SOMALITALK.COM Dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK.COM | Dr. SAADIQ EENOW

Dib u eegista Taariikhda Soomaaliya: Sheikh Saadiq Eenow - Qaybta: 1aad

Taariikhdaadaa marka aad taqaanid ayaad hore u socon kastaa....

  • SomaliTalk.com | July 26, 2010

Sheikh Saadiq Eenow, oo ah taariikhyahan Soomaaliyeed, dhakhtar iyo macallin Jaamaceed iyo qoraa, ayaa June-July 2010 ka soo safray Soomaaliya isagoo booqasho ku yimid gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka. Halkaas oo Soomaalida ku dhaqan iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed inta qormadani gaaro waxa uu u soo bandhigay taariikhda facaweyn ee Soomaaliyeed. Prof. Eenow intii uu ku sugnaa Minneapolis waxa uu Soomaalida kala hadlay dhawr goobood sida mutamar iyo masajiddo iyo munaasabado kale.

Haddaba waxaan qormadan idiinku soo koobayna dib-u-fiirin soo koobaysa Taariikhda Soomaaliyeed oo uu Sheikh Saadiq Eenow la wadaagey dadkii Soomaaliyeed. Waxaan qormada ku dari doonaa tixraacyo dheeraad ah oo kabaya warbixin taariikheedka dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan cirifka bari ee Qaaradda Afrika, sidoo kale waxaa qormadan la socda cod kamid ah taariikhdii uu jeediyey Saadiq Eenow oo barax tiran.

Qormadan aan ka diyaarinay taariikhdii uu soo bandhigay iyo khudbadihii Sheikh Saadiq, waxaan u qaybin doonaa dhawr qaybood. Qaybtan waxaan si gaar ah ugu soo qaadanaynaa siday Soomaaliya ahayd qarniyadii 19aad iyo 20aad iyo sahamadii gumaystayaasha iyo sidii la isaga caabiyey gumaysiga ilaa xorriyadii. Waana qormo koobaysa taariikhdaas dheer.


Dr. Saadiq Eenow Waxa uu Soomaalida u soo bandhigay Fiiro Kooban ee Taarikhdan:

Taariikhdu waxay ka mid tahay waxyaabaha isku xira dadka, oo midnimadooda adkeeya, oo in ay isku dad yihiin tilmaama, oo muujinaya xididka dheer oo ay ku taagan yihiin ee u adkaynaya. Laakiin haddii xididkaas la waayo dadku waa kala firdhanayaa sida Soomaalida hadda ku dhacday.

Soomaalidu waxay leedahay taariikh hodan ah oo aad u qiimo badan oo loo baahan yahay in qofka Soomaaliga ahi wax badan ka ogaado, jiilasha dambena aannu u gudbino si ay uga tallaabsadaan godadka taariikheed ee hor yaalla.

Taariikhda Soomaalidu waxay leedahay facweyn oo guun ah, waxay kamid tahay waxyaabaha la inaga bililiqaysatay. Sida caadiga ah taariikhda waa dhacdo oo sideedii loo soo weriyey, taas oo ah taariikh sugan oo aan laga badbadin ama qayb laga tegin. Taariikhda waa tagto, mana aha waxaad jeceshay ama aad necebtahay, waa dhacdo.

Inta aynaan u gudbin taariikhda fog ee Soomaalida, aan marka hore eegno sidii ay Soomaalidu ahayd Qarniyadii 19aad iyo 20aad.

Labadii boqol (200) ee sano ee ugu danbeeyey oo ah qarnigii 19aad (1800 - 1900) iyo qarnighii 20aad (1900 - 2000) bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Geeska Afrika ma soo marin 10 sano oo xiriir ah oo nabad ah ama ay nabad ku sugnaayeen ma soo marin.

Qarnigii 19aad iyo Soomaaliya

Sannadkii 1800 waxa uu Soomaalida u bilowday ayagoo badankoodu ku sugnaa dhaqankoodii xoolo raacatada ahaa, oo hayaanka iyo geedigu uu ahaa waxyaabaha asalka u ah noloshooda dhaqan-dhaqaale, isku xirnaanshaha beeluhuna ay ahaayeen aasaaska saldhigga noloshooda iyo midda siyaasadeed.

Burburkii imaaraddii Axmed Gurey waxaa markaas laga joogey in ka badan 250 sano (Axmed Gurey waxa uu noolaa intii u dhaxaysay 1507 – February 21, 1543). Dhaawacii Soomaalida xilligaas soo gaaray waa ka soo kabteen. Waxaana xilligaas Soomaalida u hana qaaday imaarado dhawr ah.

Bilowgii qarnigaas 19aad waxaa Soomaaliya ku soo batay ganacsiga iyo doonyaha. Waxaana bartamihii qarnigaas bilowday sahanadii reer Yurub. Maadaama xeebahaas geeska Afrika ay ku soo bateen doonyaha iyo ganacsigu waxaa Ingrisiiskii degeen oo saldhig ka dhigteen Cadan (halkaas oo maxmiyad u ahayd intii u dhaxaysay 1937 - 1963). Cadan waxay Ingriiska u noqotay meel doonyihiisa u socda Bariga-fog ay ku sii nastaan oo shidaalka iyo sahayda ka sii qaataan, waxayna noqotay meel camiran.

Badweynta Hindiya iyo badda Gacanka Cadmeed meesha ay iska galaan waxaa ka kaca hirar aad u waaweyn. Sidaas daraadeed maadaama doonyihii xilligaas ay aad u tabar yaraayeen waxay ku soo dhowaan jireen xeebta. Marka ay soo dhawaadaan dadka Soomaalida ahi, gaar ahaan dhallinyarada ayaa qafaalan jirey, qaab Burcad-badeed oo kale ah.

Hadii aan ku hakano arrinta la xiriirta Burcab Badeeda xeebaha Soomaliya ka jirtey qarniyadii hore waxaa arkeynaa sidan:

Difaacii Soomaalidii hore ee Xeebaha Soomaaliya:

"Burcad badeedii Soomaalidii hore oo sabab u noqotay inaan Soomaalida la addoonsan iyo in la joojiyo maraakiibtii sidey dadka la adoonsanayey"

Dadka Soomaalidu weligood kama mid noqon qowmiyadihii la adoonsaday, ama aan lagu darin dadkii sida addoonta loo kala iibsan jirey. Arrimahaas waxaa saabab looga dhigaa in ay ahaan jireeen weligood dad dagaal yahaniin ah oo aan xeebahooda loo soo dhawaan karin, ahaana dad dhaqaale fiican iyo ganacsi ahaysta.

Tusaale ahaan Buugga "Periplus of the Erythrean Sea" oo laguqoray Afka Giriigga, oo laqoray qarnigii koowaad (100 AD) waxaa ku qoran in dadka deganaa xeebaha Soomaaliya ay haysteen ganacsi badeed hodon ah. Isla markaas waxa uu qoraagu ka digey xeebahaas Soomaaliya (oo loo aqoon jirey Azania) oo uu yiri "waxaa ku sugan rag u dhaqma sida burcad-badeeda," ee yaan loo dhowaan xeebahooda.

Buugga Claudius Ptolemy, (Geographia) oo la daabacay 150 AD, waxa uu tilmaamay in geeska afrika meel koonfur kaga beegan barta lagu magacaabo Raas Gardafuul (Cape Guardafui) oo ku taal xeebta Soomaaliya oo xilligaas loo aqoon jirey Gacankii Berbera (Gulf of Barbaria), in ay joogeen "Dad hannaan qurux-badan oo joog-buuxa oo xoog waaweyn, kuwaas oo ah burcad badeed, oo deggan xeebta oo dhan, halkaasna ka samaysay caaqillo ama jiifaf."

Kun iyo toddoba baqol oo sano ka bacdi, markii la soo gaarey 1854, nin u dhashay dalka Britain oo layiraahdo Richard Burton oo safar ku tegey marsada Berbera, ayaa waxaa walaac ka muujiyey saraakiishii Britain ee ku sugnaa Cadan. Xilligaas werar lagu qaado donyahay maraya gacanku waxa uu aha joogto. Waxaana 1826 la diley sarkaal la oran jirey Major Gordon Laing markii uu ka soo laabtay magaalada Harar. Richard Burton buugiisa "First Footsteps in East Africa" oo uu kag asheekaynayo safarkiisii Harar, waxa uu ku qoray in markii ay isu diyaarinayeen in ay ka baxaan Berbera in la weerar, oo lag adiley nin la oran jirey Stroyan, islamarkaasna la dhaawacay John Speke iyo Burton naftiisa.

