SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL


Bosaso: Gen. Cadde Muuse oo Bosaso ku soo laabtay....

Boosaaso | April 1, 2007:

cadde muuseMadaxwaynaha DGPL Gen. Cadde Muuse ayaa Axadii April 1, 2007 ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Bosaso isaga iyo xubno kale oo safarkiisa ku weheliyay.

Madaxwaynaha DGPL oo maalimihii la soo dhaafay ku maqnaan safar dhanka Itoobiya ah ayaa maanta April 1, 07 dalka dib ugu soolaabtay, safarka madaxwaynaha oo qaatay maalmo ayaan ilaa iyo hadda si rasmi ah loo ogayn waxyaabaha ay kawada hadleen labada dhinac iyada oo Puntland looga bartay dhankeeda aamusnaan dhanka siyaasadda ah oo aysan faahfaahin safarada kali u socodka madaxda Puntland marka ay u baxaan safaro dalka dibadiisa soolaabadkana aysan shaaca ka qaadin waxyaabihii safarkooda ka soo qabsoomay iyo wixii u soo qabsoomi waayay intaba.

Madaxwaynaha DGPL oo intii uu ku sugnaan magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya oo aan wax war ah laga hayn ayaa si sharqan yari ah duhurnimadii maanta ku soo dagay isaga oo aaan xataa la sii shaacin imaanshaha madaxwaynaha.

Garoonka Boosaaso ayaa waxaa ku soo dhaweeyey madaxwayne ku xigeenka Puntland Xasan daahir(Afqurac) oo isaga qudhadiisu halkaasi ku sugnaan ilaa iyo tagitaankii madaxwaynaha xiligii uu sagootiyana aan ka tagin halkaasi.

Wararkale ayaa xaqijinaya in heshiisyada ay labada dhinac isla soogaareen ay ka mid tahay in ciidamo Itoobiyaan ah ay yimaadaan dalka si loo jaahwareeriyo shacabka islamarkaana aan meesha loo keenin wax doorasho ah iyada oo la adeegsanayo ciidamada itoobiya ama lagu cabsi galinayo shacabka. Sidaasna uu xukunka muddo kale ku kororsado Cadde Muuse.

Ciidamada Itoobiya ee soo galay Puntland dabayaaqadii todobadkan ayaa soo gaaray magaalada Galkacyo kuwaas oo tiradooda rasmiga ah lagu sheegay ilaa 500 oo askari, in kastoo tirada intaas laga badinayo, kuwaas oo watay ilaa 7-gaari oo kuwa dagaalka ah iyo 2 xamuul ah, waxaana la sheegayaa in ay kuwo kale jidka kusoo jiraan, dhamaan ciidamadaan Itoobiyaaanka ah ayaa wararku sheegayaan in ay lagu wado in ay gaaraan Magaalada Ganacsiga u ah Puntland ee Boosaaso iyaga oo qaar kalena tegi doonaan Caasimada Puntland ee Garoowe.

Ilaa iyo hadda wax war ah oo rasmi ah oo ku saabsan imaanshaha ciidamadan Itoobiyaanka ah kama soo bixin xukuumada Federalka KMG ee Soomaaliya iyo kan maamul Gobaleedka Puntland.


I. Lundin

MA-OGTAHAY:
Shirkadda LUNDIN in uu madaxweyne ka yahay Ian H. Lundin oo ay walaalo yihiin Lukas H. Lundin oo ahaan jirey madaxweynihii CANMEX. Mase ogtahay in labadas shirkadoodba ay yihiin mataano asaaskooda loo tirinayo in uu lahaa Adolf H. Lundin (eeg hoose).



L. Lundin
Shirkadda CANMEX in markii shan (5) maalmood oo keliya [Oct 11 - Oct 17] laga soo wareegey markii ay heshiiska qabyada ah ee ku saabsan khayraadka Puntland la gashay Range Resources in uu is-casiley Lukas H. Lundin oo ahaa madaxweynihii shirkadaasi CANMEX ilaa 1996, waxaana lagu bedeley ninkii heshiiska la soo galay Range Resources ee magaciisa la yiraahdo Mr. Richard Schmitt. Sharraxaad lagama bixin sababta isku soo beegtay is casilaada madaxweynihii shirkadda CANMEX ee reer Sweden iyo heshiiska ay la gashay Range Resources. Mase Ogtahay in shirkadda CANMEX aysan ilaa hadda lahayn website u gaar ah oo laga heli karo akhbaarteeda ama taariikhdeeda.

A. Lundin
Lukas & Ian H. Lundin waxaa dhalay Adolf H. Lundin oo loo tirinayo in uu ahaa maskaxdii ka dambeysey shirkada macdan qodista ee CANMEX, iyo shirkada macdan/shidaal qodista ee LUNDIN waxana uu September 30, 2006 Adolf H. Lundin  ku dhintay magaalada Geneva ee dalka Switzerland halkaas oo uu deganaa. Lukas oo sida kor xusan uu dhalay Adolf ayaa ahaa madaxweynaha shirkadda macdan qodista ee CANMEX, waana ninka uu xusay Gaagaab mar uu la hadlayey baarlamaanka Puntland inkasta oo uusan xusin in mr. Lukas uu shirkadaas madaxweyne nimadeedii iska casiley shan maalmood oo keliya markii ay kasoo wareegtey  heshiiskii dhex maray Range iyo CANMEX ee kusaabsanaa khayraadka Puntland.

Tagitaanka Cadde Muuse ee Itoobiya iyo Imaanshiisa Puntland ayaa ku soo beegmay xilli ay dagaalo culculus ka socdaan qaybo badan oo ka mid ah Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho kuwaasi oo gaystay khasaare naf iyo maalba leh, waxana la is waydiinaya sababaha uu xilligan madaxwaynuha DGPL ugu safray oo uusan horay ugu safriwaayay iyada oo ay taasina keentay tuhun ka qaybqaadasho dagaalka ka socda Muqdisho uu jiro.

Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya In Hub ka soo degey aagga Laasqoray

Waxaa jira qorshe ballaaran oo qaar ka mid ah wasiirada iyo madaxda ku jira maamulka Puntland ay ku doonayaan in madaxda sare ee DGPL ku qanciyaan in ay dacaayad tahay wararka sheegaya in Maxkamadihii Islaamiga ahaa uu hub uga soo degay goobo ka mid ah Puntland, gaar ahaan Gobolka Sanaag, arrintaas oo warar hoose ay sheegayan in la rabo in lagu sharciyeeyo sidii Ciidamada Itoobiya loo keeni lahaa Puntland.

Toddobaadkii tegey ayay ahayd markii wafti xaqiiqo raadis ah oo ka kooban wasiiro ka tirsan DGPL iyo xildhibaan ka tirsan DFKMG ay tageen aagga Laasqoray ee Gobolka Sanaag. Waftigaas oo ahaa Wasiirka Xannaanada Xoolaha DGPL Siciid Jaamac Qoorsheel, Wasiiru dawlaha madaxtooyada DGPL Cali Jaamac (Cali Buureed) iyo Xildhibaan Siciid Xasan Shire, kuwaas oo sheegay in aan waxba ka jirin wararka la been abuuray ee sheegaya in hub ka soo degey aagga Laasqoray. Waxayna wararkaas ku tilmaameen dacaayad been ah oo laga faafiyey gobolka.

Su'aasha is weydiinta leh waxay tahay madaxda sare ee DGPL ma tixgelin doonaan hadalka wasiiradaas iyo xildhibaanka.


Midig : Xildhibaan Siciid Xasan Shire, Wasiiru dawlahada Cali J.Faarax iyo
wasiirka  xannaanada xoolaha Siciid Jaamac C.Qoorsheel.
Safarkoodii aagga Laasqoray Sanaag. Sawirka: LaasqorayNet

Shacabka Puntland ayaa is weydiinaya waxa uu maamulka Cadde Muuse kusoo kordhiyey Puntland, aan ka ahayn jaah wareerin in shacabka loo sheego in macdan iyo shidaal loo soo saarayo taas oo aan ilaa hadda waxba ka soo bixin (Safarada Cadde ee Itoobiyana laagu xiriisiiyey shirkado ka hawl gala Itoobiya oo xiriir toos ah la leh shirkadaha ay DGPL heshiiska la gashay - eeg sawirada dhanka midig ee boggan).

Shacabka Puntland waxa kale oo ay is weydiinayaan sababta ilaa hadda ay xukuumada Puntland cadaynta uga bixin la'dahay xiriirka u dhexeeya madaxda sare ee DGPL iyo shirkadda ka diiwaan gashan Maldives ee Consort LTD, arrintaas oo muhiimad weyn leh, waayo heshiisyada macdanta iyo shidaalka ee la gelayo haddii sida la rabo ay hir galaan waxaa lacag aad u badan la siin doonaa shirkaddaas Consort oo ahayd tii ay markii ugu horeysey Puntland u saxiixday lahaanshada xuquuqda shidaal iyo macdan soo saaridda dhammaan dhulka Puntland, saxiixaas oo shirkadaasi ka sii iibiyey RANGE RESOURCES, taas iyaduna ka sii iibisey CANMEX (80% DOOXADA DHAROOR iyo DOOXADA NUGAAL).

