w w w . S o m a l i T a l k . c o m
AAFADA BAD-GARIIRKA
Daabaco Boggan | Print


Aafada Bad Gariirka
Iyo Barakaca 50,000 oo Soomaali ah



Burburkii badgariirka ee degmada Xaafuun
Somali houses are seen destroyed at the coast line of Hafun District in the north of Somalia in this picture released by World Food Program, taken on December 30, 2004. An estimated 30,000 to 50,000 Somalis need immediate relief aid in coastal towns devastated by waves whipped up by an earthquake in Asia, as efforts to rush relief food to Hafun, one of the worst-hit towns, have been held up because waves washed away the road to it, and diseases are now starting to take hold, the U.N. World Food Program (WFP) said in a statement. Picture taken December 30, 2004.       REUTERS/WFP Thomas Thompson/Handout
Guryaha Soomaalida ee burburay, degmaad Xaafuun | Sawirka Dec 30, 2004 | WFP
In this photo released by the World Food Programme is an aerial view of Xaafun District in the north of Somalia, Thursday, Dec.30, 2004, where 12 people died and some two hundred houses were destroyed by deadly tidal waves last Sunday.  A total of 132 people are recorded dead in Somalia following the magnitude 9.0 quake off Indonesia.(AP Photo /Thomas Thomson, World Food Programme))
Burburka Guryihii Xaafuun | Sawirka Dec 30, 04 | WFP

Xaafuun oo biyo qariyeen guryihii | Sawirka waxaa qaaday WFP December 30, 2004

Burburka Xaafuun ee badgariirkii


| Xigasho www.repubblica.it
Wararkii Aafada Bad Gariirka

26/12/2004 ayaa badgariir aad u lixaad badan waxa uu ka soo bilowday dalak Indonesia, kaas oo gaarey kaas oo soo gaarey ilaa Soomaaliya, waxaaan la sheegay in badgariirkaasi uu ilaa hada galaaftay 125,000 oo qof.


Eng. Abshir

27/12/2004 ayaa Eng. Abshir Muuse Siciid oo ka mid ah Musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynanimadda PL baaq ka soo saaray magaaladda Garoowe, kaas oo ugu baaqay dhamaan hay’adaha samafalka, ganacsata, culumada diinta, aqoonyahanada ,waxgaradka iyo caalamkuba in ay u sameeyo gurmad dadkaa ku wax-yeeloobey dhibaatada ka dhacday xeebaha badweynta hindiya ee soomaaliya dadkaas oo ay soo gaartey dhibaato isugu jirta hoyla'aan ,hu'la’aan, cuntola’aan iyo waliba xagga caafimaadka.
[Akhri halkan...]


Dr. Gagaab

27/12/2004 Warsaxaafadeed uu Garoowe ku qabtay Madaxweyne kuxigeenka DGPL Maxamed Cali Gaagaab ayuu ku sheegay in Magaalooyinkaa iska Tabar darnaa oo usan Gaarin Xiriirka wax qabad ee Hay,adaha iyo Maamul ayaa Madaxweyne ku xigeenka uu ku sheegay Warbixinada ka soo gaaraya in ay sheegayaan in aan la hayn tiro dhaba lakiin ay hayaan tiro aad u fara badan oo ah Dhimasho iyo Kuwo la waayay oo ilaa hada lagu jiro Baadi goob kuwa ka badbaadayna ay Hoy la,aan hayso oo Guryahoodii ay Biyaha Bada soo galeen.
[Akhri halkan....]

Somali Prime Minister Ali Mohamed Ghedi
Pro. Geedi

28/12/2004 ayaa Wasiirka koowaad ee Dowlada FKMG ah ee soomaaliya Cali Maxamad Geddi waxa uu shir ku qabtay magaalada Nairobi kaas oo uu kaga hadlay khasaarihii ay gaysteen mowjadihii soo gaaray bariga afrika waxyeeladana ugu gaystay meelo ka mid ah soomaaliya dad rayid ah ay ku dhinteen, qaar kalena lagu la’yahay wali, waxana uu caalamak ka dalbay in ay gargaar l agaaraan Soomaaliya. Waxana uu xusay in masiibadani ay asiibtay guud ahaan Bada Soomaaliya oo dhan isagoo tiriyay Goobo badan ay ka mid ahaayeen Xeebaha Hobyo, Banaadir, Baraawe, Garacad, Xaafuun, Ceelmacaan iyo deegaano kalle. 
[Akhri halkan....]


Shir

29/12/2004 ayaa waxaa shir ku yeeshay Xafiiska Madaxtooyada DGPL ee Garoowe Madaxweyne Ku xigeenka DGPL oo uu hormuud u yahay Wasiirada Maamulka DGPL Qaarkood iyo Xubno ka mida Hay,adaha Samafalaka ee ku sugan Garoowe Qaarkood, Shirkaa ayaa loogaga hadlaayey sidii loogu gurman lahaa Dadkii ku waxyeeloobay Fatahaadii Badaha Hindiya ee Xeebaha Puntland. Shirkaa ayaa lagu xulay Kooxo isugu jira Maamulka DGPL iyo Hay,adaha waxaa iygana Gadaal looga Daray oo markay waydiyeen loo Ogolaaday Wariye yaasha Radio iyo kuwa madaxa banaan in ay ku soo Sameeyaan Qiimayn waxyeeladii gaartay Dadkaa iyo inta Dhibka le,egyahay. Kooxahaa oo Bari Subaxnimadii lafilayo in ay u kicitimaan Goobahaa.
[Akhri halkan...].


chancelor

29/12/2004 ayaa telefishanka caalamka kala hadlay Chancelorka dalka Jarmalka Mr Gerhard Schroeder, waxana uu sheegay in "dalkaasi Soomaaliya ay aafadu kawayntahay sida markii hore lamooday, waxaan codsanayaa in soomaaliya gurmadka iyadana lalagaadho, aadna loogu kuurgalo khasaaraheeda iyo qaabka waxloogu qabanaayo.."
 [Akhri halkan.....]

30/12/2004  Qoraal kasoo baxay madaxa Ururka Saaxiibtinimada Canada iyo Soomaaliya, Faarax Maxamuud Aw-Cismaan, ayaa sheegtay in dhamaan ay tirtirmeen aqaladii ku oolaa magaalada Raas-Xaafuun oo ahayd gacan (golf) dhexgala bada kaas oo markii badu caaridana ay gawaaridu geli jirtay magaalada marka ay bada soo buuxsantana ay magaaladu noqon jirtay jasiirad oo kale. (waa sida xeebtii jaziira iyo qabriga Gendershee). Waxaa kaloo waxyeelo aad u wayni gaareen dhamaan magaalooyinka saaran xeebaha bada Hindiya sida Baargaal Hurdiyo, Bandarbayla, Eyl, Garacad, Hobyo, Mareeg, Cadale, Xamar, Marka, Ceel Axmed,  iwm..  Dadka guud ahaan marka la isku daro Soomaaliya oo dank u nafwaayay waxaa ilaa hada la xaqiijiyay 200 waxaa ilaa iminka la’layahay kaluumaysato gaaraysa ilaa 60 , dadka ku baro kacay ama ku guryo beelay waxay gaarayaan ilaa 60, 000 oo qof. 
[Akhri halkan...]

30/12/2004 oo ahayd Khamiis ayey hay'adaha samafalku bilaabeen in ay dhanka hawada ka soo kormeeraan sida ay xeebaha Soomaaliya dhibaatadu uu gaartey, xeebta ugu daran waa ilaa 600-mile oo ku teedsan badweynta Hindiya, gaar ahaan dhanka woqooyi bari ee Soomaaliya. Waxaana wararku tibaaxeen in meesha ugu daran ee badgariirku aafeyey ay tahay magaalada Xaafuun [Sawirada sarena ha'adaha aya diyaarad kusoo qaaday].
[Akhri halkan....]

31/12/2004 ayaa la sheegay in tirada Soomaalida kaga dhintay badgariirkii dhacay Axadii (26/12/2004) in ay gaarayaan ilaa 132 qof. Waxaase taas ka dambaysay in saakay la sheegay in tiradaasi ay gaartey ilaa 200 qof.
[Akhri halkan....]

01/01/2005: Afhayeenka Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Bari bari) oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa saxaafadda u xaqiijiyey in kulan dheer oo ay shalay yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya, Ra'iisal Wasaaraha iyo Afhayeenka baarlamaanka ay isla garteen in maadaama loo baahan yahay in si dhaqso ah loo soo dhiso golihii xukuumadda DFKMG ah aanay suurtageli karayn in wefdigii booqan lahaa xeebaha Soomaaliya ee dhibaatada badweynta Hindiya soo gaartey uu ka mid noqdo Ra'iisal Wasaare Geeddi balse loo diri doono halkaas wefdi ka kooban 5 xubnood oo ka socda baarlamaanka KMG ah ,iyagoo Talaadada ama Arbacada u kicitimi doona halkaas
[Akhri halkan....]

1/1/2005 ayaa Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobey ahna ku xigeenka madaxa gargaarka oo lagu magacaabo Tomson iyo madax kale oo uu hoggaaminayo ayaa ka soo dagay Gagida diyaaradaha ee magaalada Boossaaso. Waftigan waxaa safarkooda ku weheliyay Wasiirka Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga Cali Cabdi Awaare oo kala soo socdaalay magaalada Nairobi ee dalka Kinya kadib markii uu halkaasi si kadisa ah ugu ambabaxay si loogu gurmado dadkii ku barakacay duufaan badeedkii waxyeeleeyay degmooyin ka mida Gobolka Bari...
[Akhri Halkan...]

Email: aafadabg@somalitalk.com
Web: www.Somalitalk.com/aafadabg


 

Faafin: SomaliTalk.com |  Janaayo 1, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH



HTML CD