w w w . S o m a l i T a l k . c o m
AAFADA BAD-GARIIRKA
Daabaco Boggan | Print


Masaajidyada Ka badbaadey Aafada Bad-Gariirka

  • Soo ururintii iyo Tarjumadii Bahda SomaliTalk.com


Gobolka Aceh: Sawirka laga qaaday Badgariirka ka Hor iyo Ka Dib

Sawirka sare waa badgariirka ka dib, waxaan ala qaaday Dec 29, 2004
Sawirka labaad waxaa la qaaday Jan 30, 2003
Eeg Sawirada oo weyn

 

Aafadii Bad Gariirku waxa ay burburisey magaalooyin dhan oo ku yiil cirifka jasiirada Sumatra ee dalka Indonesia, gaar ahaan BANDA ACEH.

Laakiin marka la eego xeebta ay sida ba'an u burburisey aafadaasi waxaad ku arkeysaa dersin Masaajidyo ah oo weli ka taagan, kuwaas oo minaaradooda ay si cajaa'ib ah qorraxdu u ifineyso - arrintan badbaadada Masaajida ee gobolka Muslimka ah ayaa lagu tilmaamay mid xagga Rabi ka ahaatay, Sidaas waxaa qoray hay'adda wararka ee Faransiiska oo lagu magcaabo AFP.

"Allah gacmihiisa aan bini aadamku arkayn ayaa Masaajida ka badbaadisey burburka" sidaas waxaa yiri Mukhlis Khaeran oo arkayey duufaantii oo xaaqeysa gebi ahaanba tuuladii uu degganaa ee lagu magcaabi jirey Baet oo ah duleedka magaalada magaalada Banda Aceh ee jasiiraadda Sumatra, laakiin Masaajid ku yaal meel xaafadiisa ah aysan duufaantii waxba yeelin oo Masjidkaasi uu u taagan yahay sidii uu ahaa aafada ka hor.

"Allah wuxuu nagu ciqaabay isla-weynidanada iyo damac weynidanada, wuxuuna Allah badbaadiyey Guriyihiisa (masaajida)" ayuu yiri Khaeran oo la hadlayey AFP, ninkan oo ay ka muuqatey dhaawac kasoo gaarey gacanta, waxaana gobolka Aceh aafadaas bad-gariirku ku dishey ilaa 100,000 oo qof.

Hay'adda AFP oo faallo ka bixineysey Masaajida ka badbaadey  aafadaas waxa ay qortay in: Masaajidu yihiin waxa aad maalin kasta ku arkeysid dalka Indonesia, gaar ahaan Aceh oo ah meeshii uu Islaamka ka soo galay jasiiradaha isku xiriirsan ee hadda noqday waddanka adduunka ugu Muslimka badan.

Inkasta oo ay muddo ku halgamayeen in ay xorriyad gaar ah qaataan, Aceh, oo qaybo kamid ah lagu xukumo sharcada Islaamka, waa meesha ubucda (ama xudunta) u ah Islaamka Indonesia, waxana badankeeda lagaga dhaqmaa fahamka diinta Islaamka oo khafiif ah, ayey tiri AFP oo ku dartay: Xadka iimaanka Aceh iyo wadamada ku xeeran badweynta Hindiya waxaa la tijaabiyey December 26keedii markii dhulgariirkii ka dhacay ubucda baddu uu soo saaray qalcado biyo ah oo burburiyey xeebaha, xaaqyna wax kasta oo ku beegnaa wadada ay marayeen mowjadahaasi.

Masaajida oo Loo Raadsadey Gabbaad:::

Boqolaal qof ayaa Masaajida u raadsadey gabbaad iyo in ay Allah halkaas ku baryaan. Waxaa aafadii bad-gariirka ka badbaadey Masaajidyadii.

Tuulada Kaju oo ku taal meel duleedka ka ah magaalada Banda Aceh, boqollaal guri ayaa aafada bad-gariirku xaaqday, laakiin Masaajidkii halkaas ku yaaley sidiisii ayuu u taagan yahay, waxaa keliya oo Masjidkaas soo gaarey dildilaac yar oo derbiyada ah. "Waxaa jirta maahmaah ay leeyihiin dadka dega gobolka Aceh (ama reer Aceh) taas oo ah: Madaadidku waa gurigii Allah, wax burburin karaa ma jiraan oo aan Allah ka ahayn" Sidaas waxaa yiri Ismail Ishak oo 42-jir ah oo qodayey daad-xoorta tuuran gurigiisii burburay halkaas oo uu ka baarayey toddoba qof oo ehelkiisa ah.

Tuulada Pasi Lhok, oo 20 km (12 miles) bari ka xigta magaalada Sigli oo ku taal woqooyiga Aceh, 100 qof oo aad u argagaxsan ayaa gabbaad u raadsadey Masaajidkii xaafadooda, boqolkaas qof dhammaantood waa badbaadeen, laakiin ku dhowaad dhammaan guryihiis shan tuulo oo halkaas ku xeernaa waa baaba'een, sidaas waxaa sheegay Teungku Kaoy Ali.

Magaalada Meubolah oo ku taal galbeedka Aceh, taas oo in kayar 150 km (95 miles) u jirta ubucda bad-gariirka, halkaas oo ay ku habsadeen mowjadaha ugu xooga weyni, ayna ku dhinteen ugu yaraan 10,000 oo qof, Masaajidyadii waxay u taagan yihiin sidoodii, ayagoo ka dhex taagan bartamaha magaalada dhulka la siman.

Magaalada Banda Aceh nin deggan oo magaciisa la yiraahdo Achyar waxa uu yiri: Markii aan arkay mowjadaha oo xoog uga soo boodaya badda wixii ugu horeeyey ee maskaxdayda ku soo dhacay wuxuu ahaa in aan cagaha wax ka dayo ilaa aan gaarayo Masaajidka iigu dhow. Waxaan fuulay fiiqda ugu saraysa Masjidka, waxaana qabsaday fiilooyinka korontada ilaa biyihii dib u laabteen". Waxana uu intaas ku daray "In badan oo saaxibaday ah, oo badankoodu yahay Shiine waa dhinteen waayo waxay fuuleen dabaqa labaad ee dukaamadooda halkaas oo biyihii ku hafiyeen".

Magaalo ka tirsan Aceh oo ay deganaayeen 40,000 oo qof, kala bar oo bar magaaladaasi waa burburtay, waxaadna arkeysaa in dad lagu qiyaasay 100 qof ay xeebta burbursan cunto ka baadi goobaya. Xaafad kamid ah magaaladaas Masaajid ayaa ah guriga keliya oo ka taagan.

Magaalada Kuede Teunom, oo ku taal meel 68 miles koonfur-bari ka xigta magaalada Banda Aceh, gebi ahaanba waxaa loo kala garan waayey in ay magaalo ahaan jirtey iyo in kale, laakiin dhawr Masaajid oo magaaladaas ku yiil wax xarriiq ah ma soo gaarin oo sidoodii ayey u taagan yihiin. Masaajid kale ayaa la sheegay in saqafkii iyo Minaaradii ay sidoodii yihiin, laakiin ay Masjidka ka buuxsantey dhoobo.

Haddii arintaas Masaajida badbaadey lagu tilmami laha in ay sabab u tahay dhismayaashooda oo adag, waxaa taas beeniyey Masaajid ku yaal Sigli kaas oo ka dhisnaa looxyo, laakiin sidiisii u taagan oo aan duufaantii wax xarriiq ah soo gaarsiin, in kasta oo dhammaan dhismayaashii ku xeeraa ay burbureen ama xaaqmeen.

Masaajid weyn oo ku yaal Banda Aceh oo lagu magcaabo Baiturrahman oo qayb kamid ah uu soo gaarey dildilaac, waxa uu noqday meesha gabbaadka rasmiga ah u noqota dadkii ka badbaadey aafadaas.

Masaajidu waxay noqdeen meelaha laga raadinayey saaxibadii iyo qaraaabadii ka badbaadey aafada iyo goobo laga dhigay meel dadka lagu daweeyo iyo meelo meydka lagu soo uririyo.

In kasta oo laga yaabo in badan oo magaalada Banda Aceh ah ay muddo bilo ah burbursanaan doonto, hadana dadka halkaas deggani waxay bilaabeen in ay xaqiijiyaan in masaajidka Baiturrahman uu noqdo meesha ugu horeysa ee dayac tirka lagu sameeyo.

Axadii la soo dhaafay ayey ahayd markii ugu horeysey ee 300 oo kamid ah dadkii aafada ka badbaadey ay Jamaaco ku wada baryaan Allah - taas oo ah tallabada ugu weyn ee ah bilowga waqti dheer oo kasoo kabasho ah ayey tiri AFP.

Jariidada Newsweek caddakeeda soo bixi doonta Janaayo 10, 2005 [oo hor dhac lagaga soo qoray MSNBC] oo ka warbixinaya aafadii bad-gariirka ayaa qoray in magaalada Aceh Masaajid ku yaal oo weli taagan, inkasta oo Minaaradu dilaacday, uu yahay Masaajid la dhisay qarni ka hor. Masaajidkaas oo ahaa xudunta dhaqdhaqaaqii dhanka ka ahaa Dutch-kii gumaysan jirey Indonesia. Markii aafadani dhacdayna masjidkaasu uu noqday goobta gabbaadka u noqotay dad badan. Indonesia waxay ka kooban tahay 17,000 oo jasiiradood, kuwaas oo laga deggan yahay 6,000 oo kamid ah.

War ay hay'adda Reuters ka soo werisey magaalada Banda Aceh ayaa sheegay in ay halkaas ka dhacday arin lagu tilmaamay mucjiso. Qisadaas oo ay ka sheekaysay Haiwati oo ah 38-jir uur leh, una dhoweyd fool, waxa ay tiri:

Masaajida Indonesia

Aniga iyo labo wiil oo kamid ah afartayda carruurta ah waxaan joogney guriga markii ay magaalada Banda Aceh ka dhacday aafada bad-gariirku 26/12/2004, markii biyihii soo burqadeen waan cararnay ilaa aan gaarney Masaajid agtiis, halkaas markii biyihii ku soo dhowaadeen ayaan ka sii cararnay, walaashay ayaana gacanta horay usii qabatay labadaydii wiil midka 10-jirka ah, anigii iyo wiilkayga 7-jirka ayaa sii orodnay, laakiin biyihii ayaa nasoo gaarey oo na qaaday, nasiib wanaag waxay biyihii na dhex geliyeen Masaajid, markii biyihii masaajidka soo buuxiyeen ilaa qoortayda ayaan wiilkayga kor u qaaday ilaa aan garbaha saaray, markii aan nafta u yaabnay ayaa biyihii dib u laabteen oo yaraadeen, Markaas ayaan masaajidka kasoo baxnay, koox rag ah ayaa na caawiyey oo markaas nasaaray saqafka. Markii biyihii dib badda ugu laabteen nasiib wanaag walaashay iyo wiilkaygii 10-jirka ahaa waxaan ka helay Masaajid kale oo ay gabbaad ka dhigteen halkaas oo ay ku badbaadeen. Laba maalmood ka bacdi waxaa yimid ninkayga oo markaas shaqo ugu maqnaa magaalada Calang [magaaladaas oo la sheegay in dadkii ku noolaa ay ka badbaadeen 30% oo keliya], waxana uu yimid xaafadii aan deganayn aageedee, markaas ayaa loo sheegay in aan Masaajidka gabbaad ka dhiganay, sidaas ayuu nagu helay. Kaddib wiilkayga ugu weyn oo 17-jirka ah ayaa yimid, waxa uu aafada bad-gariirka kaga cararay Mooto-dhug-dhugley isaga iyo saaxiibkiis. Wiilkayga Afraad wuxuu markii aafadani dhacday ku maqnaa magaalada Medan oo ku taal Woqooyiga Sumatra". Sidaas ayey hooyadaasi ku heshay qoyskeedii oo dhan.

Indonesia keliya ma ahan dalalka laga soo sheegay in Masaajidu badbaadeen, Sidaas oo kale ayaa ka dhacday dalalka kale ee aafadani gaartey.
MASAAJIDDA SOOMAALIYA

Saddex Qolo oo ka dambeeya ka ugaarsiga Masaajida Soomaaliya

Thailand: Magaalada xeebta ah ee Kamala Beach waxaa burburay dhismayaashii laakiin Masaajid halkaas ku yaal xataa wax xarriiq ah ma soo gaarin. Yunnis Hussein oo kamid ah dadka magaaladaas deggan waxa uu yiri "haddii aad fiirisid magaalada waxaad ku arkeysaa in dhibaato badan soo gaartey dhinac kasta, marka laga reebo masaajidka. Allah ayaa badbaadiyey Masjidka".

Sri Lanka: Degmada Kalmunai oo ah meel ay Muslimiintu ku badan yihiin, waxaa mucjiso noqotay Masaajid aad u baadax weyn oo ku yaal xeebta in uu ka badbaadey aafadii bad gariirka.

India degmada Cuddalore (Tamil Nadu), masaajidyada ayaa noqday meesha gabbaadka u noqotay dad badan oo bara kacay.

Mucjisooyinka kale ee aafada bad-gariirka laga arkay gadaal ayaan kasoo qori doonaa insha Allah.

Email: aafadabg@somalitalk.com
Web: www.Somalitalk.com/aafadabg


Dhibaatooyinka aafada bad-gariirka kasoo gaarey Soomaaliya

Inta aynaan u gudbin wararka ku saabsan dhibaatooyinak Soomaaliya ka soo gaarey aafada bad-gariirka, waxaan idin xusuusineynaa in aad wixii aad awoodaan ugu deeqdaan walaalihiina Soomaaliya aafadani ku wax yeelaysan, kuwas oo lagu qiyaasay 50,000 oo qof oo ku barakacay..  Soomaaliya iyo aafada bad-gariirka ... Guji...

»»Shirkada Dahabshiil oo Soo saartay Warsaxaafadeed
»»Shirkada Dalsan oo soo saartay Warsaxaafadeed

 


ISHA WARKA:
http://www.kansascity.com | http://www.channelnewsasia.com | http://www.hindustantimes.com | http://www.hindustantimes.com/ | http://msnbc.msn.com/ | http://www.alertnet.org/ | http://www.channelnewsasia.com/ | http://news.google.com/ |

Faafin: SomaliTalk.com |  Janaayo 4, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH



HTML CD