SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


VIDEO: Unreported World Somalia



Ardayda waxkabarta dugsiga H/Dhexe, iyo Sare ee Al-Bilaad ee Muqdisho...


Taangiyada Itoobiya oo Taagan Garoonka Muqdisho, Dec 06
William Zartman of Johns Hopkins University's School of Advanced International Studies says Somali dislike of Ethiopians runs deep. "One of my favorite Somali sayings is if you see a snake and an Ethiopian, kill the Ethiopian first because the snake might not be poisonous," says Zartman.  VOA
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007.. Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...


DOWLAD TAAG DARAN, TAAGEERE LAHAYN; TIGREE ITAAL BIDI, AFRIKAAN U TAAMI; SOOMAALI WAXMA TARI? (Qeybtii 2aad) 

Waxaa Qoray

Xasan Mire Maxamed

hassanmire@btinternet.com

London

UK 


Qaybtan labaad maanta waxaan ku soo qaadan doonaa laba mowduuc.  Tan koowaad oo ah waxyaabihii kusoo kordhay siyaasadda Soomaaliya qormadeenii koowaad ka dib.  Mowduuca labaadna wuxuu yahay duqeyntii Mareykanku ku qaaday gobolka Jubbada Hoose. 

Waxyaabihii Kusoo Kordhay Siyaasadda Soomaaliya 

Qormadeenii koowaad kadib, arrimaha ku soo cusboonaaday siyaasadda wadanku wey farabadnaayeen, hase ahaatee, waxaan door biday inaan qodobadan ka hadlo: 

  1. Ansixinta xaaladda degdegga ah;
  2. Caburinta idaacaddaha xorta ah;
  3. Hub-ka-dhigista qab-qablayaasha dagaalka;
  4. Xil-ka-qaadista guddoomiyihii baarlamaanka;
  5. Muqdhiso oo duq magaalo yeelatay;
  6. Gubidda calankii Soomaaliya.

Ansixinta xaaladda degdegga ah 

Waxaa dad badan is weydiinayaan isbeddelka cusub ee ay keeni karto wadanka oo xaalad degdeg ah lagu maamullo.  Tan iyo goortii xaaladda degdegga ah wadanka lagaga dhawaaqay waxaa Muqdisho ka dhacay laba weerar.  Labaduba waxay ahaayeen weerarro qorsheysan.  Mid waxaa la qaaday  14-01-07, lalana beegsaday ciidamada Itoobiya goor habeen ah.  Weerarkaasu wuxuu ka dhacay agagaaraha Shiirkole, Ifka Xalane, Ceymiska iyo SOS.  Waxaa dad xog-ogaal ahi sheegayaan in dhowr gaariyaasha milateriga Itoobiya goobahaa lagu gubay.

Weerar kaloo qorsheysan waxaa lagu qaaday madaxtooyada habeenkii 19-01-07.  Waxaa wararku sheegayaan in weerar xaggga madaafiicda goobta ama hoobiyayaasha loo yaqaan lagu qaaday Villa Somalia.  Marka waxaa halkaa inoogu caddaatay in wadanka oo xaalad degdeg ah lagu dhaqaahi nabad-gelyo iyo xasilooni keeni doonin.  Waxaa dad badani arrinkan u qaateen in looga gol-leeyahay in Soomaaliya xukun digteetar ah markale dib loogu celiyo.  Sida keli ah ee Soomaaliya nabad iyo xasiloon loogu soo dabaali karo waa iyadoo jidka wadahadalka la adeegsado.  Cid kasta oo la is leeyahay qeyb-bay ka qaadan kartaa xasilooni wadanka ka islaaxdana miiska wadahadalka lasoo fariisiyaa.  Hase ahaatee, ragga dowladda hogaaminayaa waxaay u eg yihiin kuwo caga jugleyn iyo cudud shisheeye ka doorbidaya miiska wadahadalka. 

Caburinta idaacaddaha xorta ah 

Waxaa fajaciso nagu noqotay markaan maqalnay in wareegto kasoo baxday xaafiiska nabad-sugidda ee dowladda ay amar ku bixisay in howlaha warbaahineed joojiyaan idaacadaha xorta ah ee Hornafrik, shabelle, Quranu kariin iyo Al-jasiira.  Waxaa lagu amray inay iska xaadiriyaan xaafiiska nabadsugidda si loola socodsiiyo sababta howlaha ay hayeen looga joojiyey.  Waxaa wararku nagu soo gaarayaan in idaacadahaa loo hanjabay laguna yiri hadaad wax dowladda liddi ku ah baahisaan waxaa si rasmi ah la idiinka joojinayaa howlahiina oo dhan.  Waxaa kale oo loogu hanjabay in waxyaabaha ay baahiyaan si joogto ah loo duubi doono hadii lagu helo in ay warar dowladda mucaarid ku ah sii daayaana xarig lala beegsan doono. 

Dhab ahaantii, waxyaabaha ay dowladdu rabtay ee caburinta saxaafadda xorta ah durba waa u dhaqan-gashay.  Hadda websaytyada iyo idaacaddaha Hornafrik iyo Shabelle sidii xorta aheyd wax uma soo tebiyaan.  Waxaana durba saameeyey cagajugleyntii lagu sameeyey.  Waxaa in badan oo ummadda ka mid ahi is weydiinaysaa waxa ay dowladdani soo wadato.  Iyada oo caga isku taagin ayey sidan u dhaqmeysaaye, toloow xaalku sidee noqon doonaa hadii ay xooggeysato.  Ma is tiri maba-dhalane, dhowrteeysan ogaa! 

Hub-ka-dhigista qab-qablayaasha dagaalka 

Hubka dhigista qabqablayaasha dagaalka in badan oo Muqdisho deggan waa ay soo dhoweeyeen.  Raggani waa kuwa maanta meesha aan joogno sababtooda lahaa.  Waa kuwa dagaalada qabaailka hurin jiray.  Waana wax-magarato dadkooda lugooyo la dabajoogay.  Waxaa jiray abaabullo farabadan oo lagu doonayey in Muqdisho lagu nabadeeyo maamul mideysanna loogu sameeyo.  Intaasoo dhan waxay ka socon weysey qaar ka mid ah qabqablayaasha dagaalka Xamar joogey.  Aakhirkiina waa raggii Mareykanka qandaraaska ka soo qaatay si ay nuurkii Islaamka ee ka ifayey Muqdisho u dumiyaan, taasoo ay u yeelayeen danahooda shaqsiga ah.  Waxaa la wada xusuusan yahay in Maxaakiimtu aysan u suurta gelin furidda gegida diyaaradaha iyo dekedda Mudisho tan iyo intii qabqablihii ugu darnaa uguna danbeeyey qabqablayaashii Xamar ee Cabdi Qeybdiid xoog magaalada uga saaraan.  Marka Muqdisho oo la nabadeeyo waxaa ka horeysa in qabqablayaasha hubka laga dhigo. 

Xil-ka-qaadista guddoomiyihii baarlamaanka 

Xilka qaadista guddoomiyaha baarlamaanku waa arrin lagu degdeggay.  Dowladda waxaa looga fadhiyey inay soojidato baadi doontana dadka iyada kasoo horjeeda si loo helo dowlad waxtar leh oo qancisa Soomaalida oo dhan.  Shariif Xasan oo jagadiisa laga qaadaahi waxay keeni doontaa baarlamaanka oo sidii hore kusoo noqda labana u kala jaba.  Arrintani waxaay in badan u fasirteen in dowladdani tahay mid aan dan ka lahayn dib u heshiisiin qaran oo wadanka ka dhacda.  Talaabadani waxaay keentay in khilaafkii jiray uu cirka isku sii shareero.

Soomaalidu sida ay u badan tahay waxaay aaminsanyihiin inuu arrinkani aheyn wax loo baahnaa baasiinna kusii shubaya khilaafka jira.

Arrinta xilka dhigista guddoomiyaha baarlamaanka waxaa cambaareeyey Mareykanka, Midowga Yurub, wadamo Carab iyo Afrikaan isugu jira.  Dowladduna waxaay ku weysay taageero badan oo caalami ah. 

