SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SUURIYA
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006


Sancada Suuriya iyo Suuqyada Dimishiq.

asad caddaaniAsad Cadaani Ibraahim
Suuriya Dimishiq.
e-mail: asadlaska@hotmail.com


Dalka Suuriya gaar ahaan, guud ahaan dhulka loo yaqaano Shaam waxa uu aad ugu caanbaxay ganacsiga iyada oo Quraankana kariimka ahna lagu xusay labadii xilli ee Qurayshi u qalab qaadan jirtay Baayac-mushtarka, Qaboobaha iyo Kulaylaha una kala safri jireen Shaam iyo Yaman.

Waxaana ugu caansanaa goobaha ganacsiga loo soo raadsan jiray, Basra-Shaam oo iyada la sheego in ay ahayd goobtii uu Nabigu (NNKH) ka soo gaadhay dhulka Shaam,waxaa iyana dhinaca warshadaha iyo ganacsiga caan ku ah magaalada Xalab oo iyadu ahayd magaalo Taariikh dheer ku lahayd warshadaha iyo ganacsiga iskuna xidhi jirtay dhulkii Roomaanka iyo Muslimiinta.

Warshadaha maanta ku yaala dalka Suuriyana waxay u badan yihiin magaalada Xalab wax soo saarka ugu balaadhana uu ka soo baxo dhinaca farsamada,tiir dhaqaale oo weyna u ah dalka Suuriya, waxaana warshadahaas lagu sameeyaa qalabka waaweyn, iyo qalabka dhismaha IWM.

Magaalada Dimishiq ayaa iyadu haddaba waxay tahay goobta had iyo jeer ay ka dhacaan heshiisyada ganacsiyada baahsan ee uu dalkani aadka ugu caan-baxay, inkasta oo marka loo eego dalalka horumaray ee reer galbeedka iyo aasiyada barri la odhan Karin dalkani wuu la tartami karaa , hadana waxa uu dalka Suuriya isku filaansho ka gaadhay qaybo badan oo farsamada ah, dhawaana waxayba wadanka Iiraan wada sameeyeen gaadhi nooca lagu tamashleeyo ah oo loogu magac daray (Sham).

Haddaba waxaa dalkan Suuriya ganacsi uu uga socdaa Soomaali badan, kuwaas oo iyagu Wadamo badan badeecadda geeya, sida dalalka waqooyiga Ameerika , Yurub, Soomaaliya, Ustareeliya, News land.

Waxayna had iyo jeer u badan yihiin qalabka ay qaadaan Kuraas,Hurdooyin, Daahyo, Dhar, kuwaas oo loo diro dalalka reer galbeedka,iyo Soomaaliya , sababta badeecadan loogu qaado dalalkaas ayaa waxa ay tahay sida uu ii sheegay C/raxmaan Cumar Ibraahim (Taamow) oo isagu ah ganacsade ku dhaqan dalka Suuriya Kana mid ah dadka meheradaha ku haysta in ay ka jaban yihiin qalabka lagu sameeyo dalalka reer galbeed, isla markaana kaba tayo wanaagsan yihiin, xagga quruxdana ay kuwan Suuriya laga qaadaa bilicsan yihiin.

Wuxuuna intaas ku daray Mr.Taamow isaga oo ka waramaya ganacsiga Dhinaca Soomaaliya loo qaado in ay ka mid yihiin badeecadaha, Kabaha,Daahyada, Daawooyinka iyo warshadaha yar yar ee markaas wax qabad deg deg ah looga baahan yahay, sida warshadaha sameeya Masaamiirta, Bahacaha, Bolikeetiga, IWM.

Suuqyada ugu Caansan ee ay Soomaalidu ka adeegato ayaa waxa aanu wax ka weydiinay C/casiis Cabdi Jiir oo isagu in badan ka ganacsanayey magaalada Dimishiq, wuxuu sheegay in Suuqa ugu caansan ee ay Soomaalidu ka ganacsato lagu magacaabo Xamiidiya,Suuqan oo la aasaasay xilligii dawladii Cusmaanyiinta ka talinayeen Dunida Islaamka, isagoo loogu magac daray Suldaankii la odhan jiray Suldaan C/xamiid, waxaana lagu qiyaasaa in uu suuqani jiray muddo gaadhaysa 500 oo sano.

Suuq aan isaguna ka fogeyn oo ka farcama suuqan weyn ee loo yaqaano Xamiidiya oo isagan lagu magacaabo Xariiqa,waxa kale oo ka mid ah suuqa loo yaqaano Mitxat Baashaa, suuqyadan waxaa laga gataa ayuu yidhi C/casiis Dharka, iyo Daahyada,waxaa isaguna jira suuq lagu magacabo Daariya oo isagana kuuraasta iyo Hurdada laga iibsado ayuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyey C/casiis.

C/raxmaan Taamow mar aan wax ka weydiiyey goorta ay Soomaalidu ganacsiga ka bilowday dalka Suuriya waxa uu ii sheegay in 16 sanno ee ugu danbaysay Soomaalidu ay aad uga ganacsanaysay dalka Suuriya, iyaga oo halkan ka helay badeecad jaban, tayadeeduna aad u sarayso.

Wuxuuna intaasu ku daray Taamow in tujaarta Suuriyiintu dadka Sooomaalida ah aad u soo dhaweeyaan, ayna ku barteen hufnaan iyo daacadnnimo, tujaarta qaarkoodna ayba marmarka qaarkood alaabta lacag la’aan ku siiyaan Soomaaliduna ay iska soo celiso.

Mr. Taamow oo aan wax ka weydiiyey goobaha ugu badan ee alaabta loo dhoofiyo ayuu waxa uu sheegay in dalalka Yurub kaalinta koowaad kaga jiraan goobaha ay Soomaalidu ganacsiga u dhoofiso, ayna kaalinta labaad ku jiraan Waqooyiga Ameerika ,Ustaraaliya, iyo Newsland.

Magaalada Dimishiq ayaad waxaad ku arkaysaa Soomaali badan oo ka soo kicitima dalalka Yurub iyo Waqooyiga Ameerika oo iyagu halkan u soo gaadhan Ganacsi iyo Caafimaadba, hawgu badnaadeen dadka Caafimaad ilkaha u yimaadee.


Asad Caddaani Ibraahim

Dimishiq Suuriya

asadlaska@hotmail.com

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir :- Dadaalaa Waa Gaadhaa

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 26, 2007


"Ciidamada Afrikaanka ee Nabad Ilaalinta Soomaaliya ma waxay u Adeegayaan Danaha Batroolka iyo Gaaska ee Reer Galbeedka"
Xiriirka u dhexeeya dagaalada Soomaaliya iyo batroolka... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com