Xilligii uu ku guulaystey madaxweynanimada Puntland waxa uu Cadde Muuse sheegay in uu la dagaalami doono musuq-maasuqa iyo in uu dib u habayn iyo sixid ku samayn doono maamulka Puntland. Sabti, Janaayo 8, 2005 markii la doortay Cadde Muuse waxa uu soo bandhigay qorshihiisa... hoos ka akhri qorshihii Cadde......

Barnaamijkii Siyaasadeed ee Gen. Cadde Muuse
[Sabti, Janaayo 8, 2005]

1. Dib u habaynta iyo dib u sixida maamulka puntland si loo helo maamul wax ku ool ah oo nidaam iyo kala danbayn ku dhisan oo wasaarad iyo hay'ad kasta leedahay barnaamij shaqo,fulinta barnaamijkaasna lagula xisaabtamo oo lagu daba galo.

2. Dib u habaynta iyo dib u sixida  ciidanka amniga puntland (police, Daraawiish iyo asluub),si loo helo ciidan tiro ahaan iyo tayo ahaan ku filan sugida amniga dalka iyo ilaalinta shuruucda dalka ciidankaas oo xuquuqdiisa loo heli karo

3. Xalinta iyo wax ka qabadka colaada ka oogan deegaanada puntland ee sool iyo sanaag, anigoo mudnaanta koowaad siinaya in si nabadeed arinta lagu xaliyo lana kala badbaadiyo dhiiga dadka walaalaha ah,isla markaasna Somaliland dib ugala baxaan deegaanka puntland ciidamadooda.

4. In la hagaajiyo qorshaha dhaqaalaha puntland iyaado xil wayn la iska saarayo hormarinta wax soo saarka lagana faaidaysanayo khayraadka dhulka,xoolaha, badda iyo macdanta lana raadiyo maalgalin dibadeed iyo suuq.

5. in xil wayn la iska saaro horumarinta adeega bulshada, sida Caaafimaadka, waxbarashada, biyaha, tamarta , dawooyinka, garoomada diyaaradaha, dakadaha  deegaanka iyo nolasha reer guuraaga, hawlahaas oo lixdii sano ee puntland dhisnayd aan wax badan laga qaban.

6. In si wayn wax loola qabsado dawlada federaalka ee soomaaliya ee dhalatay Oct-2004 ayadoo laga faa'idaysanayo barnaamijyadeeda dib u heshiisiinta,hub ka dhigida,dhaqan celinta maleeshooyinka,dib u dhiska dalka iyo hormarinta arimaha bulshada, isla markaasna saldhig loo noqdo dawlada federalka ah maadaama ay ka dhalatay dadaalkii dheeraa oo ay dadka reer puntland u galeen.  Akhri Barnaamijka oo Dhamaystiran.....


Gen. Cadde Muuse oo Ammanay Hay'adaha Samafalka...

Madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse, ayaa Isniin Feb 19, 2007 magaalada Garoowe kulan kula yeeshay hay'adaha samafalka ee fadhigoodu yahay magaaladaas, waxana uu sheegay in hay'adaha samafalka ee jooga Garoowe inay hawl wanaagsan qabteen. Isagoo arrintaas ka hadlaya Gen. Cadde Muuse waxa uu yiri: "Qolooyinkii United Nation-ka IYAGOO DHAN waa noo yimaadeen kulligood wax fiican bay noo qabteen iyagana si aad iyo aad ah ayaan ugu mahad naqayaa iyo waxyaalahay qabteen." Dhegeyso Hadalkii Gen. Cadde.

Mar sii horeysey ayey ahayd markii Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee DGPL, Maxamed C. Y. Gaagaab uu dhaliil jeediyey hay'adaha Samafalka ee jooga Soomaaliya. Xilligaas oo uu Wasiirku la hadlayey dad Soomaaliyeed oo jooga magaalada Minneapolis waxa hadaladdiisii ka mid ahaa "Ha'adaha dalka Soomaaliya jooga waxay isu haystaan in ay yihiin madaxweynihii dalka." Dhegeyso Hadalkii Gaagaab...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD