SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK : MAQAAL

SULDAD XABASHIYEED NIMAY HESHAA, WAA SAC KUU TALIYE 

HaldhaaMohamed-Deeq Abadi-madar ”Haldhaa” 
Borlänge, Sweden
haldhaa35@hotmail.com


Taariikdu markii ay ahayd 12-8-1960kii waa qiyaastii bil kadib markii xornimada ay qaateen labadii gobol ee koonfur iyo waqooyiyee. Waxaa magaalada Ayshica ka dhacay xasuuq aad u foolxun oo ay Xabshidu ku qaaday shacabka Soomalaiyeed ee ay gumaysato.

 Ayshica waxay ahayd magaalo xiriirisa ganacsigii saylac iyo buuraleeyda Xabashida. Waxayna ahayd magaalo il-baxnimo wayn leh. Dadka Ayshica waa dad maskax furan oo horu-mar leh. Waxayna had iyo jeer la socdaan xaaladaha dunidu ay marayso gaar ahaan geeska Afrika. 

  Ayshica waxay ka mid ahayd degmooyinkii hooyada u ahaa halgankii gumaysiga lagula jiray. Waxaana xarun ku lahaa ururkii dhalinyara Soomaaliyeed SYL ee la sameeyay sannadkii 1943kii. Markii uu ururkaasu yimid degmada Ayshica waxaa looga soo dhoweeyay si fiican, xubno far badan oo fir fircoonna way ku soo biireen. 

  Sannadkii 1960kii markay xornimada qaateen labadii gobol ee waqooyiga yo koonfurta ee ayna midoobeen, waxay shacabkii Ayshica deganaa muujiyeen tagaeero iyo waliba habkii loogu biiri lahaa oo xabashina looga xoroobi lahaa. Arrintaas waxaa ka cadhooday xayle salaase, wuxuuna amar ku bixiyay in la xasuuqo shacabka degmada Ayshica.

   12-8-60-kii ayaa weerar lagu soo qaaday shacabkii degenaa Ayshica. Waxaana laga dhigay digo iyo danbas, iyadoo guryaha lagu gubay., rasaasna oodda lagaga qaaday. Dadka intii ka badbaadday weerarkaas hore waxay afka saareen banka Ayshica, nasiib-darrose lagama hadhi ee waxaa rusheeyay diyaaradaha gadaalka oo aan inaba u turin. 

   Falkaas foosha-xun intii ka badbaadday waxay tageen magaalooyinka Cabdulqaadir oo Soomaaliya ah iyo Magaalada Cali sabiix oo uu markaas Faransiisku haystay. Dadkii tagay magaalada Cabdulqaadir waxaa ugu yimid oo soo dhoweeyay madaxwaynihii iyo ra’iisul wasaarihii Soomaaliya ee xilligaas. Dadkii weerarkaas bahalnimada ah ku shihiiday waxaa lafahoodii markii danbe lagu asturay goobta la yiraahdo ”Cawra eeg” oo ka tirsan magaalada Ayshica. Dadkii malintaas la gumaadayn waxaa lagu sheegaa dhowr kun oo qofood[1]

  Soomaaliduna ma aysan hilmaanin gumaadkaas shacabka masaakiinta ah loo gastay, waana wax ku qoran diiwaan. Gabyo badanna waa laga tirayay, waxaana ugu xeel dheeraa gabaygii uu ka tirir mujaahidkii waynaa ee suugaanyahaynka ahaa Alle ha u naxriistee Xaaji Addan Axmed ”Af-qallooc”. Wuxuuna gabaygiisaas ka mid ahaa, isagoo muujinaya xumaanta ay xabshidu leedahay iyo siday bahal u tahay:- 

  1. Kala soocde qoys keli ah oo, seeda wada yaallee
  2. Suldan amar leh sheekh sahidiyo, seen cadda odey ah
  3. Soddonku ninuu buuxiyo haween, sida carruurtooda
  4.  
  5. Sidqa habar ah inan seeratiyo, kuwii sagaal jooga
  6. Ayagon saxarna dhimin Baad dhamman, sibiq u leysen
  7. Sarraf yiri Amxaar jamac dhan oo, wada sujuudaaya
  8.  
  9. Saqiirka iyo umulahaad disheen, malaha soo qaade
  10. Kun baa subax disheen aamin ah, oo seexdey oo kacay
  11. Saddex boqol kabadan culimadii, suuqa Herar tiille
  12.  
  13. Iyaga oo salaad jamac galaad, seef ku mariseene
  14. Saqda leylka dhaxe waxad gashen, soolki Dhagax-bure
  15. Samada iyo dhulkaba ciidankii, riday sawaariiqda
  16.  
  17. Kama seyrin ruux keliyah oo, joogay subaxaasi
  18. Sujaacdii Awaare afdam oo, sida xun loo laayay
  19. Saxariiradii naagahaan, weli sasaynaayee e
  20.  
  21. Saqiir iyo kabiir reer Ashaco, oo nabad kusoo hoyday
  22. Sardhaday galeen baad qumbulad, suna kutuurteenee
  23. Surimada Jigjiga leegadii, sida xun loo laayay
  24.  
  25. Surkaad wada jarteen wiilashii, timaha soohnaayee
  26. Saqajaanka beesha iyo guryaha socod xumaaddiina
  27. Nin sidaa ku dhaqanteen ogaa, wuu siqsiqiyaayee
  28.  
  29. Suldad Xabashiyeed nimay heshaa, waa sac kuu taliye
  30. San kuneefle aad is shaabahdaan, dunida saarneeynee
  31. Saxi maayo  axad sheeg is yiri, sidaad sameyseen

Mohamed-Deeq Abadi-madar ”Haldhaa” 
Borlänge, Sweden
haldhaa35@hotmail.com

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH