SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ciidamada Uganda Maxaa looga Inkaarsadey

amiinW/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Soomaalidu waxay tiraahdaa Markey aragto qof aan degganayn oo maantoo dhan wareegaya, “qofkani ma inkaaran yahay”, waxaana ereygan u soo qaatay markaan arkay Ciidamada Ugandha ee Soomaaliya loo keenaya Nabad ilaalinta inay u eg yihiin kuwo laga soo inkaarsaday, waxayna u Muuqataa in inkaartaasi ku dhacaysaa dadkii keenay ciidamadaasi Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Ugaandha iyagoo kun iyo laba boqol ah ayaa waxaa la soo dhax dhigay laba malyan oo hubaysan, marka runtii kun iyo labadaas boqol maxay ka qaban karaan xaaladaa cakiran ee Muqdisha

Waxaana soo Xasuustey markii Ciidamadii Zimbaabwe oo ka mid ahaa ciidankii UNISOM in ay hub ka dhigis ay ku sameeyeen Isbahaysigii SNA ee uu hoggaaminayay Maxamed Faarax Ceydiid, xilligaa oo ciidamadaa ay ku sugnaayeen Magaalada Beled-Weyne, waxayna ciidamadaasi ay ka koobnaayeen 140 Askeri, waxaana maalinkaas laga qaatay 140kii qori oo ay wateen, sidoo kale waxaa laga qaatay Gawaari iyo hanti kale oo tiilay xeradii ay ku sugnaayeen, waxaana markiiba bilaabatay in ciidamadaasi  la soo bad-baadiyo nafsadooda oo keliya, waxayna Soomaalidu tiraahdaa (-Biyo Kaa Badan iyo Dad Kaa badanba Waa ku Hafiyaan-).

Ciidamada Ugaandha ee ku sugan magaalada Muqdisha waxay ku sugan yihiin dhowr goobood oo ku yaala magaalada Muqdisha sida Air Boorka, Villa Soomaaliya, Km4, waxaan aad ula yaabay markaan arkay Ciidamo Ugaandhees ah oo ku kala sugan shineemo Ekwatore iyo Safaaraddii hore ee Masaarida, waxaana u dhaxeeya jidka oo qura, waxaa dhacda in Askerigu marka uu damco inuu u gudbo dhinaca kale wayay ku gaaraan iyagoo aad isku ilaalinaya, taxadir dheeraadna samaynaya, mar aan booqday Garoonka Diyaaradaha ayaan waxaan arkay ciidamo Ugaandhees ah oo taagan meel qorrax ah waxaana u sii dheer iyagoo gashan qalaabka xabbadda looga gaashaanto  oo culeyskiisu gaarayo 50kg. oo u dhiganta isagoo sida Kiish Bariis ah, nin oday ah oo I ag taagnaa ayaa waxa uu yiri “Ar Maxaa Ciidamadan looga soo Inkaarsaday?”, wuxuuna sii daba dhigay “Runtii Ciil ma qabo haddiiba sidaasi ciidamada Ugaandha u dhibaataysan yihiin”.

Sidoo kale waxaan la yaabay mar aan booqday Ceelasha Biyaha ee agagaarka Lafoole ayaan waxaan arkay Ciidamo Ugaandhees ah oo  Biyo u qaybiinaya dadkii soo barakacay,markaas ayaan wiil dhalinyaro ah waxaan weydiiyay sidii ay halkan ku soo gaareen, markaas ayaa inta uu wiilkii qoslay iguna soo dhawaaday ayuu si hoose wuxuu ii yiri “Waxaa Mukulaal Madow ka ahaa Ciidamada Dawladda” inta qoslay ayaan waxaan iri “Illeyn Mukulaal Madowga meel walba waa loo adeegsadaa?”.

Ciidamada Ugaandha waxay u muuqdaan rag Maxaabiis ku ah Magaalada Muqdisha waayo sidii ay doonaan uguma socon karaan Magaalada,, in kastoo cadaawadda loo  hayo Ciidamada Itoobiya aan iyaga loo hayn, haddana dadku ma jecla ciidamada shisheeye ee ku sugan dalka waayo dadkan horey ayay u soo arkeen ciidamo shisheeye iyo sida aysan wax uga qaban karin waddanka.

Waxyaabaha la yaabka leh ee haysta ciidamada Ugaandha waxaa dhacdey anigoo ku sugan agagaarka KM 4 xilliga aan ka raacayay gaari B.L. ah ayaa indhahaygu waxa ay qabteen Askeri Ugaandhees ah oo dhufays ku jira oo markaas u yeeranaya wiil yer oo uu leeyahay ii soo iibi Sigaar”, Wiilkii wuu fahmi waayay afkiisa, wiil kale oo meesha ka dhawaa ayaa waxa uu yiri “War waxa uu ku leeyahay Sigaar ii Soo Iibi”, wiilkii markiiba wuu cararay wuxuuna u soo qabtay sigaar, markaas ayaan hoos waxaan iska iri “Ma Tabakaayadaas yer ee ku  dhow miyuu gaari waayay askerigu?”.marka maxay dalka ka joogaan haddii aysan dhaq dhaqaaq xor u ahayn iyadoo la ogayahay in  noloshu ay ku xiran tahay dhaq dhaqaaqa uu sameeyo Binu’aadanka.

Nin Oday ah ayaa mar aanu ku kulanay  Villa Somalia ayaan waxaan wax ka weeydiiyay siduu u arko joogitaanka Ciidamada Ugaandha ee Soomaaliya, markaas ayuu wuxuu I yiri “Waxaa Xaqiiqa ah in ciidamada Ugaandha ay ku yimaadeen codsi ka yimid Maraykanka, marka hala yaabin waxay fiirsanayaan shilinkooda maa daamada Askeriga ku dhinta dalka la siin doono qoyskiisa konton kun oo doolar, kii ku dhaawacmana la siin doono 25 kun oo doolar, maba doonayaanba inay sameeyaan dhaqdhaqaaq oo sidaas bay shilinkooda isaga qaadanayaan maxaaba dhib iyo hirig gelinaya”? liyagoo qaba dhibkaas ayaa haddana waxaa dhawaan eedeymo u soo jeediyay hay’adaha xuquuqda Aadanaha iyo dawlado shisheeye ka gadaal markii ay wax ka qaban waayeen xasuuqii ka dhacay Magaalada Muqdisha.

Ciidmada Ugaandha ee ku sugan  is goyska KM 4 marka ay ka go’do Sahayda ayaa marka la soo gaarsiinayo waxa sahaydooda soo galbiya gawaari tiknika ah oo aad u fara badan, taasna waxay ku tusineysaa in ciidamada Ugaandha aysan u madax banaanayn inay sidey doonaan ugu dhaq dhaqaaqaan Magaalada Muqdisha, haddaba sow uma eka Ciidamo laga soo Inkaarsaday oo aan ka fiirsan imaanshahoodii magaalada Muqdisha oo ah Magaalo ay horey uga carareen ciidamo ka koobnaa Afartan Dawladood oo Maraykanku hor kacayay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 19, 2007

Maxaa ka dhiman Sharcigii Marshal-Law, Maxaase ka Qabsoomay?: 13-kii Bishii Janaayo ayey ahayd markii Akhri

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com