SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

Laba Alifle Aweki "Dagaalkii ka Dhacay Muqdisha waxaan ka kororsanay Xeelado Fara Badan"

amiinW/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Dhawaan ayaa Ciidamo Itoobiyan ah waxay hawlo baaritaano ah ka sameeyeen aga-agaarka jidka 30ka, gaar ahaana meel ku dhow Xafiiskeena, waxayna Ciidamadani u socdeen raxan raxan kuwaasoo mararka qaarkood la sheekeysanayay dadka Soomaaliyeed.

Waxaan fursad u helay inaan la sheekeysto Laba Alifle ka tisan Ciidanka Itoobiya oo lagu magacaabo Aweke, waxaana sidoo kale maalinkaas fursad u helay in aan helo ama uu ila jooga wiil si wanaagsan u yaqaan Afka Amxaariga.

Waxaan weydiiyay “Maxaad Soomaaliya ka soo doonteen?”, wuxuuna iigu jawaabay “Somalia waxaan u soo galnay danaha Qaranka Itoobiya”, markaas ayaan weeydiiyay “Waa Maxay Danahaas”?, wuxuuna iigu jawaabay “Haa Way Iska Caddahay waa Kooxaha Argagixisada oo Khal Khal gelinaya Ammaanka Qaranka Itoobiya”, kaddib waxaan weeydiiyay “Sow uma aydan imaanin inaad taageertaan Dawladda Federaalka?”, wuxuuna iigu Jawaabay “Maya Maya…”, waxaan daba dhigay Su’aal kale oo ahayd “Goormaa ayaad ka baxaysaan Waddanka?”, “Markii hore waanu ku tala jirnay, laakiin markaan maqalnay Xasan Daahir iyo Shiikh Shariif ayaa ku sugan Casmara ayaa bixitaankeenu dib u dhacay, waanan sii joogi doonaa”.

Laba Alifle Awaki, waxaan weeydiiyay Dagaaladii aad la gasheen kooxaha ka soo hor jeeda joogitaankiina sidee u aragtaa”?, wuxuuna iigu jawaabay “Dagaaladii ka dhacay Iidaale iyo Deeynuunaay waxay ahaayeen kuwo iska fudud, laakiin kuwii ka dhacay Muqdisha waxay ahaayeen kuwo aad u ad adkaa, waxaanan kuu sheegayaa anagoo ay nala socdaan Somali kale oo aan heleyno wixii tas-hiilaad ah oo aan u baahanahay ayaanu la dagaalamaynay muddo 9 Maalmood ah koox yer, marka maxaad moodi lahayd hadii Somali ku wada jirto Dagaalkaas?”.

Waxaan weeydiiyay “Sidee ahaayeen Raggii idinla dagaalamayay”?, “Runtii waxay ahaayeen dhalinyaro aad u yer yer oo qaarkood 12 Sano jir ah oo haysta tababar fiican kuwaasoo si wanaagsan u yaqaan sida looga dagaalamo xaafadaha dhexdooda, mararka qaar waxaa dhacaysay in marka Askeri naga dhaawacmo, soo qaadista askeriga dhaawaca ah waxay ahayd mid aad noogu adag, waxaa laga yaabaa in askerigaas ay u dhintaan ama u dhaawacmaan dhowr Askeri, Dab Xirka meesha ka jira dartiis.

Waxaan weeydiiyay “Goobahee ayaa idinkugu Cuslaa Dagaalka?”, wuxuuna iigu jawaabay “Dhamaantooda kalama liidan oo waxay ahaayeen kuwo aad u ad adag, laakiin waxaan markii dambe xoogeena isugu gaynay sidii aan ku gaari lahayn Warshadda Baastada”

Laba Alifle Aweki waxaan weeydiiyay “Maxaad ka Faa’iddeen Dagaalkii ka dhacay Muqdisha,”?, wuxuuna iigu jawaabay isagoo farta ku fiiqaya “Qoriga Soomaalidu u taqaano Daba Miinshaarka, wuxuuna yiri Qorigan Seddax Nin ayaa ku qoran oo Itoobiyaan ah , kuwaas oo kala ah midka Qoriga sida wuxuu Qoriga ku wataa Konton Xabbo oo Rasaas ah, midka ku xiga wuxuu u sidaa Konton kale, kan Sedaxaadna wuxuu u sidaa Konton Xabo, hasa yeeshee, qofka Soomaaliga ah keligiis ayuu Qorigaas wataa isagoo dhabarka ay ugu duuban tahay illaa Shan Boqol oo Rasaas ah, marka waa waaya aragnimo naga maqneed, iyo xirfad aan ka faa’ideysanay Soomaalida”.

Waxaan kaloo weeydiiyay “Maxaad kaloo ka faa’ideen Dagaalku intuu socdey?”, Wuxuuna iigu jawaabay “Goobaha Dagaalka Ciidankeenu way ku badnaayeen halka kooxaha naga soo hor jeeday Aagiiba ay ku sugnaayeen Tiro aan ka badnayn labaatan qof”, waxaan weeydiiyay oo kale idinka maxaan idinka faa[iidneey,?, markaas ayuu isagoo qoslaya wuxuu iigu jawaabay “Qoriga Dhishiikaha oo aad ku qasaarinaysaan Gaari dhan waxaa sida Askeri Itoobiyan ah taasina waxay idiin tahay dersi aad ka faa’ideysan kartaan haddaad tihiin Soomaalida”

Waxaan weeydiiyay “Ka waran Ciidamada Dawladda Federaalka ee idinla socda?”, wuxuuna iigu jawaabay “Waa kuwo ay akhlaakhdu ka dhuntay oo u baahan in tababar dheer la galiyo”Intii wareysigu socday ayaa Aweki wuxuu I weeydiistay Biyo, markiiba Biyo ayaan u raadiyay oo waxaan ugu soo shubay Garaafo weyn, markii aan damcay inaan u dhiibo ayuu wuxuu igu yiri “Adiga marka hore Cab”, markaas ayaan weeydiiyay Sababta, wuxuuna igu yiri “Iska dhaafee cab”, markii aan Biyihii cabbay ayaan u dhiibay oo uu qur quro ku taagay, mid saaxiibkiis ah ayuu u yeeray oo uu ku yiri “War Kaalay Biyahan Cab Harraad baa kaa muuqdee”, waxaan kaloo weeydiiyay “Maxaad kaloo dhihi kartaa waad ka Faa’iddeen Soomaalida? Markaas ayaa isagoo muusoonaya wuxuu yiri “Waxaan ka Faa’iidnay Dhinaca Nadaafadda, “Halkii baanan ku kala tagnay

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com



Bakayle intuu Bur ku jiro ayuu Bur kale day-daydaa. Dadka intuu Shub ku jiro ayuu Shub kale day –daydaa... Akhri

Faafin: SomaliTalk.com | May 17, 2007

 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com