Muqdhiso oo duq magaalo yeelatay 

Wareegto kasoo baxday Villa Somalia ayaa waxaa Duq Magaalo loogu magacaabay Cadde gaaboow.  Waxaa ninkan horay u magacaabay Geeddi isagoo u dhiibay jagooyinka ah Duq magaalo iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.  Muddo ayuu Maxaakiimta la shaqeeyey balse markii danbe dhinac ayey isaga riixeen maadaama dowlad ay Maxaakiimtu u arkayeen dabadhilif ay horay masuul ugu magacoowday magaalo ay ka taliyaan.  Waxaa aad loo soo dhoweeyey fikradiisii aheyd in ciidamada Itoobiya Xamar laga saaro baraha ciidamada ee magaalada ka baxsanna la isugu geeyo.  Arrintani waxaa loo arkaa mid nabadda aan la isku haleyn karin ee gobolka Banaadir waxka qaban karta.  Ninkani wuxuu u muuqdaa mas’uul jagada loo magacaabay ka soo bixi kara waxna kusoo kordhinkara nabadeynta Muqdisho. 

Gubidda calankii Soomaaliya 

Waxaa Khamiistii taariikhdu aheyd 18-01-07 mudaaharaadyo farabadani ka dhaceen inta badan gobollada Woqooyi ee wadanka.  Midkii ugu weynaana wuxuu ka dhacay Hargeysa.  Dhalinyaro ka mid ah mudaaharaadayaasha ayaa calankii Soomaaliya halkaa ku gubay.  Waxaan ogsoonahay in dadka reer Somaliland arrinkaa raali ka wada aheyn.  Dhalinyaro koobanna falkan ka danbeysay.  Meeshii calanka lagu gubay waxaa joogay Faysal Cali Waraabe.  Mar wax laga weydiiyey sababta calanka Soomaaliya loo gubay wuxuu ku jawaabay “calankani waa kii nalagu xasuuqay, markaan arkana waan ka naxaa, ee reer koonfuroow iska beddela”.  Arrinkani wuxuu dad badan xusuusiyey aroohdii aheyd reerka uu Faysal Cali Waraabe kasoo jeedo waa Soomaali diid.  Waxaaba la dhihi karaa falkan wuxuu cadeyn u yahay ama rumeynayaa oraahdaa kor ku xusan. 

Waxaa uur-ku-taalo ah in dadkaas walaalaheen ah ee reer waqooyi ay ku jiraan rag Faysal oo kale ah oo warbaahinta kala geddisan ku baahinaaya oraahyo kala dheereeynaya dadka Soomaalida ah.  Waxaa jira dhalinyaro dhageysaneysa wuxuu leeyahay oo reer waqooyi ah deedna run intay u qaataan cuqdad weyn ku reebeeysa.   Faysal Cali Waraabe waxaa kale oo laga soo sheegay inuu yiri Soomaaliya waxay noo xasuuqday sidii Jarmalku u xasuuqay Yuhuuda oo kale.  Oraahdaasi miyaaneey ahayn mid cadowtinimo lagu kala dhex abuurayo dad hal qowmiyad isla ah.  Dowladdii milaterigu miyaaneey aheyn middii gobolka Mudug ceelashii ku yiilley duuggi jirtay, shacabka ku abtisan jiray SSDFna gumaadka u geysan jirtay.  Xukuumaddii keli talisku miyaaneey aheyn tii dadka ku gumaaday garoonka kubedda cagta Muqdisho markuu dadku ku fooriyey Afweyne markuu khudbee maagay intuu garoonka ku jiray.  Yaa arkay bulshooyinkaa oo ficilkaa uu keli taliye geystay Soomaali oo dhan ama reer gooni ah ku eedeeyneeysa?  Aniga waxaan u soo jeedin lahaa Faysal inuu cowtinimada uu dadka isku qowmiyad ah ku kala abuurayo joojiyo.  Waxaana ugu danbeynta ninkaa ku dhihi lahaa ‘Faysaloow, waa la doogiye, yaan la dacaroon’. 

Duqeyntii Mareykanka ee gobolka Jubbada Hoose 

Wuxuu Mareykanku is-qariyaba Itoobiyana Soomaaliya u soo adeegsadaba, waxay ujeedooyinkiisii si caddaan ah banaanka u soo bexeen markuu dagaalladii Maxaakiimta lagu hayey si bareer ah u soo galay.  Waxaay aheyd 9-1-07 markii USA caddeystay inuu gobolka Jubbada Hoose diyaaradihiisa dagaalka ku weeraray.  Weerarkaasu wuxuu ahaa mid si heer sare ah u qorsheysnaa.  Maxaakiimta ayaa waxaa la isugu geeyey dhulka howdka ah ee ku teedsan xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.  Qorshihii Tigreega ee ahaa inay gebi ahaanba Maxaakiimta meesha ka saaraan ayaa dhicisoobay.  Dagaaladii iyaga iyo Maxkamadaha ayaa sii adkaaday.  Mararka qaarkiina waxaa la soo sheegayey in Itoobiyaanku degaano badan oo Jubbada Hoose ah lagaga awood-roonaaday.  Taasi waxay sababtay in ay Tigreegu Mareykanka taageero xagga cirka ah wediistaan si Maxaakiimta iyo goobahay ku jiraanba loo burburiyo. 

Weerarro xagga cirka ah ayaa USA ku qaaday dhowr tuulo oo Maxaakiimta lagu maleynayey.  Sida wararku sheegayeen intaan ka aheyn dhowr tigniko ah oo ciidamada Maxaakiimtu lahaayeen mooyee, weerarrada diyaaraduhu khasaare waxku ool ah Ciidamada Muslimiinta uma geysan.  Maadaama maakiimtu aysan degaanada Jubbada Hoose ku laheyn baro ciidan oo la yaqaano oo bartilmaameed u noqon kara weerarada cirka ee Mareykanka, ciidamadooduna ku baahsan yihiin howdadka fog ee degaanka Jubbada hoose, waxaa la aaminsan yahay dhamaan weeraradii cirka ee USA qaaday in lala beegsaday dad reer miyi ah oo xoolahooda iska jirta.  Caddadka dadka reer miyi ah ee dhintay waxaa hadda lagu qiyaasaa inta u dhaxeysa 70 ilaa iyo 100 qof. 

Markuu Mareykanku qirtay inuu Jubbada Hoose duqeeye isagoo ku andacoonaya inuu weeraradaa la beegsaday saddex nin oo argagixisa ah isla markaana weeraray safaaradihiisii Nayroobi iyo Daara-Salaam ee sannadkii 1998, waxaa arrintaa si weyn uga soo hor-jeestay Soomaali meelkasta ooy joogtay.  Dadkuna siduu u badnaa weeraradaa wuxuu u arkay mid xaqdaro ah oo lagu gumaadayo rayid aan waxba galabsan.  Dhamaan wadamada ay Soomaalidu u qaxday ee Yurub iyo Ameerikada Waqooyi mudaaharaadyo waaweyn oo weeraradaa USA ku qaaday Jubbada Hoose lagu diidan yahay ayey dhigeen. 

Waxaa weeraradaa cambaareeyey dowladaha Islaamka oo dhan.  Waxayna USA ugu baaqeen inuu weerarada joojiyo.  Waxaa sidoo kale weeraradaa xaqdarada ah aad u cambaareeyey ururka Midoowga Yurub iyo Kan Carabta.  

Soomaalida oo dhan waxaa anfariir ku noqday markay dowladdii ku meel gaarka aheyd ay soo dhoweysay duqeyntaa loo geeystay dadka masaakiinta ah ee xoola dhaqatada ah.  Ragga soo dhoweeyey weeraradaana waxay kala yihiin:  C/laahi Yuusuf, Geedi, Xuseen Ceydiid iyo kuwo kale.  Ururka Jaamacadda Carabtu waxay dowladda si aada ugu dhaliileen uguna cambaareeyeen ogolaansha ay USA ugu ogolaatay in dad maati ah oo waxba galabsan iyo xoolahooda lagu gumaaddo weerarkan.  Ayaandarada Soomaaliya heysata ayey ka mid tahay in shaqsiyaad dano shisheeye fulinaya ay dowlad isugu sheegaan, una ogolaadaan in dadkeeda iyo xoolaheeda wadanka lagu xasuuqo iyadoo loogu soo ganbanayo joogidda argagixiso aan waxba ka jirin.  Ilaahoow kuwan dowladda sheeganaya ummadda dhinac u dhaafi inta waxa ay geysteen wax ka daran Muslimiinta Soomaalida u geysan. 

Waa socotaa.... la soco qaybta 3aad...

Halkan kakhri qaybtii 1aad...

Waxaa Qoray
Xasan Mire Maxamed

hassanmire@btinternet.com
London, UK 

Afeef: Aragtida qoralkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 27, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH