SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
FAALLADA - SOMALITALK
Daabaco Boggan | Print


Dhacdooyinkii Masaajidka ee La'ogyahay Gobolada Puntland. 

C/fatax Jaamac
SomaliTalk | Boosaaso
somalitalkpl@yahoo.com

December 2004

Waxaa inta badan ay Dadka Soomaalida ah Qiimeeyaaan Qabiilka oo kaga jira meel weyn xagii ay kaga jiri lahay Diinta oo ah in uu aamino Qofka diinta Islaamka oo ah Diinta xaqa ah oo ay haystaan Soomaalidu. Waxaad arkaysaa Dadka oo ay ka awood badatay tan Qabiilka mararka aad la kulanto Goobaha Sheekada ama ay ku wada hadlaya xiliyada ay shaahaynayaan, Xiliyadaan dambe oo ay Dadku ka tan badisay Dhaqaalo xumada inta badana ay Balwad Isticmaalaan sida Qaadka iyo Qamriga ha'ugu weynaadaan waxaad arkaysaa iyagu kuwo Dhaafsaday Ruux in ay Nafta ka Gooyaan. 

Hadaan u soo Gudubno Dhacdooyinkaan inta badan waxa keena oo ah in Ruux lagu ugaarsado Masjidka marka uu ka soo baxo ama uu u socdo ayaa Gobolada Puntland inta ay ka dhaceen ay yaryihiin lakiin dhacdooyinkii ka dhacay hadaan soo koobo ay ka mid yihiin:

  • Dhacdo Wiil Xaafidu Quraana oo lagu Dilay Magaalada Garoowe xiligii ay Dagaalameen Wadaadaada lagu magacaabo Al-itaxaad iyo Ciidamadii uu hogaaminaayay Col: Cabdulahi Yuusuf,
  • Dhacdada kale ee ka dhacday Gaalkacyo oo Ruux masjidka ka soo baxay loo dilay aano Qabiil,
  • Dhacada kale ee ka dhacday Boosaaso ayaa ahayd Ruux ku socda Masjidka oo ahaa Sheikh ka Akhrin jiray Kutub masjidka Raxmo oo kuyaal Boosaaso kaasoo isagana lagu sheegay markii ay Boliska Degmada Boosaaso ay baareen Dhacdada in ay ahayd aano qabiil,
  • Dhacdo ayadu waxaa jirtay Bom lagu Qarxiyay Masjid xili salaada lagu jiray Magaala Burtinle oo ka tirsan Gobolka Mudug oo ay ku geeriyoodeen Dad aad u fara badan oo u badan Dhalinyaro Xaafidu Quraan ah. 

Dhacdooyinkaa oo ay Culamadu ku tilmaameen mid Dadka u gaynayso Aqoonta Diinta oo ku yar ama Ruuxu uu aaminsan yahay in Qabiilka ama Dhaqaalaha uu ka horeeyo Diinta, Culimada oo aan wax ka waydiinay in inta badan ay ka wacdiyaan Dadka Masaajidka hadana Masjidkii uu ku xiranyahay Microphone aad u dhaadheer hadana dadkii ay intooda badan ka waantoobi layihiin danbiyada Dhacdooyinkaa leh dilka ruuxii oo soo cibaadaystay ama cibaadadii ku socda la dilo waxa keenay ayay intooda Badani ku tilmaameen in ay ka awood badantahay tan guriga uu ka soo baxo Ruuxa in uu ku daydo Dadka  ehlu diinka ah, mida kale ayay u Daliishadeen in uu Illaahey leeyahay Hanuunka Qofka Diinta oo aad ku akhrisaa ay ka weyntahay Hanuun Ruuxii Ilaahay ladoono Waa asiibaa. 

Dhacdooyinkaan ayay Dad badani ay ii sheegeen in ay u badan tahay Magaalooyinka Koonfurta Soomaaliya oo xiligii uu Burburay Maamulkii iyo Ixtiraankii Diinta ay Dad badani ku kaceen Dhibaatooyin kala duwan oo keenaya Caro Illaahay, Dadka badanaa lagu tilmaamo in ay ku kacaan Dhacdooyinkaa ayaa waxaa ka mida Dadka Xoola Dhaqatada ah oo ay Soomaalida u badantahay Bulshadeeda kuwasoo markii ay Dagaalada sokeeye dhaceen ay Ciidamo ka dhigan jireeen Dagaal oogayaasha Soomaaliyeed isagoo ku tababara in uu Qoriga iyo Qabiilka aamino cidii dani ka gasho oo uu u baahdo in uu nafta Dhaafiyo uu hubkiisa la,adeegsado  meeshuu ku helo haduu xataa Masjid galo. inta badan Bulshada Xoola dhaqatada ah ayaa isku dayata marka ay yimaadaan Magalooyinka ayagoo intooda badani ay xoolihii ka dhamaadeen markii ay ka soo tageen, waxaa jirta Bulasha kuwo kamida oo Aqoonta Diineed iyo kuwa kaleba bartay oo dhibkaa ka dhiidhiya.

c/fatax jaamac
 SomaliTalk | Boosaaso
 somalitalkpl@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | December 8, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq




HTML CD