Adduunyo: Harka labadiisa Gelin
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
Waxaa Maalintii Jimcaha ahayd
Magaalada Nayroobi Isbitaal ku yaala ku geeriyooday Madaxweynihii hore
ee soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cade)oo isagu noqday ninkii
ugu horeeyey oo afrikaan ahaan oo si Dimuquraadi ah uga diga xilka
madaxtinimada, ayaa maalintii shalay ahayd lagu aasay duleedka Magaalada
Muqdisho gaar ahaan deegaanka Ceel Cirfiid.
Aadan Cabdulle oo maydkiisa lagu
daday calanka Jamhuuriyada ayaa waxaa ka qaybgalay aasaaskiisii saddex
madaxweyne oo soo maray Soomaaliya oo kala ahaa Cali Mahdi Max’ed iyo
Madaxweynaha haatan C/llaahi Yuusuf Axmed, waxayna saddexda Madaxweyne
saarnaayeen Gaari qafilan oo aysan Karin Xabaddu, waxaana la soo
gaarsiiyey masjidka weyn ee Isbahaysiga Islaamka halkaa oo lagula
tukaday salaaddii Janaasadda, kaddibna waxaa loo galbiyay qabriga oo
laga diyaariyey deegaanka Ceel Cirfidiid.
Goobta Aasku ka dhacayey waxaa ka
dhacayey Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi, waxaana markii ugu horeysay
ciid ku shubay Qabriga Cali Mahdi Max’ed, waxaa ku xigay C/qaasim Salaad
Xasan, sidoo kale waxaa ku xigay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul
Wasaare Cali max’ed Geedi.
Aadan Cade oo lagu tilmaamo in uu
ka mid ahaa halgamayaashii Xoriyadda ayaa waxaa loogu magacdaray
Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho oo wixii haatan ka dambeeya loogu yeeri
(Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cade).
C/qaasim Salaad Xasan oo wax laga
weydiiyey aqoonta uu u lahaa Allaha u naxariistee Aadan Cadde, ayaa waxa
uu yiri “1997 ayaan mar ku kulanay Magaalada Qaahira, waxaana u soo
jeediyey in uu u doceeyo ummadda Soomaaliyeed, halkiina ayuuna ugu
duceeyey in illaah ka saaro dhibka Ummadda Soomaaliyeed”, wuxuu kaloo
sheegay in uu lahaa hal guri iyo hal beer oo uu isagu shaqsiyadiisa
lahaa, halkaas oo uu sheegay in uu ku nasan jiray, sidoo kale waxaa isna
wax laga weydiiyey Cali Mahd Max’ed,waxa uu hoosta ka xariiqay inuu
Aadan Cade ahaa shaqsi aysan hilmaami doonin Bulshada Soomaaliyeed,
islaa markaana afrika u horseeday in xukunku uu yahay mid ku yimaada
rabitaanka shacabka.
Waxaa kaloo wax laga weydiiyey
Xaawo Cawaale Abtidoon oo iyadu mudo la soo shaqeysay Aadan Cade, waxa
ayna ku tilmaantay inuu ahaa nin Naxariis badan, Dulqaad badan, isla
markaana qayb ka ahaa halgankii Xoriyadda.
C/risaaq Xaaji Xuseen oo isna mar
Ra’isul Wasaare ka noqday Soomaaliya ayaa insa waxa uu sheegay in Aadan
Cade uu ka mid ahaa raga fara ku tiriska ah ee Ummadda Soomaaliyeed u
horsed nabad, waxa uuna sidoo kale tilmaamay in allaha u naxariistee
Aadan uu ahaa nin dulqaad badan kartina leh, isla markaana ay ka go’neyd
sidii ummadda Soomaaliyeed u midoobi lahaayeen.
C/llaahi Yuusuf Axmed oo isagu
iminka madaxweyne ka ah Dalka Soomaaliya ayaa wax laga weydiiyey Allaha
u naxariistee Aadan, waxa uuna sheegay in uu aqoon fiican ulahaa isla
markaana uu isagoo yar tagi jiray gurigiisa, sidoo kalana ay marararka
qaar isku arki jireen guriga Salaad Gabeyre.
Maqaal aan hadda ka hor ka
akhriyey mid ka mid ah Web-Site-yada Afka Soomaaliga ku hadla ayaa waxa
uu ku aadanaa in markii uu xilka hayey Aadan Cabdulle Cismaan uu
maalinta Talaada ah qaabili jiray dadweynaha ha isugu jiraan Ciidan iyo
rayidba.
Aadan qaabilaadiisa kama badnaan
jirin toban daqiiqo, qof walibana tobankaas daqiiqo ayuu muraadkiisa ku
soo koobi jiray.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa
waxaa safkii soo galay C\llaahi Yuusuf Axmed oo xiligaa ahAa Kabtan
ciidan markii la sii daayey oo Uu u galay Aadan Cade ayaa waxa uu ka
codsaday in uu ka dhigo Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,
waxayna taasi Aadan Cade ku noqotay la yaab, waxa uuna yiri “Rag kaa
sareeya ayaa wadanka ku sugan, adigoo kabtan ah sidee ku noqon kartaa
walaal taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed”, waxa uuna C/llaahi
yuusuf ugu jawabaay Madaxweyne, Khibrad ayaan u leeyahay in aan qabto
xilkaasi” Allaha u Naxariistee Aadan Cadde la yaab ayey ku noqotay wayna
ku adkaatay codsigaasi, tobankii daqiiqo ee loogu talagalay qaabilaadana
waxaa ku darsoontay labaatan kale, C/llaahina isaga oo careysan ayuu ka
soo baxay Xafiiskii Madaxweynaha, waxaana dhacday in Aadan Cabdulle
Cismaan uu banaanka uga soo baxay xafiiska waxa uuna fiirinayey C/llaahi
inta uu ka libro, dadweynihii qaabilaada sugayey ayaa Aadan Cade su’aalo
weydiiyey, waxayna yiraahdeen “Mudane Madaxweyne soddon daqiiqo ayaad
ninkaan qaabileysay, oo sharcigii kuu dhignaa oo taban daqiiqo ah waad
jabisay, sidoo kalana banaanka ayaad u soo baxday ilaa uu ka mirqana
waad fiirineysay, ee maxaa dhacay?”, waxa uuna ugu jawaabay, “Waa run oo
tabankii daqiiqo wuu ka badsaday, waxaana ku murmeynay, arrin la yaab
igu noqotay oo ahaa in uu iga codsaday isagoo Kabtan ah in aan ka dhigo
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed”, waxa uuna sii daba dhigay
“Sababta aan banaanka ugu soo baxayna waxay ahayd in aan fiiro kale ugu
laabto ninkaasi,, waxaana idinka codsanayaa in aad raali iga noqotaan”.
Wuxuu xiligu is bedelaba oo Taariikhdu
soo gurguurataba waxaa dhacday in Aadan aaskiisa uu ka qaybgalay
C/llaahi Yuusuf isagoo madaxweyne ah waxayna Soomaalidu tiraahdaa
(Adduunyo waa harka labadiisa Gelin), Ugu dambeyntii waxay Ummadda
Soomaaliyeed isku raacday in uu ahaa nin dulqaad badan oo geesi ah oo
aysan marnaba hilmaai doonin.
W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro.
Laba Alifle Aweki "Dagaalkii
ka Dhacay Muqdisha waxaan ka kororsanay Xeelado Fara Badan"..
Akhri...