Xalka Jubbooyinku waa Sahal
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed
korkiisa ha ahaato.
Soomaalideennu ma ineynu kulligeen miyi joogno beynnu isu
heysannaa? Goormaa magaalooyinka Soomaaliyeed lakala xigi jiray
degitaankooda? Magaalo kasta haddii la tiriyo qolaa u
badnaaneysa. Waa haddee magaalo kasta!
Xalka maamul-sameynta magaalooyinka Soomaaliya waxaa adkeeya
waxa loo yaqaan dhacdhac-raadin, tuubbo-gashi ama dheh boob iyo
eex. Waxaa dadka u qaataan qofkii Kismaayo loo magacaabo inuu
noqonayo Barre-hiiraale iyo Moorgan oo kale oo ka dhigta
magaalada gurigii hooyadood. Markaan leeyahay guriga hooyadood
waxaan ka wadaa waxayba u heystaan xaq ay lahaayeen inteysan
dhalan ka hor! Laakiin haddii la ogaado qofkii guddoomiye gobol
laga dhigo ama dekedda loo dhiibo ama garoonka diyaaradaha inuu
qaadan doono mushaar keliya oo uusan isna wax xadi karin; sidoo
kalana cid kale wax u tari karin ma filayo in la isku qabsan
lahaa jagooyinkaas. Soow ma aragtid xitaa haddii hal qabiil loo
dhiibo jagooyinkaas, micno saas ah ma la haaneyso. Haddaan
talada wax ku lahaanlahaa waxaan wax u dooran lahaa sidaan oo
kale:
- Guddoomiyaha Jubbooyinka Gaal-jecel
- Madaxa dekedda Cowro-maleh
- Madaxa garoonka diyaaradaha Shiikhaal
- Guddoomiyaha Kismaayo Sade
- Taliyaha ciidanka Jubbooyinka Kablalax
Shaxda kore waa iska tusaale ee kaliya waxaan rabaa in
qolooyinkii laga xigsan jiray maamulka ay hadda horboodaan.
Waxaan saa u yeeleynaa waa iyadoo hadda laga bilaabo haddii
Ilaah idmo ay dhammaatay naasnuujin marka qofka madaxda ahi
waxba cid uma tari karo. Inkastoo beeshii meel looga badan yahay
aysan micnaheedu ahayn iney beel yar tahay ayaan haddana
jagooyinkaas ugu doortay dadka maamulka laga xigsan jiray ama
laga badan yahay. Kablalax! Markii dagaaloogayaashu joogeen lama
maqli jirin magacaas. Marka haddiiba magacaas la isticmaalo
waxaa muuqaneysa in dadka wadaada sheegta isu imaan karaan
dhexdooda sidoo kalana Soomaali isu keeni karaan. Waxaan
ciidanka ugu doortay Kablalax waa anoo la raba iney maskaxdooda
ka saaraan dhac, boob iyo eex sidoo kalana ay isu diyaariyaan
iney naftooda u huraan isbaarooyin-la-dagaal, cadow-ka-hortag,
Soomaali-isu-keenid iyo caawinta dariskooda u baahan garabkooda.
Dal-xoreeyayaashu iyagu qabiil ma leh mana aha dad qabiil metela
ee waa dad dar Ilaahay u wax u xoreynaya.
Waxaan isu keeni lahaa Ugaasyada beelaha degga Jubbooyinka.
Waxaan mid kasta u diyaarin lahaa baabuur iyo waardiye. Iyaga
iyo dad culumo ah ayaan gole shuure ka dhigi lahaa. Culumaduna
dadkey wacyi gelin lahayd, ugaasyaduna wixii dhaqan ku saabsan
bey dadka u sheegi lahaayeen. Inkastoo dadku wada muslim yahay
haddana qofkii diinta jecel wuxuu maqlayaa culumada; qofkii
dhaqanka jecelna odayaasha. Marka ma jireyso meel cadow naga soo
galo.
Waxaa kaloo la sameyn karaa dad kale oo loo soo xulo guddi
fulin. Waxaa loo baahanyahay dhowr qof oo loo doorto arrimaha
siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, xiriirrada gudaha,
xiriirrada caalamiga, caafimaadka, beeraha, xoolaha & daaqa,
waxbarashada, ciidamada, taageeridda kacdoonka shacabka iyo
waxyaalo kale. Dadkaan waxaa fiican in lagu xusho aqoon sidoo
kalana ay ka yimaadaan Soomaali oo dhan. Maamulka Jubbooyinka ma
noqonayo kan Somaliland iyo Puntland oo kale oo cadow u shaqeeya
ee waa mid la rabo in dadka la isugu keeno oo cadowga looga
badbaado; dan Soomaaliyeedna lagu gaaro. Haddii la yiraahdo
dadka Jubbooyinka xukumaya yeysan soo galin qabiilada aan degin
Jubbooyinka ama ku yar haddee waxay noqoneysaa in Banaadir aysan
ka hadli karin dadkaan degin ama looga badan yahay. Laakiin
haddii Jubbooyinka ay jagooyinka ugu sarreeya ay ka qeybqaataan
qabiillooyinkii wax laga badsan jiray ama laga badanyahay waxaa
imaaneysa in wixii Banaadir joogaa ha badnaadeen ama halaga
badnaadee ay arrinteeda ka hadli karaan.
Wax badan baan maqalnaa Kablalax baa Kismaayo u badan! Sadaa
u badan! Qolaa kalaa u badan! Insha Allaah haddii xalkaas la
raaco waxaa imaaneysa is-aaminid iyo kheyr. Marka qofkii guryo
badan, beero ama ganacsi lahaa haddee hala idin ka arko laakiin
badnaan magaalo loo bato ma keeneyso in la qaato waxa dadka ka
dhaxeeya. Marka qabiilooyinka badnaanta sheeganaya haku
tartameen ganacsiga, beero-falasho, xoolo-dhaqato iyo
shaqooyinka kale laakiin yaan waqti lagu lumin deked iyo garoon
diyaaradeed maamul. Soow ceeb maaha in qabiilooyinku ku
tartamaan booli iyo dhac?
Marka culumadu dadka ka wacdido masaajidda oo ha u sheegaan
in la iska ilaawo dhaqankii reer miyiga (qeybtiisa xun baan
sheegayaa sida iyadoo ninku ka fekero hashiisa iyo hoygiisa oo
keliya). Hala tuso in dadku degennaan jireen Kismaayo iyadoon
dekedna lahayn sidoo kalana aysan garoonkeeda diyaarado badan
isticmaali jirin. Waa in dadka loo sheego in qof walba leeyahay
wixii Ilaahay siiyey ee aysan lahayn waxaa dadka u dhaxeeya.
Haddii dadku saas fahmo dhib uma arkayaan ciddii garoon iyo
deked xukunta xitaa hadduu qabiilkooda noqdo ileyn waxay ku soo
kordhin karaan ma jirtee. Waxaan ku talin lahaa in haddii
waqtigu saamaxo ugaasyada beelaha sidoo kale laga caawiyo
guryaha oo haddii loo farsameyn karo guryo loo diyaariyo. Bal
suureysta iyadoo maalin kasta culumaduna dadka u sheegeyso
diinta, odayaashuna dhaqanka. Odayaasha waa in loo qoro mushaar
oo ay maalin kasta iska soo xaadiriyaan maamulka gobolka. Waa
jeclaan lahaa in gobolka Gedana ku soo biiro. Haddii taasi
dhacdo waxaa loo gurman lahaa oo laga caawin lahaa iney maamul
sameystaan Shabeelada Hoose, Baay iyo Bakool. Dabadeedna
Banaadir, Shabeelada Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo dhulka kale
ee Soomaaliyeed. Maamul-dhiska noocaan ah waa Tigree-dumis.
Baydhabo keliya baa Tigree ka joogaa dhulkaas oo haddii maamul
loo sameeyo wey baxayaan haddii Ilaah idmo.
Ma khiyaali bey idiinla muuqataa? WALLAAHI saacado baa lagu
fulin karaa waxaan kor ku xusay haddii la yeelayo. Haddii kale
fikradda aan qabno baan ku dhimaneynaa –annagaa Kismaayo leh.
Teeda kale qabiilka waa loo dhashaa laakiin guri, beer ama hanti
qof leeyahay qabiil laguma helo. Marka dadka waxaa iska
shabbahay maamulka iyo musuqmaasuq. WALLAAHI waxaa loo ordayaa
oo la isku heystaa oo xalku u adkaaday waa dhac, boob, eex iyo
amar-k-taagleyn raadin. Haddii musuqmaasuqu suulo ma jireyso cid
jago dekedeed u hanqal taageysa.
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Annaga
Maxkamadaha ah baa ugu Badneyn wixii Kismaayo Qabsaday (Ibraahim
Shukri iyo Indho-cadde) Akhri....