SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006


 Kacdoon sameeysee, Kadinka Ku haboon, halagu kaxeeyo

Waxaa Qoray

Xasan Mire Maxamed

hassanmire@btinternet.com

London

UK 


Waxaan qormadeydan kusoo bandhigayaa talooyin ku socda kacdoonkan ka biloowday Muqdisho.  Waxaan si gooni gooni ah u qaadaadhigayaa qaabka uu ku guuleysan karo.  Waxa fashilka u keeni kara iyo talaabooyinka mudan in la qaado si mustaqbalka horumar loo gaaro.  Qormadeydan waxaan kusoo jeedin doonaa sagaal qodob oon is leeyahay hadii la fuliyo guulbeey keeni karaan. 

Sagaalka qodob min saddex ayaan u kala saaray anigoo midba si gooni ah uga faaloon doona.  Waxaan ku bilaabi doonaa ‘saddex waa u guul’; waxaan ku xijin doonaa ‘saddex waa u jab’; waxaana ugu danbeysiin doonaa ‘saddex kalana waa u mustaqbal wanaagsan’. 

Aniga waxay ila tahay kacdoonka lawado: 

Saddex waa u guul:

  1. Iyadoon qabiil laga dhigin;
  2. Dad aan Maxaakiimtii aheyn oo hogaanka u qabta;
  3. Itoobiya oo xiriir lala samaysto;

Qabiil yaan laga dhigin sababtoo ah hadii qabiil laga dhigo Cabdulaahi Yuusuf ayey dani ugu jirtaa wuxuuna helayaa taageerada kuwa ay isku qabiilka yihiin balse sida aadka ah uga soo horjeeda wuxuu wadanka baday.  Hadii kacdoonka la qabiileeyo lagana dhigo mid u dhexeeya Hawiye iyo Daarood sida dadka qaar waayadan ku doodayaan waxaa soo noqonaya dagaaladii sokeeye ee Koofurta wadanka ka dhici jiray taasina cid ay dani ugu jirto maleh.  Hadey taasi dhacdana Cabdulaahi Yuusuf ayey faaiido ugu jirtaa. 

Sidaan kawada dheregsanahay, sababihii lagu burburyey Midoowgii Maxaakiimta Islaamka (MMI) maaheyn qabiilkey kasoo jeedeen ee waxay ahayd nidaamkey wateen.  Sidaa darteed, si jab lixaad leh oo laga waaqsan karin uusan u dhicin waxaa loo baahan yahay in dadka kacdoonka hogaaminaya ay noqdaan shaqsiyaad aqoon sare leh oo ka mid aheyn MMI.  Ujeedada kacdoonkana caalamka ka gadi kara.  Caalamka gaarsiiya in MMI iyo wax Al-Qaciida la dhaho uusan kacdoonka ku jirin balse arrintu tahay dad siyaasad jah-wareersan wata oo dowladnimo sheeganaya wax ay taageero ku doonayaan. 

Anigu waxaan qabaa in Itoobiya xiriir derisnimo loo muujiyo.  Waqtigan xaadirka ah Soomaaliya dani uguma jirto in Itoobiya cadowtinimo loo muujiyo.  Waxaadna ogsoon tihiin in Cabdulaahi Yuusuf Xamar awood Itoobiya ku yimid balse tiisa uusan ku imaan.  Sidaa aawgeed, hadii la doonayo in kacdoonkani guuleysto waa in Itoobiyaanka laga dhaadhiciyaa in arrintu ahayn argagixiso la dirire ay arrintu tahay beel hubka ka dhigeysa beel kale si qasab ah.  Hadii taas la fahmo lagana duulo Itoobiyana taas laga dhaadhiciyo aniga waxay ila tahay in Cabdulaahi soo deggi doono runtana garwaaqsan doono jah-wareerka uu ku jirona ka bixi doono shacabkiisana si deggan wax ula qeybsan doono.  Haduu taas diidana uusan Villa Soomaaliya sii joogi doonin. 

Aniga waxay ila tahay kacdoonka lawado: 

Saddex waa u jab:  
 

  1. Iyadoo la qabiileeyo
  2. Madaxdii Maxaakiimta oo Kacdoonka ka dhex muuqda
  3. Itoobiya oo cadowtinimo loo muujiyo

Waxaan caad iga saarnayn hadii kacdoonka biloowday ee curdanka ah lagu dabaqo saddexda qodob ee kore in uu si degdeg ah u fashilmi doono.  Taasi waxay keeni doontaa jab aan laga soo waaqsan karin.  Si taasi u dhicin aniga waxay ila tahay in kacdoonku noqdo mid qabiil ka caagan.  Mid aan qabiil gooni ah lagu waxyeeleyn.  Lagana dhigo mid siyaasadeed.  Jabka ugu darani wuxuu imaanayaa hadii kacdoonka ay MMI sheegtaan.  Hadii taasi dhacdana oo shiikh Xasan Daahir,  Shiikh Xasan Turki, Shiikh Aadan Ceyroow (Ilaaheey hadhowro dhamaantoode) iyo Yuusuf Indhacadde kacdoonka sheegtaan kana dhex muuqdaan; Kacdoonkani waa fashilmi doonaa.  Itoobiyaanku Cabdulaahi Yuusuf iyo kooxdiisa ayey gacan siin doonaan, waxaana guuleysan doona mashruuca argagixiso la dirirka.  Si taasi u dhicina waa in shaqsiyaadkii la shaqeyn jiray MMI aysan banaanka isa soo dhigin si kacdoonku u guuleysto.  Sidaan horay u sheegayna Itoobiyaanka oo la is fahmo waa furaha guusha kacdoonka waana jabka qolyaha dowladda isku sheegaya ee taas yaan loo daymo la’aan. 

Aniga waxay ila tahay kacdoonka lawado: 

Saddex waa u mustaqbal wanaagsan: 

  1. Urur mideysan oo kacdoonka ka soo dhex-baxa
  2. Siyaasiin garaadsare leh oo dadku taageersan yihiin oo hogaanka u qabta
  3. Dhisid Dowlad goboleed wixii koonkur ka ah Gaalgacyo.

Kacdoonka biloowday waxaa guul iyo mustaqbal wanaagsan u keeni kara iyadoo dadka wadaahi urur mideysan oo heykal siyaasadeed oo qotodheer ay sameeystaan.  Ururkaasina waa inuu noqdaa mid ka turjuma dareenka shacabka kacdoonka wada.  Waa inuu noqdaa mid caalamka fahamsiiya in aysan argagixiso aheyn ee yihiin dadkii deggaanka dowlad ku sheegtana siyaasad la isku hayo.  Aniga waxay ila tahay waxa hadda socda inuu yahay oo qura dad gadoodsan balse aan si urur ah u dagaalameyn.  Waxaan dhihi lahaa si guulo wax ku oola loo gaaro, kacdoonka hala balaariyo qaab ururna halagu howl galo si loo helo maamul lagala xiriiro, codkeedana ku hadla. Si meesha looga saaro qas iyo jahwareer kacdoonka ku yimaada.

Dadka hoogaanka u qabanaaya ururkaasina ha noqdeen kuwo shacbiga taageero ka heysta sida nin la mida Shiikh Shariif Shiikh Axmed (Xafidahu Laahu) oo kale.  Ha laga digtoonaado ragga sida Cali Maxamed Geeddi iyo Gacma-dheere oo kale oo taageerada shacbiga haysan.  Waxaan soo jeedin lahaa oo kale in mustaqbalka laga fekero in dowlad goboleed la sameeyo.  Dowlad goboleed kaasina ha noqoto mid Gaalkacyo wixii koonfur ka xiga laga sameeyo.  Hana lagala tashado dhamaan beelaha Soomaaliyeed ee geyigaa wada degga.

Gaba-gabadeeyda waxaan kusoo koobi lahaa; laga biloobo 1991, waxaa Muqdisho ka dhacay ilaa saddex kacdoon mid kani ugu danbeeyo waloow kani uusan wali dhinac u dhicin.  Nasiib xumo, kuwii midkan ka horeeyey oo dhami waa ay dhicisoobeen.  Marka, si kani kuwaas guuldareystay uga geddisnaado, waxaan soo jeedin lahaa in qaladaadkii la sameeyey kuwii fashilmay dersi fiican laga kororsado qaladaadkii dhacayna kan lagu saxo.  Hadii saddex arrimood la sameeyo, anigu waxaan qabaa inuu kacdoonkani guuleysan karo kuwaasoo ah iyadoo qabiilka dadka qaarkii waxku wadaan joojiyaan; in kacdoonka laga ilaaliyo inay MMI qaar ka tisani ka dhex-muuqdaan doorna ka ciyaaraan iyo mida ugu danbeeysa uguna muhiimsan dhamaantood oo ah in Itoobiya cilaaqaad lala sameysto loolana heshiiyo si loo wiiqo tabarta kuwa dowladda sheeganaya muslimiinta Soomaaliyeedna argagixisada ku sheega.  Waxaan kusoo qatimayaa walaalayaal Kacdoon Sameysee, Kadinka Ku Haboon, Halagu Kaxeeyo.

Xasan Mire Maxamed

hassanmire@btinternet.com

Dawlad Taag Daran, Taageere Lahayn; Waxyaabihii Kusoo Kordhay Siyaasadda Soomaaliya - Qaybtii 2aad...

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 26, 2007


"Ciidamada Afrikaanka ee Nabad Ilaalinta Soomaaliya ma waxay u Adeegayaan Danaha Batroolka iyo Gaaska ee Reer Galbeedka"
Xiriirka u dhexeeya dagaalada Soomaaliya iyo batroolka... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com