SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL


"Puntland oo Lunsatay $20-million oo doolar"

"Baargaal ayaa Argaggaxiso soo gashay waa sidii Shimbiraale Argaggaxiso ayaa joogta"

Sidaas waxaa sheegay afhayeenka xisbiga Ramaas Political Party C/Naasir Guure Faarax [jeer] oo Warsaxaafadeed ka soo saaray magaalada London oo uu  arrimo badan badan oo ku wajahan maaulka Puntland

Warsaxaafadeed:

Waxaan salaamayaa ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba iyo Barlamaanka Puntland salaan kadib waxaa waa yahan ila soo xiriiray dad aad ufarabadan oo ah qurba joogta reer Puntland, igalana hadlaayay inaan anigu ka hadlo dhibaatoyon badan oo maamulka Puntland dadka ku hayo iyo waliba inaan baarlamaanka Puntland ku baraarujiyo shaqooyinkiisa uu ka seexday.

Barlamaanka Puntland maadama aad u dhaxaaysan dowlada iyo shacabka, tihiina dadkii lagasugayay inay raadiyaan waxa ka maqan shacabka, kana soo dhigaan dawlada wixii ay ku xad gudubto.

jeer
C/Naasir Guur Faarax[jeer]
Waxaan usoo jeedinayna barlamaanka Puntland inaay maamulka Puntland maalmaha soo socda wax ka waydiiso shirkadii Range Resources saamiyadii ay ka iib satay shirkada Consort qayb tii kaga soo aaday Puntland meeshay martay dhaqaalahaas oo dhamaa $20 millyan oo ay waliba Range ay sheegtay inuu kharash kaasu galay gacanta maamulka Puntland 10-05-07, waa in barlamaanku maamulka waydiiya meesha la dhigay lacagta iyo dadka gacanta ku haya iyo waxa lagu qabanayo.

Waxa kale oo barlamaanka Puntland usoo jeedinayaa in ay hor istaagaan kana dhiidhiyaan xoolahada sida bilaashaka lagu qaadan oo ayku qaadan shirkada AL-Jaabir, arintaan oo ah mid lagu cuna qabataynayo ganacsatada Soomaaliyeed looguna danay-nayo tijaar Carbeed iyo dhowr nin oo Soomaali sheegta balse dantooda wax walba ka hormariya.

Sidoo kale barlamaanku wuxuu xaq u leeyahay inuu madaxwenaha wax ka waydiiyo arrin tii foosha xumayd ee ka dhacday Dubai taso ahayd in madaxweynuhu uu wafdigii la socday uga soo tago Hotel kii ay dagnaayeen kana bixin waayo kharashadkii ay qabeen taaso meel kaga dhac ku ah muwaadin walbo reer Puntland ah.

Waxaan ummadda ku dhaqan Puntland iyo barlamaankiisa ku baraarujinayaa in aan dhag loo dhigin dacayadahan beenta ee maamulka Puntland faafinayo oo ah Baargaal baa argaggaxiso soo gashay iyo wixii la mid ah, waxaayna tani la mid tahay sheekadii C/Laahi Yuusuf uu Shinbiraale, oo wiilaal meesha ku dhashay oo Kalluun dabanaya yiri waa argaggixiso caalamiya. Tana waa tiiyo kaloo dadka laga jeedinayo indhahooda arimaha maalmahan socda oo ay ka mid yihiin wixii aan kasoo hadlay.

Afhayeenka xisbiga RPP ee midowga Yurub C/Naasir Guure Faarax [jeer] London
Email:
keenadiid18@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 31, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD