SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

CADDE MUUSE: Xilka Waxaan Heynayaa ilaa 2013ka

Waxaa maalmahaan danbe ku soo badanaya deeganadda puntland musharaxiinta jagadda madax tinimadda ayadoo uu madaxweynaha DGPL Cadde Muuse sheegay in uusan ku darsan doonin hal maalin.

Hadalkan ayuu madaxweynuhu ka jeediyay Garoowe balse maalin ka dib ayuu Bosaaso soo gaaray, asagoo la'shiray beesha uu asal ahaan ka soo jeedo una sheegay in ay is dajiyaan xunkuna uusan iska dhiibi doonin ayna wada hadal yeesheen madaxweynaha federaalka ee soomaliya c/laahi yuusuf axmed.

Cadde Muuse wuxuu yiri: hadda dadka isa soo sharaxay nin dable soo noqday xataa kuma jiro, weeyna is wareerinayaan, aniga xiliga doorashadda musharax ayaan ahay, waana lay dooranayaa ayuu yiri asagoo ay kalsooni ka muuqato.

Oday ka mid ah odayaasha goobjoogga ahaa ayaa waxa uu Cadde Muuse ku yiri mar hadaad ogolaato in aad tartan gasho waad is dhiibtay madaxweyne. Waxa uu markaas Cadde ku jawaabey: c/laahi yuusuf iyo aniga isku mar ayeeynu ka dageynaa 10sano alaha ka dhigee. C/laahina wuu imanayaa dhawaan wuxuuna la' hadlayaa odayaasha deeganadda puntland sidii uu cade muuse xilka u siii hayn la'haa afarta sano oo soo socota 2013da

Arrintan ayaad moodaa in ay noqon doonto mid u muuqata sidaas maadama dad weynaha ku dhaqan puntland ay u muuqdaan kuwo wax ka maqla c/laahi yuusuf hadalkiisana ay yeelaan ayadoo musharaxiin badan ay isku diyaarinayaan jagadda madaxtinimadda oo kor u dhaafayaan 15 hadda inta isa soo shaac saartay, Cadde Muusana uu rabo in uu dhaxal ka dhigto jagadaas.

Cadde Muuse waxa uu Talaadadii (Feb 5) u dhoofay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Waxaa magaaladaas (Feb 7, 2008) soo gaarey  Madaxweynaha DFKMG, C/laahi Yuusuf Axmed oo (Arbaca Feb 6, 2008) kasoo dhoofay London, UK oo uu muddo bil ah caafimaad ahaan u joogey.

Waxaa Addis Ababa kulan gaar ah oo arrimo dhawr ah looga hadlay ku yeeshay G/sare C/laahi yuusuf, G/sare Nuur Cadde iyo Jan. Cadde Muuse... Akhri Halkan....

cabaaskk
cabaaskk@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 5, 2008

Laba Qarax oo Ka Dhacay Boosaaso - 14 qof ayaa ku dhintay, 90 qofna Dhaawac..
.Gen. Cadde Muuse oo u Dhoofay Addis Ababa...
.Guddomiyihii Maxkamada Beledweyne oo la Diley..
.Ganacasiyo Soomaali Leedahay oo Lagu Boobey K/Afrika
.Qarax Lala Beegsaday Hoyga Gudoomiyihii Baydhabo..
Wararka oo dhan ka akhr halkan.... Feb 6

macalinGuddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax macallin, oo waraysi siiyey Idaacadda Australia ee SBS halkan ka dhegeyso ama halkan (mp3)

Dagaal ka Dhacay Balli-Doogle
Kulan ka dhacay Gobolka shabeelaadda Hoose
iyo Olole nadaafadeed oo ka soconaya isbitaalka hooyada iyo dhalaanka degamad guriceel ee goblka Galgaduud
Akhri Jan 25

sakariyeZakariye Xaaji: Nuur Cadde Waa Nin Odey ah Waxase uu Saaran yahay Gaarigii Dalka Lagu Qabsaday (Waraysi)... Akhri...

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland.
Warbixinta ka akhri halkan...

norwayMu'tamaradii Norway-Sweden oo khayr kudhamaaday.. mu’tamarkii “Horumarinta Samafalka iyo Iskaashiga”... Sawiradii mutamarka...

ukBannaanbax looga soo horjeedey Xasuuqa iyo Joogitaanka Itoobiya
London: Mudaharaadkan oo noqday kii ugu weynaa ay isugu yimaadaan Jaaliyada Geeska Africa.. Akhris/sawirro...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com