Alan Johnston muxuu dheeryahay Taysiir
Caluuni iyo Sami Al-Xaaji?
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
Qofku markii yaabo ayuu waxa uu
yiraahdaa “Hasha maankeyga gaddayee ma masaar bay liqday”, waxaa kaloo
la yiraahdaa “Ma anigaa Waalan mise Cadan ayaa laga heesayaa”, waxaan
tusaale uga dhiganayaa markii aan Taleefishinada Caalamka iyo
Warbaahinta Adduunka ku mashquuleen siideysmada wariyihii u shaqeynayay
British Broadcasting Corpation ee Alan Johnson oo mudo Afar bilood ah ay
haysteen koox Falastiiniyiin ah.
Maalin walba intii uu xirnaa waxaa
caalamka ka soo yeerayey dhawaaqo lagu dalabanayo in si dhaqsi leh loo
sii daayo Alan Johnston, waxaana dhacay banaanbaxyo niyadda kor loogu
qaadayo weriyahaasi laguna dalbanayo in xoriyaddiisii dib loogu soo
celiyo, waxaana ururka Xamaas lagu cadaadinayey in Weriyahaasi sida ugu
dhaqsiyaha badan ku sii daayaan iyadoo la sheegayin weriyahaasi si xaq
daro ah lagu haysto.
Inkastoo aan dhihi karo Alan
Johnson waa la afduubtay xoriyaddiisiina waa lagu xadgudbay, haddana
waxaa jira weriyayaal ku xaquuq ah oo ku xiran wadamada Yurub iyo
Ameerika kuwaas oo la dhihi karo si gardaro ah ayay ku xiran yihiin.
Aan soo qaadanayo Taysiir Caluuni
waxa uu ahaa weriya ka soo warami jiray goobaha ay ka taagan xasaradaha
si la mid ah sida Alan Johnson, wuxuuna Taysiir Caluuni ku xiran yahay
xabsi ku yaala dalka Spain, waxaana lagu xakumay 7 sano oo xarig ah,
ilaa iyo haatanna cid is weydiisay ama ka damqatay ma jirto, marka laga
reebo Taleefishinka Al-jasiira oo uu u shaqeynayay, sidoo kale waxaa
gacanka Gutanaama ku xiran Weriye u dhashay wadanka Suudaan oo lagu
magacaabo Sami Al-xaaji, oo aan wax Maxkamad ah la soo saarin, iyadoo
la sheegay in lagu tuhmay oo keliya in uu la shaqeynayey wax ay
Mareykanka iyo Yurub ugu yeeraan argagixisada.
Sii
deysamadii Alan Johnson waxaa ka hadlay Ra’isul Wasaaraha wadanka
Ingiriiska ee Cusub Gordon Brown iyo Guddoomiyaha baarla-maanka
Ingiriiska iyo dhamaan dadka Ingiriiska oo mashxarada ku soo dhaweeeyey,
sidoo kale waxaa iyana sii-deysmada Alan Johnson soo dhaweeyey dhamaan
wadamada carbeed oo iyagu dadaal u galay in la siiyo ninkaasi, waxaana
hadlay madax fara badan oo horkaca wadamada Carbeed oo sheegay in si
gardaro ah lagu haystay Alan Johnson, waxayna horey qaarkood wadamadaasi
carbeed u ballanqaadeen in ay lacag fara badan bixinayaan si loo sii
daayo weriyahaasi.
Iyadoo intaasi oo dhami jiraan
ayaa haddana su’aasha isweydiinta mudan tahay sababata ay wadamada
carbeed uga hadli la’ yihiin xariga ay xiran yihiin Taysiir Caluuni iyo
Sami Al-Xaaji. Mar aan dhawaan ka qaybgalay barnaamij ay soo
qaban-qaabisay Taleefishinka Al-jasiirada ayna ka qaybgaleen Hay’adaha
xaquuqda Aadanaha ayaa waxaa ka soo qaybgalay ilaa iyo dada gaaraya 20
qofood kuwaas oo ka badin kari waayey in ay cambaareeyaan xariga
weriyaashaasi iyagoo banaanbax yar ku dhex qabtay Hoteelkii barnaamijka
lagu qabtay, inkastoo ay saareen dhawaaq codsi ah haddana cid dheg jalaq
u siisay ma jirto, balse waxaa la dhihi karaa way dadaaleen oo ay wax ka
roonaadeen wadamadii Carbeed oo ay ka dhasheen raggaasi oo iyagu xitaa
aan isku dayin in ay dhawaaq ku biiriyaan in la sii daayo Taysiir iyo
Sami.
Looma Ooyayaasha Taysiir Caluuni
iyo Sami Al-Xaaji ayaa iyagu isku haysta inay ka dhasheen tol weyn,
waxaanse dhihi karnaa Alan Johnson ayaa ka dhashay tol weyn.
16-kii sano ee Dowladdu la’aantu
jirtay ayaa Soomaalida waxaa ku soo kordhay erey cusub oo la yiraahdo
“Others” oo ay ula jeedaan dadka aan aarsan Karin marka dhib loo gaysto,
waxaase haatan muuqata in Others-ka dhabta ah yihiin Dowladaha Carbeed
oo maalin ka gilgilan waayey raggasi ay haystaan wadamada Mareykanka iyo
Yurub.
Guntii iyo gebagabadii reer
Galbeedka ayaa mar kasta ku celceliya in xaquuqda Weriyaha ay tahay mid
sugan oo cid kasta looga baahan yahay inay dhowrto, isla markaana
weriyaha qudhiisana ilaaliyo shuruucda saxaafadda , laakiin Reer
galbeedka ayaad moodaa in arrintaasi haddaba sidii ay doonaan ka
dhigtaan, iyagoo weriyaha ugu marmarsiyooda in uu galay waxyaabo ka
baxsan shaqadiisa, halka wariyayaasha dhalasho ahaan ka soo jeeda Reer
Galbeedka ee kooxaha Islaamiyiinta ah gacanta ku dhigaan iyagoo ku
dhaleecayna in uu qalad ka galeen dhismaha koox ahaantooda ay reer
galbeedku si weyn uga soo horjeestaan arrintaasi, haddana su’aasha kor
ku xusan waa mid qof kasta oo caqli u saaxiib ah uu garan karo.
W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
e-mail:amiinkhasaaro@hotmail.com
Banaadir iyo
Bagdaad:
Waxaan maqli jiray dal hebel nabadgelyadiisa faraha ayay ka...
Akhri