SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY
Daabaco Boggan | Print
gaariSomaliTalk: Hadalkii Wasiirka Waxbarashada DGPL waa Baroortu Orgiga ka Weyn
Hay'ada UNESCO ayaa waxbarashada Puntland ugu deeqday gaari iyo buugaag, laakiin..
Akhri...

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Mar 11, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (70), Muqdisho (74), Beledweyne (77), Baydhabo (85),  Galkacyo (106),
Sarbeebtii Diinaari


Gabay: Cabbir

Cabdikhayr Sheikh Soofe
soofe@hotmail.com


Shaqsiyaadkii Soomaaliyeed ee masuulka ka ahaa burburkii qaranamidii Soomaaliyeed iyo xadgudubyadii xaquuqul insaanka ka dhanka ahaa ee ka dhacay Soomaaliya, markii lagula loollamay hab-dhaqankooda dugaagnimada ahi waxay casuumeen cadawgii taarikhiga ahaa ee ummadda Soomaliyeed ee marwalba u haliilayey qabsashada waddanka Soomaaliya. Waa qayb kamid ah ammuuraha uu ka hadlayo gabayga soo socda ee la magac baxay Cabbir ee soo baxay Maarso 11, 2007. Gabayga waxaa tiriyey Cabdikhayr Sheikh Xassan Sh. Soofe waxaa lagu soo bandhigay Shirkii bulshada Soomaaliyeed ee waqooyiga America ee lagu qabtay Columbus, Ohio Maarso 10-11, 2007. 

Shirkaasoo ay soo abaabuleen aqoonhanno Soomaaliyeed waxaa uu ku saabsanaa sidii midnimo Soomaaliyeed loo heli lahaa iyadoo loo marayo wada xaajood iyo dedaal aan rabshado wadan. Soofe wuxuu ku halqabsanayaa Eng. Maxamed Cali Cibaar oo ah aqoonyahan iyo abwaan Soomaaliyeed oo deggan waddanka Holland marwalbana ka hadlo wado jir, madaxbannaani, nabad iyo midnimo Soomaaliyeed, si gaar ahna saaxiib u yihiin Soofe. Faahfaahin dheeraad ah gabayga isaga ayaa iska bixinaya.

  1. Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye
  2. Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine
  3. Calankeenna daafaca adaa cod ula taagnaaye
  4. Caawimaadda ehelkuna aday kugu cuslaanayne
  5. Curiskaaga yaa laga gartaa caaqilkaad tahaye
  6. Cimrigiisu raagyow runtaan kuu cabbirayaye
  7. Cabashadeyda saakana bal  maqal Caalimkaa weyne 
     
  8. Casiiskii na uumiyo markaan diinta ku ciyaarnay
  9. Ku ceebownay ciiddaan lahayn caalamkoo idile
  10. Carruurtiina nala yaabtay iyo caaqa liitaaye
  11. Caadiyo waxaan dhaqan laheyn camal karaameysan
  12. Cayayaan waxay nagu tirshaan aan cindi lahayne
  13. Ciilkaan la seexdaan walaal kuu cabbirayaaye
  14. Cabashadeyda saakana bal maqal Caadilkaa weyne 
     
  15. Cafiskiyo qoomkii nabadda naca oo is ceyrteeya
  16. Oo ceesh qabyaaladi u tahay cudurna maalaaya
  17. Markey kala caroodaan dadoo cidiba meel aaddo
  18. Cadowgii nimuu ciidanshaan caymo filaneyne
  19. Qalbicamo markii loo xuliyo kuwo ciyaal suuqa
  20. Oo caalimiintii la naco jaahilna caweeyo
  21. Caku kama dhamaatiyo inuu galo calolyowe
  22. Annagana canaasiir ayaa noo cimaamadane
  23. Calaf waxay u haystaan wixii gala calooshoode
  24. Cosobkii dhulkeeniyo dalkii siiste caanteyne
  25. Cawaannimo halkey gaartay baan la cajabaayaayoo
  26. Ciilkaan la sexdaan walaal kuu cabbirayaaye
  27. Cabashadeyda saakana bal maqal Caalimkaa weyne. 
     
  28. Ciil looma go’ Maxamedow ceeb adduunyada’e
  29. Soomaali caawa sidey tihiyo caatadaa muuqan
  30. Nimankii  colaad waarta iyo iyo cudurka beeraayay
  31. Nimankii cududdii aan lahayn cadcad u googooyay
  32. Raggii ceynwareejiyay talada samana ciideeyay
  33. Culimaa’uddiinkiyo kuwii caaqillada iibshay
  34. Colaadaha kuwii huriyayee gooyay ciribteenna
  35. Caadaqaatayaashiyo kuwii cunayay jiirkeenna
  36. Nimankii cidihii soomanaa casar duqeynaayay
  37. Nimankii carqaladeynta iyo dhibka ku ceeshaayay
  38. Cilladihii dhexdeenniyo kuwii keenay caalwaagu
  39. Haddey maanta casumeen Tigree waan cajabayaaye
  40. Ciilkaan la sexdaan walaal kuu cabirayaaye
  41. Cabashadeyda saakana bal maqal Caalimkaa weyne. 
     
  42. Itoobiya col baan abid aheyn taniyo coorcoore
  43. Ceyriinka nimankii baroo ceyrsadaan nahaye
  44. Maantana haddaan cudud la siin caalamna u hiillin
  45. Cashar kale inaan siin lahayn waa wax caadiyahe
  46. Marka ciidan is horjoogsadee taangi la cabbaysto
  47. iga celiya wow caado oo kama cabsoodaane
  48. Cadow soo gurmanayaa hadduu cirka ka soo duulay
  49. Oo uu carshaantii gubiyo xoolo cows daaqa
  50. Carradeenna uu xoog ku yimid lana cambaareynin
  51. Haddii dulmigii loo ciidanshoo xaqii la ciideeyay
  52. Caaq bey la tahay guul iney cadowgu gaareene
  53. Waa cowradii dunida oy calal ka feydeene
  54. Ciilkaan la sexdaan walaal kuu cabirayaaye
  55. Cabashadeyda saakana bal maqal Caalimkaa weyne. 
     
  56. Nin caqligii calool uu ka galay waa caddilanyahaye
  57. Cawaantaa la soo waalayee calawasaadeysa
  58. Caaqibadey la kulmayaan ciribxumaanteeda
  59. Caalim kii ahaa wari ninyahow caamo yeelkeede
  60. Musafeni  cantuuguu rabaa cunaha naafeyne
  61. Caddaaladda hadduu jecelyahoo cahdi uu dhowraayo
  62. Cagafcagaf ma mariyeen  dhallaan waayay caanihiye
  63. Coomaadi kuma soo kacsheen wiilal caaridaye
  64. Cirroolihii ma wada layn lahayn cunugyow jog yiriye
  65. Intii dumar curyaan noqotayoo hooyo la ciqaabay
  66. Cisbitaal intuu gubay ayaan cidina moogeyne
  67. Caydhteeyay shacabkiisiyoo cunto ma haystaane
  68. Caynkii Koongo hadduu naga rabiyo inaan casnhuur dhiibno
  69. Oo uu dhulkaa wada camiran qeyb  calaameytay
  70. Ceego wow danbeyn idam-Ilaah iney cabaadaane
  71. Anoon cagajugleyneyn runtaan sii cabbirayaaye
  72. Cabiidnimo ninkii nala rabow taladii kaa ciirtay

                  -Dhamaad- 

Cabdikhayr Sheikh Soofe
soofe@hotmail.com

Faafin: March 14, 2007



Soomaali
Xal u helidda Dhibaatada ka Taagan Soomaaliya hadda.

Kulan ay ka soo qayb galeen culimaa'udiin, aqoonyahanno iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa waxaa... Akhri....



 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com