SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - LONDON, UK

Afhayeenka xisbiga RPP ee midowga Yurub oo Warsaxaafadeed ka soo saaray Dilkii marxuum Ciise Cabdi Ciise

Puntland State of Somalia
Ramaas Political Party
RPP/03/07 London 19/03/07
KU: Saxaafada madaxa banaan
OG: Shacabweynaha Soomaaliyeed

UJeedo: War saxaafadeed : Dilkii marxuum Ciise Cabdi Ciise..

Ummadda Soomaaliyeed way salaaman yihiin meel ay joogaanba, salaan kadib wuxuu xisbiga Ramaas canbaaraynayaa dilkii foosha xumaa ee loo gaystay xaquuq udoode Ciise Cabdi Ciise, dilkaaso ahaa mid qorshaysan oo qoto dheer.

Waxaaynu wada ognahay in Ciise Cabdi Ciise uu u shaqay nayay hay'addaha xaquuqda u dooda ilaa iyo 1998, wuxuu gooni ulahaa hay'addi intabadan Jubbooyinka waxwayn ka qabatay ee loo yaqaanay KISIMI PEACE AND DEVELOPMENT, wuxuu kaloo ahaa isku xiraha hay'addaha xaquuqda insaanka u dooda. Inta badan wuxuu ka shaqayn jiray G/Jubbada Hoose marar badana wuxuu ka hawl gali jiray magaalada Muqdisho wax dhibana kalama uu san kulmi jirin, waxaase iswaydiin mudan waxa dilkiisa kusoo beegay dowlada oo Muqdisho kusugan madaama uusan wax dhiba kala kulmi jirin xiligii Muqdisho iyo Jubbooyinka ay katalin jireen qabqablayaasha iyo Maxaakiimta.

Hadaynu gadaal u jaleecno waxqabad kiisii iyo qoraaladii uu qoray. Ciise wuxuu mudo ushaqaynayay Hay'addaha xaquuqda aadanaha udooda wuxuuna waxbadan ka qabtay dhibaatooyin badan oo ummadda Soomaaliyeed haysatay.

Ciise wuxuu wax ka qoray dhibatooyinkii Jen Morgan iyo Col Barre Hiraale ay ku hayeen ummadda ku dhaqan Jubbooyinka, wuxuu kaloo wax ka qoray shacabkii reer Waamo oo in badanoo ehelkiisa ay ku jireen xasuuq ay u gaysteen ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya iyo waliba Diyaarado, wuxuu kaloo waday qoraalo ka hadlaaya dowlada kumeel gaarka iyo Itoobiyaanku waxa ay ku hayaan ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan dowlada Soomaliya usoo jeedinayna inay kiis kii Ciise Cabdi Ciise meel saarto qiratana inay masuuliyada dhibka iyagu dhabarka u ritaan maadaama masuuliyada Muqdisho dowladu gacanta ku hayso, waxaan kaloo dowlada usoo jeedinayna in dadkii Waamo lagu xasuuqay oo in badan oo Ciise Cabdi ehel ahaayeen ay ku jireen in magdhow-goodii bixiso, waxaan kaloo dowlada usoo jeedinayna inay sida ugu dhakh siyaha badan war cad kasoo saarto dilkii marxuumka.

Ummadda Soomaaliyeed ee wanaagga jecel waxaan ka cod sanayna qofkii haya arintii Ciise lagu dilay ka danbeeyay inuu xisbiga Ramaas lasoo socod siiyo, hadii aynu arintaan kaseexano waxaad ogaataan Soomaaliyeey qofkii ummadda u shaqee is yiraahdaba in cidla lagu dilin.


Afhayeenka xisbiga RPP ee midowga Yurub
C/Naasir Guur Faarax [jeer]
keenadiid18@hotmail.com , London, UK

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh afhayeenka xisbiga Ramaas.

Faafin: March 19, 2007


DFKMG oo Eedayn Kulul u Jeedisey Hay'adaha NGO-ga ee Jooga Soomaaliya


Xarumaha NGO-yada jooga Soomaaliya

Wasiirka DFKMG u qaabilsan Dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha, Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye" oo shir jaraa'id ku qabtay magaalaad Baydhabo (Feb 24, 2007) ayaa si kulul u eedeeyey hay'adaha NGO-ga ee ku sugan dalka Soomaaliya. Wasiirku waxa uu si kulul hay'adaha NGO ugu eedeeyey in ay qayb weyn ka yihiin dhibaatada aan dhamaanayn ee Soomaaliya. Waxana uu ku eedeeyey in hay'adahaas NGO-ga ay Soomaaliya beesha caalamka kaga raadsadaan lacago, marka ay lacagtaas soo helaan aan cidna kula xisaabtamin. Lacagtaas oo, ayuu yiri, ay boqolkiiba 70% ku bixiyaan dalxiiskooda, hoteelada iyo guryaha qaaliga ah ee Kenya iyo meelo kale oo adduunka ah. Boqolkiiba 20% lacagtaas ahna waxay ku kiraystaan, ayuu yiri, diyaarado hawada dhulka Soomaaliya kusoo gala si sharci darro ah, kuwaas oo subaxdiina yimaada galabtiina noqda, halkii ay dalka ka shaqayn lahaayeeneen... Dhegeyso Hadalkii Maareeye.

Feb 19, 2007 ayey ahayd markii Madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse, uu aammaanay hay'adaha NGO oo uu kula kulmay magaalada Garoowe, waxana uu sheegay in  hay'adaha NGO ee fadhigoodu yahay Garoowe ay hawl wanaagsan qabteen. Isagoo arrintaas ka hadlaya Gen. Cadde Muuse waxa uu yiri: "Qolooyinkii United Nation-ka IYAGOO DHAN waa noo yimaadeen kulligood wax fiican bay noo qabteen iyagana si aad iyo aad ah ayaan ugu mahad naqayaa iyo waxyaalahay qabteen." Dhegeyso Hadalkii Gen. Cadde.

Waxaa taas ka sii horeysey in Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee DGPL, Maxamed C. Y. Gaagaab uu dhaliil u jeediyey hay'adaha Samafalka ee jooga Soomaaliya. Xilligaas oo uu Wasiirku la hadlayey dad Soomaaliyeed oo jooga magaalada Minneapolis ee dalka maraykanka waxa hadaladdiisii ka mid ahaa "Ha'adaha dalka Soomaaliya jooga waxay isu haystaan in ay yihiin madaxweynihii dalka." Dhegeyso Hadalkii Gaagaab...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com