Sannadkii 1820 waxaa boqortooyadii Ingriisku ay heshiis la gashay Sheikhyadii Carbeed ee ku xeernaa badda Khaliijka Berbera si loo nabadeeyo Badda Gacanka, halkaas oo ay xilligaas ku baahdey Burcad-badeed. Heshiiskaas waxaa la yiraahdaa "The General Treaty of Peace, 8 January 1820."

Heshiiskaa iyo mid ka dambeeyey oo la sii faahfaaiyey oo dhacay 1839 waxaa lagu qeexay in in la adoonsado ama la iibsado "rag iyo dumar da'dii ay doonaan ha ahaadeene" oo ah dadka qabaai'lka Soomaaliyeed, arrintaas iibsiga dadka oo qudheeda loo tixgeliyey in ay tahay burcad-nimo.

Dadka Soomaaliyeed aan weligood la adoonsan ama aysan noqon waxaa cadeeyey baaritaan uu sannadkii 1876, Guddi ay Boqortooyada Ingriisku u saartay in ay soo baaraan addoonsiga iyo maraakiibta lagu qaado iyo xaaladdooda guud addoonsigii dadku meesha uu marayey iyo xaaladda maraakiibtii dadka la adoonsanayo qaadi jirtey.

Baaritaankasi intii uu socday ayaa guddii waxay su'aalo weydiiyeen sarkaal ka tistaanaa maamulkii maxmiyaddii Ingriiska, waxaana la weydiiyey su'aalah:

  • Dhammaan dadkaas ma waxaa loogu yeeraa addoon, afrikaan, ama ma jiraan kuwo kale oo loogu yero addoon? Waxa uu sarkaalkii ku jawaabay: Waa addoon ah Galla iyo Abyssinians (Itoobiyaan)
  • Dhammaan ma Afrikaan baa? haa ayuu yiri sarkaalkii, oo intaas raaciyey ma arkin ama "ma ogi dad carab ah oo addoon ah",
  • ma jiraan weligeed Soomaali noqotay addoon? markii la weydiiyey waxa uu sarkaalkii ku jawaabay "waa wax naadir ah, Soomaalidu iyagaa addoonta sii xada, laakiin weligay iyo abidkay ma arkin Soomaali addoon ah, haddii ay jiraanaa waa dhif iyo naadir.

October 1855 ayaa boqortotooyadii Ingriiska governrkiiu joogey Cadan waxa uu qabaa'ilka Soomaali ah la saxiixday in haddii la arko markab sida addoomo in markabkaas la qabto oo lala wareego isla markaasna dadka addoonta ah ee saaran la siidaayo ama la xoreeyo. Sidoo kale November 7, 1856 ayaa waxaa magaalada Berbera waxaa heshiiska ku kala saxiixday sarkaal Ingriiska u fadhiyey Cadan oo u qaablisanaa siyaasadda iyo beesha Habar Awal ee Soomaaliyeed. Qodobka 4aad ee heshiiskaasi waxa uu dhigayey in gebi ahaanba la joojiyo oo addoon la soo marsiin karin Berbera iyo gebi ahaan dhulka beesha.

Sidoo waxaa taariikhda ku cad in Soomaalidu ay qayb weyn ka ahaayeen joojinta addoonsiga laga dhoofinayo Afrika iyo Aasiya. Heshiis 17 Febraayo 1866 dhex maray Suldaan Maxamuud Yuusuf iyo sarkaalkii arrimaah siyaasadda u qaabsanaa maxmiyaddii Igriiska ee fadhiyey Cadan, waxaa heshiiskaas ku cad : In gebi ahaanba la joojiyo lana mamnuuco adoonsiga dadka looga qaadayo Afrika iyo Aasiya. Haddii la arko Markab sida addoon in la qabsado oo lala wareego oo dadka saarana la siidaayo.

Haddii aan intaas kaga gudubno qormadii dhextaalka ahayd, oo aan u soo laabano  Qarnigii 19aad iyo taariikhdii uu soo bandhigay Dr. Saadiq Eenow:

1825kii waxay ahayd markii u horeysey ee Ingriiska uu damco Soomaaliya. Doon uu leeyahay Ingriisku ayaa lagu afduubtay Berbera. Dadkii lasocdeyna waa la laayey, hantidiina waa la dhacay. Markaas ayaa sarkaal Ingiriis ah waxa uu yimid xeebaha Soomaaliyeed waxana uu heshiis la galay qabaa'ilka degganaa xeebaha si uu ammaan uga helo iyo in ay magdhaw ka siiyaan doontii iyo dadkii laga laayey, haddii kale waa ku soo duulayaa, qabaa'ilkii heshiiskaas waa ogolaadeen.

Qarniga bilowgisii boqortooyadii Cumaan oo uu Suldaan ka ahaa Sayid Siciid ayaa u soo guurtey Zenzibar ayagoo daba socda ganacsiga Afrika, siiba ganacsiga xayawaanka duur-joogta iyo iibsigii Bini-Aadamka (dadkii la dhehi jirey Addoomada), kuwaas oo kaaba-qabiilada siin jirey lacag iyo wax dhal-dhalaalaya si ay ugu soo ururiyaan wiilasha iyo gabdhaha dhallin yarad ah. Maadaama ganacsi xoog leh halkaas uga furnaa ayaa saladanii Cumaan usoo guurtey Zengibar.

Markaas ayaa suldaankii Zengibar wuxuu la xiriiray xeebihii Koonfurta Soomaaliya, sida Xamar, Marka, Baraawe iyo Kismaayo. Waxana uu geeyey rag masuul uga ah. Waxana uu Soomaalida ugu sheekeeyey waxan ahay Nebi Muxammed (SCW) duradiisii, nin Islaam ah ayaan ahay ee maadaama aan Ashraaf ahay ii ogolaada in aan dusha idinka maamulo. Dadkuna reer miyi ayey u badnaayeen, waana iska ogolaadeen. Weliba magaalooyinka dad Carab ahina waa deganaayeen kuwaas oo dhankiisa ahaa.

Markii xoogaggii reer Yurub kusoo bateen xeebaha  Afrika waxay xiriir la yeesheen Suldhaankii Zengibar. Dawladdii u horeysey oo xiriirka wanaagsan la yeelatey Ingriiska ayuu ahaa, waxaa ku xigey Jarmalka iyo Talyaaniga oo goor dambe yimid.

Talyaanigu waxa uu 1885 bilowgiisii ayaa Talyaanigu waxa uu suldaankii Zengibar ka codsaday in uu kusoo wareejiyo degmooyinka ku yaal Koonfurta Soomaaliya. Suldaankii arrintaas waa ka diidey. Markaas ayaa Talyaanigii waxa uu yiri diidamadaasi waa ihaano la igu sameeyey, marka waa in aan ku duulo jasiiradda Zengibar. Xilligaas Seyid Saciid ma noolayn waxaana jasiirada suldaan ka ahaa wiilkiisii Barqash. Ingriiska ayaa kala dhex galay oo u dallaalay, yirina ogolow in aad dhulkaas xeebaha Soomaaliyeed siisid Talyaaniga, lagna ka qaado. markaas ayaa Seyid Barqash waxa uu talyaanigii u ogolaaday xeebahaas. (Waxaan qormada dambe ku arki doonaa sidii aay dadkii ku noolaa xeebaha Koonfureed ay isaga caabiyeeen Talyaanigii).

Xilligaas, xuduudda Soomaaliya oo dheer waxaa ku socdey sahanno farabadan oo ka imanayey dalalka reer Yurub. Sahamadaas waxsay markoodii hore xiisaynayeen oo ay fiirinayeen meelaha biyaha leh iyo khayraadka dhulka geeska Afrika, ganacsiga, dadka noloshooda, waxyaabaha khilaafaadka ee ay dadku isku hayaan, waxyaabaha ay heshiiska ku yihiin iyo taariikhda dhaw ee dadkaas. Waxayan sahamiyayashaasi la kulmeen dhibaatooyin farabadan iyo caqabado ka hor yimid.

