SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
FAALLADA - SOMALITALK
Daabaco Boggan | Print


SOOMAALIYEEY NIN DOORKII DISHAYE MAXAA KUU LAABAN
W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya

December 2004

(Waa tuma gacanta dahsoon ee wax ka ugaarsata Masaajiddada)

Tani iyo intii ay burburtay dowladii milatariga 1991 waxaa dalka ka dhacay dambiyo waa weyn oo laga galay ummadda soomaaliyeed oo ay geysteen kuwo iyaga la mida waxaa mararka qaarkood is leedahay waxaa dalka ka dhacay dambi kasta oo dunida yiilay waxaana maalin walba maqleysaa dambi ka xoog badan mid aad hore u maqashay waxaad qabsanaysaa dhabanada, waxayna arrintu barako ma leh gaartay markii masjid dhexdiis lagu dhex dilay dad Cibaadeysanayay, waxaana maalmahan dambe soo baxay shaqasiyaad u gaarsana kuwa galaya masaajidka iyo kuwa ka soo baxaya , gaar ahaan waxay falalkaanu dhacaan Salaada Subax , waxaan soo xasuustay wareysi haatan ka hor uu bixeyay nin Yahuudi ah oo sanadihii sideetameeyadii Masaajidka Qudus ku dhex dilay 35 qof oo dukanayay salaada subax waxaana la weydiiyay su’aal ahayd haddii aad doonayso in aad dad fara badan layso maxaad falkaaga ula beegsanweyday  waqtiga salaada duhur  aad haheleysid dad fara badan wuxuuna ku jawaabay “dadka dukada salaada subax waa dad qatar ku ah Yahuudda sidaa  darteed kuwa dukada salaadaha kale waa ay ka karti badan yihiin”. 


Masjidka Sheekh CabdiCasiis | Muqdisho | SAWIRKA: allrefer.com

Dhacdadan uu sameeyay ninkan Yahuudiga ah waxa aad ku dhaweynaysaa ama aad is leedahay kuwa masaajidyada dadka ku laaya waxa ay xiriir la leeyihiin Yahuudda, waxaana oran karnaa waa dhaqan laga soo minguuriyay Yahuudda oo iyadu u taagan dibdaabyada dadka Muslimiinta ah, haddaba dhacdooyinka maalmahan lala beegsanayo oo isla markaa lagu dilayo dadka aqoonta leh waa wax ka baxsan shareecada islaamka iyo dhaqanka soo jireenka ah ee suuban oo soomaalida lagu yaqaan. 

Dilalkan lala beegsanayo dadkaan  ayaa waxaa uu keeni karaa in Soomaaliya la waayo cid ku hagta wadda toosan , wuxuuna yiri mar aan wax ka weydiiyay dhacdooyinkaan foosha xun Abwaan Cabdi Faarax Dhuunkaal “inta aqoonta leh waxay wax barteen waqtigii Midowga Soofiyati waxaana la doonayaa in dadkaasi la baabiyo si ay guurto  aqoonta oo la waayo dad ummadda u iftiimiya waxa wanaagsan” wuxuu intaa sii raaciyay   “dadka aan waxa caabudin waxa ay ixtiraamaan ama ay dhowraan dadka aqoonta leh annagoo haysana diinta Islaamka maxaan u tixgalin weynay Culamadiinka, Takhaatiirta, Aqoonyahanada iyo Saaraakiisha sarsare ee Ciidamada”. 

Waxaa inoo suurogashay inaan wareysi la yeellano Gen. Cali Xaashi Baraale, oo isagu ku xeel dheer arrimaha la xiriira baaritaanka kiisaska noocan oo kale ah, isagoo arrintaan ka hadlayana wuxuu yiri: “Laba weji ayay ku yimaadaan ugaarsiga ka dhaca Masaajidda, mid waa mid lala xiriirinayo kooxaha diinta oo iska soo horjeeda, midna waxaa lala xiriirinaya howlaha Mareykanku wato ee loogu yeero la dagaalanka argagaxisada, waxaana la doonayaa in laga cabsado masaajidda oo aan la tagin” wuxuu intaas sii raaciyay “Anigu dhowr jeer ayaan ka joogsaday inaan tago masaajidka markaan u cabsaday Nafasdayda, waxaana u soo jeedinayaa kooxaha ku gambanaya inay arrimahaasi ka waantoobaan oo ay u soo jeestaan sidii loo dhisi lahaa qaran Soomaaliyeed”. 

Waxaan wax ka weydiiyay qaabkee ayaa loo xallin karaa arintaan, waxa uuna yiri Gen. Cali Xaashi Baraale: “Nin baa laba fallaar lagu soo riday, midbaa uga dhacday barida, midna waxay uga dhacday garabka, markaasaa la yiri war laba fallaarood tee lagaa gooyaa oo lagaa saaraa, markaasuu yiri war midda barida iiga taal iga bixiya si aan u fariisto, tan kale ha inoo dambeysee, haddaba ummaddu waxay u baahan tahay fadhi si loo helo qaran soomaaliyeed oo ah kan ugu muhiimsan ee ka hortagi kara kooxaha musaajidda ka ugaarsanaya”. Wuxuuna  sheegay in gooray ahaataba mar uun kooxahaasi lala xisaabtami doono. 

Waxaa kaloon wareysannay C/nuur Xaaji Maxamed oo ka mid ah Aqoonyahannad Soomaaliyeed, wuxuuna yiri "masaajidyada waa meelaha qof Bini Aadan ah uusan ka maleysaneyn in lagu dilo ama ha u socdo ama ha kaa soo baxo, watigaasna waa waqtiga gofkii loo baahanayahay lgu gaai karo, midanna waa mid ugub ku ah umadda Soomaaliyeed, waxaana looga bixi karaa iyadoo la hello qaran soomaaliyeed"   

Dhacdooyinkan isdaba jooga ah ee lagu beegsanayo dadka aqoonta leh isla markaana lagu sugayo albaabka hore ee masjidka waa dhacdo xunuun badan waxayna dadka qaar ay ku fasiraan inay ka dambeeyaan labo kooxood qolo u adeega cadowga soomaaliyeed iyo kuwo ay madax martay arimaha qabiilka  waxayna sheegeen dadka qaarkood in arintaani ay tahay mid ugub ku ah umadda soomaaliyeed, waxayna soomaalidu tiraahdaa “haddii ay qaylo yeerto waxaa la oran jiray aan u carrarno dhinaca Masaajidka”,  “balse waxay arintu taagantahay masaajidkiiibay qayladii ka soo yeertay”. 

Dad fara badan oo soomaali ah ayaa si gardaro ah loogu dilay dalka iyagoo waxba galabsan hase yeeshee kuwa gardara ugu xun la gaarsiiyay waxaa ka mida kuwa iyaga oo masaajid ku sii socda isbaaro loo dhigtay dabadeedna la dilay,. Dhacdadii ugu  xumeyd waxay ahyad markii nin macalin dugsi quraan ah oo ka soo baxay masjid salaadii subax dabadeedana inta la dilay laga furtay macawistii iyo saacad uu xirnaa, balse arintaan waxaa ka dhiidhiyay dadka xaafada Hodan oo iyagu sameystay ciidamo madani ah oo roondo ku mara waqtiga  salaada subax iyo waqtiga salaada cisha ah “adigu waxaad ka hadlaysaa qof masaajid u socda oo la dilay ama ka soo baxay  ee waxaa dhacay kuwo iyaga oo nool inta masaajidka laga qafaashay loo gacan galiyay cadowga soomaaliyeed ayay tiri Haweenay lagu  magacaabo Faadumo Cali. Oo aan kula kumey suuqa Bakaaraha 

 “Soomaalidu waxay Ab iyo Isir u leedahay in qof u soo magangalay loo gacangaliyo cadowga maanta arintaas way is badeshay oo dad ummada soomaaliyeed u soo martiyay ayaa loo gacan galiyay cadowga ummadda soomaaliyeed  oo weliba loo geeyey meydkooda” ayuu yiri Nin Oday ah oo lagu magacaabo Faarax Xasan”. 

Tirakoob haddii lagu sameeyo dadka la dilay iyagoo ku sii jeeda masjid ama ka soo baxaya, amaba ku dhex cibaadaysanaya la dilay waxay gaarayaan dhowr iyo labaatan ruux, waxaana ugu cabsi weynayd markii Masjid ku yaallada Degmada Madiina lagu dhex dilay Sheekh lagu magacaabi jiray Sheekh Maxamed Siciid oo u dhashay Qowmiyadda Orommada, waxaana la doonayay in isaga oo ku dhex jira masjidka la qafaasho balse waa uu diiday wuxuuna ku adkaystay inaan marnaba loo gacan gelin doonin cadowga Soomaaliyeed, halkii ayaana lagu dhex dilay. 

Sidoo kale, Magaalada Jowhar ayaa masjid ku yaalla waxaa lagu dilay maalin qura 40-ruux oo u taagan sallaadda Ciidda, waxaana dilkaas ka dambeeyay kooxo dabley ah oo la sheegay inay dadka deegaankaas isku haysteen beero iyo xoolo.  Waxaa kaloo iyana magaalada Gaalkacyo iyana lagu dhex dilay dhowr ruux oo masaajid ku cibaadaysanayay kaddib markii mid ka mid ah dariishadaha masaajidka looga soo dhex tuuray bam, waxayna arrintani aad aragagax uga muujiyay Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. 

Sidoo kale waxaa masjid ku yaalla Magaalada Muqdisho lagu dhex dilay wadaad lagu magacaabi jiray Sheekh Maxamed, waxaana dilkiisa ka dambeeyay kooxo kale oo wadaado ah, waxaana lala xiriirinayaa arrimo diineed, gaar ahaan isqabqabsiga u dhexeeya dariiqooyinka ka jira dalka. 

Dhacdooyinkii ugu dambeeyay waxaa lagu dilay dhowr ruux, haddii aan soo qaadannno masjid ku yaalla Deegaanka Suuqa xoolaha ee Magaalada Muqdisho goor uu ka soo baxay sallaadii cisha waxaa lagu dilay Guddoomiyihiin hore ee Bankigii Barakaat Cabbaas Cabdi Cali, kaddib markii ay jidka u galeen kooxo dabley, waxaase dhacdadaan baaritaan xoog leh ku sameeyay Maxkamad ka mid ah Maxdkamasda Islaamiga ah ee Muqdisho ka jira, waxayna ku guulaysteen inay gacantga ku soo dhigaan ruuxii falka gaystay, waxaana lagu dilay goor galab gaab ah meel fagaare ah. 

Soomaalidu waxay tiraahdaa mayd kee u dambeeyay: kii hadda la sii siday, waxaa horraantii bishaan la dilay General Maxamed Cabdi goor uu ka soo baxay Salaadda Subax masjid ku yaalla xaafadda shibbis, ilaa iyo haatanna lama garanayo sababihii loo dilay Generaalkaasi, hase ahaatee warar ayaa waxay sheegayaan in loo dilay Jeneraalkaas arrimo la xiriira fikirkiisa ku aaddan keenista ciidammo shisheeye. 

Waxyaabaha kale ee la yaabka leh ee ka dhex dhacay masaajidda ka mid ah kaddib markii qoriga Hoobiyaha ah ee la soo tuuray uu ku habsaday masjid ku yaalla degmada Wardhiigley oo ay ku naf waayeen dhowr ruux oo markaas u taagnaa salad, waxaa kale oo aad u naxdin badnaa markii masjid ku yaal xaaadda Labadhagax lagu dhex dilay Axmed Cawaalle Orfane, isaga oo xilligaas tudkanayay salaaddii Taraawiixda, waana dhacdo murugo leh oo go;ila maskaxda Umadda Soomaaliyeed. 

Isku soo duuboo dhacdooyinkaan ka dhex dhacay masaajidda waxaa lala xiriirin karaa dhowr amuurood, kuwo ku yimid ugaarsi qabiil iyo kuwo ku yimid arrimo diimeen gaar ahaan khilaafyada u dhexeeya dariiqooyinka diimeed ee ka jira dalka, kuwo ku yimid waxa loogu yeeray kooxaha argagaxisda, kuwo ku yimid dowlado shisheeye oo iyagu doonayn inay dalka ka soo baxaan dad aqoon diimeed leh ama kuwo maadiyeedba. 

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | December 8, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq




HTML CD