Banaadir iyo Bagdaad
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
Waxaan maqli jiray dal hebel nabadgelyadiisa faraha ayay ka baxsaday, waxaa ii
soo baxday in Magaalada Muqdisho ay nabadgelyadii faraha ka baxday, tusaale,
anigoo dhawaan ku jira meel Internet Café ah ayaa waxaa soo galay nin ku
hubeysan Bistoolad, dabadeedna inta uu Bistooladii ku qabtay gabar ka mid ah
gabdhihii fadhiyey Internet-ka ku yiri “Keen Moobeylka), gabadhii si halhaleel
ah ayay Moobeylkii u dhiibtay, dadkii fadhiyey xaruntaasi, cid ju’ tiraah waa la
waayey, isagoo ninkii laafyoonaya Moobeylkiina sita ayuu albaabka ka baxay,
markiiba waxaa bilaabatay saxawan iyo qaylo oo dadka qaarkii waxay yiraahdeen
(rag rag dhalay, waa yaab nin inta meeshaan soo galay, Moobeel ka qaatay, waa
arrin nagu cusub), sidoo kale anigoo fadhiya meel shaah laga cabo ayaa waxaa noo
soo galay nin ku hubeysan Bistoolad, ereygii ugu horeeyey ee uu na yiri, waxa uu
ahaa “madaxyadiina ha qalajina, ee nin walbow Moobeelka uu hayo si fudud ha ku
soo dhiibo, waxa uuna halkaasi ka qaatay ilaa iyo afar Moobeyl, isagoo tartiib
xaragoonaya ayuu albaabka ka baxay, markaa kadib ayaan laga daba qaylyey, dheg
jalaq ma uusan u siin.
Dhacdooyinkaas oo dhami waxay igu soo rideen hadal hore oo ahaa (Dhurwaagu marka
uu xoolaha la tago ayay Dumarku ka daba eryaan), markaas ayuu Dhurwaagu isna
yiraahdaa “Qaylo maxay igala maqan tahay, waan sitaa neefkiiye).
Nin odey ah ayaa waxa uu yiri “Ninyahow waa runtaa oo nabadgelyadii faraha ayay
ka baxday, xitaa waagii dagaalku sokeeye socday iyo waqtigii qabqablayasha
dagaalka dhacdooyinka noocaan oo kael ah Xamar kama dhici jirin, waxaas oo
dhanna waxaan dhihi lahaa Dowladda ayaa mas’uul ka ah, waayo meelahan oo kale
waxaa lagu ilaalin jiray qoryo iyo hub cid soo haweysan kartayna ma leh,
maantana bulshadii oo dhan hubkii ayaa laga dhigay, oo si la isaga celiyo ayaa
la la’ yahay tuugada harka cad socota”.
Magaca maqaalka ee Banaadir iyo Bagdaad meelo badan ayay iska shabahaan, waayo
markii ay yimaadeen ciidamad Itoobiya Muqdisho, waxaa dadka u muuqatay in
Soomaaliya ku socoto xaaladda wadanka Ciraaq, waxaa bilowoday qaraxyo, dilal loo
gaysanayo dad kala duwan, dalka Ciraaqna waxaa qaraxyo ka dhacaan gobo ay isugu
yimaadaan dadka rayidka ah, halka Magaalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay ay
qaraxyadu bartilmaameed u ahaayeen dadka rayidka ah.
Magaalada Bagdaad, isabahaysiga ku sugan ee uu Mareykanku horkacayo waxa uu u
diyaariyey 30-kun oo Askari si loola tacaalo nabadgelyada, hase yeeshee waxaas
oo ciidan oo wata hub casri ah waxay hakin waayeen qaraxyada iyo dilalka is daba
jooga ah, waxayna gaartay meeshii ugu sareysay.
Sidoo kale Magaalada Muqdisho waxaa lagu soo rogay bandow welina sidii ayay
qaraxyadii u sii laba lixaadsadeen, waxaadna habeen iyo maalinba maqleysaa
qaraxyo waaweyn oo ka dhacay daafaha Magaalada Muqdisho.
Bagdaad dad fara badan ayaa ka qaxay halka Magaalada Muqdisho amaba Banaadir ay
ka barakaceen dad fara badan, sidoo kale waxaa dalka Ciraaq ka socda xariga loo
gaysanayo dadka iyadoo Magaalada Muqdishana iyana Dowladdu ay wado xariga loo
gaysanayo dadka rayidka ah, sidoo kale Magaalada Bagdaad suuqyada waxaa ka dhaca
qaraxyo ay ku waxyeeloobaan dad rayid ah, halka Magaalada Muqdisho iyana
suuqyadiisa ay maalin walba ka dhacaan qaraxyo ay waxa ku noqdaan dayir rayid
ah.
Mas’uuliyiinta wadanka Ciraaq, waxay mar kasta ku celiyaan in ay nabadgelyadu ka
soo reyneyso, halka mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka, iyana sheegaan in
nabadgelyadu ay soo hagaageyso.
Dalka Ciraaq, waxaa maalin walba la bartilmaameedsadaa saldhigyada Booliiska,
Ciidamada Dowladda, Mas’uuliyiinta Dowladda, halka Dalka Soomaaliya iyana la
bartilmaameedsado saldhigyada Booliiska, dadka u shaqeeya Dowladda iyo waliba
mas’uuliyiinta kale ee Dowladda.
Mas’uuliyiinta dalka Ciraaq waxay mar walba ku celceliyaan in Ciidamada
Shisheeye dalka Ciraaq sii joogaan halka kuwa Dowladda Federaalka iyana
codsanayaan in ay Ciidamada Shisheeye ay sii joogaan dalka isl amarkaana kuwo
kale lagu soo kordhiyo dalka.
Ragga ugu sareysa Dowladda Ciraaq waxay war malba warbaahinta ka sheegaan in day
dalkooda ku sugan yihiin ururka Al-Qaacida, halka kuwo iyana ugu sareeya Dowlada
Federaalka ay iyana sheegayaan in Soomaaliya ku sugan yihiin koox xiriir la leh
ururka Al-Qacida oo qas ka wada dalka Soomaaliya.
Dalka Ciraaq waxaa ka jira kooxo dhaca ama isbaareysta daka, halka Soomaaliya
gaar ahaan Magaalada Muqdisho iyana ka jiraan kooxo iyana dhaca ama isbaareysa
dadka, isku soo wada duuboo xaaladaha ka taagan Bagdaad iyo Banaadir waa mid
aysan muuqan wado looga bixi karo, waxayna dadka qaarkii ay qabaan in xalku ku
jiro in labadaasi dal laga dhaafo faragelinta isla markaana aayo ka talintooda
loo daayo dadka u dhashay.
W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
Adduunyo: Harka labadiisa Gelin:
Waxaa Nayroobi ku geeriyooday Madaxweynihii hore
Akhri
Faafin: SomaliTalk.com | June 29, 2007


|