SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Soomaaliya, Muqadisho Iyo Dagaalka Wejiyada Badan

Abdallah Moallim Mahamud(Cabdullahi Siyaasi)
Moallem10@hotmail.com


  Waxaa mid aad loola murugooda ah qofka waddankiisa jecel, dadkiisa jecel, deegaankiisa jecel ,qaraabadiisana jecel ,qaarkiisana jecel in uu arko mar kaliya in uunan howl wacan ku soo kordhin karin dadkiisa iyo dalkiisa, isaga oo ay u muuqato si caddaan ah in maanta dadkiisa iyo waddankiisa ay horboodayaan ,hoogaamiyayaal aanan garan, iyo taageerayaashooda oo aanan iyagana garan halka ay ka biya deysay Haanti waddaninimo, Haanti(Dhiishi) Calankeeni ku keydsanaa Lix iyo toban sano ee herdan siyaasadeed oo foolxun uu waddankeena ka soo jiray, welina uu ka jiro.

  Dadka Soomaalida ah wuxuu u qaybsamay laba koox meelwalba oo ay joogaan waqtigan xaadirkaa ,labadan kooxna waxay koox walba u qaybsantay laba koox., kooxahan isku darkooda wa afar ,isku-qabadkoodana waa laba, ka faalayntooda waa saddex xun iyo koox waddani ah ee waqtiga hagraday.

   Aan hoos ugu daadegno,

1)kooxi waa kooxda Mbagathi(Dfkm) oo iyaga iyo Aabaha Siyaasadooda u yeertay xoogag shisheeye oo ay horkacayaan Ciidanka Xabashida oo si sharci darra ah ku qabsaday waddankeena, oo aanan iyaga layska weydiinayn,waa Xabashidee ,intee la ektahay cadowtooyada ay u haayaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

   Kooxdan waa 1A iyo 1B, ka faalayntooda hoosana waxaan u dhiganaynaa gadaal 

2)kooxda labaadna waa koox ka soo horjeedo imaatinka Ciidanka Xabashida ee dalkeena ku soo duulay.. kooxdan kooxdooda 2C waa qeyb ka mid ah kooxdaane , layska weydiin-maayo in uunan hadafkooda ahayn neceyb ay u qabaan Xabashida ,balsa run ahaanti uu hadafkooda yahay dano gurracan oo gees cariiri ah ku jiro, haddii aanan dhihinba waxay dowr-weyn ka qaateen fududaynta siyaasada ay Xabashida kula soo duushay dalkeena.

 Kooxdan waxay iyadana kala tahay 2C iyo 2D., ka faalayntoodana waxaan u dhiganaynaa gadaal. 

  Qalinkayga maanta ma saaxiba badno, haddana ma saaxibo yaro, laakin saaxibadiisa waa kooxda 2D ,waxayna la'ayihiin meel waqtigan xaadirkaa uga banaan difaacida dadkooda iyo dalkooda ,iyada oo ay haddana jirto in uunan qorshahooda ka maqnayn qaabki ay dalkooda iyo dadkooda uga daafici lahaayeen cadow wejiya badan, isuguna jiro mid la dhashay iyo mid shisheeya ahba. kooxdan run ahaanti ma aamusno ,mana qarsano dadaalkooda ,laakin waxaa ka maqan abaabul isku xiro wax galkooda si ay howshooda uga dhax muuqato  dadkooda iyo dalkooda.

 Markaan meel iska dhigno, xil iska saarida xaq dhowrka saddex koox oo ka mid ah kooxahan aan kor ku soo xusnay qaabka uu fikirkooda yahay iyo waxa ay ku kala duwan yihiin sheegidooda oo aan hubo in ay dad badan oo taageero fikirkooda xumaanta ku fogaatay ka caraysiin doonto, waxaan u gudbaynaa yoolka qoraalkan oo isaga dhab'ahaanti ah tusmo iyo turxaanbinta jahwareerka siyaasadeed ee ummadda Soomaliyeed ku habsaday tan iyo inti ay dowlada Tigreeda ku soo duushay dalkeena si ka baxsan xeerarka u dhigan Bulshada Caalamka.  

  Kooxda 1A waxaa Aabe u ah ,nin aanan marnaba ka xishoon sheegida hadafkiisa ,sidaa darteed ma doonayo in aan ku dheeraado faala ka bixintiisa, waayo isagaa la soo Mutuxan xumaanahiisa, si cadna warbaahinta uga sheego,waxaana ka mid ah waxyaabaha uu noo sheegay tan iyo inti madashi Mbagathi loogu yeeray Madaxweynihi dalka Soomaaliya, waa Col Cabdullahi Yusufe ,in uu yahay Habaarqabe, in uu isaga yahay ninki ugu horeeyay oo abaabulay duminta iyo ka hor imaanshaha dowlad dalka si deganaan ah ku maamusho ,dowladaas qaabka ay doonto ha ku timaadee ,waxaa kale oo uu noo sheegay ,qarsoodina aanan ahayn in uu daadka Dayrta raacin doono kooxaha ka soo horjeedo ,habeenki la doortayna wuxuu u yeertay Ciidan Shisheeye, isaga oo aanan la tashi ugu noqon golihi Baarlamaanka ee isaga jagada Madaxweyninimo u doortay.,wuxuu isla habeenkaa sheegay in uu labadaba la shaqayn doono wuxuu ugu yeeray koox habeenka madow shaqeyso iyo koox maalinti iftiinka ah ku shaqeyso.Cabdullahi waa ninkaas ,waana nin aanan la ganban in uu dadka Muqdisho ka dul-qaadi doono Culayski dul saarnaa tan iyo iyo inti ay Reer Muqdisho albaabada u laabeen dowaldi Maxamed Siyaad Bare ,Allah ha u naxariistee. laaakin waxay Su'aal adag ka taagan tahay nin aanan la ganban in uu xun-yahay, Habaar-qabe yahay, waa sidee xaalka uu ku danbeynayo ninki ka sugo in uu wanaag u keeno,nabadna u keeno, kana dul qaado xumaan uu ashtaka(Dacwo) ka ahaa mudda dheer ,isagana iska qaadi waayay. 

    Kooxda 2C oo ka tirsan kooxda Labaad, iyadana waa koox ay beryahan horboodayaan koox loo yaqaan, kooxaha aanan heybtooda la aqoon, balse hore iyaga u ahaa koox la yaqaan oo iyada ku caam baxday in aynan marnaba ka gudbin diidmada dowlad Soomaaliya ka ambaqaado, kol haddii aynan iyaga ahayn madaxdeeda amaba madaxda Dalka iyo dadka Soomaaliyeed daadihinayso ,Kooxdan doodooda beryahan waxay tahay Aqbali-mayno Ciidan Shisheeya, Aqbalimayno Tigree iyo Dabdhilif-yadooda ,Aqbalimayno Tacbaanayaasha. Kooxdan waa koox balaaran oo uunan fikirkooda meel ka soo wada jeedin ,balsa haddeer kooxdan waxay ka siman yihiin neceybka ay u haayaan kooxda kale oo ay ku tuhmayaan in ay kala wareegeen masaalix gacantooda ku jiray,waa aragtidooda gaabane  ,kooxdan waa koox in mudaaba ay ku dhacday Aabe la'aan(Hogaamiya la'aan) ,beryahaana ku soo toosay in mid mid looga saarayo guryihi Dowlada oo ay jihaadka fogaaday ku degeen, dadka ka saarayana aynan ahayn kuwa iyagana cadaalad iyo Soomalinimo ku sifoobay. Kooxdan waa koox agoonima dareentay kolkay iyaga naf'ahaantooda gadaal ka wareemeen(toogteen) hogaamiyahi ugu dhowaa, uguna danbeeyay in uu daladiisa (gacanta midigna ku sitay Kitaabki Ilaahey, gacanta bidixna ku sitay Qabiil Xume) ku hoos qariyo, waa hogaamiyihi Al-Itixaade .

     Kooxdan 2C waxaa Qeyb ka ah koox uu horkacyo Gudoomiyihi Barlamaanka Shariif Xasan Shikh Aadan oo isaga iyo kooxdiisaba ku caam baxeen ka laalac-sashada Markabki ay moodaanba in uu isaga yahay kii ku furanayay Marsadi(Deggadi) Dowladnimo ,laakin hunguriweynin ceebtiisa waa sidaas, raggan waxaa la qarqay(kula quusay badweynta dhaxdeeda) markabki u danbeeyay oo ay fuuleen, islamarkaasna ay filayeen in uu isaga yahay kii ay ku gaari lahaayeen guushi ay ku ilaashan-lahaayeen manaasibkooda(jagooyinkooda).

    Kooxdan 2C waxay leeyihiin saxaafad aad u xoogan ,aadna u afdheer gudaha Dalka iyo dibadiisaba ,laakin iyadana, waa saxaafadaane waxay kooxdeeda 2C la qabtaa dhibaato kaga timid hogaan la'aanta ku dhacday iyo agoonimada la soo deristay, keddib kolki laga adkaaday ,qabqablayaashi dagaalka iyo Arbushaada,  iyo Isutaggi Maxaakimta Soomaaliyeed, oo ay booskooda soo galeen Hogaan iyo Saxaafad ku shaqeeyo caqligi ay iyaga ku shaqayn jireen ,howshooduna tahay in ay gacanta midig ku sitaan Dalka waxaan ka dhiseynaa dowlad soo celiso kala danbaynti iyo sharciga oo lagu dhaqmo ,gacanta bidixna ku sitaan Qabiil Xume . 

   Waxaa iyadana su'aal adag ka taagan tahay khayr ka sugida koox iyadaba aanan garan halka danteeda ku jirto, horana u daadshay si dhib-yar weel caano ka buuxeen oo gacantooda ku jiray in ay u istaagaan  ku maqnaashaha danta guud ee ummad uu halakeeyay Hogaan xume ku dabadheeraaday.   

 Kooxda 1B waa dhowr koox oo ka mideysan rabitaanka dowlad ka ambaqaado dalka Soomaaliya ,kana mideysan taageerida DFKM oo ay iyaga ogyihiin wadada ay ku timid in ay khalad tahay iyo waddada ay ku socotaba in aynan ahayn mid suuban ,haddana taageeradeeda waa ka siman yihiin, iyaga oo taa ku nacaynayo kooxda 2C oo iyada hor-istaagtay mudda dheer in dhinaca dhulka loo dhigo fitnada ay waddankeena ka abuureen ,dibna loo soo nooleeyo dowlad ka dhaxeyso dadka Soomaaliyeed oo dalkeena ka arrimiso. Kooxdan xoogooda waxaa daadihiyo taageerayaasha Wasiirka Koowaad, kooxdan  waa koox deegaan ahaan culays ku leh Caasumada Soomaaliyeed Muqdisho, laakin kooxdan ma laho qaab maamul oo waxtar u leh taageerayaashooda iyo guud ahaanba Soomalida , kooxdan fikirkeeda ku aadan arrimaha waddankeena ma cad-cado waqtiga xaadirkaan marka laga reebo sida kooban oo ay kuugu jawaabayaan kolki aad wax ka weydiiso xaalada uu waddankeena ku sugan-yahay waqtigan, oo ah ,waxaanba nacnay dowlad diid burcad ah ,kuwaas waxaa dhaamo Tigree wax lala qeybsado iyo Cabdullahi Yusuf oo la bilo. kooxdan waxaad moodaaa in uu dhib weyn u geystay qaabsamadi fikirkooda culayski ay saaareen siyaasiyiinti iyo taageerayaashi kooxda 2C oo iyaga hortaagnaa lix iyo toban sano in ay dalkeena ka ambaqaado dowlad dib u soo celiso nabadi iyo anshaxa ummadda Soomaaliyeed .

 Kooxdan kolkaad tiraahdo Habaarqabe haddii lagu bedelo Habaarqabe ,kolkaa sow howshiina maahan 'jug-jug waa meeshaadi joog" , waxaay kuugu jawaabayaan "Dhurwaay dool ah ,hoyna aanan ku lahayn deegaanka ,kuma dhiiran karo xag-xagashada Maroodi duq ah oo sii jeed weyn".

    Kooxdan waxay ka tageen in ay ku dhaqmaan "Haddii Aad Dhimayso Dhareerka Waa Layska Duwaa" oo ay iyaga iskula talin-jireen kolki ay ku soo baxdo xaalad cakiran, foolxumana dabada kula jirto,waxaa kale oo ay isku dhihi jireen "Waa Baahantahay Baqti Looma Cuno", maahmaahooyinkan wacan waxay ku bedeleen maamaahdan "Maslaxadaada Masala Eeyaad Ayaad Loogu Seexdaa" oo aynan dad badan u arag anshax iyo usluub lagu ilaalin karo walaaltinimada kaala dhaxayso dadyowga kale ,xitaa haddii ay dadka kale yihiin dad uu hogaankooda ku sifoobay xumaan cad oo dabadheeraatay.

   Waxaa iyadana isweydiin Mudan, koox iyagaoo intaan ka xoog badan ka taag dhigay iska celinta waraabe sukeeye sida ay isaga celin karaan waraabo dool ah kolka uu lugihiisa ku fidsado dushooda.   

  Kooxda 2D waxaan kaga soo faaloonay qeybta kore ee qoraalkan,waxaansa kooxdan ugu baaqayaa in ay ku dhiiradaan dhaqaajinta Tareenka wanaaga si ummadda Soomaaliyeed la isugu doono, loona dhax dhigo Daawo iyo Heshiis u soo celiyo dowlad u sinaato dadkooda ,soona celiso kala danbaynti iyo sharciga oo lagu dhaqmo. kooxdan ma'ahan koox yar ,waaana in ay is doontaan si dhaqsiya ,una abuuraan xoogag bedelo kooxahan waddankoodi ku bedshay calooshooda iyo dana gaaban oo aanan marnaba la gun-gaarayn.

    Dagaalka wejiyada badan ee maanta ka taagan dalka Soomaliyeed, ma'ahan kaliya mid ku kooban kooxaha Soomaalida ee waa mid ay iyagana daadihintiisa dowr weyn ku leeyihiin dalalka deriska la ah Soomaaliya iyo shisheeyaha fogba.. ka faala bixinta dhaqan xumida shisheeyaha ay dalkeena ka wadaan, iyadana waxay u baahan-tahay qoraal dheer iyo daraaso si cad u turxaan bixin karto waxa nalaga doonayo ,waxa aan aqbali karno ,waxa nalala qeybsan karo iyo qaabka aan iska moosi karno daad xumaha ay horkacayaan dalal naxriislaabayaal ah ee dalkeena ka doonayo dano xun oo aanan la aqbali Karin. 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh afhayeenka xisbiga Ramaas.

Faafin: March 19, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com