SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

SOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS !!!

Mohamed-Deeq Abadi-madar ”Haldhaa” 

Waxaa la yiri qoyska Soomaaliyeed ayaa waxay damacday inay Ugaas ama suldaan samaysato. Haddaba waxaa arrintaas isu soo sharaxay nin la odhan jiray Muuse Yuusuf. Muuse wuxuu ka dhashay jilib laan dheer ahaa xoolo baddanna wuu lahaa. Laakiin muusan ahayn nin ku habboon hoggaanka noocaas ah oo waxaa ku yaraa dul-qaadka.

 Haddaba waxaa Muuse aad uga soo horjeeday asii laga laan-dheeraysnaa nin la odhan jiray Faarax Khayre. Faarax iyo Muuse dhowr oday bay kala tirsan jireen oo sidasa umaysan kala fogayn. Faarax wuxuu ahaa nin caqli badan oo xeer-dheer. Wuxuunaa aaminsana ainuu isagu ka mudanyahay Muuse. Laakiin waxaa dib u dhigay laan-gaabnimadiisa oo markaas kalalin mugleh cayaarysay.

 Waxaa lagu ballamay burrito in la caleelo-saaro boqorka cusub ee beesha. Waxaana loo googlay geed weyn oo reerka agtiisa ku yaallay.

 Faarax wuxuu degay shax uu ku fashilinayo Muuse Yuusuf, illen si kale wax ugama qaadi karee.

 Wuxuu sameeyay intuu awr gool ah qalay ayuu wiil uu dhalayna kuruskii ka dharjiyay. Dushana wuxuu kazoo marmariyay subagii iyo dufankii hilibka. Wuxuuna wiilkii ku yiri_

“Aabe waxaad samaysaa geedka iyo gogosha raggu fadhiyo sii fariiso. 

 Wiilkii sidii aabihiis faray ayuu yeelay, oo wuxuu sii fariistay gogoshii raga iyo boqorka cusub loo dhigay. Isagoo waliba subaggii iyo dufankiiba leh.

 Raggii markuu meeshii yimid. Ayuu Muuse Yuusuf yarkii ku yiri;-

    “War ka kac meesha”.

  Yarkii wuu diiday. Deedna Muuse intuu xanaaqay ayuu yarkii canaantay oo waliba dhangad la dhacay. Isagoo waliba aad u cadhaysan.

 Faarax Khayre oo meesha fadhiyay intaasna eegayay waxa dhacaya ayaa intuu istaagay, raggii ku yiri; 

 “Habar-jeclooy Muuse waa kaas” 

 Raggiina way fahmeen oo way garoowsadeen inuusan Muuse Yuusuf ku habboonayn xilkaas. Halkaas ayuuna ku waayay xilkii markii la arkay inuusan wiilkii yaraab au dulqaadan ama uusan arrintiiba si caqliyaysan u xallin. 

 Haddaba anigu waxaan dhacdadan murtida leh uga danleeyahay markii aan arkay gumaadka shacabka Soomaaliyeed e Muqdisho deggan iyo shacabka Soomaaliyeed ee Jubbooyinka deggan lagu sameeyay ee uu Cabdullaahi Yuusufna ka aamusay. Ama uba riyaaqay in shacabka la gumaado. Ayaa waxaan soo xusuustay sheekandan murtida leh.

 Waxaan kaloo xusuusta sheekadan igu dhaliyay markii aan arkay sawir gacmeedka Amiin Caamir ee ana kor ku soo qaatay. Kaas oo run ahaantii ka turjuma soida uu Cabdullaahi Yuusuf uga raalli yahay gumaadka shacabka ama uuba u moogyahay. 

 Waxaan isu barbar dhigay Soomaalidii xilligaas wax ku cabiri jirtay nin dulqaadiiska, wiil yar oo dhago adag iyo Soomaalida maanta hoggaanka u dhiibatay mid madaafiic xabashi usoo kiraystay inuu ku gumaado ciddii isaga diiddan maamulkiisa. 

 Waxbase hadalka badin maayee, waxaana leeyahay uun:- 

 “Soomaaliyeey Cabdullahi waa kaas” 
 

HaldhaaMohamed-Deeq Abadi-madar ”Haldhaa” 
 

Chairman of

The Somali Social Democrats’ Party (SSDP)

Borlänge, Sweden

SULDAD XABASHIYEED NIMAY HESHAA, WAA SAC KUU TALIYE. Akhri...

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

March 5, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com