SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet Daabaco Boggan | Print


AFRICOM iyo Qaaradda Afrika: Welwelka Afrikaanku ka Qabaan saldhigga Militari ee AFRICOM Akhri...


Wararkii: Feb 21, 2008

  • Warsaxaafadeed ku saabsan Biliqadii loo geystey Suuqa Weyn ee Bakaaraha
  • Gabre iyo Madaxweynaha DFKMG Yuusuf gacan ka hadal dhex maray.?
  • Ex- Ra'iisul-wasaare DFKMG Cali Geedi oo gaaray Addis Ababa.
  • Marka: Xildhibaano lagu eedeeyay xaasidnimo
  • Muqdisho: dagaal culus oo ka socda xaafada suuqa Xoolaha.
  • Ciidamada DKMG oo saaka gudaha u galay suuqa Bakaaraha.
  • Booliska Gaalkacyo ayaa qabtay hub la sheegay in lagu taakulaynayey burcad badeed ka qaraabata xeebaha Somaliya.
     
WARSAXAAFADEED KU SABSAN BILI;IQADII LOO GEYSTAY SUUQA WEYN EE BAKAARAHA 

      Isbahaysiga dibu xoreynta Soomaaliyeed waxa uu cambaareynayaa boobkii, bililiqadii shalay ay u geysteen  ciidamada Ethiopia iyo dabadhilifyda u adeega suuqa weyn ee bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

      Falkan iyo kuwo ka xun oo ay hore u geysteen ciidamada gumeysiga ee dalka qabsaday iyo kuwa gacanta ku siiya ayaa noqday kuwo si taxana ah loogu fuliyo shacabka Soomaaliyeed xilli ay beesha caalamka iyo hay’adaha dawliga iyo kuwa goboleedba ay ka indho laabanayaa falal dambiyeedka ay geysanayaa cadawga Soomaaliya.

      Waxyeelleynta bulshada taagta daran, dhaca xoolaha ganacasatada, xabsi aan loo meel dayin  iyo burburinta kaabayaasha dhaqaalaha waa falalka uu gumeysiga iyo kuwa u adeega ku doonayaan ku sandulleeyaan shacabka Soomaaliyeed damacooda gurracan.

      Isbahaysiga waxa uu u caddeynayaa  kooxda baydhabo  inaysan marnaba cimri dheeri u noqon doonin gumaadka shcabka iyo dhaca hantidooda iyo raaligilinta cadawga, ee waxa ay ku sii dheereynaysaa dhabaha mugdiga ah ee ay ku sii gudayaan.

      Xoghayaha warfaafinta ee Isbahaysiga oo ka hadlay arrinka waxa uu yiri “Waa wax lalayaabo iyadoo xawliga waxyeelleynta shacabka Soomaaliyeed ee ay geysanayaan ciidamada cadwga iyo kuwa u adeega uu sii kordhayo in la sheegto in la doonayo in nabad lagu soo dabaalo dalka, waxa keliya ee ay tusinaysana waa in lagu dabool dambiyada loo geysanayo shacabka dulman iyo weliba in lagu gacansiiyo cadawga sii haysashada dalka iyo dadka Soomaaliyeed”.

      Muqaawamada  waa ay soconaysaa inta uu ciidamada Ethiopia ay joogaan dalka farahana kula jiraan falalka foosha xun oo ay ka midka yihiin ku tumashada dhaqanka iyo diinta suuban ee shacabka .

      Ugu dambeyntii Isbahaysiga wuxuu bogaadinayaa hawlgalkii geesinimada lahayd ee ciidamada muqaawamada ka fuliyeen nawaaxiga Halgan ee Gobolka Hiiraan iyo Magaalada Baydhabo ee lala beegsaday ciidamada cadowga Itoobiya. 

      Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta | Asmara, 20/02/2008


Gabre iyo Madaxweynaha DFKMG Yuusuf gacan ka hadal dhex maray.?

Wararka aanu ka heleyno qaar kamid ah Mas'uuliyiinta gobalka Banaadir ayaa xaqiijiyeen inuu khilaaf weyn soo kala dhex galay Madaxweynaha DF Cabdilaahi Yuusuf Axmed iyo Gen. Gabre oo ah Jeneraalka ugu darajada weyn saraakiisha Ethiopian-ka ee Somalia joogta.

Khilaafkaan ayaa la xaqiijiyay inuu yimid kadib markii Gen. Gabre uu maqlay in dacwad ka dhan ah loo gudbiyay Ra'iisul-wasaare Meles Zenawi.

Gen. Gabre ayaa sida la xaqiijiyay shalay galab soo gaaray xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, halkaasoo uu kula kulmay Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf Axmed.

"Gabre waxuu soo galay howl-ka lagu shiro ee Madaxtooyada, waxuuna soo ag istaagay Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf, laba eray ayay is dhaafsadeen kadib waxaan ka war helnay Gabre oo laba dharbaaxo oo deg deg ah ku dhuftay Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf, taasoo sababtay in Madaxweynaha uu dhulka ku dhaco, isla markaana madaxa darbi uu ku dhufto" ayuu yiir mas'uulkaasi gobalka Banaadir ka tirsan.

Madaxweynaha DF ayaa la sheegay in markii la dharbaaxeeyay uu ku qeyliyay erayo ay kamid ahaayeen "raali noqo gabre ,,,,, qalad baa wax laguu fahamsiiyay ,,, ".iyo erayo kale.

Khilaafkaan ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha DFKMG Yuusuf oo dhawaan gaaray magaalada Addis Ababa uu hordhigay Ra'iisul-wasaare Meles codsi ku aadan in Somalia laga badalo Gen. Gabre uu ku eedeyay inuusan amar ka qaadan Dowlada KMG ah.

Madaxweynaha ayaa Gabre ku eedeeyay inuu marar badan isku dayay inuu shirqool ku dilo, isla markaana madaafiic ku garaaco xarumaha Dowlada gaar ahaan Madaxtooyada iyo Garoonka Muqdisho xiliyada ay madaxda ka duulayaa.

Raggga sida gaarka ah Gen. Gabre la saaxiibka ah uuna ka dhaxeeya isbaheysi xooggan ayaa waxaa ka mid ah Darwiish, Maxamed Dheere, Xaabsade iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha wasiirada iyo qaybaha kale ee dawlada.

Madaxweynaha DFKMG Yuusuf ayaa si aad ah u diidan ciidamada ay sida gaarka ah u leeyhiin Darwiish iyo Maxamed Dheere oo fuliya danaha ka soo horjeeda isaga, inkastoo uu doonayey inay isaga ka amar qaatan dhamaan ciidamada dawlada sida uu doonana u adeegsado si ay awooda dawlada oo dhan gacanta ugu soo gasho balse arintaasi aanay dhicin, waqti badan oo xilkii uu hayeyna laga lumiyey in kastoo uu haatan dadaal ugu jiro sidii uu ku hanan lahaa awooda Dawlada oo dhan

Gen. Gabre ayaa lasoo warinayaa inuu isagoo xarakeynaya uu ka baxay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, isla markaana uu ku goodiyay inuu dili doono Madaxweyne Yuusuf.

Madaxweynaha DFKMG ayaa u qeyla dhaamiyay Ciidamada AMISOM iyadoo guud ahaan ammaankiisa la wareegeen ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ee Muqdisho jooga.

Xaalada Madaxtooyada ee uu degan yahay Cabdilaahi Yuusuf ayaa maanta kacsan iyadoo laga cabsi qabo dagaal halkaasi ku dhex mara ciidamada DF iyo kuwa Uganda oo dhinac ah iyo Ciidamada Ethiopian-ka.

Si kastaba ha ahaatee, Gen. Gabre ayaa sidii uu doono ula macaamila Madaxda sarre ee Dowlada KMG ah isagoo is mooda inuu ka daraja sareeyo dhamaan madaxda DF.

Ex- Ra'iisul-wasaare DFKMG Cali Geedi oo gaaray Addis Ababa.

Ra'iisul-wasaarihii hore ee DFKMG Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa shalay gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Xildhibaan Cali Maxamed Geedi ayaa shalay ka dagay garoonka Diyaaradaha ee Boli International Airport, iyadoo halkaasi ay kusoo dhaweeyeen mas'uuliyiin sar sare oo ka tirsan Dowlada Ethiopia.

Booqasho Geedi ee Addis Ababa ayaa timid kadib markii uu casuumaad ka helay Ra'iisul-wasaare Meles Zenawi oo aad u daneynaya siyaasada Cali Max'ed Geedi.

Warar hoose ayaa sheegaya in Meles Zenawi uu daneynayo inuu Ra'iisul-wasaare ka dhigo mar kale Cali Max'ed Geedi, kadib markii ay is fahmi waayeen Ra'iisul-wasaaraha hada Nuur Cadde.

Prof. Geedi ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ee Addis Ababa kulamo kula leh madaxda sar sare ee Dowlada Ethiopia.

Si kastaba ha ahaatee, Prof. Geedi ayaa tan iyo markii xilka Ra'iisul-wasaarenimada uu iska dhiibay waxa uu ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaaso ay degan yihiin qoyskiisa.

Marka: Xildhibaano lagu eedeeyay xaasidnimo.

Maamulka Shabeelaha Hoose ayaa maanta ka hadlay hadalo dhawaan kasoo yeeray qaar ka tirsan Xildhibaanada Barlamaanka Somalia.

Guddoomiyaha Gobalka Sh/Hoose Dr. Cabdiqaadir Sheekh Max'ed ayaa eedeyay xildhibaano Barlamanka Somalia ka tirsan oo uu ku tilmaamay kuwa xaasidiin ah.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in hadalada ka soo yeeraya Xildhibaanada baarlamaanka ee ku aadan booqashooyinka ay ku yimaadeen mas'uuliyiinta dowladda gobolkaas ay tahay kuwo aan meel ka soo qaad laheyn. isla markaana uu u arko kuwo ka soo horjeeda wax qabadka gobolkiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in Mas'uuliyiinta qaar ee soo gaadhay gobolka ay yihiin kuwo u dhashay gobolka, waxa uuna tibaaxay in imaatinkooda ay ka dambeysay caasuumaad uu u fidiyay.

Hadalka Guddoomiyaha ayaa kusoo beegmaya kadib markii gobalkaasi ay dhawaan gaareen Wasiiro DF ka tirsan kuwaaso sheegay inay wax weyn ka qaban doonaan ammaanka gobalkaasi, taasoo ay eedeeyeen xildhibaano Barlamaanka ka tirsan.

Muqdisho: dagaal culus oo ka socda xaafada suuqa Xoolaha.

Dagaal culus oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saaka ka socda xaafada suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Dagaalkaan oo u dhaxeeya ciidamada Dowlada KMG ah iyo Dagaalyanahada hubeysan ee kasoo horjeedo, ayaa geystay qasaaro xoogan.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii xaafada suuqa Xoolaha ay isku fidiyeen ciidamo ka tirsan Dowlada KMG ah, kuwaaso rabay inay halkaasi howl-galo baaritaan ah ka bilaabaan, waloow ay iska caabin kala kulmeen kooxaha kasoo horjeeda.

Cabsi iyo qal qal ayaa waxaa uu soo food saaray dadka fara ku tiriska ah ee ku xilligan ku nool deegaankaasi Suuqa Xoolaha, oo horena dagaalo soo laa laabtay ku dhex maray dhinacyada iska soo horjeeda.

Wali lama xaqiijin karo qasaaraha rasmiga ah ee uu geystay maadaama uu wali dagaalka uu socdo xabada ay ka holceyso xaafada suuqa Xoolaha.

Warar hada nasoo gaaray oo wali aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dagaalka ay kusoo biireen ciidamada Ethiopian-ka ee fariisinka ku leh xerada Maslax ee duleedka suuqa Xoolaha.

Waxii kusoo kordha kala soco wararkeena dambe.

Ciidamada Dowlada KMG oo saaka gudaha u galay suuqa Bakaaraha.

Ciidamo ka tirsan Dowlada KMG ah ee Somalia ayaa saaka gudaha u galay mar labaad suuqa Bakaaraha, iyagoo wada howl-galo baaritaan.

Ciidamadaan ayaa ku sugan gudaha iyo daafaha suuqa Bakaaraha, iyagoo rasaas ku ridaya cidii isku dayda inay suuqa gudaheeda gasho.

Xaalada suuqa ayaa maanta kacsan, iyadoo aysan ka jirin wax ganacsi ah oo halkaasi ka socda, isla markaana ay ciidamada meel walba taagan yihiin.

Ganacsade Mukhtaar Sheekh Axmed ayaa Saxaafada u xaqiijiyay inay ciidamadaan wali kusoo qulqulayaan gudaha suuqa Bakaaraha, iyadoo lagu soo daabulayo gawaawi waa weyn oo gudaha suuqa soo galineyso.

Xiriiro aan la sameynay Afhayeenka Booliska G/Banaadir Shacshac ayuu ka gaabsaday inuu ka hadlo howl-galkaan maanta suuqa Bakaaraha ka bilowday, waloow uu xaqiijiyay inay amarka howl-galka bixiyeen maamulka gobalka Banaadir.

