SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Waa sidee Waalidka Wanaagsani?(Faatoxo)

 

Ilaah baa mahad idilkeed u sugnaatay, Allihii dadka ka buuray biyo taag daran, kana dhigay xidid iyo xigaal, Nabi Moxamed nabad galyo iyo naxariis ha ahaato, waxaan qirayaa inuu na soo gaarsiiyay dhaqan wanaagsan dhamaantiis oo aan dhib lahayn, nooga digay dhaqanka xun iyo cirib xumaantiisa.

 

 Intaa ka dib sida caadiga ah waxaan waxbadan maqalnay xuquuqda waalidka, oo culumaddu ay wax badan noo tilmaantay waynankeeda iyo caasinimada ciqaabteeda. Alle ha naga dhigo kuwa xuquuqda waalidka guta.  Waxaase lagama-maarmaan ah in ilmaha dhaqankooda la toosiyo si ay xilkooda uga soo baxaan, waxaa kale oo aan meesha ka maqnayn in ubadku xuquuq ku lee yahay waalidka, taasoo ay diintu noo cadaysay, sida inuu Aabuhu marka horaba  ku xusho ilmihiisa hooyadood dhaqan wanaagsan iyo diin, inuu magac fiican u bixiyo, inuu hagaajiyo masuuliyadda koriinkooda, inuu waxbarashdooda hagaajiyo.

 

Xaalada koriinka ubadka, oo ku xiran bulshadda ay ku dhex korayaan awgeed, maqaalkaani waxa uu micne wayn u samaynayaa waalidiinta ku dhaqan wadanka banaankiisa. waxaan ka deeqtoomi karin waalidka wadanka(Soomaliya) jooga oo raba inuu fahmo asbaabaha lagu noqdo waalid wanaagsan

 

Hadaba mar hadii guri la yagleelo, Eebena uu ubad keeno, waxaa la yahay waalid, laakiin waxaa iswaydiin mudan, sidee loo noqon karaa waalid wanaagsan oo ku dayasho mudan?

 

Waalid ahaanshuhu waa khibradaha qof marayo kuwa ugu farxada badan leh

Waalidku si ay macno u samayso ku dayashada ilmihiisu, waa in marka hore uu isgu hagaagsanaada, waa inuu isagu ku taagnaadaa wadada uu rabo in ilmihiisu maraan, Tusaalaha fiicani waa kii adiga dhaqanka kuu ah, ( badanaa aabaha sigaarka cabaa, ubadkiisuna waa u badan yahay inay cabaan). Dhaqanka fiican ee ku dayashada mudan waa mid la baran karo, hadii waalidku rabo inuu xilka saaran ka soo baxo.

 

Qoysku waa inu markasta jiraa jacayl, tixgalin, iyo qiimayn ay isu hayaan labada uu ka unkamay gurigu, hooyadda iyo Aabaha. Qalalaasaha, qayladda, buuqa iyo qilaafka qoysku, waxa uu ubadka ka dhumiyaa farxadda; haday farxaddu dhunto, waxaa ku dhaca qalbi jab, waxaa bilowda nacayb; mar hadii nacayb yimid ku dayasho dhamaatay.

 

 

  1. Jacayl xad la’:Markasta waa in ilmaha loo muujiyaa jacayl dhaba oo aan xad lahayn, waxaa lagu muujin karaa qaadis, shumin, u qosol, u sheegid inaad jecel yahay. ogow,hadii aad nacdo waxa uu sameeyey, ama uu khalad galo ilmaha, ha oran waan ku nacay, ee dheh waxaan nacay waxaad samaysay.
  2. Dhagayso:
    1. Waa inaad u muujisaa inaad danaynaso waxa ay samaynayaan, ha ahaato cayaarahooda, shaqooyinka waxbarashadda guriga, iyo waxkasta oo ay markaa ku mashquulsan yihiin.
    2. Abuur jawi ay kaala hadli karaan arimahooda, ha waynaadeen ama ha yaraadeene.
    3. Waqtiyadda cuntada sida qadadda, dami TV si qoysku u wada sheekaystaan, oo aad u hesho fursad aad ugu sheekayso. Arinkani waa mid Aabayaasha Soomaaliyeed ku cusub badankooda, waayo Soomaliya ilmaha bulsho mashquulisa ayuu ku dhex jiray, qurbahase adaa u bulsho ah.
  3. Dhaqan wanaagsan:
    1. Bar dhaqan wanaagsan, baridda kan ugu fiican, waa adoo ku diinta si wacan ugu dhaqma, u sheeg xumaanta beenta, khiyaamada, wanaaga runta, bar waxa loo abuuray. markay yar yihiin jeclaysii Alle iyo Rasuulkiisa.
    2. Ha u sheegin been, in loo sheegana ka ilaali, balan aadan fulinayn, ha kaqaadin xitaa hadii ay dhabta ku jiraan.
    3. Bar waxa saxa ah iyo waxa khaladka ah, una sharax. ogow ilmuhu khalad la saxo yay wax ku bartaan.
    4. Uga sheekee xuquuqda waalidka, inay ku xadgudbaana ka ilaali.
  4. Cadaalad samayn:
    1. Hadii Alle ku siiyey ilmo badan, ha u kala eexan, ha ahaato soo dhawayn, amaanid, hadiyad gaara, iyo inaad siiso waqti kala badan.
    2. Simidda waxbarashada iyo barida diinta.gabdhaha iyo wiilasha.
  5. Barid xadaynta waqtiga:           
    1. Bar ilaanita waqtiga, una samee jadwal waxbarasho, cayaareed, iyo mid hurdo.
    2. Ku caawi inay xil qaadaan sida, hagaajinta sariirtooda, nadaafadda qolkooda, xuusinta waqtica celinta buugta maktabadda iwm.
    3. U ogolow inay khibrad iskood u yeeshaan, hana dhumin ilaalintood; waa inay bartaan nolosha si markay waynaadaan ay ugu sahlanaato.
    4. Ku caawi helid Saaxiib wanaagsan:
    5. Aadamigu saaxiib la’aan ma joogi karo, hadaba intii ay saaxiib xun samaysan la haayeen ku caawi inaad u samayso saaxiib wanaagsan, oo hadii ay la joogaan ay niyadaadu ku dagan tahay.
  6. Saxid qaladkooda:
    1. markasta oo ilmuhu qalad galo, qaladku ha yaraado ama ha waynaadee, go’aan adag ku sax oo muuji in aadan aqbalayn qaladkan, ka ilaali inaad tiraahdo waan ku nacay.
    2. ka ilaali inaad dadkale hortood ku ceebayso, xataa hadii khaladka uu kaga dhacay meel bulsho kale joogto.
    3. go’aankaagu ha cadaado, hadalkaaguna yuusan dhaafin sixitaanka oo qura.
    4. markasta ilmaha qisooyinka dadka wanaagsan, sida siirada rasuulka(SCW), asxaabtii, uga sheekee si ay tusaale uga dhigtaan.
    5. wixii khalad ah, markasta waa khalad, ku adkow go’aankaa marna khalad ha ogolaan.
    6. markasta xeerka gurigu hal ha ahaado, ilmuhu inay jabiyaan yay ku dadaalayaan hadii aadan dhowrin adigu.
  7. Abaal mari: Abaal marin waxaa ahaan kara, amaan, shumis, u sheegid inaad raali ka tahay waxa ilmuhu sameeyay, hadiyad iyo dibad u saar, iwm.
    1. Mid kasta gaarkii u abaal mari, hadii uu wax wanaagsan sameeyo,
    2. Mala ilaali inaad loolansiiso, midkasta iskii u xisaabi.

  

Wa bi  Allahi Towfiiq.              

Eng. Abdullahi Abdulkadir(Faatoxo) – UK 
Faatoxo@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 3, 2008

macalinGuddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax macallin, oo waraysi siiyey Idaacadda Australia ee SBS halkan ka dhegeyso ama halkan (mp3)

Dagaal ka Dhacay Balli-Doogle
Kulan ka dhacay Gobolka shabeelaadda Hoose
iyo Olole nadaafadeed oo ka soconaya isbitaalka hooyada iyo dhalaanka degamad guriceel ee goblka Galgaduud
Akhri Jan 25

sakariyeZakariye Xaaji: Nuur Cadde Waa Nin Odey ah Waxase uu Saaran yahay Gaarigii Dalka Lagu Qabsaday (Waraysi)... Akhri...

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland.
Warbixinta ka akhri halkan...

norwayMu'tamaradii Norway-Sweden oo khayr kudhamaaday.. mu’tamarkii “Horumarinta Samafalka iyo Iskaashiga”... Sawiradii mutamarka...

ukBannaanbax looga soo horjeedey Xasuuqa iyo Joogitaanka Itoobiya
London: Mudaharaadkan oo noqday kii ugu weynaa ay isugu yimaadaan Jaaliyada Geeska Africa.. Akhris/sawirro...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com