SOMALITALK.COM DALSAN
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print

SHIRWEYNAHA MAGAALOOYINKA SOMALILAND OO KA FURMAY HOTEL MAANSOOR HARGEISA

Iyadoo Roobab waaweyn oo xallay ka da'ay Magaalo Madaxda Somaliland ee Hargeisa ay khasaarooyin waaweyn u gaysteen kaabayaal aad ugu muhiim ah Xarunta Somaliland ee Hargeisa sida biriijkii kala qaybinaayey Magaalada Hargeisa, ayaa waxaa Maanta oo bishu ku beegantahay 25 April ka furmay Hotelka Maansoor shir weyne Maxalli  ah oo ay isku soo dubaridday Haayadda UN-HABITAT, shirweynahaasi oo muhiimadiisa koobaad ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa

  • Habsami u socodka Maamul ee Magaalooyinka Somaliland iyo qorshaynta Kobaca dhaqaale ee maxaliga ah
  • Dhul u helidda hawlaha adeega Bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha
  • Habsami u maamulidda iyo qorshaynta khayraadka kooban ee Somaliland

ayaa waxaa ka soo qayb gallay Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland, xubna ka socda qaar ka mid ah deegaanada Somaliland ha u badnadeen gobolada Sanaag,Awdal,Saaxiil, Togdheer, waxaa iyagu meesha ka maqna oo aan ka soo daahirin xubno badan oo la ii sheegay inay ka tirsanyahiin xubnaha golaha deegaanka  ee Hargeisa oo iyagu dhammaantood ka maqna meesha

Masuuliyiintii ka soo qayb gashay ee hadalada ka jeedisay furitaanka Shirweynahani ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiiru Dawlaha arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Aadan Waqaf Mire, iyo wasiiru dawlaha wasaaradda Hawlaha Guud.

Mr. Waqaf Wasiiru dawlaha arrimaha gudahu wuxuu aad ugu booriyey ka soo qayb galayaasha shir weynahani in laga faa'iidaysto waxtarka uu u leeyahay Magaalooyinka Somaliland, lana qaato wixii talooyin ah ee ka soo baxa.

Picture048Buundadii ugu Weyney Hargeysa oo Daad Qaaday
Masiibo Lagu Macnayn karo Tsunami oo Kadhacday Hargaysa ayaa qaaday buundadii isku xiri jirtey labada dhinac ee maagaalada. Sawiro & warbixin Eeg halkan

Shirweynahani oo ay dawladaha hoose ee Somaliland ee kala duwani ay ku soo bandhigi doonaan natiijooyinkii ka soo baxay qorsha wadaaga (participatory planning) ee dhawaan laga hirgeliyey magaalooyinka iyadoo ay taageeraysay UN-HABITAT, barnaamijkani oo muhiimadda ugu weyn ee ka muuqatay ay ahayd qorshe u samaynta Magaalooyinka Somaliland markay noqoto bilicda iyo qorshaynta kaabayaasha ayaa waxaa lagu soo bandhigay sawiro lagu soo qaaday dayax gacmeed, kaasi oo muujinaayey magaalo kastaba sida ay muuqaal ahaan u egtahay una dhisantahay, iyadoo halkaasi laga dheehan karaayey magaalo kastaaba qorshe xumada dhismeed ee ka muuqda bilicda magaalooyinkaasi.

Munasabaadaasi oo ay ka hadleen kuna naaqashiin fallan qayn aad u baaxadweynna ka bixiyeen hawl wadeeno sar sare oo ka tirsan ama ka socday Haayadda caalamiga ah ee UN HABITAT oo ay ka mid ahaayeen Engineer Philip oo dhalashadiisu tahay dalka Belgium oo isagu bixinaayey casharo tallan taali ah oo khuseeya sida loo samayn karo qorshe hawleed lagu horumarinaayo magaalooyinka Somaliland, waxaa kale oo ka mid ahaa Masuuliyiintii halkaasi ka hadashay ee ka socday Haayadda UN-HABITAT, Sarkaalka Madaxda ka ah Barnaamijka loo yaqaano "GIS"Mudane Mohamed Hussien Haji Ali (KHAN)  oo faah faahin dheer ka bixiyey muhiimadda balaadhan ee uu u leeyahay barnaamijkani ay soo bandhigeen oo qayb weyn ka ciyaari doona kor u qaadidada tayada hawleed ee dawladaha hoose ee Somaliland.

Shirkani oo ay ka soo qayb galeen aqoon yahano farabadan oo ka kala yimid dalka dibadiisa iyo gudahiisa waxaa la isku dhaafsaday doodo aad u dhaadheer kuna dhisan hab aqooneed cilmiyeysan, wuxuu shirkani socon doona muddo seddex cisho oo ku beegan 28 bisha March.

WARBIXINTII MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

HARGEISA, SOMALILAND.
 

Mobile: 00-252-2-379127

Home Phone: 00-252-828-7142

E-mail: diridhaba2001@hotmail.com
LINK: www.somalitalk.com/diridhaba

Faafin: SomaliTalk.com | April 25, 2005

TAARIIKHDA DALKA CIRAAQ..... GUJI
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD