SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
QORMADA MAANTA:: Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Daabaco Boggan | Print

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

Somalia: The Other (Hidden) War for Oil

Freedom for Ogaden, the West’s Last Choice in Africa

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

Bakayle intuu Bur ku jiro ayuu Bur kale day-daydaa.

Dadka intuu Shub ku jiro ayuu Shub kale day –daydaa
 

amiinW/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Markii ay Magaalada Muqdisho ka dhaceen dagaaladii ugu qaraaraa oo ay ku dhinteen dad aad u fara badan ayaa dadka waqtigaas waxay ku jireen walwal iyo cabsi aad u badan, waxaan ka mid ahaa dadkii uu saameeyey dagaalkaasi.

Dhacdooyin fara badan ayaa iiga soo baxay intii uu socday dagaalkaasi, waxaana markiiba ii sawirmay murti Soomaaliyeed oo oreyneysa (Bakayle intuu bur ku jiro ayuu Bur kale day-daydaa), waxaana murtidaan qaatay bulshadii uu dagaalku saameeyey.

Puntland Batrool mise maaweelo
Puntland iyo Batroolka: Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo... Akhri

Dadka waxaa ka go’ay Raashinkii iyo waxyaabihii kale ee ay isticmaali jireen, waxaana dhacday in dadka doonaya in ay meel fog fog ka soo adeegtaan ay bilaabaan, iyaga oo shub ku jira in ay sii fiirsadaan shubka kale ee ay gali doonaan, sida uu Shubba shub isugu sii dhiibayo ayuu tagayaa halkaasi uu muraadka kala lahaa, kaddib dariiqii uu maray ayuu dib ugu soo laabtaa, mararka qaar waxaa dhaceysay in inta aadan shubkaba gaarin uu madfac kugu habsado, halkaas ay waxyeelo ka soo gaarto, waxaad arkeysaa Haweenay inta shub ka baxda orod is taabaneysa, kaddibna sii galeysa shub kale, sidaas gurigeeda ku gaareysa.

Waxyaabaha la yaabka leh ee aan kala kulmay dagaalada waxaa ka mid ahaa markii Mukaalaaha iyo Bisadaha oo la noolaan jiray dadka ay waayeen dadkii kaddibna soo dhoobtay wadada iyaga oo raadinaya wax ay cunaan, waxaana iigu yaab badneyn in Mukulaal meel taagan ku fakereysa sidii ay u heli lahayd wax ay afka geliso, Calafku waa cajiibee, ayaa madfac meel 300 oo Talaabo u jirta ku soo dhacay ayaa cad hilib ah ka soo gooyey qof meesha ku sugnaa, mukulaashii oo yaaban ayaa horteeda ka aragtay cadkii, inta ay horey u daftay ayay luuq isla dhigtay, dhacdaasi si aad ah ulama sii yaabin, waxaan la yaabey madfacuba in uu meesha ku soo dhaco ayaa Qorneyd mukulaashana Cadkaas uu Alla Calafka uga dhigey ay hesho

Sidoo kale waxyaabaha la yaabka ah leh ee dagaalada aan kala kulmay waxaa ka mid ahaa in mar reer guurayey oo wixii ay alaab qaadi kareyn rartay ayaa reerkii markii ay damceen in ay fuulaan gaariga, wixii ugu horeeyey oo gaariga fuulay waxay ahayd mukulaal reer la joogtay, gabar oo reerka ka tirsaneyd ayaa tiri “Alla Mukulaashu caqli badnaa waa og tahay in uu madfac socdo, lana qaxayo”. Dhawaan markii ay reerkaasi dib u soo laabteen ayaa waxay haddana indhaheygu qabteen mukulaashii oo wixii gaariga saarnaa ugu soo hor dageysa, lana yaaban wax meesha ka dhacay.

Dhacdooyinka kale ee la yaabka ah waxay tahay madfac ayaa waxa uu ku soo dhacay meel aan sidaasi nooga dheereyn, yar I ag taagnaa oo haystay Bakeeri Shaah ah ayaa firir ka soo booday madfacaasi waxa uu jabiyey Bakeerigii uu hayey, mar qura ayaana yarkii wada cararney laakiin yarku waxba kama ogeyn in bakeerigii ka jabay oo uu shaahiii ka daatay, balse mar dambe ayuu damcay in uu Bakeeriga afka la aado xaad ii dhiibatey, balse waxa uu sitoo waa Sidadii bakeeriga oo keliya, waxa uuna yiri “Aamiinow Shaaheygii madfaciii ayaa la tagay, fiiri waa Dhegtii Bakeeriga oo keliya waxa aan sito”.

Waxyaabaha la yaabka leh ee kale waxaa ka mid ahaa markii 6 nin oo dhallinyaro ah oo meel ku wada Qadaneysa uu madfac bartanka u soo galay, lixdoodii 3 ka mid ah ayaa hilbahoodii la waayey, halka saddexdii kale aysan Garaafo xitaa gaarin, Qofkii i allaah uu dilo ayaa dhinta, waxaana dadka looga baahan yahay deganaasho.

Sidoo kale waxyaabaha la yaabka leh ee aan kala kulmay intii ay dagalaadu socdeen waxaa ka mid ahaa markii qof Bini’aadam ah inta madfac ku dhacay loo tagi waayey dhowr maalmood, ayaa markii dambe dhacday in Ey wax ka raadiyo, isna uu liif la tagay (Rasaas), labadoodii ayaa mudo goobtaasi yaalay. Dhacdooyinka kala kale ee dagaalada la arkay, waxaa ka mid ahaa markii Haween uur leh ay ku dhaleen Masaajido kaddib markii ay waayeen meel loola cararo.

Waxyaabaha kale ee aragagaxa leh ee ay dhaliyeen dagaaladaasi waxa ka mid ahaa markii madfac uu ku soo dhacay reer guri deganaa kadibna uu ka dhaawacay hal qof, hase yeeshee intii kale ee reer midba halkii wajigiisu abaarnaa u cararay oo sidaa mudo lagu kala maqnaa.

Isku soo wada duuboo dagaaladii ka dhacay Muqdisho waa kuwo taariikhda galay oo dadku ay mudo dheer ka sheekeyn doonaan, haddii aan soo fiiriso dhulka lagu dagaalamay ilin ayaa kugu soo istaageysa, waxaadna is leedahay halkaani ma waxaa lagu dhiftay Bamamkii Magaalooyinka Horishiima iyo Nakasa ee dalka Japan dadkii guryahaasi lahaana waxay guryo la’aani ku haysaa daafaha Magaalada Muqdisho, waxaa maalin walba korkooda ku da’aya roobabka Soomaaliya ka curtay, qaarkoodna waxay sheegeenba in aysan dib u soo laaban doonin magaalada Muqdisho tan iyo inta ay joogaan ciidamada Itoobiya, kuwana waxay go’aansadeen in ay dib ugu laabteen deegaanadii ay markii hore ka yimaadeen.

Su’aasha isweydiinta mudani waxay tahay cidda loo raacan doono waxyeeladii dadka ka soo gaartay dagaaladaasi iyo qaabka loola xisaabtami doono, iyadoo dadka qaar ay wadaan Olole ah in Maxkamad la soo taago kuwii ka dambeeyey dhibaatadasi.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com

Ciidamada Uganda Maxaa looga Inkaarsadey: Ciidmada Ugaandha ee ku sugan  is goyska KM 4 marka ay Sahayda Akhri

Faafin: SomaliTalk.com | May 13, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com