Waxaa gudaha suuqa Bakaaraha laga maqlayaa qaraxyo iyo rasaas si goos goos ah u dhaceysa, kuwaaso aan la xaqiijin karin waxa ay yihiin.

Talaadadii aynu soo dhaafnay ayay aheyd markii ciidamada DF iyo kuwa Ethiopian-ka gudaha u galeen suuqa Bakaaraha, kuwaaso lagu eedeeyay inay dhax hantiyeed geysteen.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada DF ayaa dhac u geysta suuqa Bakaaraha marka ay gudahiisa galaan iyagoo ku mar marsiyaanaya inay howl-galo baaritaan halkaasi ka wadaan isla markaana hub kasoo aruurinayaan.

Ciidamada AMISOM oo xilkii loo kordhiyey.

Kulan uu yeeshay guddiga amniga ee Jamciyadda Qaruumaha ka dhexaysa (The Security Council)wuxuu goáamiyey in lix bilood oo hor leh loogu daro Ciidamada ka socda Qaaradda Afrika ee ka hawlgala dalka Soomaaliya oo loo yaqaan marka lasoo gaabiyo AMISOM kuwaas oo loogu talo galay in aay difaacaan Dawladda KMG ah ee dalka Soomaaliya iyo kaabiyayaasha halbowlaha u ah geedi socodka maamulka dawladnimo.

Go'áankaas wadajirka aay u taageereen dhammaan xubnaha uu ka kooban yahay golaha Amniga ee JQK waxa uu ugu baaqayaa in Midowga Afrika aay soo dhamaystiraan ciidamadii nabad ilaalinta si ciidamada kale oo ajnabiga ah oo dalka soomaaliya ku sugan aay uga baxaan si loo abuuro jawi dib u heshiisiineed oo lagu soo celin karo xasiloonidii iyo nabadgalyadii dalka Soomaaliya .

Dhammaan 15-ka Xubnood oo ka tirsan Golaha Amniga waxaay isku waafaqeen in aay dib arinta Soomaaliya isugu soo noqdaan 10-ka bisha Maarso ee soo socota si looga wadahadlo warbixintii Xoghayaha Guud ee JQK Mr. Ban Ki-moon,tallabadaas oo ku saabsanaandoonta in la xoojiyo xaafiiska Siyaasadda ee JQK aay ku leedahay dalka Soomaaliya ee loo yaqaan (UNPOS) iyo in lasii xoojiyo hawlgalka Ciidamada AMISOM aay ka wadaan dalka Soomaaliya

Waxaa kale oo warbixintu tibaaxaaysaa sidii JQK aay u darsi lahayd suuragalnimada in Ciidamo ka tirsan Jamciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa oo beddela kuwa AMISOM loo diro dalka Soomaaliya.

Warbixintiisii ugu dambaysay ee Bishii Nofember ee sanadkii hore waxaa xoghayaha Guud ee JQK mr. Ban Ki-moon uu taxadar ka muujiyey in dalka Soomaaliya loo diro ciidamo JQK ka socda iyadoo aanay wax iska beddelin xaaladda nabadgalyo ee dalka Soomaaliya uu ku sugan yahay isagoo ka dayriyey xaaladda cakiran ee ku saabsan in xal siyaasi ah lagu furdaamiyo arrimaha murugsan ee dalka Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay sargaalka JQK u qaabilsan isku xirka hawlaha Bini aadannimo ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan (OCHA) waxaa dalka Soomaaliya ku sugan labo milyan oo qof ooaad u liita una baahan gargaar biniaadannimo in lala gaaro..

Waxaana sargaalkaas JQK warbixintiisa ku sheegay in shaqaalaha ka hawlgala dalka Soomaaliya iyo gawaarida kaalmada sidaba aay la kulmaan xayiraado aay kamid yihiin jidgooyooyin ,canshuuro iyo burcadnimo.Sidaas darted Guddiga Golaha Amnigu wuxuu ugu yeeray in dhammaan qaYBAHA KALA GADDISAN iyo Kooxaha hubaysanba aay ammaangaliyaan AMISOM iyo shaqaalaha gargaarka si loo gaarsiiyo kaalmada dadka dhibaataysan.

Abdifitahaam Ahmed
Email: abdifitahaam@hotmail.com

Booliska Gaalkacyo ayaa qabtay hub la sheegay in lagu taakulaynayey burcad badeed ka qaraabata xeebaha Somaliya.

Hubkan oo iskugu jiray qoryaha fudud, baasuukayaal iyo rasaastooda ayaa ciidanka booliska magaalada Gaalkacyo ka soo qabteen guri ka mid ah guryaha magaalada kadib markii la ogaaday in halkaasi lagula dhuumaalaysanayo qoryo iyo rasaas sharci darro ah sida uu idaacadda Daljir u sheegay isu-duwaha amniga gobolka Mudug C/nuur Maxamed Geesay.

Hubka iyo rasaasta ay soo qabteen ciidanka booliska degmadu ayaa lagu tilmaamay in uu ahaa mid ay wadteen kooxo burcad ah oo doonayey in ay ku taakuleeyaan burcad badeed afduub ku haysata maraakiib shisheeye meelo ka mid ah xeebaha maamulka Puntland, hase ahaatee ma jiraan wax kamid ah raggii hubkaasi wadtay oo ay ciidanku gacanta ku soo dhigeen.

Saanaddan ciidan ee maanta gacanta lagu dhigay ayaa isla maanta lagu soo bandhigay fagaaraha shirarka ee guriga gobolka, halkaasi oo ay ku sugnaayeen guddoomiyaha gobolka Mudug C/rashiid Caali Xaashi (dhuubane), wasiirka maaliyadda Puntland Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab), Duqa magaalada Gaalkacyo Axmed Cali Salaad, iyo mas'uuliyiin kaleeto, kuwaasi oo dhammaantood muujinayey in hubkani uu yahay mid la doonayey in lagu taakuleeyo buracad badeedda.

Md. Geesay, Isu-wadaha amniga gobolka Mudug ayaa idaacadda Daljir u sheegay in ay haatan ku dabo joogaan kooxdii hubkaasi wadatay, isla markaana ay doonayaan mar uun in ay maxkamad soo taagaan, waxaana soo qabqabasha hubkani ay ku soo beegmaysaa iyadoo dhawaan maamulka Puntland uu tilmaamay in si weyn loo adkeeyey ammaanka baraha koontarool ee Puntland laga soo galo.

Kulamo beeleed oo maalmahaan ka socday magaalada Galkacyo oo la soo gabo gabeeeyey.

Kulamadan oo maalmihii la soo dhaafay si isdabo joog ah uga soconayey hotel Galkacyo ayaa la soo gabo gabeeyey kadib markii la isla meeldhigay dhammaan waxyaabihii laga wada hadlayey oo ku saabsanaa ammaanka gobolka Mudug iyo hormar laga hirgaliyo gobolka taasi oo ku aaddan dhinacyada arrimaha bulshada oo inta badan la tilmaamo in gobolku ka dib dhacsan yahay marka loo eego gobollada kale Puntland.

Shirar beeleedadaan ayaa waxaa ka qayb galayey issimo, aqoonyahano, haween iyo waxgarad kaleeto oo aad u fara badan, kuwaasi oo is tusaalaynayey sida ugu wanaagsan ee looga dhaqeyn karo hormar gobolku uu yeesho waxaana sidoo kale ka mid ah waxyaabihii la isla soo qaaday intii kulanku socday soo xulidda xubnaha uga mid noqonaya golaha deegaan ee lagu wado in loo dhisso degmada Gaalkacyo, iyagoo carabka ku adkeeyey xubnaha ka mkid noqonaya golaha deegaanku in ay noqdaan kuwo lagu soo xulay aqoon iyo waayo aragnimo.

Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo ka mid ahaa issimada kulankaasi ka qayb galayey ayaa idaacadda Daljir uga warmay waxyaabaha ugu muhiimsanaa ee kulankooda ay diiradda ku saarayeen, wuxuuna sheegay in uu ahaa mid ka tarjumaya xaaladaha siyaasadeed dhaqaale iyo hormarineed ee gobolka Mudug balse uusan ahayn mid cidna lagu waxyeelaynayey.

Kulamadaan ku soo xirmay hotel Gaalkacyo ee socanayey mudda dhowrka maalmood ah ayaa ku soo beegmay iyadoo dhawaan maamulka gobolka Mudug iyo kan degmaduba ay soo saareen go'aamo ay ku mamanuucayaan shirarka gooni goonida loo qabto ee uusan maamulku la socan waxaana sidoo kale mugdi kaga jiray kulamadaan qabaa'ilada kale ee dega gobolka taasi oo ka danbaysay kadib markii saxaafadda laga dheereeyey waxyaabihii kulamadu ku saabsanaayeen.

bashiir cumar cali
bashiir137@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 21, 2008

bosaso

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

DEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....

Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland. Warbixinta ka akhri halkan...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com