SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAFAR

Dhiig Inaad Aragto Xiise Makuu Hayaaa??!! (Warbixin) (Q.6)


Maxamed Macallin Cismaan (All-man) SomaliTalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com , +253624079


Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad | 6aad

Akh-ristoow waxaana dhexda ku arkey Prof. Maxamed Nuur Sheegoow oo ka mid ahaa Garsoorayaashii Maxkamada sare ee DFKMG, islamarkaana aan ku ogaa xiligii aan ka soo tegey isagoo Xabsiga Magaalada Baydhabo ee ku jira, waxaana Xabsiga kula jirey Gudoomiyihii Maxkamda sare ee DFKMG Dr. Yuusuf Cali Haaruun.

Runtii waan yaabey markii aan arkey waxayna in badan maskaxdeyda ku mash-quushey xaqiiqo nimada inuu isaga yahay waan u soo dhawaadey, Salaan iyo iswareysi ka dib wuxuu ii sheegey inuu degan yahay Hoteel Imperial, waxaana u soo raacey Hoteelkii runtii wuxuu ahaa ruux aan si fiican u garanaayo, wuxuuna ahaa ruuxii igu casuumey, siminaarada kala duwan ee ay qabatay Maxkamada sare ee DFKMG sida ay u dhan yihiin, islamarkaana sawirada ka qaybgalayaasha siminaarka u qaadi jirey, waxaana xasuustaa ugu yaraan sedax siminaar inaan kala hawlgaleyey, kuwaasoo isugu jirey Garsoorayaal, Kaaliye Maxkamad iyo Xeer Ilaaliye, siminaaradaasi waxaan ka qaatey fikrado aad u muhiim ah dhinaca sharciga intii ay socdeen.

Prof. Maxamed Nuur Sheegoow maalmo kadib ayaan usoo noqdey waxaan weydiiyey in uu iga ogolaado in aan wareysi ka qaado, wuxuuna igu yiri hada diyaar uma ihi inaan hadlo, isagoo ii sheegey sababo jiray awgood, balse wuxuu iga balanqaadey inuu mar kale isiindoono.

Waxaan dib ugu soo noqdey maalimihii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo Ra'iisul Wasaare Nuur Cade uu khilaafka adag u dhexeeyey, islamarkaana Dowlada Ethopia ay gacanta ka taagtey heshiisiinta labada mas’uul, wuxuuna iga ogolaadey wareysigii markii aan u imid.

Prof; Maxamed Nuur Sheegoow waxaan wax ka weydiiyey qaabka xarigiisa u dhacay, waxa lagu soo eedeeyey, cida ka dambeysey xarigiisa iyo su’aalo kale oo muhiim ah wareysigiina waxaa uu u dhacay sidan;-

Prof; Maxamed Nuur Sheegoow wuxuu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay " Xarigeena wuxuu ahaa mid nidaamka iyo sharciga waafaqsaneyn, wuxuuna ahaa mid nalagu dulminaayey aniga iyo gudoomiyaha Maxkamada sare anagoo xasaanadeena wadana, shaqadeeniina ku jirna, wadanana awoodii garsoorka, iyadoo Qaanuunkuna uu tilmaamayo inuu madax banaan yahay Garsoorka, ayaa qolo nagu soo duushey oo ka socota ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, abaaro 5-tii Habeenimo ama 11 saac oo Habeenimo, kuwaasoo markii dambe na fahansiiyey in madaxweynuhu amar afeed uu Cabdi qaybdiid soo siiyey, in nalagu soo qab qabto oo nalasoo xiro, Qaanuunkuna meel ay ku qoran taahay ma laha Garsoore xasaanadiisa wata in la soo xiro, marka xarigeena sidaas ayuu u dhacay.

Somalitalk; Imisa bilood ayaad ku xirneydeen Xabsiga?.

Prof; Sheegoow; mudo 9 bilood iyo 20 cisho ayaan ku kala xirneyn Xabsiga weyn ee magaalada Muqdisho iyo Xabsiga magaalaada Baydhabo.

Somalitalk; Qaab sidee ah baa la idiinla dhaqmey?

Prof,sheegoow; ciidamadii hore ee Asluubta oo yaqaana nidaamka iyo sharciga ayaa si wanaagsan noola dhaqmey.

Somalitalk; maxay tahay waxyaabaha la idiinku soo eedeeyey adiga iyo gudoomiyaha Maxkamada sare ee DFKMG Dr. Yuusuf Cali Haaruun?.

Prof,Sheegoow; ma jiro wax nalagu soo eedeeyey, waxaana jirey khilaaf Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Prof; Geedi ka dhexeeyey, waxaana laga cabsi qabay inaan la safano Geedi, sidoo kale waxaa jirey Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sh.Aadan xil ka qaadista lagu sameeyey iyo bedelaadiisa dhamaan arimhaasi waanu ka soo horjeedney, maxaayeeley ma waafaqsaneyn xeer hoosaadka Baarlamaanka iyo Axdiga FKMG qaabka xilka looga qaadey iyo bedelaada kale lagu sameeyey, waxaa keloo jirey xildhibaano qaarkood dacwad ka taaley Maxkamada sare, waxaana looga shekisanaa inaan xilka ka qaadeyno oo aan soo fariisineyno kuwo kale, taasoo iyagana laga cabsi qabay in ay la safankaraan Cali Geedi hadii Xukuumadiisu Baarlamaanka kalsooni weydiisato.

Somalitalk; yaa ka mid ah xildhibaanada aad xuseyso ee dacwada ka taaley xiligaas?

Prof, Sheegoow; waxaa ka mid ahaa Caydiid ilko Xanaf oo si khaldan lagu soo fariisiyey kursiga, sidoo kale waxaa ka mid ahaa ninka lagu bedeley Gudooomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan booskiisa, waxaa keloo ka mid ahaa xubin kaloo ka soo jeeday Beesha Ogaadeen oo isagana si khaladan lagu soo fariisiyey kursiga Baarlamaanka, waxaa keloo ka mid ahaa ninka lagu bedeley Xildhibaan Eng; Munye booskiisa oo lacag laga qaatey, waxaa keloo jirey kuwo kale oo badan sidaas lacag looga qaatey oo kuraasta lagu soo fariisiyey.

Somalitalk;-Arinkaas ma mid Baarlamaanku uu go’aan ka gaareybaa mise waa mid Maxkamada sare ay go’aan ka gaartey?.

Prof;Sheegoow; Xildhibaanka marka uu booska baneeyo, go’aanka waxaa iska leh Baarlamaanka, iyadoo qaabka Axdiga uu tilmaamayo Kursiga loo buuxinaayo, marka ay dacwad ka timaado qaabka loo buuxiyey kursigaas inuu ahaa qaab khaldan, maxkamada sare ayaa gelaysa oo go'aan ka gaarta.

Somalitalk;- maxaa ka jira in adinka laydinku soo eedeeyey is dabamaris dhinaca dhaqaalaha ee arimaha Garsoorka?

Prof;-Sheegoow; Arintaasi ma jirto, waxayna ahayd mar marsiiyo lagu xalaaleysanayo xarigeena sharciderida ahaa, laakiin wax is dabamarir ah oo ka jirey habka Garsoorka ma jirin.

Somalitalk;- hadii aan dib u eegno dhismaha garsoorka DFKMG, xubnihii ka shaqeynayey qaybo ka mid ah, waxaa la sheegey inaad mushaarkoodii lunsateen?.

Prof;-Sheegoow; ma jiro wax mushaar ah oo la lunsadey, iska dhaafe shekhsi iyo heer Gobolba, mushaar ma ahayn waxa laqaadanayey, laakiin UNDP ayaa waxay bixineysey deeq lacageed, waxeeda iyadaa dabageli jirtey, in qofkii loogu talo galey ay gaartey iyo in kale, waxayna ahaayeen wax koontaroolan oo lagu fulinayey hawl maalmeedka garsoorka, iyadaana ka markhaati kaceysey lacagaha sidii loogu talo galey iny u baxeen.

Somalitalk;- ma jiraa xubno mushaar qaadaneyey garsoorka intii aan laydin xirin oo aad xilka hayseen?.

Prof;-Sheegoow; anigaa ka mid ahaa mushaarkeyga waa qaadaneyey, sidoo kale Maxkamada sare iyo Maxkamada Baydhabo waa ay qaadanayeen ilaa iyo shaqaalaha hoose, intaas waxaan ahayn oo mushaar qaadaneyey ma jirin.

Somalitalk; tirada xubnaha mushaarka qaadaneysey waa imisa?

Prof;-Sheegoow; Maxkamada sare inta mushaarka qaadaneysey macal shaqaalaha hoose waxay ahaayeen 44 ruux, lacagtana waxaa loo marsiineyey, Dahabshiil Baydhabo, iyadaana ka markhaati kici jirtey, Maxkamada gobolka Baay tiradooda waxay ahaayeen 27 macal shaqaalaha hoose, iyaguna mushaarkooda waxay ka qaadan jireen Dahabshiil Baydhabo, in qofkaasi ay gaartey lacagtii iyadaa ka markhaati keceysey.

Somalitalk;- intii aad adiga iyo gudoomiyaha xilka hayseen magaalda Baydhabo waxaa lagu diley xubno mas’uuliyiin ah o ka tirsan DFKMG, shekh-siyaad caadi ah iyo ciidamo, arimahaasi maxaad kala socotaa maadaama aad garsoorayaashii Maxkamada sare ahayd?.

Prof;Sheegoow; wax naga soo gaari jirey iyo wax naga khuseeya midna ma jiraan, garsoorku hoos ayuu ka soo bilowdaa, baaristana waxaa leh Booliiska, anaguna waxaan ahayn mas’uuliyiintii sare ee maxkamada iyo gudiga adeega ee shaqooyinka hoose iyo dacwooyinka hoose nama soo gaaari jirin.

Somalitalk;- Alle ha u naxariistee Xidhibaan Cabdalla Deeroow Isaaq dilkiisa maxaad kala socotaa, ma mid siyaasadeed buu ahaa mise mid arimo kale ku lug leh?.

