", buugaag Afka Soomaaliga ku qoranna aan hore uga daalacday, haddana Oday Soomaaliyeed , oo aannu saaxiibbo nahay( Xasan Beyle ), ayaa dib ii soo xusuusiyay beydad ka mid ah gabaygaas maalmihii ay deegaanka loo yaqaanno "Darroor" isku hayeen oo ku dirirayeen laba beelood oo Soomaaliyeed ,oo iyagu dad isu-xiga...!!!.

      Odaygaas Soomaaliyeed  waxaannu badanaaba iska wareysannaa, kana sheekeysannaa "Arrimaha murugsan" ee dalka ka taagan ee dayaca iyo dac-darrada badaya dadka Soomaaliyeed.  Waxaan maalmihii uu dagaalku ka socday "Darroor" aan weydiiyay saaxiibkey: reer-ahaan waxa ay kala yihiin labadaas beelood iyo sababta ay isu gumaadayaan, oo u dirirayaan bal hadduu igu dhaamo, oo fikrad iga siin karayo..? Wuxuu iigu jawaabay, oo igu yiri:"  Wadaayow, Abwaankii "Tima-cadde", ayaa Allaha u naxariistee hore uga gabyay Soomaalida oo yiri:" (1) Dugsi ma leh qabyaaladi, waxay dumiso mooyaane..!!  (2)  Dadkaan la hadlayo baan lahayn dux iyo iimaane...!!            (3)  Waa waxaa dalfoofoo Caqligii Doonni laga saaray..!!            (4)  Dadka kama yaraateene, waad is-daba-jareysaane..!!          (5)  Anun baa damqanayee, dheguhu uma doleelaane...!!. Waxaannu Saaxiibkey isla lafa-gurnay nuxurka, dulucda iyo ujeeddada gabaygaas iyo xaaladda hadda ka taagan dalka, guud ahaan,  siiba  "Qabyaaladeynta".

     Markii  aan gadaal ugu laabtay Aqalkayga, ayaan bilaabay inaan is-weydiiyo, dibna uga fekero guud-ahaanba dagaallada sokeeye ee "Somalia", anigoo isla markaasna dib u dersaya dulucda gabaygaas, gaar ahaan beydka ah:-"Dadka kama yaraateene, waad is-daba-jareysaane".

     Boqollaal sano oo la soo dhaafay, ayay dadka Soomaaliyeed ee isku-deegaanka ahi dagaallo  dhexdooda ah isaga hor-imaan  jireen, siiba Xoolaleyda reer Miyiga ah; waxayna sida ay taariikhdu xuseyso, Odayaashuna sheegayaan, sababaha dagaalladaasu ahaayeen kuwa ka dhalanayay: Ceelasha, Daaqa, Dhulka-daaqsinka ah, Mag, Aano-qabiil iyo markii dambe Baraago iyo Barkadaha laga  cabbo ; kuma ay lug lahayn dagaalladaasu Siyaasad.

     Dagaallo  badan, oo ay qaarkood caan yihiin, ayay Ceelashu sababeen, sida laga fahmi karayo  murtida ah:" Markii ay Ceelalyo heshiiyaan, ayay Xooluhu( Geelu ) cabbaan...". Dagaallo badan  oo miyiga ka dhaca , oo noocyadaas ah, ayay  dad Soomaaliyeed weligood iyo haddaba weli  ku le'daan.

     Waayadii hore, waxay Soomaalidu isu adeegsan jireen hub ay ka mid ahaayeen : Fallaaro iyo Qaansadood, Waran iyo Gaashaan, Seef iyo Toorey iwm. Hubkaas aan casriga ahayn wuxuu koobayay tirada dadkii la iska dilayay, marka la bar-bar-dhigo sida aynu hadda isugu adeegsanno noocyada hubka culus  ee kala duwan, sida Madaafiicda, Qoryaha daran-doorriga u dhaca, Hoobiyayaasha iwm. kuwaas oo aannu ku heysanno degmo, tuulo iyo geed kasta hoostiis...!!!.

     Haddii  aynu u soo talowno( gudubno ) 20-sano ku-dhowaadkii ay dagaallada sokeeye ka aloosnaayeen gudaha dalka, waa ay ka duwan yihiin  duluc, ujeeddo iyo hub ahaanba  dagaalladaas hore. Ruux kasta oo Soomaaliyeed oo qaan-gaar ah ayaa iiga marag-kici kara is-gumaadkii, is-xasuuqii, kala aar-goosigii iyo is-dilkii qaababka iyo wejiyada kala geddisan lahaa ee dhacay, welina socda.

     Qabaa'il Soomaaliyeed, oo uu Cadowgu soo hubaynayay iyo Ciidamadii Dawladdii dhexe ee Soomaaliya, ayaa isku dhacay bilowgii horeba. Laba Qabiil oo waaweyn oo Soomaaliyeed, ayaa isu tafa-xeytay, oo qoorta la isu-geliyay si loo gaaro ujeeddo gaar ah. Jilibyo isku beel ah baa hoos dib isugu soo noqday, oo dukun-daakun iska yeelay. Aano iyo aar-goosi qabiil ayaa geed iyo guri kasta la isugu soo galay.  Dawlado taag-daran oo dib-u-heshiisiin amaba qaab jujuub ah ku dhashay ayaan hore u socon, oo tallaabsan kari waayay...!!

     Si kasta u dhiga, oo ila eega: Wiil Soomaaliyeed oo ku dhintay mooyaane, waa kee wiilka ku dhashay dagaalladaas ?!!!.  Soomaali un baa is-gumaadeysay. Dhiig Soomaaliyeed oo muslim  sheeganaya un baa dareerayay oo qubanayay, waana aan isa sii daba-jareynay intaas oo dhan, weliba ma aanan ka-waantoobin falalkaas...!!. Warba uma heyno -malaha- Xadiiskii Nebiga ( NNKH ), ee ahaa:"  Haddii laba muslim ah ay dagaal isaga hor-yimaadaan, kan wax dilay iyo kan la dilayba waa ahlu-naar". Xitaa kii ka badbaada xabadda tooska ah, gaajo ayaa disha amaba badda ayuu ku halligmaa, isagoo badbaado-doon ah...!!!.

     Qaab qaldan un baannu u xisaabtameynaa oo "Xukun" ku dooneynaa, umaba qiirooneyno qarannimadeennii iyo midnimadeennii sharafta lahayd ee aannu qabyaaladeynta iyo is-quursiga isaga  qarribnay...!!!.

 La soco qaybta  kale...

WQ: Muxyaddiin M.Kaalmoy
Email:
kalmoi@hotmail.com

Afeef: Arargtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 18, 2007

 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com