Sannadkii 1869 markii la furay Kanaalka Suweys (Zuez canal). Kanaalkaasi waxa uu soo dhaweeyey isu socodkii Badweynta Hindiya iyo doonyihii ka imanayey Yurubta Galbeed. Doonayahaas ka imana jirey Yurubta waxa ka soo jiroon jireen Koonfur Afrika. Fogaantii la isu socon jirey waxay noqotay kala bar kaddib markii lafuray kanaalka. (Kanaalka Zuez waxaa dhismihiisa la bilaabay 1859 waxaana la qodayey muddo 10 sano ah. Waxaana maraakiibta loo furay November 1869.)

Furitaankii Kanaalka Zuez waxay kor u qaaday xiisahii loo qabay degaankeena Soomaaliyeed. Waayo maraakiibtii oo dhan ayaa waxay noqdeen kuwo wadadeenii soo mara. Arrintaas ayada ah waxay keentay in xoogaggii reer Yurub isku qabsadaan. Taasi waxaa ka mid ahayd waxyaabahii keenay Fadhigii Berlin ee 1884-1885 iyo  Fadhigii Begium. Fadhiyadaas oo lagu qaysanayey awoodii dhulalkan looga talin lahaa. Dhulalka la qaysanayey nasiib darro waxaa ka mid noqday dhulkeena Soomaaliyeed; Saddex xoog oo shisheeye ay ayaa kala qaatay: Faransiiskii oo qaatay Jabuuti, Ingriiskiina wuxuu qaatay Woqooyi, Talyaaniguna wuxuu qaatay Koonfurta. Waxaa intaas weheliyey Boqortooyadii Itoobiya oo damac kaga jirey dalka Soomaaliya oo ayaduna ka soo sikatay dhanka Galbeedka Soomaaliya.

Waxaa jirey 1874 ayadoo hayaamadii sahamintu ku socotey dhulka Soomaalida, oo qabaa'il is laynayaan, ayaa magaalada Cadan markii ay camirantay ayaa waxaa dhacday in dadkii ku noolaa dhanka xeebta Soomaaliya uu soo geliyay kharash badan. Marka reerkii meesha ka xigey reeraha kale waxa uu yeeshay hanti badan, halka reerihii dhulka gudaha ku jirey ay weli ahaayeen geeley sabool ah. Waxaa dhacay khilaaf xoog weyn.

Taariikhdan waxaan u xusaynaa xaalad ay gebi ahaan Soomaalidu ku sugnaayeen, heshiiskii la heshiisiinayey labadii reer: War hantidaan wax naga siiya walaalihiin ayaan nahay, iyo maya, waxaa ka dhacaay dagaal. Dagaalkaas oo muddo socdey. Fadhi kasta oo la isu yimaado waa la heshiisiin waayey. Gabay la yiraahdo Dal dhameeye ayaa nin degaaankaasi ahi katiriyey dhacdadaas. Gabagaas waxaa yaab leh ninkaasi Soomaaliya oo dhan ayuu tilmaamayaa oo tusinayaa xaaladda ay ku sugnayeen.

Qarnigaasi waxa uu dhammaaday ayadoo ay sii socdaan sahamadii iyo qaybsigii Soomaaliya.

1854 - Waxaa Soomaaliya sahan ku tegey laba kabtan oo ah Burton iyo Speke.
1875-1876: waxaa xeebta Berbera iyo Webiga Jubba soo gaaray masaaridii.
1883 - M. Revoil ayaa sahan ku tegey Jubbada Sare ee Soomaaliya
1884-1885 - Sahan u wato F.L. James ayaa garey Soomaaliya
1884-1885: Waxaa magaalada Berlin lagu qabtay shirkii lagu qaybinayey Afrika (Berlin Conference of 1884-1885)
1889-1890 Talyaanigii ayaa maxmiyadiisii gaarsiiyey xeebaha Soomaaliya oo ka soo bilaabanaya gacanka cadmeed ilaa webiga Jubba.
1890-1892 - Waxaa Soomaaliya sahan ku tegey safar Talyaani ah, gaar ahaan sahankaas waxaa ka mid ah aa Signor Robecchi, Lieutenant Baudi di Vesme, Prince Ruspoli, Captain Battego iyo Captain Grixoni.

Qarnigii 20aad iyo Soomaaliya

Sannadkii 1900 waxa uu Soomaalida u bilowday ayadoo xaaladda aan kor ku xuysnay lagu jiro. Qarnigaas Soomaalidu waxay sameeyeen iska Caabin farabadan oo ay iskaga caabinayeen xoogagaaan damaca wadey ee gumaysiga ah in laga hor tago.

Ka hortaggaas taariikhda waxay xustaa qabaa'ilka Biyo-maal dhaqdhaqaaqoodii xoogga lahaa ee iska caabinta gumaysisga. Waxa kale oo taariikhdu xustaa kacdoon ka dhacay Kismaayo. Kacdoonadas marka la isku daro kii u weynaa waxa uu ahaa Kacdoonkii Daraawiishta ee socdey 20 sano. Kaas oo markii dayuurado loo adeegsadey aakhirkii la jebiyey 1921.

Buugii laga qoray Seyid Maxamed Cabdulle Xasan, ninka qoray buugga "Mad Mullah" oo ah ninkii jebiyey waxa uu sheegayaa in Seyidka iyo ciidamadii Daraawiishtu ay ahaayeen dad wadaniyiin ah, oo dalkooda u diidanaa in la guamsto. Sharafna waxa qofka ugu filan waxa uu u qiro ama ictiraafo kii isaga ka soo horjeedey.

Markii Daraawiishkii meesha ka baxday, Soomaalidu waxay sii wadeen iska caabintii gumaysiga ayagoo wadey dagaallo googoos ah. Waxaa ka mid ahaa:

Boqor Cismaan: waxa Talyaanigii u soo qoray waraaq, lagu amrayo in uu hubka dhigo oo is dhiibo. Wuxuu markaas Boqor Cismaan shiriyey raggiisii oo uu weydiiyey "ma is dhiibnaa, mase weynu dagaallanaa". Waxaa shir bil qaatay ka socdey meesha la yiraahdo Noobir, waxaana laga tashanayey arrintaas. Waxaa halkaas laga soo saaray go'aan in aysan is-dhiibayn. Markaas ayaa Talyaanigii weerar oo boqorkiina qabtay, magaalooyinkii lala dhacay madaafiic, laba sano ayaa dagaalkaasi socdey.

Iska caabintii Sheikh Xasan Barsane: Dagaalkaasi markii uu bilowday waxaa gumaystayashii qabteen Sheikh Xasan barsame, waana la xiray waxaana lagu diley xabsiga. (Sanadkii 1924 ayaa Sheikh Xasan Barsane waxa uu hor kacay kacdoon ka dhacay Shabeelle oo looga soo hor jeedey gumaysigii Faashiistaha Talyaaniga. Dabayaaqadii sannadkaas ayaa kacdoonkaas la caburiyey, waxaana la xiray Shaykh Hassan Barsane, shan sano kabacdi ayuu ku geeriyoodey isagoo weli ku jira xabsiga 1926).

Iska caabintii Cumar Samatar: Dagaalkii iska caabinta ahaa ee uu hor kacayey Cumar Samatar waxa u usocdeey laba sano. isgana wa la caburiyey.

Dhanka Woqooyiga waxaa ka kacay saddex nin oo wadey halkan oo iskacaabin xoog leh oo isugu jirey dagaal, qalin iyo af. Kuwaas oo kala ahaa Sheikh Bashiir, Faarax Oomaar iyo Xaaji Aaden Af-qallooc.

Iska caabintii Sheikh Bashiir: Waxa uu bilaabay halgan iyo dhaqdhaqaaq iyo dagaal uu kaga soo hor jeedey gumaysigii Britain, waxaana durbadiiba gumasigii kala hor tegey caburin. Shiekh Bashir Yussuf waxaa la diley 1945, meel u dhow magaalada Burco.

Qalin ku difaacii Xaaji Faarax Omaar: Waxay firfircoonidiisii si weyn u soo shac baxday wixii loo gaaray sannadkii 1920. Waxana uu biloaabay in uu Soomaaliya oo dhan u hadlo oo u noqdo abuukaato ama u doode. Isagoo ah dhallinyaro ayuu raadiyey Taarka wasaaradda arrimaha dibadda ee Ingriiska. markii uu helay ayuu u diray Taar ay ku qoran tahay "HAYAAY, HAYAAY, HAYAAY,". Taarkii markuu ku dhacay wasaaradda Arrimaah dibadda Ingriiska,  ayey is weydiiyeen luqaddaas, markii la arkay in uu ka yimid Hargeysa ayaa la raadiyey qof Soomaali ah oo garanaya afkaas. Waxaa markaas magaalada (London) wax Soomaali ah laga helay Caabi Faarax. Odaygii ayaa loo yeeray oo la weydiiyey macnaha kelmedaahaas in uu tarjumo, wuxuu ku tarjumay "Ayadoo aad joogtid meel mugdi ah, oo ay tahay habeen, oo hawd dherer badan oo roob iyo daruur adduunkii xiray,  adiguna aad huruddo, haddii libaax halkaas bawdada ah kugu dhego oo kula booday, nin dhehi waayey 'war iga dhiga' ayaa waxa uu dhahaa: hayaay, hayaay, hayaay." Markaas ayaa Ingriiskii waxay fahmeen in meeshaan wax culusi jiraan. Baarlamaankii wuxuu ku khasbanaaday in uu wafti u soo diro Hargeysa. Markii la arkay firfircoonidii Oomaar iyo inuu u doodayo dadweynaha waa la masaafuriyey, waxaana la geeyey Cadan. Dhaqdhaqaaqiisii ma damin, waxanauu sii wadey dagaal nabad ah oo uu doonayey in uu xaqa shacabka ku soo dhiciyo.Waxana uu geeriyooday 1948 isagoo weli ku jira halgankii.

Somali SYLBaraarujintii Xaaji Aaden Axmed Afqallooc: oo ahaa aftahay waxa uu furtay afkiisa si uu u baraarujiyo Soomaalida, oo tusa waxa ay midnimadu tahay. Waxana uu tirin jirey gabayo iyo suugaan uu ku guubaaniyo dadka si ay heeryada gumaysiga isaga qaadaan. Xaaji Aaden Afqallooc waxa uu geriyoodey 1986 isagoo aad uga weyn 100 sano-jir. Waxana uu Soomaalida uga tegey gabayo taariikhi ah oo Soomaalida ku tusayey waxa ay tahay Soomaalinimadu.

Dhaqdhaqaaqii Soomaalidu waxaa uu sii socdey sannadihii 1920-naadkii iyo 1930-naadkii, laakiin markasta waa la muquuninayey mar kasta.

Dagaalkii 2aad ee Adduunka ayaa dhacay (oo socdey 1939 - 1945). Dagaalkaas intii uu socdey waxaa Soomaali u kacay dhaqdhaqaaqii gobonimo doonka ahaa ee leegada oo ay hor seedayeen dhallinyarada Soomaaliyeed. Waxaa ururka dhallinyarada ee SYL la asaasay 1943.

Maxamed Saalax Ladane oo 96-jir ah oo weli nool, kana mid ahaa raggii laf dhabarta u ahaa leegada, waxa uu Saadiq Eenow u sheegay "shan (5) nin oo keliya ayaa wax qoraal qori kara nagu jirey markii halgankaas leegada la bilaabayey, shan nin oo keliya oo la dhehi karo hebel-iyo-hebel. Laakiin dadka qalbigooda ayaa wanaagsanaa, taas oo ahayd aqoon. Laakiin maanta waxaad tihiin dad kumayaal ah oo haysta shahaadooyinka ugu sareeya." Halkaas oo uu ku muujinayey ama ku hoga tusaalaynayey qalbig afiyow in uu wax qaban karo.

Dhaqdhaqaaqaasi SYL muddo 17 sano ah ayuu gobanimo ku gaarsiiyey Soomaaliya.

Waxaa markaas bilowday 9 sano oo ay Soomaali u dhisantay  dawlad rayad ah, waxaana is bedeley saddex ra'iisul wasaare kuwaas oo mid kasta uu ka tegey taariikh culus. Cabdirashiid Cali Sharmaarke (12 Jul 1960 - 14 Jun 1964), Cabdulrasaaq Xaji Xuseen (14 Jun 1964 - 15 Jul 1967) , Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal (15 Jul 1967 - 1 Nov 1969). Waxaa ka nool C/risaaq Xaaji Xuseen oo xilligan deggan Minneapolis.

Kaddib ciidamadii ayaa Soomaaliya la wareegey (October 21, 1969). Halkaasna waxaa ku jirta taariikh. Kaddib waxa dhacay waa la ogaa.

Taariikhdaas dheer ee Somaalida qaybaha muhiimka ah iyo sida gumaystayaashii u qaybiyeen Soomaaliya, iyo halgamadii oo faahfaahsan waxaan ku arki doonaa qaybaha soo socda ee qormadan. Insha Allah.

AKHRI Qaybta 2aad...

Dr. Saadiq Enow, waa taariikhyahan, qoraa, dhakhtar iyo macallin Soomaaliyeed. Waxaana lagala xiriiri karaa Email: enow2@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 26, 2010

Tixraac: Buugaagta aan tix raacnay:

Warbixintan waxaa linkigeedu waa: http://www.somalitalk.com/saadiq/

Isha sawirada qaar: Wikipedia.org & Google images

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 

YAA UMAQAN TAARIIKHDA SoomaaliDA


Taariikh Kooban: Geeska Afrika

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab saddex-geesoole "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

May 5, 1936 Talyaaniga ayaa qabsaday magaalada Addis Ababa, kaddib markii halkaas uu ka cararay Xayle Selasi. Waxaana markaas Talyaanigu gumaysatey Itoobiya intii u dhaxaysay 1936-1941.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.

Somalia-Ethiopia-Kenya 
1960: Kahor xoriyadii Soomaaliya, July 1960, Fransiiska iyo Talyaanigu oo ahaa kukii siihayey dhulka Soomaaliya waxa ay ku guul-daraysteen in ay xad sugan oo Soomaaliya leedahay suntaan

1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Aadan Cabdullah Cusmaan
ayaa noqday madaxweynihii u horeeyey ee Soomaalida xorta ah

7/1960: Rabshado kadhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa labada dhinacba adkeeyeen ammaanka. Soomaaliya waxa ay dhiirigelisey NFD xoriyad gaarsiinteeda, Ingiriiskana xiriirkii ayey u goysey kadib markii Ingiriisku go'aansaday in uu NFD kudaro Kenya. Madaxdii Afrikaankuna Soomaaliya gacankuma siin Qadiyada NFD. 13beri kadib markii Kenya Xoriyada qaadatay, December 1963, waxa ay NFD kusoo rogtey xaalad degdega.

1/1964: Waxaa dagaal ka dhexqarxay Soomaaliya iyo Itoobiya, dagaal la xiriira dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumeysato .

4/1/1964: Waxaa hirgalay xabadjoojin dhexmartay Soomaaliya iyo Itoobiya

10/15/1959: Waxaa la diley Cabdirashiid cali Sharmaarke, oo ahaa Madaxweynihii Soomaaliya, oo safar kumaraya Gobolada dalka.

21 Oct 1969: Waxaa wadanka inqilaab ku qabsaday ciidan militari oo uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre. 1/1977: Waxaa kor u kacay xiisada dhulka ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

July 23 1977: ciidanka Soomaaliya ayaa galay dhulka Soomaaliyeed ee gobolka Ogaden. Ethiopia waxa ay taageero militari ka heshay dalalka USSR, Cuba iyo Libya. Dagaal khasaare badan geysey ayaa dhexmaray Somali iyo Itoobiya. November 1977 Soomaalidu waxa ay eryeen ruuskii ku sugnaa cariga Soomaaliya. Waxana ay Soomaaliya markaas mucaaniwo weydiisatey USA iyo UK. USA waxa ay ogolaadeen oo qura taageerida aadaminimo, halka UK ay Soomaaliya siisay mucaawino aadamino iyo hub intaba. OAU ayaa isku deyey in ay wadahal soo qabanqaabiyaan laakiin waftigii Soomaaliya ayaa kabaxay wadahadalkii. Itoobiya waxa ay bilowdey habkii lamagbaxay "scorched earth" oo afsoomaali ahaan u dhiganta "u cadayn dhulka sidii laf hilibka laga xaquuqay" kan oo ahaa in lasumeeyo biyaha, la laayo xoolaha, dhulka ladeganyahay lagabarakiciyo, taas oo dhanka ahayd  (SALF). Taageero ay Itoobiya ka heshay Ruuska awgeed waxa ay dib u qababsatay  Somali galbeed (ogaden) markey taariikhu ahayd March 15 1978. Reference: Somalia History


Wararkii 2004: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO