Masaajidyada agtooda Dad
lagu dilo ama Dad masaajidka u Socdey oo La Dilo Waa la yaab aan la qiyaasi
karin
Masaajidku waa
guri Alle oo u baahan in la dhowro inta ku cibaadaysanaysana la
siiyo mudnaan gaar ah, waayadan dambe waxaa aad usoo shaac baxay in
dadka la rabo in la dilo laga ugaarsado masaajidyada agtooda ama
marka ay ka soo baxayaanba, dhacdadan waa mid la yaab ku abuurtay dad
badan marka ay maqlaan in qof noocuu doono ha ahaadee masjidka
isagoo ka soo baxaya la dilay ama la dhaawacay mararka qaarna
masaajidka dhexdiisa lagu dilo.
Soomaalida
diiniyan waa kuwo aan jeclayn in diinta islaamka meel looga dhaco ku
dhaqankooduba hakala duwanaadee, taasna waxay muujinaysaa in dad
badan aysan awood buuxda u lahayn in ay ka hor tagaan arrimaha ka
jira dalka balse niyad ahaan si xun u neceb.
Magaalada
mugadisho markaan tusaale ahaan u soo qaadano waa halka lagu hayo
dhowr dhacdo oo ah in dad badan la dilay iyagoo ka soo baxaya
masaajidka qaarkoodna iyagoo ku dhex jira la dilay.cabaas cali cabdi
oo ahaa madaxii shirkada barakaad ee hada loo badalay hormuud ayaa
ka mid ah dadka la dilay iyagoo masjidka ka soo baxaya,sidoo kale
Gen maxamad Abdi ayaa isna dhaawac halis ah loo gaystay kadib markii
masjid ku ag dhaw uu ka soo baxay dhaawacaasna ugu geeriyooday
magaalada Nairobi.
Intaan waxaa ka
sii badan inta kale ee aan la sheegin oo masaajidyada lagu ag dilo
waana arrin aad u fool xun oo waayadan ay caadaysteen kuwa u
bareeray in ay dhiiga dadka si sharci daro ah u galaan.waxaana is
waydiin mudan dhowr arrimood oo ay ka mid tahay Maxaa dadka looga
raadsadaa masaajidyad agtooda?Dadka la rabo in la dilo ha ahaado
siyaasi,aqoon yahan ama qof kale oo muhiim ah.
Jawaabta ugu dhaw
ah ayaa ah in dadka la rabo in la dilo jaaniska ugu fuduf uu yahay
masjidka agtiisa waayo xiligaas ma ahan qofkan la raadinayaa mid hub
ku dhex galaya masaajidka ama ay la socdaan ilaaladiisa gaar ah
sidaasna ay ugu suurta gasho in ay la beegsadaan xiliyada salaada
qofkaasi soo galayo masjidka waa kan ehlu salaadka ah.
Arrintan waa mid
ku soo biirtay dhaqanka Soomaaliyeed oo caado ahaan aan horay loo
aqoonin in masaajidka dadka soo baxaya la dilo ama dhib loo gaysto
waana arrin diiniyan aad ugu xun islaamka iyo mid bulshadeedba.
Kaalinta
Culumada Arrintan kaga aadan.
Culumada
soomaaliyeed oo qaarkood dadaal muujiyay ah in ay sameeyaan
maxaakiim islaami ah si wax looga qabto dhibaatada noocan oo kale ah
ayaan wax badan ku guulaysan karin in ay dambiilayasha dambigooda
mariyaan, sababta oo ah waxaa badan inta fowdada ku dhex jirta
waqtigana u saamaxay in ay helaan hub noocii ay doonaan si ay
shacabka waxyeelo cad ugu gaystaan.
Muqdisho
caasimada soomaaliya waa halka ugu hubka badan soomaaliya mana lahan
Maamul guud oo hal meel laga xukumo sharci mid ahna wadaaga,waayo
waxaa ka jira siyaasiyiin kala afkaar duwan oo midba siduu rabo wax
u maamusho taas ayaana keentay in culumada ay gudan waayaan
waajibkooda ah in ay arrintan wax wayn ka qabtaan shacabkana ka dhex
qabtaan inta dhibka wada.
waxaan ku haynaa
meelo badan oo ka mid ah diinta islaamka in qofka muslimka ah uu
Alle faray in uu wanaaga faro xumaantana reebo culumada waxaa u
furan wado ah in ay wacyi galin sameyaan si ay bulshada u
dareensiiyan in ay dilka dadka waliba masaajiyada agtooda ah
joojiyaan iyo mid kasta oo xadgudub ah waana sida ugu fudud ee ay ku
guda karaan waajibaadkooda diiniga ah.hadii aysan sidaad dhicina
waxaa badanaya dhibaatada xadgdubka noocan oo kale ah iyadoo sida
aan ognahay culumadu yihiin dhaxalkii ambiyada.
Balse xiligan
culumada in laga dambeeyo iskadaba daa waxaaba jira in iyaga ay
halis gali karaan wax badan oo ay qaban kareena ay ka gaabsadaan
iyagoo u baqaya naftooda marmarna waxaaba dhacda in culumada la dilo
hadii ay arrin jirta ka hadal damcaan,balse ka hortaga xadgudubka
waa waajib culumadana waa in ay marmar walba ahaadaan kuwo u taagan
in ay shacabka la jiraan waxii dhib u keeni karana ay ka hortagaan
iyagoo u maraya siyaabo kala duwan oo ugu horeeyo ku dhiiri galinta
bulshada waxa waaqiciga ah ee taabanaya.
Aragtida
Shacabka ka hadlida xaaladan.
Dadka
Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waa kuwo la socda xaalad walba
oo ka dhacda dalkooda, markii ay maqleen in ay jiraan dad lagu ag
dilay masaajidyada agtooda waxay ku abuurtaa la yaab aan la qiyaasi
karin,waxayna is waydiinayaan waxa ku xigi kara hadii ay dhibaatadan
iska sii socoto oo aan laga hadlin lana qiimayn raadka ay ku reebi
karto mujtamaca soomaaliyeed mustaqabalka dhaw iyo kan fogba.
Magaalada Nairobi
ayaa ka mid ah goobaha aan ka helnay figarado kala duwan ee ay ka
qabaan dadka soomaaliyeed ee ku nool dadka lala beegsado dilka
xiliyada masaajidyada laga soo baxayo qaar badan ayaa ku tilmaamay
in dhacdooyinkan ay waayadan la kowsadeen nolosha dadka soomaaliyeed
ee ahayd in ay helaan is badal iyo ilbaxnimo ku wajahan sidii looga
baxi lahaa dhibaatada ka dhashay dagaalada sokeeye ee dalka ka
dhacay.
Mid ka mid ah Culumada
magaalada Nairobi ayaa ku tilmaamay in soomaalida dhaqan ahaan ka
leexatay waxii lagu yaqaanay ee caadada u ahaa,wali ima soo marin
qof masjidka agtiisa hub loola fariisto laguna toogto waana wax ku
cusub diinta iyo dhaqankaba waxa uuna ku tilmaamay in ay tahay
dhibaato bilowgeed hadii aan hadda si wada jir ah looga hortagin
culumada,shacabka iyo waxgaradkaba waayo waa arrin raad ku yeelan
karta jiilalka soo koraya ee xilgan Culumada waxa uu ku sheegay
sheeqan in looga baahan yahay in ay qaadaan talaabo adag oo lagu
xakamaynayo dambiilayasha ayna sameeyaan barnaamijyo wacyi galineed
si bulshada loo dareensiiyo dhibka waxani uu keeni karo.
Guud ahaan
soomaalida qaybaheeda kala duwan ee ku nool magaalada Nairbi ayaa
arrintan u arka in ay tahay wax cusub oo waayadan dambe si wayn usoo
shaac baxay ay mudan tahay in bulshada si wada jir ahaan ah in ay
uga hortagaan mar hadii aysan jirin sharci ka qabanaya waa in ay
awoodooda iskugu geeyaan la dagaalanka wax walba oo wax u dhimi kara
noloshooda iyo xuquuqdooda
Waxaan shaki ku
jirin inta uu maqan yahay xoog wada jir ah iyo dan mid ah
arrimahani ay jirayaan waligood waayo illaa hadda lama hayo dowlada
dhexe oo awood leh ama sharci mid ah oo si wada jir ah dalka oo dhan
uga howl gala.
Canab
Mumtaz
Somalitalk | Nairobi
canabmumtaz@hotmail.com