w w w . S o m a l i T a l k . c o m
AAFADA BAD-GARIIRKA
Daabaco Boggan | Print



Muslimiinta Indonesia oo Ka Digey Carruurta Muslimiinta ee Laga Bedelayo Diintooda

Koox Muslimiin ah oo ku dhaqan gobolka Banda Aceh ee ay aafadii badgariirku halakaysay ayaa aad uga welwelsan imaanshaha gobolkaas uu yimid baadari masiixi ah oo ka yimid Australia, waxayna uga digeen in uusan isku deyin in uu carruurta Muslimiinta Diintooda ka bedelo, sidaas waxaa qortay shabakada Islam online.

Baadariga magaciisa la yiraahdo Chris Riley, oo hogaamiya hay'ad samafal oo la yiraahdo "Youth Off The Streets" ayaa Jimcadii yimid gobolka Aceh. Waxaana u qorshaysan in uu xarun agooneed u asaaso 35,000 oo ah carruurta reer Aceh, kuwaas oo waaliskood ku le'deen aafadii badgariirka.

Laakiin maalintii Sabtida ahayd ayaa madaxa "Islamic Defenders Front", Hilmy Bakar Almascaty, weydiistey in baadariga Riley uu ku ekaado oo keliya arimaha la xiriira mucaawinada bini-aadaminimo ee Aceh. Aceh waa gobolka keliya ee dalka Indonesia sida rasmiga ah looga dhaqan geliyey Shareecada Islaamka.

Si kastaba ha ahaatee, baadariga Riley waxa uu sheegay in aysan u qorshaysnayn in kuwa uu caawinayo uu u bedelo masiixi. "Wax diin ah kuma dhex labna barnaamijyadayda" ayuu yiri.

Kooxaha Muslimiinta ah ee ku sugan gobolka Aceh waxa ay rabaan in ay sameeyaan xaruno agooneed oo qaadi kara 1000 carruur ah, dawlada Indonesia waxay ogolaatay in xarumahaas agoonta ay maamulaan ururka lagu magcaabo Muhammadiyah oo ah kan labaad ee ugu weyn ururada Muslimiinta ee dalkaas ka jira, xaruntiisuna ay tahay cirifka magaalada Banda Aceh.

Agaasime xigeenka ururka Muhammadiyah, Din Syamsuddin, waxa uu Sabtidii sheegay in qiyaastii 15,000 oo carruur ah ay waalidkood ku lumeen aafadii badgariirka.

Inkasta oo ay muddo ku halgamayeen in ay xorriyad gaar ah qaataan, Aceh, oo qaybo kamid ah lagu xukumo sharcada Islaamka, waa meesha ubucda (ama xudunta) u ah Islaamka Indonesia, waxana badankeeda lagaga dhaqmaa fahamka diinta Islaamka oo khafiif ah, ayey tiri AFP oo ku dartay: Xadka iimaanka Aceh iyo wadamada ku xeeran badweynta Hindiya waxaa la tijaabiyey December 26keedii markii dhulgariirkii ka dhacay ubucda baddu uu soo saaray qalcado biyo ah oo burburiyey xeebaha, xaaqyna wax kasta oo ku beegnaa wadada ay marayeen mowjadahaasi.

Gobolka Aceh waa meesha ay ka dheceen mucjisooyin ilaa hadda warbaahinta Caalamku ay hadal hayaan, mucjisooyinkas oo ay ugu wey tahay in magaalooyin dhan gebi ahaantoodiiba la waayey marka laga reebo Masaajidyadii.


Masjid Keligiis ka taagan meel ay magaalo ahaanjirtey, Aceh

Sawirka dhanka midig wuxuu muujinayaa masaajid keligiis gooni uga taagan meel ay maago ahaan jirtey, halkaas oo ay aafadii badgariirku xaaqday. [Akhri masaajidyada ka badbaadey Aafada Badgariirka]

Mucjisooyinka kale ee gobolkaas lagu arkay waxaa kamid ah in in Xayawaankii ay intii aan duufaanta baddu soo burqan ay carareen oo fuuleen meeelaha taaga ah ee aan biyuhu soo gaari karin, sidaasna ay ku badbaadeen.

Waxaa kale oo dunida mucjiso ku noqotay in dad deggan qayb kamid ah Aceh oo ah dad dunida oo dhan ka go'an, oo cid u tagtaa jirin, gooni u nool, jasiirado khaas ah deggan, una nool sidii qarniyadii bilowgii adduunka, in ay fahmeen badda soo burqan doonta oo ay ka caraareen xeebaha ay ka kalluumaystaan, aafada kadib markii kor laga soo tira koobayna waxaa la arkay badidood in ay ka badbaadeen aafadaas badgariirka.


Jarawa

Qabiilka lagu magcaabo Jarawa oo dega jasiiradaha Andaman & Nicobar, waxaa la soo weriyey in gebi ahaanba 250 kii uu qabiilkaasi ka koobnaa ay badbaadeen. Khamiistii la soo dhaafay ayey markii ugu horeysey, aafadii kadib, dadkaasi ka soo bexeen kaynta ay ku jireen, dawlada oo dad u dirtayna waxaa ay u sheegeen in ay aafada ka badbaadeen dhammaantood.

Qabiilkan oo la baaray dhiigooda (DNA) waxaa la sheegay in ay ka soo kasoo safreen Afrika muddo lagu qoiyaasay 70,000 sano ka hor ilaa degeen jasiiradaha Indonesia.

ISHA Qaar kamid ah qoraalka: Islam Online
Sawirka: Google search
Tarjumadii SomaliTalk.com  | Jan 9, 2005


Booqashadii Culumada ee Xeryaha Qaxootiyada ee Kenya
iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga Soomaaliyeed
xeryaha Ifo, Xagardheer iyo Dhadhaab ayaa waxaa booqday Sh. Maxamed Idris, Sh. Maxamad Umal, Sh Mohamed Kassim, Sh Hassan Ashgar iyo... Warbixintii Sh. Maxamad Idris... Guji...

Soomaaliya: Gargaar Degdeg ah -  Aafada Badgariirka
»Dahabshiil oo bixisay $5000 ee ugu horeysey Mucaawinada
»Dalsan mucaawanada la bixiyo waxay ku dari doontaa 2%
»Amal, Dalsan iyo Dahabshiil: Khidmo la'aan ku dir caawinaada
»Farriin ka timid Shiikh Cumar Faaruuq | Koonfur Afrika
»Warbixin:Shiikh C/Qaadir Nuur Faarax | Garoowe
»Warbixin:Ugaas Axmed Bille Xasan Gaboobe | Muqdisho
»Ku waano Qaadasho aafada Badgariirka
»Mucjisooyinka lagu arkay aafada Badgariirka
Dhammaan ka akhri halkan, kana qayb qaado mucaawinada

Faafin: SomaliTalk.com |  Janaayo 9, 2005
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH



HTML CD