Prof;Sheegoow; Cabdalla Deeroow ilaahay ha u naxariistee, waxaan isku ahayn qaraabo, waxaana joogey markii la dilayey Baydhabo, waxaana ka mid ahaa dadkii maqley dilkiisa, wax aan kala socdeyna ma jiraan.

Somalitalk;- dilka Cabdalla Deeroow ma jiraa dad loo soo qab qabtey oo xabsiga ku jirey intii aad ogeyd?.

Prof;Sheegoow; waa jiraan dad badan oo loo soo qab qabtey oo markii dambe la sii daayey oo si sharci daro ah lacag inta looga qaatey la sii daayey, markii dambe lagu reebey hal qof oo la yiri isaga ayey kusoo gebagebowdey dilka Cabdalla Deeroow.

Somalitalk; tirada dadkaasi la sii daayey imisa ayey ahaayeen?

Prof;Sheegoow; tirada dadkaasi waxay ahaayeen 7 ruux, waxaana laga qaatey lacag $5000, waxaana sii daayey ku xigeen Xeer ilaaliyaha guud Cali yare.

Somalitalk:- maxay tahay sababta lagu sii daayey nimankaas, adigoo Garsoore maxkamada sare ah, islamarkaana ah xubin gudiga adeega maamulka maxkamada sare ka tirsan?.

Prof:- Sheegoow, dacwooyinka garsoorka waxay ka bilowdaan hoos, Maxkamada Gobolka iyo Xeer ilaalinta waxay u arkeen, in ragaasi waxa dembi ah lahayn hada kadib, waloow siideysmada ay iska ahayd sharcidaro, hadana wax anaga na khuseeya ma ahayn, ka maxkamad sare ahaan, markii ay arkeen qoraalada Booliiska ay soo sameeyeen, ka gudi Garsoor maxkamad sare ahaana waxaan tilaabo ka qaadney ku xigeenka xeer ilaaliyihii arintaas ka dambeeyey iyo garsoorihii maxkamada Gobolka Baay oo markii hore shaqada ka joojiney, kadibna bedelaad aan ku sameyney.

Somalitalk:- maxaad ku cadeyn kartaa in lacag laga qaatey nimanka la siidaayey iyo tiradeeda?.

Prof;Sheegoow, waxay ahayd arin cad oo baydhabo lagu kala maareeyey, sida aan maqley 7 xubnood waxay ka qaateen lacag $5000, maadaama aan anagu ahayn madaxdii garsoorka sirta inta badan waa nalagala dhuuman jirey waxa sida gaarka loo sameynayo.

Somalitalk:- adiga hada waxaa tahay xubin ka madax banaan arinkaas waxaadna joogtaa caasimada dalka Jabuuti, marka aad eegto qaabka la idiin soo xirey iyo sida hada ay wax u socdaan is bar bardhig ku samee?.

Prof; Sheegoow qaabka naloo soo xirey wuxuu ahaa mid aan sharciga waafaqsaneyn sida aan hore kuugu soo sheegey, taasna waxaan ku xisaabtamidoonaa marka dalka uu nabad noqdo oo dowlad kale ay dhalato, inta ka dambeysa iyagoo nool hadii aan la kulmo inaan dib ula xisaabtamidoono.

Somalitalk:-Prof sheegoow waxaad xustey adiga iyo Dr.Yuusuf Cali Haaruun in la idiinkaga baqay inaad la safataan Ra’iisul Wasaare Prof; Cali Maxamed Geedi xiligaas, sow lama dhihikaro arinkaas waxbaa ka jirey, maadaama aad hadalada qaarkood xusayso?.

Prof;Sheegoow:- sida uu iyaga shakiga u galey waaye, laakiin anaga waxaan aqoonsaneyn Cali Geedi inuu Ra’iisul Wasaare yahay, wuxuuna hogaaminaayey Golihii wasiirada anagana waxaan hogaamineyney Golaha Garsoorka, waajibaadkaas dowliga ma ahee wax kale oo naga dhexeeyey ma jiraan, hadii ay is-qabsadaana waxaa la raaci lahaa sida uu sharciga yahay, cidii khaldan waxaan dhihi lahayn waad qaldan tahay, cida saxana waxaan dhihi lahayn adigaa sax ku taagan.

Somalitalk:- hada Geedi xilkii waa laga qaadey waxaana loo dhiibey Nuur Cade, markii xilka loo dhiibayey Nuur Cade xiligaas qaabka ay wax u socdeen iyo xiligaan qaabka ay wax u socdaan bal ka waran?.

Prof:-sheegoow, xiliga aan dowlada ku jirey qaabka ay wax u socdeen iyo xiligaan oo aan dowlada ku jirin sida ay wax u socdaan, ma rabo Nuur Cade inaan xumaan iyo wanaag midba ku tilmaamo, adiga nafsad ahaantaada maanta siyaasada meesha ay mareyso waad garankartaa, inaan qofna lagu xumeyn karin xaaladaan isagaa maanta sababey, waayo waxay ku socotaa tii hore mid ka daran.

Somalitalk:-Geedi xilka waa laga qaadey waxaana la yiri is-casil, hadana waxaa soo baxdey khilaaf dhinaca Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, arinkaas ka sharci ahaan iyo mas’uuliyad ahaanba maadaama hore aad uga tirsaneyd dowlada sideed u aragtaa?.

Prof:-Sheegoow, horta khilaafka dowlada ku dhex jira wuu jirayaa ilaa dowlada waqtigeeda dhameysato, khilaafka hada jira waxaan qabaa waxaa sabab u ah Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf isagaa ka dambeeya nidaamkii Dowliga ahaa ee lagu soo dhisey Embegaati inuusan tilaabsan, dhibaataduna mar walba waxay ka timaadaa dhinaciisa, sababtoo ah markii ugu horeysey wuxuu isku dayey inuu xilkii ka qaado Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka, mar labaad wuxuu xilkii ka qaadey Gudoomiyihii Maxkamada sare iyo aniga oo Garsoorihii la shaqeynayey, marka sedaxaad wuxuu xilkii ka qaadey Ra’iisul Wasaare Geedi, hawshu waxay ku socotaa sidaas, in mar walba oo uu damco ninka ay iska horyimaadaanba, xag maamul iyo xag kale isaga horyimaadaanba, inuu is hortaago oo uu yiraahdo anigaa madaxweynihii dalka ah, anigaa ka talinaaya mar walba, marka Cabdullaahi kama degaayo dalka ilaa uu xilka ka dhaco.

Somalitalk:-intii aad adiga xilka Garsoorka ku jirtey, imisa Gobol ayaa Garsoorka maxkamadaha laga dhisey?.

Prof;Sheegoow, 9 Gobol ayaan ka hirgeliney, waloow hada wax Garsoor la yiraahdo oo dalka ka shaqeynayo uusan ka jirin.

Somalitalk:-Prof, Goboladaasi magacyadooda ma inoo xusikartaa iyo tirada inta xubnood ee joogtey?.

Prof;Sheegoow, tiradu waxay ahayd tiro qiyaasan oo go’an, Gobol kasta waxaa laga hirgelinaayey 27 xubnood oo isugu jira Garsoorka, Xeer ilaalinta ilaa shaqaalaha hoose, Goboladaasina waxaan soo hawlgeliney J/Hoose, J/Dhexe, Sh/Hoose, Sh/Dhexe,Gedo, Baay, Banaadir, Bakool iyo Baladweyne.

Somalitalk:-intii aad adiga Xabsiga ku jirtey waxaa la diley Alle ha u naxariistee Dr, Sheekh Maxamuud, sidee baad u aragtaa dilkiisa ma dil siyaasadeed buu ahaa mise wuxuu ahaa mid dilallka iska caadiga ah?.

Prof;Sheegoow, taasi waxba kama sheegikaro waayo waxaan ku jirey Xabsi, waxaana ahaa Maxbuus, ilaahayna ha u naxariisto Sheekh Maxamuud.

Somalitalk:-inta aan lagu xirin dadka la dilo, inta badan waxaa la sheegi jirey, nin hebel oo sidaas iyo sidaas ah ayaa la diley, cida dabagal ku sameyn jirtey ma leh iyo baaris, wax maxkamad oo la soo taagi jirey ma leh, hadaba arinkaas miyuusan ahayn mid Garsoorku dhinaciisa uu ka gaabinayey?.

Prof;Sheegoow, taasi waxay ahayd mas’uuliyad daro, sababtoo ah markii uu fal dhaco, ciidamada Booliiska ayaa laga rabaa inay dabagalaan falkaas cidii geysatey ee Garsoorku wax ma raadsado, marka wax la soo dhameytiro ayaa Garsoorka loo keenaa, arintaasina waa mid dhinaca Booliiska ka timid, mana ahan mid Garsoorka saaran.

Somalitalk:- adigu ma Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya ayaa ka tirsan tahay?.

Prof;Sheegoow, aniga waxaan ahay xubin Is-bahaysiga ka tirsan, gaar ahaa la taliyaha dhinaca sharciga Gudoomiyaha Golaha dhexe Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya Shariif Xasan Sh.Aadan.

Somalitalk:-hada maxaa kuu qorsheysan adiga?.

Prof;Sheegoow, waxaa ii qorsheysan inaan soo ceshado sharafteyda iyo karaamadii aan dalka ku lahaa, anigoo xubin Is-bahaysiga ka tirsan ah.

Somalitalk:- waxaa nagu maqaalo ah inaad adigu ka mid tahay xubno Is-bahaysigu uu magacaabey Gudiga Dastuurka bal arintaas faah faahin ka bixi?.

Prof;Sheegoow, aniga waxaan ka mid ahay xubnihii Gudiga Dastuurka, laakiin Barnaamijkaas wali wax ka dhaqaaqey ma leh, waa la sugayaa in ay ku talaabsadaan Dastuur cusub in loo diyaariyo dalka.

Somalitalk:- tirada xubnaha Gudiga Dastuurka ee Is-bahaysiga waa imisa?.

Prof;Sheegoow, waxaan qiyaasayaa ilaa 16 xubnood inay yihiin.

Somalitalk:-adigu hada xuriyadaadii ayaad heshey, laakiin ma is dhahaysey marna laguma siideyndoono ama waaba lagu xiridoonaa intii aad adiga Garsoorka DFKMG ku jirtey?.

Prof;Sheegoow, ma fileyn in lay xirayo, sababtoo ah Qofku wuxuu ku taamikaraa marka la xiraayo, inuu nidaam sharcidaro uu ku dhexjiro, waxaan ka dhex shaqeynayey nidaam dowli ah, waxaana gudanayey waajibaadkeygii, adigoo xasaanadaada huwan ayaa lagu xirayaa marna ma fileyn, laakiin markii la i xirey waxaan tabaayey mar uun inaan soo bixidoono.

Somalitalk:-hada waxaad xustey inaad la xisaabtamidoonto dadka sida sharcidarida kugu xirey, ma jiraa waqti ah oo kuu qorsheysan oo aad ogtahay, islamarkaana aad kula xisaabtameyso?.

Prof;Sheegoow, maya waqti kasta oo nidaam dowli ah dalka ka soo noqdo, waxaan rajeynayaa inaan la xisaabtamidoono, dadkii ka dambeeyey Xarigeygii sharcidarida ahaa.

Somalitalk:-hada adiga maxaa laguugu soo daayey?.

Prof;Sheegoow, waxaa laygu soo daayey shuruud dhigeysey inaan dalka gudihiisa ka bixi karin, hanti waxaan lahaa oo isugu jirey Gaari, hal Cumputer LapTop ah iyo lacag kale oo cadaan ah inaanan sheegan karin iyo inaanan ka hadlikarin Warbaahinta nooc kasta ay tahay, kadibna aan ahay wax lagu sheegey cafis.

Somalitalk:- dadka Akh-risanaya fikirkaada maxaad u soo jeedinaysaa, maadaama aad tahay xubnid sharciyaqaan ah, dalka Soomaaliyeedna mudo ku dhowaad 19 Sano ay ka socdaan dagaalo sokeeye oo aan waafaqsaneyn Shareecada Islaamka iyo kan Caalamiga ahba?.

Prof;Sheegoow, waxaan ugu hambalyeynayaa Soomaaliya in mar uun ka bixidoonto fowdada ay ku jirto, nabadii, kala dambeyntii iyo nidaamkii dowliga ahaana uu soo noqondoono goorta ay ahaataba, wax kastana ay fiican tahay in dhinaca sharciga loo fiiriyo oo ruux kasta nabad ku noolaado, laga mamaarmaana ay tahay in la ilaaliyo sharciga, diyaarna u noqdaan in dalka dibu-heshiisiinta ka hirgasho ayaa ku baraarujinayaa.

Akh-ristoow hadii aan intaas uga gudubno wareysigii oo aan taariikhda dib u eegno Tan iyo markii uu bur burey maamulkii dalka ka jirey, dalka waxaa ka hana qaadey Ururadii S-ta ee ku dhisnaa Qabaa’ilada kala duwan ee Soomaaliya, kuwaasoo dhamaantood doonayey in ay qabtaan xilka ugu sareeya dalka.

Idil ahaantoodna waxay daadinayeen dhiiga shacabka, si ay u gaaraan hadafkooda ugu dambeeya, waxayna mar qura kusoo xoomeen xarumuhii ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waxayna si cadaan ah u boobeen Hubkii yiiley goobahaas, kadib maxaa dhacay?!.

Qaar ka mid ah Saraakiishii ciidamada XDS qaybahooda kala duwan oo ay madax martey Qabyaalada, aqoonyahanadii guracnaa, qaybo kale oo culimada Soomaaliya sheegta, qaar ka mid ah Odey dhaqameedyadii beelaha ee la safnaa Ururadii S-ta watey, xubno ka mid ah Ganacsato dhiig-yacab ah ee maalgeliyey Ururadii S-ta oo qabiil qabiil isugu biirey, ayaa dib iyagii xabad isula dhacay, taasina waxay keentey in qabiil walba ay ka farcanto ugu yaraan laba garab.

Hase ahaatee mid kasta wuxuu sii dhex ma quuraneysey waxa ay doonayeen wax ka sii daran, iyadoo ay u sii dheer tahay Beelaha danleeyda caalamka oo hadba sawir cusub u keeneysey koox kasta, si hadafkooda ay u gaaraan, mid kasta Taayarkii ay ku socotey waxaa sii banjarinayey, qayb iyada dhexdeeda ah iyo Beelaha danleeyda caalamka, waxaana soo baxay wax la yiraahdo dibu-heshiisiin in la sameeyo, iyadoo ay goob joog ka yihiin, Beelaha danleeyda Caalamka.

Waxaa la qabtey in ka badan 16 shir dibu-heshiisiin, mid kasta oo la qabto waxaa ka dhalaneyey dibu-heshiisiin hor leh, waxaana dhashey Ururadii faraha badnaa ee SSDF, SNM, USC, SPM, SDM, SNF, SAMO iyo kuwo kale oo fara badab, dhamaan Ururadaan waxay kusoo gebageboobeen TNG iyo SRRC, kadib waxaa dhacay in laysugu keeno dalka Kiiniya, ku dhowaad 3 sano shir socdey waxaa la dhisey TFG, waxaana dhacdey in TFG dhexdeeda ay kala qaybsanto, iyadoo midba midka kale u xoog sheeganaya, maadaama aysan isugu imaan mabda’a mideysan oo la higsanayo, ayna ahaayeen intooda badan Hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya iyo taageerayaashooda oo uu ka degi waayey dalka.

Ugu dambeyn waxaa dhacay in ay soo baxaan Maxkamadihii Islaamiga, kadib markii ay kala kulmeen cadaadis daran Hogaamiye kooxeedyadii kala duwanaa ee ka jirey Koofurta Soomaaliya, waxayna heleen fursad qaali ah oo ay ku bur buriyaan awoodii Hogaamiye kooxeedyada Koofurta Soomaaliya, kadib markii ay taageero hagar la’aan ay ka heleen qaybaha kala duwan ee Shacabka Soomaaliyeed, waxayna soo celiyeen Nabadgelyadii luntey, waxayna la soo baxeen (KARBAASH), ruuxii dembiga ugu yar gala waxaa la la dhacaayey Kar-baashka, midka gala mid ka weyna waxaa la marinayey qisaasta, balse taasi dadbaa u arkaayey arin aad u fool xun.


Nuur Cade iyo Safiirka Ethopia oo isu marxabeynaya heshiiskii ugu dambeeyey

Waxaana bilowdey isku dhicii Maxkamadaha iyo TFG-da, oo ay ka dambeeyeen Hogaamiye kooxeedyadii Koofurta Soomaaliya iyo in badan oo ka soo horjeedey Kar-baaarshka xiligaas oo ay nabad gelyada ku sugayeen Maxkamadaha oo u sacaba tumayey sidii meesha looga saari lahaa Maxkamada Islaamiga, iyagoo aysan haysan wax bedela oo ka fiican, ayaa waxaana laysla dhacay Keebka Kaarayaasha, kan BM-ka, Dabo miishaaraha, Baasuukaha iyo wax ale wixii qarxa, arintuna waxay ku soo gebagebowdey in Maxkamadihii meesha laga saaro.

Laakiin waxaa soo baxay su’aalo fara badan oo ay ka mid tahay Keebka iyo Kar-baashka keebaa daran?!!, jawaabta su’aashaaas,

Waxaan u daayey Akh-risteyaasha.

Goobtii waxaa ku soo harey TFG oo saaran Kaare Ethopia-n ah iyo Maxkamadihii oo isu bedeley Jeeblayaasha Qarxa, si aysan fursad u helin TFG-da, hawsha TFG waxay noqotey mid soconweysa, iyada iyo Kaarihii ay saarneydba, arintuna waxayna isku noqotey jiq, waxaana la arkey wax kasta oo maskaxda bani’aadamka aysan ku soo dhicin in ay ka dhacaan Soomaaliya, waxaana maalin kasta daata dhiig aan loo meel deyin.


meel ku dhow Isbitaalka weyn ee Caasimada dalka

Waxaa soo baxay sawiro la yaab leh oo dadka Soomaaliyeed ay ku wareereen, keeneyna dhibaato baaxad leh oo ay ka mid tahay in TFG ay bilowdo xabsi aan loo meel dayin lagu shubo in badan oo ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolada Koofuureed ee Soomaaliya, iyadoo la baadi goobayo wax lagu sheegey Argagixiso, taasoo qaybo ka tirsan hawl wadeenada TFG ay uga faa’iideysteen arimo fara badan oo aan halkaan lagu xusi karin intooda badan, balse ay ugu horeyso arimo dhaqaale, mid beeleed, mid siyaasadeed iyo mid shekhsi nacayb gaar ah, taasina waxay soo if bixisay in ay is u gaarsadaan labada dhinac TFG iyo kuwa ka soo horjeedo joogitaanka ciidamda Ethopia iyo fikirka TFG-da ee ku dhisnaa nidaam dhismeedka hogaamiye kooxeedyada iyo kan beelaha dan leeyda caalamka.


Midiga Safiirka Sucuudiga, bidix Safiirka Suudaan

Dhamaan arimhaas iyo kuwo kale oo fara badan waxay keeneen, in sheki uu soo kala dhex galo qaybaha kala duwan ee siyaasiinta iyo bulshada Soomaaliyeed, waxaana xoogeystey dilalka qorsheysan, Af-duubyada, Qaraxyada, xariga, hanjabaadyo kala duwan oo ay ka soo kala baxayeen dhinacyada is haya, weerarada looga soo horjeedo TFG iyo xulufadeeda oo ay ugu horeyso Ethopia, taasina waxay dhalisey in dadd badan ay ka barakacaan guryahooda, islamarkaana qaarkood ay ku waayaan naftooda, maalkooda, kadib markii laysu adeegsadey wax kasta oo laysaga aarsan karo.


Nuur Cade iyo Wakiilka Jaamacada carabta ee Soomaaliya

TFG waxaa ku dhacay wixii ku dhici lahaa, iyada iyo Ethopia-nkeeda oo hoosta ka riixayo USA, dantu waxay noqotey in lala heshiiyo Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya ee lagu aas aasey Asmara, si aan dhiig dambe u daadan.


Sixiixaha heshiiskii ugu dambeeyey Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur


Xaamud oo sixiixaya heshiiskii ugu dambeeyey

09/06/2008-da waxaa Magaalada Jabuuti lagu gaarey heshiis ka kooban 11 qodob, qodobada ugu muhiimsan ee heshiiskaasi waxaa ka mid ahaa in xabad joojin la sameeyo, ciidamada Ethopi-yana dalka ay uga baxaan 120 maalmood gudahood, bedelkoodana la keeno ciidamo nabad ilaalin oo UN-ka ka socda, hase ahaatee taasi waxaa ka biyo diidey qaybaha kala duwan ee ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada Ethopia qaar ka mid ah, hawshuna waxay noqotey ka dar oo dibi dhal.


midiga Wasiirka Arimaha Diinta Jabuuti Dr. Xaamud, bidix Shariif Xasan

Waxaa isku dhacay Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya, kadib markii ay ka biyo diideen qodobo ka mid ah heshiiska qayb ka tirsan Is-bahaysiga, waxaana loo sameeyo iyaga dhexdooda dibu-heshiisiin, gunaanadkii waxaa dhacay wixii dhici lahaa oo waa la kala irdhoobey, TFG mas’uuliyiinteeda ugu sareysa ayaa isku dhacay, sidii iyagoo maxaabiis shisheeye ah ayey in mudo ah waxay ku noqnodeen magaalada Adis Aba’ba, iyadoo dhigoodana uu ka soo qayb galo shirar muhiim ah oo looga hadlaayey arimo kala duwan oo Soomaaliya ay qayb ka tahay, hawshuna waxay noqotey in Indhaha laysku soo fiiq fiiqo.


dhisme ka mid ah dhismayaashii Gumeysiga uu ka dhisey Jabuuti oo la bur burinayo si loogu bedelo dhisme kale

Ethopia wali ma bixin, TFG-na wey socon weysey, ARS-na wey kala irdhowdey oo waxaa ka harey xubno yar oo muhiim ah ayaa gooni isu taaagey, inta kale waxay sugayaan fulinta heshiiskii Jabuuti, waxaa la weerarey Gobolo kala duwan, waxaana laga saarey kuwii ku amar ku taagleynayey in mudo ah, taasina waxaa ka soo yeeraya hadalo is burinaaya, hawshuna waxay mareysaa in maalinba meel ay dilaacdo boogaha siyaasadeed ee dalka Soomaaliya kuwa u ooman inay arkaan dhiiga shacabka daadanaaya, wali wey wadaan.


Hoteel Imperial ee caasimada dalka Jabuuti

Sababtoo ah bal dib u eeg Madaxweyne C/llaahi Yuusuf markii uu xilka qabtey wuxuu idaacadaha caalamka ka sheegey « in isagu ahaa ruuxii ugu horeeyey ee xabad bilaaba, balse xabad rididu ay tahay wax aan fiicnayn », laakiin ilaa uu xilka ka qabto uu xabad ridayey, waxaa kale uu ku darey qandaraas kale oo dhiig daadin ah, walina kama uusan quusan inuu daadiyo dhiig shacabka walaallihiisa ah, waxaana jira hadal hayn fara badan oo ay dadku is weydiinayaan oo ah Madaxweynuhu xiligiisa wuxuu ku dhameystey daadinta dhiiga shacabkiisa ee wali dhiig inuu arko xiise ma u hayaa ??!!, taasoo jawaabteeda aan wali la helin.

Shacabka Soomaaliyeedow mudo 18-sano waxaan ku dhex jirnay bur burka noocyadiisa kala duwan, oo galaaftey in badan oo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed oo qiimo badan ugu fadhiyey noloshooda iyo xarumo kala duwan oo uu lahaa dalka, kuwaasoo dhamaantood lagu dhexdaadiyey dhiiga shacabka oo leh mid sare iyo mid hoose, waxaana maalin kasta meesha ka sii baxaayey sharaftii iyo karaamadii Ummada Soomaaliyeed, dadkuna waxaa la yaab iyo la yaab ku noqdey, in Ethopia ay u kala ordaan kuwo sheeganaya mas’uuliyada shacabka Soomaaliyeed, halkii iyaga loo imaan lahaa.

Waxana socda qorshe fursad lagu siinayo Gobolada Woqooyi ee Soomaaliya dadka ku nool, maadaama 19-kii Sano ee la soo dhaafey fursado la siinayey qaybaha ku nool Gobolada Koofureed ee Soomaaliya kuwii horboodayey maamuladooda, sababtoo ah Hogaamiye kooxeedyadii Koofurta Soomaaliya waxaa laga dhaxley intii ay xilka hayeen Dil, dhac, Kufsi, Barakin, Af-duub, dagaal beeleedyo kala duwan, maamulo iska soo horjeeda, sida Salbalaar, Koofur Galbeed, Puntland, TNG, TFG, Maxkamado Islaami ah, imaanshiyaha Ciidamada Ethopia iyo kuwo kale oo Afrikaan ah, Burcad badeed iyo ugu dambeyn waxaa soo baxay Al-shabaab dhamaan arimahaan waxaa laga dhaxley wax aan la soo koobi Karin balse ay ugu dar inta badan waxay ka dhacaan arimaan dhulka Soomaaliya balse waxaa loo taag la’ayahay kuwa ka dhaca Badda Soomaaliya oo ay ugu horeyso dadka laga bilaa sabab la’aan Doomaha looga daadiyo iyo Burcad Badeeda.

Ugu dambeyn hadii aan soo gunaanado warbixinteenii, Habeen Habeenada ka mid ah, anigoo jooga Hoteelka Manchester ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa laygu soo wargeliyey in Hoteelkii aan deganaa meel ku dhow lagu diley ruux, Magaaladuna ay qasan tahay, ciidamo fara badana la soo dhoobey wadooyinka ee inta goori goor tahay iska hooyo ayaa laygu yiri.

Aniguna hadalkaas kama sii shekiyin oo hore ayaan u istaagey oo waan soo lugeeyey, maadaama gaadiidka xiligaas la xayirey, inkastoo ay ahayd fiid hor, inta aanan tegin Hoteelkii aan ka degenaa Baydhabo, waxaan Indhahayga ku arkey Ruux lala cararayo oo si aan waafaqsaneyn badbaadinta ruux dhiig baxayo loo wado.

Balse waa nin aan garanayo, dib ayaan u boodey, waxaan tegey Hoteelkii aan deganaa naxdin darteed, hadana waan joogi waayey oo waan soo noqdey daqiiqado kadib, goobtii uu yiiley ruuxa dhaawaca ahaa oo ahayd meel farmashiye ah, hadana waxaa yimid goobtii Gaari nooca dadka Gobolada Koofureed ay u yaqaanaan Qooqan oo ay saaran yihiin sedax dhalin yaro ah oo tuuteysan, daqiiqado kadib waxaa u yimid dhalinyaradii mid aan Tuute wadan, ninkii wuxuu weydiiyey imisaad ahaydeen ?!, waxayna ku jawaabeen sedax ayaan ahayn, wuxuu ugu jawaabey ninkii waad fiican tihiin.

Hadalkaas aniga wuxuu igu dhaliyey dareen aad u fog oo ah in ay ka dambeeyeen dilka ninkaas, waayo wey ku faraxsanaayeen dilka ruuxaas, waxayna hubsanayeen dhimashadiisa, inkastoo naxdintii dilka ninka aan garanayo ay igu dambeysey, hadana aan maqley hadalka lays weydaarsanayey oo runtii buuq igu dhaliyey iyo dadka meesha isugu yimid oo aad u fara badnaa, iima suuragelin inaan wajiyadooda garto dhalin yaradaas Tuuteysan, hadana ruuxii wuxuu ku dhintey isla goobtii, waxaa lagu qaadey Gaarigii ay wateen dhalin yaradii, waxaana la geeyey Is-bitaalka weyn ee magaalada Baydhabo.

Waxaan la yaabey sida ay wax u dhaceen iyo sida loo doonayey dilka ninkaasi iyo sida uu u weydiiyey ninkan dhalin yaradii tuuteysneyd su’aasha, isagoo hubsanaya aragtida dhiiga ninkan la diley, Akh-ristoow hadii aan soo ururiyo Qormada aan ugu magac darey dhiig inaad aragto xiise ma kuu hayaa ?!! waxaana igu soo dhacay hadal mid ka mid ah raga Qurba joogta Soomaaliyeed ee aan ku kulaney magaalada jabuuti markii aan imid, waxaan ka sheekeysaney hab dhaqanka wadamada horumarey, wuxuuna iiga sheekeeyey waxyaabo uu la kulmey waxaase isoo jiidtey hadal dhex marey isaga iyo nin cadaan ah, kadib markii ay ku kulmeen labadooda meel jiiro ah oo ay isku dilayaan laba nin, waxayna isla dhacayeen Midiyaha sida dhakhada ah wax u dila, labada nina waxaa mid kasta ka soo burqanayay dhiig daran sida uu ii sheegey, isagu ma ogeyn waxa ka horeeya wuxuuna la kulmey arintaas, isagoo la yaaban sida uu u maro meesha ayaa waxaa ka hor yimid nin kale oo cadaan ah, wuxuuna arkey ninkii Soomaaliga ahaa oo yara taagan, intuu soo agmarey oo u soo dhawaadey, isagoo aad uga xun inuu sii taagnaado ninkaan soomaaliga ah meesha ayaa wuxuu ku yiri isagoo sii ordaya su’aashan Dhiig Inaad Aragto Xiise Ma Kuu Hayaa ?!!.

Balse shacabka Soomaaliyeedoow, ma is weydiisey su’aashan kor ku xusan in mudada 19-ka Sano, anagoo dadd walaallo nasab iyo Diina wadaagna, in dadd aan diin lahayn ay sidaas uga fogaadaan aratida dhiig daadanaaya, si kasta uu yahayba, laakiin Jawaabta su’aashan waxaan u daayey Akh-ristayaasha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, ee cidii isku dayeysa jawaabteeda fadlan kusoo hagaajiya wemasterka Somalitalk, iyadoo as-luubeysan.

Dhamaad

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com

Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad | 6aad

Faafin: SomaliTalk.com | December 30, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS