SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Cudur maskaxeedka loo yaqaan ”Autism” oo ku soo badanaaya caruurta soomaaliyeed ee qurbaha.

Hordhac 

Cudurka ku dhaca maskaxda qaybaheeda kala duwan ee loo yaqaan ”Autism” ayaa si aad iyo aad ah ugu soo badanaaya caruurta soomaaliyeed ee ku dhaqan qurbaha. Arinkan ayaa saxaafada caanka ah ee mareykanka iyo yurub ay bilihii lasoo dhaafay aad wax uga qoreen. Waxaan qoraalkan ku soo qaadan doonaa laba baaritaan oo kasoo baxay wadanka mareykanka iyo sweden. Balse inta aanan u gelin baaritaanadaas waxaan waxyar ka sheegaynaa waxa uu yahay cudurkani iyo sida uu maskaxda u waxyeeleeyo. 

Cudurka maskaxda ku dhaca ee autism-ka  waxaa uu waxyeelaa qaybo muhiim u ah maskaxda. Taasi waxaa ay keentaa in qofka cudurkani qabaa aanu sameyn karin xiriirka caadiga ah ee uu la yeelan karo dadka kale. Qofka cudurkaan qabaa waxaa uu leeyahay dhaqan gaar ah oo ka duwan midka dadka caadiga ah. Cudurkani waxaa uu ku dhacaa caruurta gaar ahaan inta aaney gaarin saddex sanno jir. Caruurta cudurkaan qabaa waxaa ay dunida ka haystaan aragti ka duwan midka caruurta caafimaadka qabta.Caruurta qaba cudur maskaxeedka autism-ka waxaa ay u baahan yihiin kaalmo dheeraad ah si ay u fahmaan waxyaalaha ka dhacaaya aduunka inagu wareegsan.

Tusaale ahaan, ilmaha caafimaadka qabaa waxaa uu si sahal ah isugu xiri karaa xiriirka ka dhexeeya qosolka iyo farxada. Balse ilmaha qaba cudurka autism-ka waa ku adag tahay inuu labadaas arimood isku xiro. Caruurta cudurkaan qaba siyaabo kala duwan ayaa calaamadihiisu uga soo baxaan. Qaar baa hadalku ku adag yahay, qaarna maba hadlaan, qaarbaa socodku dhibaa ama si gaar ah u socda. Fahamka caruurtaas ayaa isgana aad waxyeelo u gaartaa, taas oo keenta iney u baahdaan iskuulo gaar ah.Cudurkan autism-ku waxaa uu leeyahay heerar kala duwan, waxaa jira mid sahal ah, mid meel dhexaad ah iyo mid aad u daran. Ilmaha uu ku dhacaa dudurkaan waxaa ay badankood u baahdaan caawinaad joogto ah. 

Baaritaano la sameeyey 

Maqaal dheer oo ku soo baxay joornaalka la yiraa Dagens nyheter ayaa waxaa uu aad uga hadlay cudur maskaxeedka autism-ka. (http://www.dn.se/DNet/jsp/polopoly.jsp?a=804604)

Cudurkaas oo aad ugu soo badanaaya wadanka sweden. Maqaalku waxaa uu salka ku hayaa baaritaan ay sameeyeen laba dhaqtar oo iswiidhish ah oo lakala yiraa; Susanne Bejerot iyo Mats Humble, Labadan dhakhtar waxaa ay qoraalkooda si gaar ah ugu magacaabeen in caruurta soomaaliyeed ee ku dhaqan sweden ee cudurkan qabaa ay aad usoo badanayaan.  

Waxaa ay yiraahdeen dhaqaatiirtu: “cudurkani kolkii uu ku batay caruurta soomaalida ah ee dalkaan ku dhaqan ayaa waalidiintu waxaa ay u bixiyeen; cudurkii sweden” 

Dhaqaatiirtu waxaa ay baaritaankooda ku sheegeen in cudurkani uu ku badan yahay caruurta soomaaliyeed ee ku nool qurbaha kolkii la garab dhigo kuwa ku nool wadanka soomaaliya. Sababahaan soo socda ayaa ka mid ah arimaha dhaliyey in caruur badan oo soomaali ah uu ku dhaco cdurkan autism-ka ayey dhaqaatiirtu yiraahdeen. 

  • Viitamiinka D ee meelaha laga helo ay ka mid tahay iftiinka qoraxda ayaa ku yar caruurta soomaalida ah. Guud ahaan wadanka sweden oo ku yaala cirifka waqooyi ee yurub ayaa waxaa aad u yar bilaha la helo iftiinka qoraxda. Iftiinka qoraxdu waxaa uu dhisaa qaybaha kala duwan ee lafaha. Dadka jirkoodu madow yahay ayaa u baahan iftiin qoraxeed aad u badan si jidhkoodu u sameeyo vitamiinka D. Waxaa kaloo qofku ku heli karaa viitamiinkaas muhiimka ah isagoo cuna noocyada kala duwan ee kaluunka. Weliba kaluunku waa inuu noqdaa mid baruur leh. Jirka oo uu ku yaraado ama aan haysan viitamiin D waxaa kale oo uu keenaa in qofku isku buuqo (depression). La aanta vitamiin D waxaa kale oo uu horseedaa cuduro kale sida; kuwa ku dhaca wadnaha, lafaha oo aad u jilca iyo weliba cudurka kaadi macaanka (diabetes).
     
  • Isbedelada kala duwan ee ku dhaca degaanka ayaa iyaguna noqon kara qayb ka mid ah sababaha keena autism-ka.
     
  • Sabab kale oo aaney soo qaadan dhaqaatiirtani balse lagu soo qaatay baaritaano kale ayaa cudurka autism-ka ka dhigeysa mid dhalaxtooyo. Joornaalka wax ka qora arimaha sayniska ee la yiraa: the journal Science ayaa baaritaan uu sameeyey waxaa uu kaga hadlay waxa la yiraahdo “shared ancestry to autism” Taas oo loola jeedo cudurada ay suurta galka tahay iney qaadaan caruurta ay iska dhalaan dadka qaraabada ah ee is guursada. Baaritaano lagu sameeyey ilmo ay dhaleen dad badan oo qaraabo isu dhow ah ayaa waxaa laga helay noocyo ka mid ah cudurkan autism-ka.

    Baaritaan kale oo ay sameysay haweeney joornaaliiste ah isla markaasna wax ka dhigta iskuulada Minneapolis ee wadanka mareykanka ayaa baaritaan dheer iyo qoraalba ka sameysay cudurkan autism-ka oo fara kulul ku haya caruurta soomaaliyeed ee ku dhaqan guud ahaan wadanka mareykanka gaar ahaana minneapolis. 

Naagtaas baaritaanka sameysay oo magaceeda la yiraa Elizabeth Gorman yiraa ayaa waxaa ay aad isu weydiisey sababta keentay in caruurta soomaaliyeed ee qaba cudur maskaxeedka autismku ay ku soo badanayaan minneapolis.

Qoraalka gabadhaan oo dheer ciwaana looga dhigay:

“A mysterious connection: autism and Minneapolis' Somali children”  
waxaad ka akhrisan kartaa ciwaankan soo socda: (http://www.minnpost.com)  

Maxaa inala gudboon? 

Haddaba suŕasha isweydiinta mudani waxaa weeyaan : Maxa inala gudboon?

Suŕal kasta waxaa ay ku haboon tahay in la weydiiyo, baaritaankeedana loo xilsaaro dadka aqoonta gaarka ah u leh. Sidaas darteed arintani waxaa ay u taalaa dhaqaatiirka soomaaliyeed ee takhasuska iyo cilmiga u leh cudurkaan aan kor kusoo sheegnay.  

Aniga oo ah isu soo duba diraha qoraalkaan wax cilmi ah haba yaraatee uma lihi arimaha caafimaadka. Balse waxaan ahay dhaqaale yahan iyo macalin. Waxaan iska xilsaaraa kolba intii aan ka gaaro inaan bayaamiyo waxyaalaha ku saabsan arimaha bulshada, anigoo rajeynaaya iney bilow u noqoto baaritaan ay sameeyaan dadka arinka cilmiga u leh. 

Cudurkaan Autism-ka waa mid haddii aan nahay soomaali aynaan u lahayn cilmi badan isla markaasna aynaan ka haysan wax khabaar ah oo badan.

Waxaa ay u badan tahay inuu mugdi badani inagaga jiro waxyaalaha lagu garto cudurkaan, sidii loo barbaarin lahaa ilmaha cudurkan qaba iwm. Taas waxaa kasii daran ineynu weli cudurada qaarkood u aragno kuwo ceeb ah oo aan la sheegin. Inagoo weliba ogsoon wax walba in eebaha awooda lihi keeno. 

Haddaba waxaan ku dhiiri gelinayaa dhaqaatiirka soomaaliyeed iyo ardayda soomaaliyeed ee barata culuunta caafimaadku iney il gaar ah ku hayaan cudurkaan ku fidaaya caruurteena. Isla markaasna ay isku dayaan iney baaritaano gaar ah ku sameeyaan. Arintaas waxaa lala kaashan karaa dhaqaatiirta ajnebiga ah ee horay u baartay. 

Mahadsanidin

cabdirisaqC/risaq Maxamed Xuseen
Eskilstuna, sweden
habdirisak@hotmail.com

2002: Dhakhtar Sheegay in Cudurka Sonkorowga oo Ku Soo Badanayo Soomaalida Maraykanka....

Faafin: SomaliTalk.com |  July 25, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS