SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL


Afhayeenka Xisbiga RPP oo Canbaareyay Go'aankii Barlamanka DGPL, una digay Itoobiyaanka

  • Afhayeenka xisbiga RPP ee Yurub,
    C/Naasir Guure Faarax [jeer]
    Emailka: keenadiid18@hotmail.com

    Afhayeenka RPP oo Digniin Kulul u diray Itoobiya::::

ramaas
C/Naasir Guure Faarax [jeer]

Afhayeenka xisbiga Ramaas Political Party[RPP] ee midoowga Yurub C/Naasir Guure Faarax [jeer] ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku canbaareeyay go'aankii ay golaha barlamaanka maamul Gobaleedka Puntland ay kusoo dhaweeyeen cuno qabataynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya.

Wuxuuna afhayeenku ku timaamay golaha barlamaanka ee Puntland "kuwo aan ka shaqayn wixii meesha loo keenay, oo ah inay dowlada la xisaab tamaan wadanka horumarkiisa iyo mid walbaa Gobalkii laga soo doortay inuu u war hayo, balse ka shaqayn horumar iska daaye waxaay u adeegaan dano shisheeye wato iyo rabitaanka guracan ee golaha dowlada."

Waxaa kaloo uu C/Naasir cadeeyay "isagoo katurjumaaya aragtida xisbiga Ramaas iyo shacabka Puntland ba", waa sida uu hadalka u dhiga'e, "in ay kasoo hor jeedan cuna qabataynta hubka ee laqaaday una arkaan go'aan fasaxaya burbur horle oo kadaran kan aan hadda ku jirno."

Wuxuu afhayeenku cadeeyay "in G/Mudug ay ku sugnaayeen 800 oo ciidamada itoobiya oo wata 40 tiknika, balse hada ayku hartay 500 oo ciidan ah oo wata 25 tiknika," wuxuuna ciidamadan tigreega oo haray ku tilmaamay "kuwo xoolaha reer miyiga ka qasha, dumar kana kufsada," wuxuuna ugu danbayn "ra'isul wasaaraha Itoobiya Miles usoo jeediyay inuu ciidankiisa kalaboxo deeganka Puntland iyo Soomaaliyo dhan ba, hadii ay ka bixi waayana ay xisbiga Ramaas Political Party iyo shacabka Puntland kala kulmi doonan iska dhicin salka ku haysa Diin iyo xornimadoon."

Afhayeenka xisbiga RPP ee Yurub, C/Naasir Guure Faarax [jeer], waxaa lagala xiriiri karaa:
Emailka: keenadiid18@hotmail.com

###

Ciidamada PL oo Bangi dhacey

Dec 12, 2006: Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ayaa maanta dhac xoogan waxa ay u geeysteen Bank-iga Magaalada Gaalkacyo ku yaala.

Ciidamadan oo gadood ka ahaa sida la sheegay Mushaaraad ka soo daahay ayaa waxa ay saakay ku waabariisteen Bankiga dhexe ee magaalada Galkacyo, halkaasi oo ay ka dhaceen 70 Million oo sh.som ah.

15 Milyan oo lacagtas ka mid ah ayaa wararku sheegayaan in ay kaga daatay dhulka, iyadoo lacagahaas ay boobeen dad meesha ka ag dhowaa.

C/rashiid Xaashi Dhuubane oo GO Khadka Telefoonka kula xiriirtay isagoo ku sugan Galkacyo ayaa sheegay in lagu raad joogo ragii ka dambeeyay falkaasi dhaca u geystay Bank-giga.

Ciidamada Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafey si hab-qan ah uga soo baxayay jiida hore ee Galkacayo kadib markii ay la soo daristay daryeel la'aan iyo mushaharaadkooda oo aysan qaadan in muudo ah.

Isha: GO

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 13, 2006


SHEEKH YUUSUF INDHACADDE “HADDII 7 MAALMOOD GUDAHOOD AY CIIDAMADA ITOOBIYA UGA BIXI WAAYAAN SOOMAALIYA WEERAR AYAAN KU AADAYNAA MEEL KASTA OO AY JOOGAAN 

Dec 12, 2006: Madaxa Amniga ee Golaha Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaad (indhacadde) oo uu dhinaciisa midig fadhiyo ku xigeenkiisa dhinaca amaanka sh: muqtaarroobow ( abuu mansuur ) ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho, isagoo uga hadlayay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin ciidamo Itoobiyaan ah oo soo buux dhaafiyay koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Min Mudug ilaa Kismaayo, digniin uu u jeediyay dowladda Itoobiya iyo beesha caalamka.

Warkan oo dhan... Akhri...


Afhayeenka Xisbiga Ramaas ee Yurub oo Dhaleeceyay Joogista Itoobiyaanka ee Puntland & Gebi ahaanba Soomaaliya

"Maamulka Puntland oo ka Shaqaynaya isku Dhac kadhaca Degaanka Nugaal"
Sidaas waxaa yiri afhayeenka xisbiga Ramaas... Akhri...

Maxaakiimta Islaamiga oo Ballan Qaaday inay Dhisi doonaan Garoonka Garoowe
sidaas waxaa shaaca ka qaaday Afhayeenka xisbiga RPP ee Yurub, C/Naasir Guure Faarax [jeer], oo... Akhri...

Ethiopia: Soomaaliya waxaan kula jirnaa Dagaal


Dec 5, 2006: Bereket Simon oo ah la taliyaha ra'iisul wasaaraha Itoobiya waxa uu Radiyaha VOA u sheegay in Itoobiya ay dagaal kula jirto Soomaaliya. Dhegeyso: Hadalkii Ethiopia waxay dagaal kula jirtaa Soomaaliya (MP3) - [Isha: VOA]

HFKMG: Soomaaliya Ciidan Itoobiyaan ah ma joogaan

Idd Bedel Mohamed
Dec 6, 2006: Ciid Beddel Maxamed [Idd Bedel Mohamed] oo ah Ku-xigeenka wakiilka Soomaaliya u fadhiya xarunta Qaramada Midoobey oo su'aal laga weydiiyey Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Soomaaliya, waxa uu sheegay in aan ciidamo Itoobiyaan ahi joogin Soomaaliya, isagoo weriyihii su'aas weydiiyey ugu jawaabey ma garanayo meesha aad ka heshay warkaas... Halkan ka daawo... [Isha: UN]

AP: 6,000 ilaa 8,000 oo ah Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Soomaaliya...

Dec 7, 2006:  Warbixin ay qortay ha'adda wararka ee AP ayaa sheegtay in ay heshay warara sir-Qarsoodi ah oo sheegaya  in Soomaaliya ay ku sugan yihiin 6,000-8,000 oo ah ciidamada Itoobiya. [Isha: AP]. Mar sii horeyseyna ayey ahayd markii uu ra'iisul wasaaraha Itoobiya si rasmi ah u qiray in ciidamadiisu ay ku jiraan gudaha Soomaaliya.

Kongo, Tansania & USA: Qaraarka Qabyada ah
Golaha Ammaanka: Isagoo xasuusanaya qaraarradiisii hore ee quseeyey xaaladda Soomaaliya...AKhri....


Xildhibaannada Muqdisho ku sugan oo soo Bandhigay Khariidad (Map) Muujinaya in Ethiopia ay Soomaaliya Dalkeeda ku Darsatay


Halkan ka akhri warsaxaafadeedka... GUJI....


»Digniin ku socota madaxda PL oo ka soobaxday Agaasimaha Tamarta

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD