SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Xukuumadda Nuur-Cadde: Xay soo Kor Dhisay?!

Dhismihii Dawladdii Empagathi, Doorashadii Col: C/Lahi Yusuf, iyo Magaacabistii Gangestar Geeddi, Dalku wuxuu u dhexeeyey qas iyo jaha wareer, Geeddi wuxuu billad Hoog ku qaatay Xigaalo Xabashinimada, waxay meertaba waxaa is qabtay Tabcanayaashii Tigreega, waxaa laga kaaftoomay howshii macangag Geeddi, waxaana lagu soo af meeray inuu is casilo, markii lagu dan gaaray laguna fushaday dantii laga lahaa, ka dib waxaa la magacaabay Col: Nuur-Cadde, loona dhiibay xilka Wasiirka koowaad ee Xukuumadda, waa la soo wada dhaweeyey. iyadoo la wada muujiyey dareen uu ku jiro taxadar, lana wada dalbay inuu ka leexdo dhabbihii Geeddi ee hallaaga iyo hoogga soo jiidday Ummaadda Soomaaliyeed, lagana codsaday inuu la yimaado is bedel iyo hannaan cusub oo lagu badbaadinayo Dalkaan burburay iyo Shacabkaan le'anaya!.

Col: Nuur-Caadde wuxuu muujiyey hadal dabacsan oo aysan ka dhadhamayn hanjabaad iyo durduro, hadalkii Nuglaa ee uu ku celceliyey Nuur-Cadde waxay sii xoojisay dareenkii himilada lahaa ee ay muujiyeen dhammaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Mucaarad iyo Muxaafad, balse hadalkii macaanaa wuxuu kula dhacay godkii ay u qodeen Samo-Diidka Soomaalida!, wuxuu ku fashilmay Xukuumaddii ugu horraysay ee uu soo dhiso, waxaa batay hadaladii cambaaraynta iyo dhaleecaynta ee loo jeedinayey Nuur-Cadde, oo dhammaan kaga imaanaysa mar dhinaca Beelaha Soomaliyeed qaarkood oo ku doodaya in lagu yareeyey saamigii ay lahaayeen, iyo dhanka waayeelada iska waayey xilalka xukuumadda, waxayse aheed Xukuumad aan waxba ugu duwanayn Xukuumadihii Geeddi, isagoo Nuur-Cadde soo dhisay Gole ka kooban 73 xubnood, taasoo hoos u riday rajadii laga lahaa iyo wax qabadkii laga sugayey, sidoo kale waxay mugdi galisay awoodda Nuur-Cadde, maadama ay Dad badan Xukuumadda ku macneeyeen inay tahay naqshaddii C/laahi Yuusuf, fartiisana ay si weyn uga muqato.

Dhismihii xukuumaddii ugu horreeyey ee uu kaga dhawaaqay Magaalada Baydhabo, hugunkii ka dhashay dareenkeedii isagoo qabo ayuu Nuur-Cadde u socdaalay dibadda, wuxuu magaalada Lisbon ee Xarunta Dalka Portages-ka uga qayb galay kulan madaxeedka Afrika iyo Yurub, dabadeed wuxuu booqasho ku tagay dalka Ingiriiska, wuxuu kula kulmay Bukaan C/laahi Yuusuf oo wali Isbitaal yaal ah, socdaalkaa ka dib Nuur-Cadde wuxuu ku soo laabtay Dalka, wuxuuna ku dhawaaqay tallaabo si wayn loo soo wada dhaweeyey, oo ah inuu kala diray Xukuumaddii cusbeed ee soo dhisay maalmo ka hor, wuxuuna ballan qaaday inuu soo dhisi doona Xukuumad tiro yar tayana leh, tashi ka dib wuxuu soo magacaabay 18 Wsiir oo iyana qaylo badan dhalisay yaraantooda owgeed, Nuur-Caddase dhag jalaq uma siin wuxuna ka furaystay dhagaha.
Magacaabista Xubnaha kooban ee Xukuumaddaan ku jira waa tallaabada koowaadd ee uu Nuur-Cadde ku xijiyey codkii macaanaa ee aan cidna ka qaloon ama aan cidna dhiilo galin, tiro yarida Xukuumadda Nuur-Cadde haba iska ciyeen Dadyowga ay ku nigaxan tahay Qabiilka iyo danaha garka ah, balse waa tallaabo aad u wanaagsan una qalanta Dalkaan oo kale ee ay daashadeen dagaalada iyo Colaadaha, isla markii Nuur-Cadde wuxuu horgeeyey Barlamaanka iyadoona la siiyey codka kalsoonida, arintaan waxay noqotay guul kale oo u soo hoyatay hoggaanka uu horkacayo Nuur-Cadde, sidoo kale wuxuu ballan qaaday inuu wada hadal la furayo dhammaan mucaaradka siyuu Dalka ugu soo dabaalo Nabad iyo Xasilooni.

Col: Nuur-Cadde wuxuu ku xijiyey inuu soo daayey Odayaashii Dhaqanka ee u xirnaa Dawladda muddo ku bail iyo bar ka badan, go'aankan oo si weyn loo soo wada dhaweeyey lana kulmay soo jiidasho qaybaha Bulshada ee kala duwan, waxayna noqotay fal uu ku daray Nuur-Cadde hadaladiisii qaboobaa ee uu in badan ku celceliyey, ahna mid looga baahnaa xilli hore inuu ku dhaqaaqo lana yimaado kal hore, lana dhihi karo wuu la soo daahay oo uu fuliyey xilli dambe, Sideedaba xiritaanka Oday Dhaqameed lixdan jir ah ayaan ahayn mid wanaagsan ama guul lagu gaarayo, kuma sii jirto haddii ay dhalinayso kala fogaasho ama ay kicinayso dhiilo iyo dareen xoogan.

Waxaa kale uu Nuur-Cadde xariga ka sii daayey si dadban ama si toos ah miday noqotaba Wariyeyaal. Saxafiyiin, iyo Agaasimayaal Idaacadeed oo iyana u xirnaa Dawladda, arintaan oo ay si diiran u soo dhaweeyeen bahda Saxaafadda iyo Ururadda u dooda Saxaafadda Xorta ah, Nuur-Cadde wuxuu kaloo ku guulaystay inuu in badan oo ka mida Ciidanka xabashida ka saaro gudaha Dalka gaar ahaan Gobalka Hiiran iyo qayba ka mida Magaalada Muqdisha, waxaana la dhihi karaa waa tallaabadii ugu muhimsaneed ee uu Nuur-Cadde iyo Golahiisa Wasiirada ugu wax tarka badnayd, haddaan six un loo maarayn ama hanfadnimo iyo is qab dhaaf dhicin, waxayse taarikhdu si kala duwan u kala qori doontaa labada nin ee kala ah: Geeddi oo Xabashida soo galiyey Dalka iyo Nuur-Cadde oo ka shaqaynaya inay ka baxaan Dalka, waa laba nin oo aad u kala duwan, Nuur-Cadde hadduu sidaan wax ku sii wado waxay u egtahay inuu soo hoyn doono guul wax ku ool ah oo loo aai doono.

Wax walba oo uu qabto Nuur-Cadde waxay ku najixi karaan hadba sida ay uga faa'iidaysto Soomaalidu uguna mira dhaliyaan, ugu horrayn waxaa looga fadhiyaa Odayaasha Dhaqanka ee xabsiga laga sii daayey iyo kuwa ku fekerka ah inay ka gudbaan: "Hawiye Al-Qacida ma aha", una gudbaan inay la yimaadaan hannaan qayb ka qaadan kara sidii nabad loogu soo dabaalo lahaa dalkaaan holcaya iyo Magaalooyinkaan Qiicaya, waa inay dhalinta ku Abtirsata ee Xabadda iyo Qoriga la taagan xal u keenaan iyagoo la kaashanaya Xukuumadda, balse haddii arimuhu iska noqdaan sidii Ninkii Waalnaa ee markuu Ambaday ee la soo helay loo Alalaasay Mashxarad iyo Sacabna lagu soo dhaweeyey yiri: "Maxaa la iiga Mashxaradaya haddaan Habaabayaa mar kale"!, waa dhibaato iyo jugjug meeshaada jog!!!.

Col: Nuur-Caddana waxaa laga sugayaa inuu sii kordhiyo dadaaladiisa uuna sii laba laabo ujeedooyinkiisa uu ku doonayo inuu xal ugu helo arimaha cakiran ee ka aloosan Dalka, waxaana ugu weyn inuu mooshin hor dhigo Xukuumaddiisa ku saabsan sidii Xabashidu uga bixi lahayd Dalka iyo inay isaga baxaan gabi ahaan Dalka, dabadeedna uu usii gudbiyo Baarlamaanka si loo ansixiyo loona helo cod midaysan oo ku wajahan joogitaanka Ciidanka Xabashida ee Soomaliya, maadaama ay ku jiraan Golaha Xukuumadd Wasiiro aaminsan in laga maarmo Ciidanka Xabashida, iyo inuu xilalka ka qaado Qawaarada Gobalka Banaadir uuna ugu horreeyo: Maxamed Dheere iyo kuwa u qaabilsan ammaanka horseedna ay ka hiyiin: C.Qaybdiid, Darwiish iyo Cayayaanka la midka ah, waxaa hubaal ah inay noqonayso tallaabo ay u riyaaqi doonaan Dad badan, aynna jeclaysan lahaayeen in la marsiiyo meeshii laga riday Qabqablayaashii ku jiray Golaha Xukuumadda, ugu dambayn waxaad moodda in Xukuumadda Nuur-Cadde ay qaadday Tallaabo loogana fadhiyo inay ku darto kuwo kale.


Bashiir M. Xersi.
Brdiraac@hotmail.com
Tipoli-Libya.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 3, 2008

macalinGuddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax macallin, oo waraysi siiyey Idaacadda Australia ee SBS halkan ka dhegeyso ama halkan (mp3)

Dagaal ka Dhacay Balli-Doogle
Kulan ka dhacay Gobolka shabeelaadda Hoose
iyo Olole nadaafadeed oo ka soconaya isbitaalka hooyada iyo dhalaanka degamad guriceel ee goblka Galgaduud
Akhri Jan 25

sakariyeZakariye Xaaji: Nuur Cadde Waa Nin Odey ah Waxase uu Saaran yahay Gaarigii Dalka Lagu Qabsaday (Waraysi)... Akhri...

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland.
Warbixinta ka akhri halkan...

norwayMu'tamaradii Norway-Sweden oo khayr kudhamaaday.. mu’tamarkii “Horumarinta Samafalka iyo Iskaashiga”... Sawiradii mutamarka...

ukBannaanbax looga soo horjeedey Xasuuqa iyo Joogitaanka Itoobiya
London: Mudaharaadkan oo noqday kii ugu weynaa ay isugu yimaadaan Jaaliyada Geeska Africa.. Akhris/sawirro...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com