SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxaa ka dhiman Sharcigii Marshal-Law, Maxaase ka Qabsoomay?

amiinW/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


13-kii Bishii Janaayo ayey ahayd markii Golaha Baarlamaanka uu ansixiyey sharcigii Marshal Law oo awood badan siinayey Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaana sharcigaasi uu ahaa mudo saddex bilood ah, waxaana ka harsan mudo afar maalmood ah.

Markii lagu dhawaaqay sharcigaasi, waxaa si weyn uga soo horjeestay qaar ka mid ah Xildhibanaada Soomaaliyeed oo ku tilmaamay mid lagu baneysanayo in lagu laayo shacabka aan waxba galabsan, in lagu dhaco hanti iyo in la iska xiro dad aan dambi laheyn.

Sharcigaan mudadii uu socday waxaa dalka ka dhacay dagaalo faraha looga gubtay oo ay ku dhinteen boqolaal Soomaali ah, waxaana lagu burburiyey hanti aad u fara badan, waxaan xabsiyada ku sugan ama ku xiran ilaa iyo 400 oo qof oo qaarkood la sheegay in loo gudbiyey dalka Itoobiya.

Sharcigaan ayaa waxa uu kor u laalay nabadgelyadii ka jirtay Magaalada Muqdisho, waxaana Magaalada Muqdisho haatan ka muuqata astaamihii dagaalkii socday mudada afarta maalmood ah, oo tirakoob la sameeyey lagu sheegay in ay ku geeryoodeen ilaa iyo 400 oo qof ayna ku dhaawacmeen ilaa iyo Kun Qofood, sidoo kalana waxaa ku barakacay dad gaaraya 200-kun oo qoys.

Mar aan booqday Ceelasha Biyaha iyo Afgooye ayaa dad qaxayey waxaan ku iri (Waad soo qaxdeene, maxaad ka soo qaxdeen?), waxayna markiiba si fudu iigu jawaabeen (Waan soo qaxnay oo waxaan ka soo cararnay Marshal Low), waxaan u daba dhigay (Marshal Low dadka miyuu qixiyaa?), waxayna I yiraahdeen (Waxba ma ogid, Maalintii Xildhibaanadu ansixiyeen sharcigaas ayaan ogaanay in dadkaan loo danleeyahay).

Mudadii saddex bilood ahayd ee uu jiray sharcigaasi, waxaa lagu dilay dad aan waxba galabsan, sidoo kalana sharcigaasi, waxa uu keenay in dad Soomaali ah si arxan daro ah loogu daadiyo badaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen iyagoo ka cararaya Xabadda ka bilaabatay Magaalada Muqdisho, waxaana tirakoobkii ugu dambeeyey lagu qiyaasay in ay gaarayaan 300 oo Qof oo Soomaali ah lagu daadiyey xeebahaasi lana arkayey maydkooda oo dul sabeynaya in Badda.

Sharcigaan intii uu jiray waxaa xuduuda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya gaaray ilaa iyo 10-kun oo qof oo Soomaali ah kuwaas oo loo diiday inay ka gudbaan.

Nin odey ah ayaa isna wax ka weydiiyey sharcigaan sida uu arko, waxa uuna igu yiri ”Wuu I saameeyey sharcigaani”, sidee ayuu kuu saameeyey ayaan weydiiyey, waxa uuna iigu jawaabay, ”wiil yar oo aan dhalay ayaa iiga geeyooday markii uu ku dhacay cudurka shuban Biyoodka mar aan u qaxnay Afgooye.

Dowlado fara badan ayaa ka soo horjeestay sharciga Xaaladda Deg-dega ah, waxaana Dowladda Federaalka laga codsaday in ay dib uga laabato sharcigaasi, hase yeeshee waxay ku adkeysatay in sharcigaani uu yahay mid la doonayo in lagu xasiliyo dalka, hase yeeshee mudadii saddex bilood ahayd wax ka dhacay dalka qof waliba indhiisa ayuu ku arkay, waxayna Hay’adaha Xaquuqda Aadanaha ay sheegeen in Muqdisho uu ka dhacay xasuuq baahsan oo loo gaystay dad aan waxba galabsan markii madaafiic guryahooda lagu garaacay.

Sharcigaan xitaa waxa uu saameeyey Dowladda Federaalka, kadib markii Dowlado badan oo doonayey inay lacago deeq ah siiyaan ay dib u dhigeen lacagahoodii, waxayna ka codsadeen Dowladda C/llaahi in sharcigaasi ay gebi ahaanba joojiso, iyadoo sidoo kale sharcigaani ay xilkooda ku waayeen Wasiiro fara badan kadib markii lagu eedeeyey in ay sameeyeen Musuqmaasuq iyo lunsasho hanti, haddaba su’aasha isweydiinta mudani waxay tahay Golaha Baarlamaanka mar kale ma ansixin Doonaa sharciga Marshal Low, mise dib ayaa looga laaban doonaa, iyadoo qaar ka mid ah Xildhibaanada ay sheegeen in aan waxba laga faa’iidin sharcigaasi burbur iyo khasaaro mooyee, waxayna Dowladda u soo jeediyeen in aysan kordhisan sharciga Marshal Low.

Gebagabadii, ummadda Soomaaliyeed waa ay ka dheregsan tahay waxa uu galo iyo waxa uu gudo Sharciga Marshal Low, waxayna dadka qaarkiis sheegeenin dad Soomaliyeed aan lagu maquunin karin xoog, balse ay u baahan yihiin in wax walba lagu xaliyo wada hadal iyo isafgarad, taas oo ay sheegeen in lagu gaari karo horumar iyo nabad buuxda, laguna helo karo Dowlad Soomaaliyeed oo dib u soo celisa qaranimadii lunta.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: April 10, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com