SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QORMADA AXADDA
Daabaco Boggan | Print
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007.. Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

17kii March 2005 iyo 17ka March 2007 Baarlamaanka Soomaaliya maxaa u dhexeeyo.

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan

Nairobi, Kenya ,

Botaan1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 18, 2007


Waxaa mahad leh EEBE  waynaha noo suurta galiyay in aan qorno qormadaan, Naxariis iyo nabad galyana ha ahaato dusha Nabbi Maxammed SCW..

 
Qoradaan waxaan ku soo bandhigayaa qoraal si faafaasan uga hadlayo is bar badhiga labada baarlamaan soomaaliya labo sano ka dib markii ay gacamaha iskula tageen.

 

Waxaan doonayaa in aan maanta 17ka March 2007 iyo 17kii March 2005 is bar bardhigno sida ay tahay xaalada baarlamaanka DFKMG ah ee  soomaaliya labo sano ka dib markii gacmaha ay isku la tageen xubnaha baarlamaanka DFKMG ah ee soomaaliya, Hotelka (Grand Regency, Nairobi) dhexdiisa.

 

Maalintaasi waxay ahayd maalin khamiis ah aniga iyo saxafiyiin soomaali ah ayaan waxaan iska raacnay xaafada islii ee ay soomaalidu dagantahay ee magaalada Nairobi, si aan u aadno xarunta shirka baarlamaanka soomaaliya  ka dhacayay iyadoo maalintaasi mooshin-ka hor yiilay oo ahaa keenista ciidamo nabadda ilaaliyo dalka soomaaliya ,waxaana gaarnay Hotelkii 680 ee ay daganaayeen xubnaha baarlamaaka DFKMG ah ee  soomaalida, kadibna waxaan iska raacnay xubno ka tirsan baarlamaanka oo daganaa halkaasi waxaana tagnay banaanka Hotelka Grand Regency oo ahayd halkii lagu qaban lahaa kulanka baarlamaanka DFKMG.

 

Dhamaan xubnaha baarlamaanku ,waxay wateen warqado cadeeynaya in ay yihiin xubno baarlamaan (MP), balse saxafiyiintu waxay wateen warqado cadaynaya in ay yihiin (Journalists) saxafiyiin, laakiinse waa na loo tashaday mana aanan ogayn in na loo tashaday, waxaa isku yimid dhamaan mudanayaashii waxayna galeen hoolkii shirku ka dhacayay.

 

Balse anaga waxaa na looga tagay banaanka marka laga reebo dhawr wariye oo ay si hoosaad u galiyeen masuuliyiin ka tirsan dawlada soomaaliya baarlamaankeeda, oo aanu magac dhabayn iminka, dhowr saacadood ayaan taagnayn Hotelka Grand Regency hortiisa laakiinse ma aysan noo suurta galin in aan galo nasiib xumadeena intii hore oo dhan.

 

Aniga iyo gabadh saxafiyad ah oo SomaliTalk.com iyo waliba meelo kale   u waranta oo la yiraado (Canab Maxamuud C/dulle Mumtaaz) ayaan waxaan is tusnay in  aan gaari qaadano kuna galno, Hotelka Ganjeelkiisa hore oo ay tubnaayeen ciidamo ka tirsan Police-ka Kenya, waxaana soo kiraysanay gaari yar oo Tax- ah oo taagaa meel aan ka fogayn Hotelka Grand Regency, gaariigii markii aan kornay ayaan ku  niri wadihii gaariga  " Waxaan rabnaa Hotelka Grand Regency " inta uu yaabay ayaa waxaa uu yiri " Waa kan Hotelkii ee maad gashaan " markaasi ayaan niri ''Adiga lacagta qaado oo na gali gudaha '' waa uu  shakiyay oo waxaa uu na yiri maxaad tihiin ''markaasi ayaan isku sheeknay in aanu nahay saxafiyiin soomaaliyeed '' waxaan wadanay boorso ay noogu jirtay Camera iyo Raadiyaal waxaana tusnay Cardkii shaqadda '' waxaa uu yiri isagoo yaaban !! '' boosradaan fura oo i tusa waxa ku jira'' waan tusnay balse waa qalab saxaafadeed iyo waraaqo .

 

Markaasi ayaa waxaa uu nageeyay Ganjeelkii isagoo wali shakisayn, Ganjeelka ayaa waxaa joogay ciidan Kenyan ah waxyana na waydiiyeen in aanu nahay Xildhibaano iyo in kale balse markii aan u sheegnay in aanu nahay saxafiyiin ayay naga diideen in aan galno hotelkii, gaarigiina waan ka dagnay oo lacagtiisii ayaa uu naga qaatay.

 

 


(Sawirada ka bilow Midig: Askari Kenyan ah ,Bootaan, Dharxaabo, Iiman, Qadaafi, Alfaqiih, Dahir Calosow.)

 

Markii danbe ayaa waxaa isku soo aruuray intii aan meesha taagnay saxafiyiinta soomaalida ahaa ee doonayay in aan si wada jir ah ku galno Hotelka balse Mid ka mid ah Police-ka kenya ayaa hor taagan waxaana uu noo sheegayaa in amar ka yimid dhanka Madaxda baarlamaanka soomaalida lagu diiday in ay wariyaasha soomaalida ah soo galaan Hotelka, ka dibna saxafiyiintii oo dhan waxay ka biya-diideen in ay ka dhaqaaqaan halka barxadda ah oo laamiga iyo hotelka u dhexayso ganjeelkiisa.

 

Shirku inta uu socday ayaa waxaa na soo ag maray Gaari uu saarnaa Madaxwaynaha DFKMG ah ee Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed iyo waliba ciidamada ilaaladiisa ah oo saarnaa mootooyin, waxaana na loo sheegay markaasi xiriir aan la samaynay gudaha shirka mudanayaal ku jiray   in uu ka soo baxay madax waynuhu ka dib markii maalintaasi baarlamaanka soomaaliya qaar ka mid ah ay ku buuqeen in uu ka baxo xarunta baarlamaanka maadaama uusan ahayn xubin baarlamaanka ka tirsan banaankana ka joogo shirka halkaasina uu ka tagay ,waxaa fadhiyay Hootlka shirku ka socday 217 Mudane.

 

Nasiib wanaag sidii aan meesha u taagnayn nusaac ka dib ayaa waxaa na soo maray gaari uu saarnaa mid ka mid mudanyaasha baarlamaanka soomaaliya,waxaana ku niri '' na gali meesha amar baalamaan ayaan ku taaganahay'' ka dib ayaa waxaa uu u sheegay Poliskii in ay na sii daayaan oo aan galno ,wayna ka yeeleen, sidii ayaanu ku galnay Hoolkii shirku ka socday.

 

Baarlamaanka ayaa waxaa ka dhex socotay Dood aad u kulul oo ku saabsanayd in dalka soomaaliya ciidamo la keeno markii aan galnay, waxayna ay  u kala qaybsanaayeen baarlamaanku laba qayb oo kala ahayd, kuwa diidan in ciidamo la geeyo soomaaliya ka socda safka hore,iyo kuwa rabay in ciidan oo dhan la keeno safka hore iyo afircanka kaleba.

 

Doodii sida ay u socotay ayaa waxaa la gaaray soo dhawaatay sacaadii (0-Eberta, Sifirta) waxaa kululaatay doodii iyo hadalkii waxaa bilawday qaylo iyadoo aad moodaysid in aad dhex joogtid meel Makhaayad qaad lagu cunayo buuqa ka taagnaa meesha owgiis. 

 

Saacadii Eberta  ayaa garaacday waxay ahayd 5:15 Pm 17/March/2005 maalinimo khamiis ah , gudoomiyihii baarlamaaka xiligaasi Shariif Xasan Shiekh Aadan ayaa soo bandhigay warqadihii lagu codayn lahaa, waxaa ku qornaa warqadaha codaynta , ''Haa Ciidamo ka socda Midawga afirka Jaamacada carabta'', ''Maya Ciidamo ka socoda Safka hore'', waxaana la soo dhigay sanduuqii codaynta oo ka samaysnaa dhalo, balse qaylo ayaa dhalatay oo Raisul wasaare Cali Maxamed Gedi ayaa diiday in sidaa loo codeeyo, isagoo sheegay In gudoomiyuhu mooshin kale dulkeenay kii ay wateen, laakiinse Gudoomiyihii baarlamaanka soomaaliya ee xilgaasi Shariif Xasan Shiekh Aadan ayaa ku riday codkii koowaad Sanduuqii dhalada ka samaysnaa, mid ka mid ah mudanyaasha wasiiradana ahaa oo aanu doonayn in aan magaciisa qeexo ayaa dhaladii ku dhuftay buugaag uu watay halkaasina waxaa ku jabay dhaladii codka lagu codayn lahaa.

 

Waxaa bilwoday intaasi ka dib, isku dhac dhex maray labadii dhinac ee baarlamaanka soomaaliya ee kala taageersanaa Ciidamada safka hore iyo Africanka caadiga iyo jaamacada carabta, meeshii waxaa la isku la tagay kuraastii lagu fadhiyay iyo waliba bakoorado, dhiig aan loo baahnayn in oo ka dhex daato mudanayaal sida la sheegay in ay matalayaal ummadda soomaaliyaad ayaa daatay waxaana ay arintaasi igu noqotay mid filan waa ah, waxaana iga kala dhumay xitaa Radiyihii iyo Cameridii aan wadanay,balse marii danbe aan helay.

 

 

Dagaalku markii oo bilowday ayaa si dag dag ah waxaa meesha looga saaray oo ay u dafeen ilaaladii sadex ka mid ah masuuliyiinta dawlada oo kala ahaa, Gudoomiyihii Baarlaanka, Sharif Xasan, Raisul Wasaare Geddi ,Raisul wasaare ku xigaynka ahna wasiirka arimaha gudaha Xusein M Caydiid, balse intii kale ee baarlamaanka ayaa iskula tagay gacmaha iyadoo dhiigku dhulka ku daadanayay maalmo badana Saxaafada Kenya ay soo saartay shaashadaha .

 

Baarlamaanka soomaaliya ayaa waxaa soo kala dhex gashay mugdi saamayn wayn dhexdooda iyo waliba is fahanwaa keenay in ay kala dagaan Jowhar iyo Muqdsiho, balse 30kii Jan 2006 ayaa la soo dhameeyay khilaafkaa iyadoo 26 Feb 2006 loo wareegay dhanka baydhabo balse wareegidaasi iyo hishiiskaasi ma ahayn mid umada soomaaliyeed markii danbe inta nabadda iyo kala danbayta jeceli u riyaaqday, waxaana uu noqday hishiiskii kaliya ee soomaaliya u  fasaxay in ay soo galaan ciidamada Cadowga soo jireenka u ahaa soomaaliya ee Ethiopianka ee doonayay dhul balaarsiga .

 

26 Feb 2006 maalintaasi umada soomaaliyeed inta badan way ku farxeen  waxayna ku riyoodeen iyaga oo ku dhex jira hurdo dheer in ay soo noqotay kala danbaytii iyo nabadii iyo dawladnimadii 16 sano ka dib oo lagu jiray dawlad lahaan balse faraxaa iyo riyadaa ma noqon mid rumowda balse waxay noqday mid lid ku ah riyadii fiicnayd ee dawladnimada iyo sharta xanbaarsanayd iyadoo  dalkii loo fasaxay in ay soo galaan, Raggii uu Ragaadiyay Raadinta ay Rabeen in ay mar soo caga dhigaan ciida soomaaliyeed, badda wayn ee soomaaliyeedna ku dalxiisaan kalana soo baxaan kaluunka aysan waligood isha saarin isagoo badda laga soo saarayo wabbi mooyee.

 

Farqiga u dhexeeyo 17kii March 2005/ iyo 17ka March 2007/ waa mid wayn waxaana fiicnaan lahayd inta soomaaliya ay soo gali lahayd Ehiopianku in ay is khilaafsanaadaan baarlamaanka soomaaliya   dalkana xornimo noo ahaado, dadka ayaa waxay is waydiinayaan qaarkood Dawladnimo ayaa ka danbaysay in Ethiopianku yimaadaan soomaaliya oo nidaam ayaa la soo celin balse sidaa ma aamin sani anigu awalba dad ayaa la layn jiray hadana waa la layn iyadoo ay laynayaan Tigreega ciidamada u badan ee ka yimid dhanka Ethiopia  balse soomaali dhexdeed way is xalisay ka dib markii ay fahmeen in islamku yahay xalka kaliya mudu 6 bilood ahna waxaa soo martay khilaafadii qarniga 1426-aad ee soomaaliyeed  balse Ethiopian ma xalin doonaa soomaaliya iyo wax ka taagan? iska daa xaline xaabaddii lagu shidi lahaa xashka soomaliyeed ee ka haray inta ku dhimatay dagaaladii shaydaanku shiday ayay doonayan in ay shidaane.

 

Soomaaliya Ethiopia waxay ka haystaa gobolka Galbeedka soomaaliya oo uu siiyay gumaystihii Ingiriisku, waxaana oo doonayaan Ethiopianku in dhulkaasi ay soomaali ilowsiiyaan si ay u ilaabaana dhulka soomaaliya oo dhan qaybadaan soomaaliya in ay ka bad baado ayaan rajaynanaa dhibkaa iyo xasaradaha ay keeneen Ethiopianku Somalia oo dawladnimadeeda iyo sharfteeda dhawraysana way soo noqondoontaa markii Rabigii soomaaliya samayay u qadaro in ay dhacdo

 

Dhacdooyin Muhiim ah Soomaaliya iyo Ethiopianka dhulbalaarisugooda

 

1964 waxay ahayd Markii uu dhacay Isku daygii ugu horeeyay ee ay Soomaalidu ku raadinaysay dhulkaa  ka maqan,balse si fiican luuguma guulaysanin.

 

1977 waxaana ay soomaalida gacanta ku dhigeen dhulalkaas balse balse 1978kii ayaa isga soo baxeen ka dib markii Midowgii Soofiyeeti soomaalida uga heeliyay saaxiibadoodii Ethiopianka ahaa iyadoo sanadkaasi oo fashilamay inqilaabkii Cirro iyadoo la aas aasay  mucaaradkii soomaali ugu horeeyay ee minjab xaabinta ku bilaabay qaranimadii soomaaaliyed waa SSF oo uu aasay madax waynaha soomaaliya ee iminka Mudane C/laahi Yuusuf Axmed marki danbe loo baday SSDF.

 

1982 Degmadda Galgodob iyo Balanbale ayaa waxaa qabsaday ciimada Ethiopinka iyo ururkii ugu horeeyay ee mucaaradka ahaa ee soomaaliya ee uu gudoomiyaha ka ahaa Madax waynaha soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed,

 

1985 Wasiirkii hore ee Arimaha dibda ee Ethiopoia,Gushu Wadale ayaa shir ay lahayen Africanka ka sheegay in Magaalooyinka Galgodob iyo Balan Bale ee mudug iyo Galadguduud ay ka mid yihiin Ethiopia ku dhawaaqay,

 

1991 Dawladii soomaaliya ayaa waxaa riday kooxihii laga taageeri jiray Ethiopia iyadoo dalku galay xiligaasi dagaal dheer waxaana Ethiopianku bixin jireen hubka iyo rasaaska soomaalidu isku layso inta badan.

 

1996 Markii ugu horaysay oo ay Ciidamado Ethiopianku gacaha soo dhigaan ciida somaliyeed gaar ahaan gobolka Gedo tan iyo intii xukunka laga riday Maxamed Siyaad bare 1991,waxayna  Ethiopianku kula dagaalameen gobolkaasi ururkii  xilgaasi la oran jiray Al Itaxaad al Islaam iyadoo xiligaasi waxii ka danbeeyay oo gobolku noqday mid aan laga ilaalin cidna canbaarayn.
 
meelaha ay sida caadiga ah u soo gali jiren waxaa ka mid ah gobolada Puntland iyadoo marii la dhisay 1998 Augst ay Ethipianku soo galeen gobolada Puntland sida Goldogob, iyo walibga  Galkacyo.
 
Markii ay dawlada soomaaliya dagtay gobolka Bay magalada baydhabo 26 Feb 2006 dhawr bilood ka dib ayay soo gashay gobolka Bakool ,iyo Bay Gedo ,Hiiran Mudug ,Galguduud.

 

27, Decmeber, 2006 Taariikhdii madoobeeyd ee soomaaliya maalintii ay bilaabtay markii Ethiopainku gacalen caasimada soomaaliya.
 
dhamaadkii qormada
 

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Botaan1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 18, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH