SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
ItoMar 17, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (76), Muqdisho (80), Beledweyne (83), Baydhabo (91),  Galkacyo (112),
Sarbeebtii Diinaari
Daabaco Boggan | Print
gaariSomaliTalk: Hadalkii Wasiirka Waxbarashada DGPL waa Baroortu Orgiga ka Weyn
Hay'ada UNESCO ayaa waxbarashada Puntland ugu deeqday gaari iyo buugaag, laakiin..
Akhri...

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Mar 11, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (70), Muqdisho (74), Beledweyne (77), Baydhabo (85),  Galkacyo (106),
Sarbeebtii Diinaari


Warar: March 17, 2007

  • Weriye Khamiistii Lagu Xiray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
  • Waraaqo ay daadiyeen ciidamada Uganda ee ka mid ah Kuwa Midowga Afrika..
  • C/llaahi Yuusuf oo ka hadlay weerarkii dhawaan ka dhacay Xarunta Villa Somalia…
  • Ciidamada Uganda oo soo degaya Xaruntii Wasaaradda Gaashaandhiga…
  • 9-qof oo ku geeryootay qarax shalay ka dhacay Degmada Afgooye..
  • Salaadiinta Beelaha Jareerweyne oo Ka Hadlay Waxa Loo Yaqaan 4.5....
  • Lawless Somalia will keep Karamoja armed forever.
    By Maj. Felix Kulayigye [UPDF spokesperson]

Weriye Khamiistii Lagu Xiray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Wariye c/raxmaan maxamed xuseen ayaa Maaro 15keedii lagu xiray garoonka diyaaradaha ee muqdisho isaga oo shaqo u tagay si uu uga qayb galo shir jaraa'id oo la filayay inuu qabto wasiirka arrimaha dibadda ee itoobiya siyuum musfin, wariyuhu intii aan lala tagin ayuu soo sheegay in la haysto qalabkii uu wax ku duubayayna laga qaaday , ca/raxmaan ilaa hadda lama oga sababka loo haysto .

Qabashada wariyahan waxay timid markii Khamiistii saxafiyiin badan loogu hanjabay garoonka diyaaradaha laguna handaday in la dili doono haddii ay mar kale garoonka yimaaddaan iyada oo la ogsoonyahay in wariyayaasha ay u yeedheen masuuliyiin ka tirsan midowga afrika si ay u tabiyaan war saxaafadeedka la filayay inuu musfin jeediyo.

Dhacdani ma aha middii ugu horreysay ee la soo darista suxufiyiinta waxaa horey loo jidh dilay loona xidhay wariyayaal ka tirsan shabakadda warbaahinta ee shabeelle, cadaadis badan ayayna wariyaaashu kala kulmaan ciidamada itoobiya iyo kuwa dawladda kumeel gaadh ahba .

Waxaa soo tebiyey: M.X | Muqdisho


Waraaqo ay daadiyeen ciidamada Uganda ee ka mid ah Kuwa Midowga Afrika..

Subaxnimadii Khamiista ahayd ayaa waxaa waraaqo lagu daadiyey agagaarka Lambar Afar, waxaana waraaqahaasi daadinayey gaari Cabdibile ah oo lasheegay ay saarnaayeen ciidamo reer Uganda ah.

Waraaqa ayaa waxaa ku qornaa ereyo ay ka mid ahaayeen “Waynu ka daalnay qaxootinimo haddaan nahay reer Afrika, sidaa darteed hadda waa in aynu nabadda ka shaqeyno, si aan uga baxno qaxootinimada”, waxaana warqaddaasi ku qornaa Calanka Midowga Afrika iyo waliba askari wata Koofiyadda Midowga Afrika.

Ciidamada Uganda ayaa waxay doonayaan inay kasbadaan Bulshada Soomaaliyeed, iyagoo sheegay in ay doonayaan in ay ka shaqeeyaan nabadgelyada iyo sidii Bulshada Soomaaliyeed la isugu keeni lahaa oo ay uga bixi lahaayeen dhibaatada.

Waagii ay joogeen ciidamada Mareykanka ayaa diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee Mareykanka ayaa waxay daadin jireen waraaqo ay Bulshada ugu sheegayaan in ay kala shaqeeyaan dhinaca Nabadda.

C/llaahi Yuusuf oo ka hadlay weerarkii dhawaan ka dhacay Xarunta Villa Somalia…

Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf Axmed oo dhawaan soo gaaray Magaalada Muqdisho markii uu yimidna xarunta madaxtoonyada la kulmay weerar hoobiyayaal ah oo ay u gaysteen kooxaha kacdoonka ka wada Muqdisho ee ka soo horjeeda Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federalka, isagoo ka hadlayay weerarkaasi, waxa uu sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid la doonayey in lagu wiiqo dadaalka dib u heshiisiinta ah ee ay wado Dowladda.

C/llaahi Yuusuf oo u waramay wargeyska Sharqul-Awsad ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka aysan marnaba u hogan doonin weerarada noocaas oo kale ah isagoo sheegay inay ka dambeeyaan haraadigii Maxaakiimta Islaamiga ah oo uu sheegay in ay ku dhuumaaleysanayaan qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf Axmed waxa uu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay dowladdu u soo afjari doono kooxahaasi. “Aad baan uga xumahay anigoo madaxweyne ah in la igu soo weeraro xarunta Madaxtoonyada oo ay waliba dhibaato ku soo gaarto dad rayid ah oo aan waxba galabsan” ayuu yiri Madaxweynaha DFKMG oo sheegay in ciidamada Dowladda ay sii wadi doonaan hawlaha ay ku nabadeynayaan Magaalada Muqdisho.

Maalinkii uu yimid Madaxweynaha Magaalada Muqdisho ayaa xarunta madaxtoonyada waxaa ku dhacay lix hoobiye, hase yeeshee, iyadoo Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka madaafiic ay ku jawaabeen ay keentay in ay ku dhintaan ilaa iyo todobo qofood. Dhanka kale waxaa la filayaa in maalmaha soo socda Magaalada Muqdisho ay ciidamada Dowladda Federaalka ah ay hawgal balaaran ka sameyn doonaan Magaalada, kaas oo la sheegay in lagu sugi doono ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Uganda oo soo degaya Xaruntii Wasaaradda Gaashaandhiga…

Warar si hoose aan u helnay ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ee ku sugan xaruntii hore ee Gaashaandhiga ay maanta halkaasi isaga bixi doonaan, una baneyn doonaan ciidamada Midowga Afrika, gaar ahaan kuwa Uganda.

Ciidamada Itoobiyaanka ah ee haatan ku sugan Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa ku jira diyaargarow ay ku doonayaan inay halkaasi ku wareejiyaan Ciidamada Uganda.

Dhowr jeer ayaa ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Gaashaandhiga waxaa loo gaystay weeraro ay ku soo qaadeen kooxo ka soo horjeeda joogitaakooda, waxaana weeraradaasi ku dhintay dhowr qofood, markii labada dhinac ay is weydaarsadeen madaafiic.

Ciidamada Uganda ayaa horey waxay u sheegeen in ay Soomaaliya u yimaadeen in ay ka shaqeeyaan nabadda, waxay kaloo sheegay inay dhex dhexaad ka yihiin ishaysiga u dhexeeya kooxaha Soomalida, hase yeeshee meesha kama aysan saarin in ay la shaqeyn doonaan Dowladda. Dhinaca kale warar aanu ka helnay dadka deegaanka ee ku dhow xarunta Gaashaandhiga ayaa uga digay ciidamada Uganda in ay halkaasi soo degaan.

aidid
DHEGEYSO: CAYDIID OO SHEEGAY MIDAYNTA SOMALIA & ETHIOPIA IYO BAABI'INTA XADKA SOOMAALIYA
Abdullaahi Yusuf Ahmed
C/laahi Yuusuf: oo sheegay in Xuseen Caydiid uusan caadi ahayn
Halkan Ka Dhegeyso ama  Halkan Dhegeyso
Ali Mohamed Geeddi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP

9-qof oo ku geeryootay qarax shalay ka dhacay Degmada Afgooye..

Degmada Afgooye gaar ahaan Xaafadda loogu magacdaray Imbagati ayaa waxaa ka dhacay qarax aad u weyn oo lagu waramayay inay ku geeryoodeen sagaal qofood oo shan ka mid ahi ahaayeen carruur

Qaraxaan oo ka dhacay guri ku yaala deegaankaasi, ayaa waxaa la sheegay in aan la garaneyn waxa dhaliyey qaraxaasi, basle warar ayaa waxay sheegayaan in qaraxaasi uu ahaa waxyaabo horey u yiilay guriga, hase yeeshee warar kale ayaa waxay sheegayaan in uu ahaa Hoobiye meel fog laga soo tuuray.

Maamulka Degmada Afgooye oo u waramayay Saxaafadda ayaa waxay qaraxaasi ku tilmaameen Musiibo rabbaani ah, iyagoo dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi loo soo qaaday Isbitaalada Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in gabar ku gubatay qaraxaasi inay taalo Isbitaalka Magaalada Afgooye, taas oo iminka halkaasi lagu daweynayo, waa markii ugu horeysay oo qarax noocaan oo kale ah ka dhaco degmadaasi, tan iyo markii ay yimaadeen ciidamada wadanka Itoobiya oo gacan siinaya kuwa Dowladda.

Salaadiinta Beelaha Jareerweyne oo Ka Hadlay Waxa Loo Yaqaan 4.5....

Kulan ay balaaran oo ay isugu yimaadeen Salaadiinta Beelaha Qoomiyadda Jareerweyne oo ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay guud ahaan siyaasadda dalka iyo gaar ahaan arimaha Beesha Jareer-weyne.

Kulankaan oo ay ka hadleen Afhayeenka Golaha Salaadiinta Beeshaasi Ugaas Xaaji Xuseen Max’ed Macalin iyo guddoomiyaha Golaha Malaaq Max’ed Sharey Iimaan, waxayna labadooduba sheegeen in ay raali ka yihiin soo dhaweynayaan shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyees, inkastoo dhinaca kalana ay muujiyeen in ay ka xun yihiin guddiyada Beelaha laga soo xulaayo oo aan beesha Jareer-weyne laga qaybgelin, haddii ay taasi sii socotana ay keeni karto Cadaalad daro iyo in uu shirkaasi guuleysan, sidoo kale mas’uuliyiintaasi waxay ka hadleen waxa loo yaqaano 4.5, iyagoo sheegay inay la shireen Salaadiinta Beelaha Soomaaliyeed, kuwaas oo ictiraafay in Beesha Jareer-Weyne ay la siman tahay beelaha kale ee Soomaaliyeed, arintaan 4.5-kana ay tahay mid ay wadato Xukuumadda Dowladda Federaalka, iyagoo ka digay in Beesha Jareer-Weyne Beelaha Nuska ah. Kulankaas waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Ururka SAMO Sadiiq Cabdi Xasan iyo Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Ururka Jiiha Ibraahim.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com 

March 17, 2007

Cabdullaahi Yuusuf oo ka Codsadey Sayoum Mesfin in Ciidamada Itoobiya ay sii joogaan…
.Ciidamada Uganda ee oo sii daayey Maxaabiis u xirnaa..
.Muddo loo qabtey Xildhibaanada ka maqan Kalfadhiyada..
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Mar 16


Ciidamada Itoobiya oo kufsaday Hooyo Soomaaliyeed oo 8 Carruur ah dhashay..

March 14, 2007: Ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanka Darmooley ee Ceel-Cirfiid ayaa kufsaday Hooyo-Soomaaliyeed oo da’deedu tahay 37 jir oo dhashay sideed carruur ah mar ay ku soo socotay Magaalada Muqdisho, wadatayna Gaari Dameer u saarnaa xoogaa Caws ah oo ay dooneysay inay ka iibsato Magaalada Muqdisho.

Hooyadaas Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Suuban Maalin Cali Geedi ayaa shalay shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho, waxayna ku faahfaahisay qaabkii ay Ciidamada Itoobiya u kufsadeen, waxayna sheegtay in ay goor barqo ah ay ku soo baxeen labo nin oo Itoobiyaan ah kadibna inta ay gaarigii ka dejiyeen ay u geysteen garaacis, kadibna ay u jiideen meel hawd ah halkaas oo ay ku fara xumeeyeen.

Suuban waxay sheegtay in waqti dambe halkaasi laga soo qaaday iyadoo aad u xanuusaneysa, waxaana la keenay Isbitaalka Kaydsaney, waxayna Taakhaatiirtu sheegeen in Hoyadaas Soomaaliyeed si xun loo kufsaday, waxayna ku wargeliyeen ninkeeda in uusan u tagi mudo lix bilood ah, dhanka kalana aysan nuujin Karin canugeeda, mudadadaas kadibna dib loogu soo celiyo Isbitaalka si looga baaro cudurkaq Aidska.



Ninkeeda oo lagu magacaabo Axmed Cali Xasan ayaa waxa uu sheegay in Xaaskiisa lagula kacay wax ka baxsan Bini’aadannimada, waxaa uuna u soo jeediyey Dowladda Federaalka in ay gacan ka gaysato sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa labadii nin ee Itoobiyaanka ah ee kufsaday Xaaskiisa.

Dowladda Federaalka ayaa ilaa iyo haatan ka hadlin kufsiga loo gaystay hooyadaasi Soomaaliyeed, dhanka kale shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho ayaa iyana aad uga carooday falkaas lagula kacay hooyadaas Soomaaliyeed ee dhashay 8-deeda carruurta ah.

Dr. Axmed Taajir oo ku guuleystey in in Buro 5 kiilo ah ka soo saaro Gabar yar oo jirta Sagaal bilood



Waxaa taariikhdu Markey ahayd 7/3/2007, Isbitaalka Kaysaneey Loogu sameeyay Qalliin Gabar yar ee jirta 9 Bilood, Gabadha waxaa lagu magacaabaa Caasha Cismaan Isaaq, Hooyadeedna waxaa lagu Magacaabaa Soonto Cali Aadan, Gabadha ayada oo jirta 2 Billood waxay eheledeeda caloosha Uga arkeen Buro aad u soo korayso bilba bisha ka dambeeysa, Ilaa ay kala ekaato waynigeeda sida sawirka ka muuqda, Laguna qiyaasay ilaa iyo 5 Kiilo.Gabadha oo ka dhalatay qooys aad sabool u ah, ayeey la Xariireen Isbitaalka SOS ee magaalada muqdisho, kadbna sidaa ayaa Loogu soo wareejiyay Isbitaalka Keysaneey oo Qalliinka ,Loogu sammeeyay si tabarrucaad ah, ayadoon wax lacag ah Laga qaadin, Qalliinka waxaa looga soo saaray Buro culyskeeda lagu Qiyaasay 5 Kiilo oo Caloosh ilaa iyo Kalyaha ku fidday. Ilaahay mahaddiis waa lagu guuleeystay qalliinka oo socday qiyaastii 2 Saac, Haddana xaaladda bukaanku waa ay wanaagsantahay, Qalliinka waxaa sammeeyay Dr.Ahmed Mohamed Ahmed [Ahmed Taajir] Madaxa Qalliinka Isbitaalka Keysaneey.

Hadaba Gabdhaa yar ciddii dooneysa in ay u kaalmeyso ha la soo xiriiraan

Dr ahmed mohamed ahmed
dr_taajir@hotmail.com 

ama Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Tel 2521-5532494



Soomaali
Xal u helidda Dhibaatada ka Taagan Soomaaliya hadda.

Kulan ay ka soo qayb galeen culimaa'udiin, aqoonyahanno iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa waxaa... Akhri....



 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com